Author: Jibril Qoobey

Ra’isal Wasaare  ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay weheliyaan Wasiirrada Maaliyadda iyo Xannaanada Xoolaha, Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’isalWasaaraha iyo mas’uuliyiin kale,ayaa maanta Magaalada Riyaad kula kulmay qaar ka mid ah Wasiirrada Boqortooyada dalka Sucuudi Carabiya. Wasiirada iyo mas’uuliyiinta kale ee kulamada uu la qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kala ah wasiirka arrimaha dibada, wasiir ku-xigeenka maaliyada iyo sii hayaha Wasiirka ganacsiga, iyo ku-xigeenka Madaxa Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga. Marka laga soo tago kulamadaas,waxaa jira ilo lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in Dowlada Sacuudigu ugu deeqday Dowlada Fadaraalka Somaliya dhaqaale Cadaan,kaasoo ay soo gudoomayaan waftiga uu…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ganacsatada Soomaalida ee qaadka ka keensan jirtay dalka Kenya ayaa gabi ahaanba ku dhawaaqay inay joojiyeen qaadkii ay ka keeni jireen dalkaasi. Gudoomiyaha Guddiga qaadleyda Somaliyed Qooje Maxamuud Qayliye, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta ay ugu dambeyso qaad laga keeno dalka Kenya. Guddoomiye Qooje ayaa sheegay inay doorteen garab istaaga dalkooda iyo dadkooda, islamarkaana Suuqii ganacsiga ee qaadka maanta wixii ka dambeeya ay u wareejiyeen dalka Itoobiya. “Laga bilaabo maanta waan joojinay qaadkii inooga imaan jiray Kenya, waxaana ka dooranay difaaca qarankeeda, badeena & dhulkeena, wixii intaasi dheer oo Siyaasad ah waxaan u dhaafnay Dowladda…

Read More

LONDON (IDIL NEWS)-Shirkadda Spectrum oo ah shirkadii sahminta ku sameysay Shidaalka Soomaaliya ayaa War ka soo saartay arrinta sahminta shidaalka Soomaaliya iyo cabashada ka timid Kenya oo sababtay khilaaf soo kala dhex galay dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Qoraal ay shirkadda Spectrum soo saartay ayaa waxa ay ku sheegtay in Shirkii Magalada London ka dhacay 7-dii Bishaan lagu xaraashin xirmooyin la sahmiyay ee shidaalka Soomaaliya. Sidoo kale shirkaddu waxa ay sheegtay in dhul Baddeedka sahminta lagu sameeyay ee lagu soobandhigay shirkaas uu yahay mid ay leedahay Soomaaliya,kadib markii dowladda Kenya ay sheegtay in Soomaaliya ay suuqgeyn u sameysay Dhul ay leedahay…

Read More

NAIROBI (IDIL NEWS)-Wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya Moniko Juma ayaa lafilayaa in Maanta oo Talaado ah inay hortagto Baarlamaanka dalkaas si wax looga weeydiiyo khilaafka cusub ee Siyaasadeed oo xilligaan u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Katoo Metito oo ah Guddoomiyaha guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda baarlamanka Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in sababta ay Wasiirka Arrimaha dibada ugu yeereen ay tahay in ay ogaadaan waxa dhaliyay xilligaan khilaafka Soomaaliya iyo Kenya. Warar kale oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Haweenyda wasiika Arrimaha dibada ka ah Kenya ee Monico Juma ay Soomaaliya imaan doonto si looga wada xaajoodo…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa dhowaan soo dhisay Golihiisa Xukuumadda, Isagoona sabtidii lasoo dhaafay codka kalsoonida ah si aqlabiyad leh uga helay Golaha Wakiilada Dowladda Puntland. Golaha Xukuumadda cusub ayaa hada bilaabay inay kala wareegaan Xarumaha Wasaaradaha Wasiiradii Xukuumaddii hore, Iyadoona la filayo inay Maalmaha soo socda soo idlaato Xil wareejintan. Warar laga helayo Madaxtooyadda Dowladda Puntland, ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu dhowaan bilaabayo socdaal uu ku marayo Degaanada Puntland, kuwaas oo intooda badan uu horey u soo maray markii uu ahaa Musharaxa. Madaxweyne Deni ayaa la sheegay in safarkiisa ugu horeeya uu si…

Read More

JALALAQSI (IDIL NEWS)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo duleedka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ku dhexmaray rag ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo Ciidamada Jabuuti oo ka mid ah Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya. Dagaalka ka hor ayaa ciidamada Jabuuti waxa ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabeen duleedka degmadaas,kadib markii weeraro hoobiyeyaal ah lagu qaaday Saldhig ay halkaasi ku lahaayeen,hayeeshee waxaa weerar kusoo qaaday rag ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Dadku sugan degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in dagaal culus uu duleedka degmada Jalalaqsi ku dhexmaray ciidamada Jabuuti iyo Ururka Al-Shabaab,hayeeshee aysan cadeyn karin…

Read More

BUJUMBURA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Burundi ayaa xalay waxaa dalkaasi loogu sameeyay munaasabad Casho sharaf ah oo uu ku marti qaaday Madaxweynaha dalkaasi Burundi Pierre Nkurunziza. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa safarkiisa Burundi ku wehliya mas’iiliyiin ay ka mid yihiin Wasiika Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed(Amar-dambe) iyo taliyaha Ciidanka xooga Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe). Intii lagu guda jiray munaasabadda Casha sharafta ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu la kulmay Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza,waxaana ay kulankooda iskula soo qaadeen xaalada Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. In kastoo uu weli harsan…

Read More

Xaafiiska Xisbiga Wadajir ee uu hogaamiyo CC.Warsame ee Garowe,ayaa albaabada loo laabay. Xiritaanka Xaafiiskan waxaa amray Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Gu’jir oo fulinaya sida aan xogta ku helnay amar kaga yimid dhanka Madaxtooyada Puntland. Cabdiraxmaan Cabdishakuur,ayaa si xoog leh waxaa loolan ugala dhaxeeyaa madaxda Dowlada Fadaraalka xiligan hogaaminaysa. Waxaa xusid mudan in Xisbiyo dhawr ah ay Xaafiisyo ka furteen Garowe,kuwaasoo uu ku jiro Xisbiga Madaxweynihii hore Somaliya Sh.Shariif Sh.Axmed. Go’aanka lagu xiray Xaafiiska Xisbiga Wadajir,ayaa noqonaya mid lagu qancinayo Dowlada Fadaraalka ah sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo. Dhanka kale waxaa horay ujiray dhaleecayn ku aadan furida Xisbiyada Xamar…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Ciidamada amniga Dowladda Puntland, ayaa caawa howlgallo culus ka wada Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Degaanada Puntland. Howlgalada oo ah kuwo ay fulinayaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada amniga Puntland, ayaa ah kuwo qeyb ka ah howlgaladii maalmihii ugu dambeeyay ka socday Boosaaso, kuwaas oo lagu baadi goobayo kooxaha falalka ammaan darro ka geysta Magaalada. Ciidamada amniga Dowladda Puntland, oo howlgaladan ka wada xaafadaha Magaalada Boosaaso, ayaa galaya guryaha, Iyagoona sidoo kale Shacabka weydiinaya Aqoonsigooda. Saraakiisha Ciidamada ammaanka Puntland, ayaa sheegay in howlgalada kaddib ay warbaahinta la wadaagi doonaan Macluumaad la xariira howlgalka iyo cida lagu soo qabtay.…

Read More

Socdaalka Wasiirka oo ah martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa dalka Koonfur Africa ayaa waxaa inta uu joogo la qaadan doono kulamo Wasaarada waxbarashada sare iyo tababarada kuwaa oo looga hadlayo dhameystirka heshiis is afgarad ahaa oo u dhaxeeyay labada wasaaradood iyo sidii loo xoojin lahaa xariirka waxbarashada ee labada wadan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

BUJUMBURA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Burundi, waxaana garoonka diyaaradaha Bujumbura kusoo dhaweeyay dhiggiisa dalkaas Mudane Pierre Nkurunziza. Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM. Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo lagu lafo-gurayo adkaynta wada shaqaynta ka dhexaysa labada dal iyo danaha ay wadaagaan waxa ay la yeelan doonaan dhiggooda dalka Burundi. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib u xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, si ay isaga…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qeyska Dowladda Puntland Marwo Aamino Cismaan Xaaji Jaamac, ayaa maanta Xilkii kala wareegtay Wasiiradii hore ee Wasaaradaas Marwo Maryan, Iyadoona Munaasabadda xil wareejinta ay goobjoog ahaayeen Guddiga la socoshada Xil wareejinta. Wasiiradii hore ee Wasaaradda Haweenka Puntland, oo si rasmi ah xilka ugu wareejisay Wasiirada Cusub, ayaa ka warbixisay Dhismihii Wasaaradda iyo Degaanada ay xarumaha ku lee dahay, Sidoo kale wasiirada ayaa Sheegtay in Wasaaradda ay ugu timid 180,000 oo dollar oo deyn ah, balse haatan aan waxba lagu laheyn. Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qeyska Dowladda Puntland Marwo…

Read More

HARGEYSO (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa ka hadlay Go,aankii Madaxweynaha Dowladda Puntland uu kaga hor dhawaaqay Golaha Wakiilada Puntland Sabtidii, kaas oo ahaa inay Xukuumaddiisu Miisaaniyad gaar ah u sameynayso xureynta Gobolada Sool iyo Sanaag oo degaano ka mid ah ay Gacanta ku heyso Somaliland Wasiir Saleebaan Koore ayaa sheegay inay maqleen hadalkaas, isla markaana Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Somaliland ay diyaar u yihiin inay difaacdaan degaanadeedo. Waxa uu tilmaamay in Somaliland ay marwalba sida ay doonto ka yeelaneyso degaanada Gobolada Sool iyo Sanaag oo ay maamulaan, Isagoona tibaaxay in Ummadu ay u baahan tahay nabad iyo…

Read More

Wargaysa African Exponent oo ka mid ah kuwa ugu afka dheer qaaradda Afrika, isla markaana kasoo baxa dalka Tanzania ayaa ku camirtay dalka Kenya, isagoo qoray sheeko uu cinwaan uga dhigay ”Kenya oo isku ceebaysay muranka diblomaasiyadeed ee ay ku weerartay Somalia!” Wargayska ayaa sheegay in Kenya ay dooratay erayo ixtiraamka ka arradan, isla markaana ay ogaysiis la’aan cayrisey ergaygii Somalia u fadhiyay dalkeeda, halka Somalia ay ku jawaabtay wax muujinaya jawaabta uu bixin lahaa dal casri ah oo dunida la jaan qaadaya, taasoo buu yiri ukun fuunto ah wejiga uga jebisey Kenyan. Kenya ayaa mar qura 2009-kii jeebka kala…

Read More

Waxa mar kale soo if baxay khilaafka qotoda leh ee u dhexeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ee ka taagan soohdinta badda ee ay ku muransanyihiin. Xiisaddaa diblomaasiyadeed ee u dhaxaysa labada dal waxay soo laba kaclaysay maalmo ka hor oo ay Kenya ku eedaysay Soomaaliya in ay London ku “xaraashtay” goobo la sahamiyey in saliidi ku jirto oo ku yaal xuduudda badda ee lagu muransanyahay. Buqcadda lagu muransanyahay oo ah saddex xagal bedkeedu yahay qiyaastii 100,000km isku wareeg ah, ayaa la isku maan dhaafsanyahay nooca ay noqonayso xagasha xariiqda labada dal kala xadaynaysaa.Todabadii Abriil 2009-kii, ayaa dawladda Kenya iyo dawladii…

Read More

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xisbiga wadajir ayaa lagu sheegay in Xisbigu Dowladda ku garab taagan yahay ilaalinta wadajirka,midnimada xuduudaha dalka iyo madax banaanida Qaranka Soomaaliya. Warsaxaafadeed ka soo baxay Xisbiga wadajir ayaa lagu sheegay in Xisbigu Dowladda ku garab taagan yahay ilaalinta wadajirka,midnimada xuduudaha dalka iyo madax banaanida Qaranka Soomaaliya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka, oo uu Hoggaamiyo Madaxweynihii Hore ee Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay muranka diplomaasiyadeed ee soo kala dhex galay dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya, xiriirkana la leh muranka xuduud baddeedka ee labada Dal. Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ayaa soo dhaweeyay Mowqifka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaadatay Xiisada Siyaasadeed ee ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Kenya, waxaana uu sheegay inay Soomaaliya xor u tahay ka talinta iyo Go,aaminta Sugnaanta Xaduudaheeda iyo kheyraadka ku jira. Xisbiga UPD ayaa ugu baaqay Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya inay shacabka Soomaaliyeed la wadaagto xogaha dhabta ah…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta daah furay bilaabashada mashruuc lagu dhisayo waddooyinka xiriiriya Muqdisho,Afgooye iyo jowhar. Dowladad Federaalka Soomaaliya iyo shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo ku guuleysatay dhismaha waddooyinkan ayaa kala saxiixday heshiis ku aadan sidii loo dhisi lahaa wadooyinkan. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa goob joog ka ahaa madasha heshiiska lagu kala saxiixday. Dowladda Qadar ayaa maalgelineysa dhismaha waddooyinkan isku xira magaalooyinka Muqdisho,Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan Gobolada Banaadir iyo Labada Shabeelle. Dhismaha wadooyinkan ayaa waxay muhiim…

Read More

QAAHIRA (IDIL NEWS)-Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar waxaa ka socda oo maalintii labaad galay shirka heerka sare ee guddoomiyeyaasha Maxkamadaha sare,maxkamadaha iyo Goleyaasha Dastuuriga ah ee dalalka Afrika. Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saarayaa hannaan hufnaanta xukunka Maxkamadeedka iyo isdhaafsiga waayo aragnimada Garsoorayaasha Afrika,waxaana sidoo kale shirkan lagu soo bandhigi doonaa sharaxaad ku saabsan waxyaabaha ku jira go’aanka maxkamadaha dastuuriga ah ee Afrika. Shirkan ayaa Soomaaliya waxaa ugu qeyb galaya Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed. “Waxaan magaalada Qaahira kaga qaybgalay shirka heerka sare ee Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare, Maxkamaddaha iyo Goleyaasha Dastuuriga ah…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Burundi Mudane Pierre Nkurunziza ayaa ka wada hadli doona xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca nabadgelyada. Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM. Dowladda Burundi ayaa ka careysan mowqifka midowga Afrika ee dalka looga saarayo dhamaadka bishan kun kamid aha skartooda, kuwaasoo laga wadayo…

Read More

NAIROBI (IDIL NEWS)-Ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya, ayaa Shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin inay joojiyaan Qaadka ay u soo dhoofiyaan Soomaaliya, si ay garab istaag ugu muujiyaan Dowladooda oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Dowladda Soomaaliya. Afhayeenka ganacsatada Qaadka dalka Kenya Kimithi Munjuri, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay joojiyaan Qaadka ay u keenaan Soomaaliya, haddii ay dowladda Soomaaliya sii wado muranka dhinaca badda iyo xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal u dhaxeeya. Afhayeenka u hadlay Ganacsatada qaadka ayaa sheegay in soomaaliya markasto ay ku goodiso in ay joojinayso qaadka. “Kuma iibsan karno Qaad madax bannaanida dalkeenna.. Soomaliya waxay…

Read More

PORT ELIXABETH (IDIL NEWS)-Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo sidoo kale ahaa Ganacsade. Muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Ibraahim, wuxuuna dilkiisu ka dhacay Xaafada New Brighton Magaalada Port Elizabeth Ee Gobolka Eastern Cape ee dalka koonfur Afrika. Sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah Ganacsatada Xaafadda uu dilka ka dhacay, kooxo hubeysnaa ayaa hoygiisa ku weeraray, islamarkaana ku dilay, Iyadoona ka baxsaday goobta. Sanadkaan cusub ee 2019-ka kooxaha burcadd koonfur Afrikaanka ah ayaa kordhiyay dilalka ay u geystaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed. Dhanka kale Ciidamadda amaanka dalka Koonfur afrika ayaa lagu eedeeyay in…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)- Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay khilaafka haatan taagan ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Xildhibaan Zakariye Xaaji ayaa sheegay in qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyadda ay la safan yihiin Dowladda Kenya oo haatan khilaaf uu kala dhaxeeyo Soomaaliya. Zakariye Xaaji ayaa tilmaamay in hadii ay midoobaan Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dowladaha caalamka kusoo dhiiranaynin faragalinta arrimaha Soomaaliya. Hadalka Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa kusoo aadaysa xili uu jiro khilaaf u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo ka dhashay Arrinta Badda, iyo…

Read More

JALALAQSI (IDIL NEWS)-Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weerar Madaafiic ah ku qaaday Saldhig Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin Galbeedka degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan. Al-Shabaab ayaa sheegtay in duqeynta ay ku dileen shan askari Jabuutiyaan ah, halka 12 kalena ku dhaawaceen, inkastoo aanay jirin warar xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab. Ciidamada Jabuuti ayaa la Sheegay inay dhankooda ay Madaafiic kale ku jawaabeen, Dadka degaanka Jalalaqsi ayaana sheegay in madaafiicdii xalay ay cabsi ku abuurtay. Sidoo kale, Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalo ka sameeyay duleedka degmada Jalalaqsi oo la rumeysan yahay in madaafiicda laga…

Read More

AFGOOYE (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in lagu dilay degmadaas Sarkaal kamid ahaa Ciidamada Dowladda. Sarkaalkan oo katirsanaa Ciidamada Asluubta Dowladda Federaalka, ayaa la sheegay in dilkiisu ka dhacay mid kamid ah Xaafadaha Afgooye, Iyadoona kooxihii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen. Dadka Degaanka ayaa Warbaahinta Maxaliga ah u sheegay in Sarkaalkan la dilay loo yaqaanay (Waan kaa hayaa), Iyadoona dilkiisa kaddib ay goobta gaareen Ciidamada Dowladda oo illaa hada baaritaano ka wada Degmada. Degmada Afgooye ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka Gobolkaaasi Shabeellaha hoose ay inta badan dilalka ka dhacaan,…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Magaalada Garoowe waxaa ka si weyn uga socota Xil wareejinta Wasiirada cusub iyo Wasiiradii hore ee Dowladda Puntland, kaddib markii Golaha Wakiiladu ay codkii kalsoonida aheyd siiyeen Xukuumadda cusub maalinimadii sabtida aheyd. Wasiirada cusub ee Wasaaradaha Maaliyadda, Degaanka iyo Caafimaadka ayaa shalay la wareegay Xafiisyadoodii, Iyagoona Masuuliyiintii hore ee Wasaaradahaas ay ku wareejiyeen Dukumeentiyadii iyo xogihii Wasaaradahaasi ay ku shaqeynayeen 5 sano ee lasoo dhaafay. Wasiirada cusub ee maanta la wareegaya xilka ayaa waxaa kamid ah Wasiirada Wasaaradaha Cadaalada, Haweenka iyo Xanaanada Xoolaha, Iyadoona haatan ay socoto Munaasabadaha xil wareejintooda. IDIL NEWS

Read More

NAIROBI (IDIL NEWS)-Qaar ka mid ah warbaahinta dalka Kenya, ayaa baahiyay in Kenya ay ku xirtay Soomaaliya shuruud sadex qodob ka kooban si xal looga gaaro muranka diblomaasiyadeed ee dhinaca badda ee labada wadan ka dhaxeeya. Qodobka koowaad ee ay Kenya dalbaneysa ayaa ah in Soomaaliya ay ka noqoto qaybaha ka mid ah soohdinta dalkeeda ee ay Soomaaliya ku suuqgeysay 7-dii bishan magaalada, London ee dalka Ingiriiska. Shuruudda labaad ee ay Kenya ka dalbaneyso Soomaaliya ayaa ah in Soomaaliya ay ogeysiiso dhamaan shirkaddihii baayacay xidrmooyinkii dhulka shidaalka ee ay ku soo bandhigtay shirkii London in aysan Soomaaliya dhulkaasi laheyn. Iyo…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasaarada Arrimaha Dibbada iyo Xariirka Dowlada Federalka Soomaaliya, ayaa Qoraal ay soo saartay looga hadlay eedeyntii ay dowlada Kenya u soo jeedisay dowlada Soomaaliya ee ahayd in ay dooneyso in ay boobto dhul badeed ay dowlada Kenya leedahay. Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo ka kooban labo bog Kuna qoran Afka English-ka, ayaa lagu sheegay inaysan dowlada Soomaaliya ku xadgudbin dalka Kenya ayna suuqgeyn bad ama dhul ay leedahay dowlada Kenya. Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya ka xuntahay sida ay dowlada Kenya ula dhaqantay Safiirkii Soomaaliya ka joogay dalka Kenya oo ay…

Read More

NAIROBI (IDIL NEWS)-Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau ayaa sheegay in aanay Kenya eryin Safiirkii Soomaaliya u joogay Nairobi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, kaasoo saaka dib ugu laabtay magaalada Muqdisho. Amb. Macharia ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku qoray waxaa uu sixitaan ku sameeyay sida Warbaahinta uga hadashay tallaabadii Kenya ay ugu yeeratay Safiirkeeda, kuna wargelisay Safiirka Soomaaliya inuu ku laabto dalkiisa. “Uma yeeranin Safiirkeena, mana eryin Safiirka Soomaaliya, waxaan Safiirkeena ugu yeernay Wadatashi, waxaan safiirkooda weydiisanay inuu tago, si uu wadatashi ula soo yeesho, si aan u xallino arrintan oo warbixin sax ah u helaan…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qado sharaf isbarasho ah u sameeyey Goleysaha Dowladda Puntland sida Golaha Wakiillada, Golaha Xukuumadda iyo Golaha Garsoorka. Qada sharafta isbarashada ah ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa u mahadnaqay Goleyaasha dowladda gaar ahaan Golaha Wakiillada, “Munaasabaddan waa isbarasho iyo mahadcelin Golaha Wakiillada Dowladda Puntland talaabadii taariikhiga ahayd ay…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa Xilkii Wasaaradda kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane C/laahi Siciid Carshe. Xaflada Xilwareejinta ayaa ka dhacday Xarunta Wasaaradda Waxaana ka soo qayb galay Wasiiru Dowlaaha Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir kuxigeenada Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Xisaabiyaha guud ee DPL, Hantidhowraha guud, Xeer ilaaliyaha guud, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada, Agaasime waaxeedyada Wasaardda Maaliyadda , Madaxda Mashaariicda iyo Lataliyayaasha Wasaaradda Maaliyadda. Agaasimaha.Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xasan ayaa ugu horeyn Munaasabada xilwarejinta ka hadlay waxaana uu ku dheeraaday habka shaqo…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa xiray illaa amar dambe Xafiiska Maaliyadda Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Iyadoona uu haatan ku socdo baaritaan culus. Hanti-dhowrka guud ayaa baaritaan ku billaabay xafiiskan, kaas oo la sheegay inay ku maqan tahay lacag Malaayiin Dollar ah, oo ah Mushaharka shaqaalaha Hay’adda NISA. Wararka ayaa Sheegaya in Shaqaalaha iyo Ciidamada Hay’adda NISA, ay qaateen hal bi loo kaliya, tan iyo wixii ka dambeeyay bishii October ee sanadkii tagay ee 2018-ka, xiligaas oo Hay’adda uu si KMG ah ula wareegay Fahad Yaasiin, kaddib markii uu is casilay Xuseen Xasan Xuseen oo…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxyo miino lagula eegtay agagaarka Isgoyska Ex Koontarool Balcad ee degmada Huriwaa ee Gobalka Banaadir, Kolonyo Ciidamada AMISOM. Qaraxyada ayaa si aad ah looga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana kolonyada la qarxiyay ay aheyd mid wadada mareysay. Ciidamada AMISOM ayaa qaraxa kaddib waxay fureen rasaas culus, taasoo aan si rasmi ah la ogeyn khasaaraha ay sababtay. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in kolonyada AMISOM ay waxyeelo soo gaartay, sidoo kale ay jiraan dad rayid ah oo wadada marayay oo iyana wax gaareen, balse si rasmi ah looma oga inta uu…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Maxkamada Darajada Koobaad ee Gobolka Bari ee Dowladda Puntland, ayaa xukun Dil ah ku riday Afar Qof oo lagu soo eedeyay iney ka danbeeyeen Dilka Ganacsade Salaad Cabdi Cukaash oo 11-kii Bishan lagu Dilay Magaalada Boosaso. Ragan ay Maxkamaddu ku riday Xukunka Dilka ah oo ah Dhalinyaro, ayaa Ciidamada amniga Dowladda Puntland kasoo qabteen Xaafada Raf iyo Raaxo ee Magaalada Boosaaso, kaddib howlgallo Ciidamadu ay ka fuliyeen Dilka kaddib. Eedeeysanayaashan ay xukunka dilka ah lagu riday Maxkamaddu, ayaa lagu kala Magacaabaa Daahir Dalmar Saalax, Farxaan siciid Yusuf, Cabduftax Axmed Xasan, Maxamed cabdiraxman Maxamud, kuwaas oo ay ku cadaatay…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Qaar Kamid ah Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe. Wasiirada Cusub ee saaka la dhaariyey ayaa waxaa ay kala ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Dekedaha Maxamed Cabdi Cismaan(Majiino), Wasiir ku-xigeenka Wasaardda Cadaaladda Dr. Maxamed Cali Faarax, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada Iyo Shaqaalaha Axmed Cabdirxmaan Xirsi. Kusimaha Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Madaxtooyada Dowladda Puntland, Ahna maamulaha xafiiska Cabdicasiis Maxamuud Maxamed ayaa ka warbixiyey dhaarinta sadexda Wasiir ee maanta ka qabsoontay Xafiiska Madaxweynaha Puntland.. “Waxaa qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Dowladda Kenya ayaa dalkeeda kasoo Eriday Safiirka Soomaaliya u joogay Nairobi Maxamed Axmed nuur Tarsan, kaas oo maanta barqadii soo gaaray Magaalada Muqdisho. Eryidan ayaa timid kaddib Markii Kenya ay ku dhawaaqday inay Dowladda Soomaaliya ku xad-gudubtay Hantida Dadka Reer Kenya, Sidoo kalena ay beec geysay Shidaalka iyo Macdanta ku jirta Badda lagu muransan yahay. Xoghaya Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau, oo shir jaraa’id ku qabtay Nairobi xalay fiidkii, ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay Cadowga Kenya kaddib markii ay Soomaaliya dhul badeedkeeda ku darsatay ceelal shidaal oo uu muran ka taagan yahay sida…

Read More

Dadyowga maanta loo yaqaan Reer Galbeedka waxa ay wadaagaan Afaf, Qiyam iyo Dano mideeya oo ay isu Hiilantoodu kuwada dhintaan waxaana Ilaashiga Danahoodu u mideeyeen Awoodooda oo dhan.Siyaasad,Dhaqaale, Ciidan iyo Warfaafin xooga Dunida ay ku leeyahiina halkaas ayuu ka imaanayaa. Reer Galbeedku iyagoo sidaa u mideysan oo Dantooda u wada Maleeganama u wada Geeyfan ayey Dadyowga kale la Xaajoodaan oo Xitaa Shaqsiga Qura u Abaaraan iyadoo Soomaalida oo kala daadsan oo awoodoodu liidatana sidaas ayey ula Dhaqmaan.Tusaale ahaan mudo dheer ayey Dalalkaasi oo dhami Soomaalida ku Colaadinayeen oo ku Go,doomiyeen maxaa Askari Mareykan ahMeydkiisa Dhulka loogu jiidey Magaalada Muqdisho. Soomaalida…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), Safiirkii Dowladda Soomaaliya ee Kenya ayaa goordhaweyd kasoo dagay garoonka diyaaraadaha magaaladda Muqdisho. Dowladda kenya ayaa Denjire Tarsan ku Amartay in dalkeeda isaga baxo kadib markii uu xumaaday Xiriirkii Diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Soomaaliya oo ay sheegtay in ay kusoo xad-gudubtay hantida dadka reer Kenya. Diyaaradda uu la socday waxaa saarnaa Marwada Madaxweynaha Dowladda Somaliya & Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Somaliya oo xalay soo gaaray Nairobi, islamarkaana u soo gudbaayay Muqdisho. Dhanka kale Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr Macharia Kamau, ayaa sheegay in Kenya aysan marnaba iska indha tiri…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa digniin adag u diray Ganacsatada ku dhaqan Degaanada Puntland, Isagoona sheegay in aysan u dulqaadan doonin in la bixin waayo Canshuurta ku waajibtay. Wasiir Xasan Shire Abgaal oo maanta la wareegay Wasaaradda Maaliyadda Puntland, ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in Ganacsatada iyo Shacabka Puntland inay bixiyaan Canshuuraha Waajibka ku ah, si loo helo nidaam dowladeed oo xooggan. Waxaa uu sheegay inay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, ay daah furayso Dhaqaalaha Dowladda u soo xarooday iyo sida ay ku bixiso, isagoona taa bedelkeeda dalbaday in la bixiyo Canshuuraha.…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa si rasmi ah u furay shirka heerka sare ee deeq-bixiyeyaasha ee taageeridda Istiraatiijiyadda Wacyi-gelinta Qaranka. Shirkaan ayaa waxaa goob joog ka ah masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir iyo masuuliyiin matalayey Beesha caalamka oo ay kamid yihiin Safiiro iyo Wakiilo kale. Shirka ayaa inta uu socdo diiradda lagu saarayaa Taageeridda Wacyi-gelinta Qaranka oo ay hormuud u tahay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya. Sawirro. IDIL NEWS

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Ciidamada amniga Dowladda Puntland ee PSF-ta, ayaa Shaaca ka qaaday inay Fashiliyeen Weerar ay qorsheynayeen in Kooxaha Argagixisada ah ay ka geystaan Saldhigyada Ciidamada Difaaca Puntland ku lee yihiin Buuraleyda Gobalka Bari. Qoraal kooban oo lagu faafiyay barta Facebook ee Ciidamada PSF-ta, ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay Buuraha Cal Madow lagu fashiliyay Weerar ku soo wajahnaa goobaha ay ciidamada anmniga Dowladda Puntland kaga sugan yihiin Buuraha Cal Madow ee gobolka Bari. “Ciidamada Amniga Puntland PSF ayaa fuliyey hawlgallo ay kaga hortagayaan argagixisada ku dhuumaalaysta Buuraha Cal Madow, gaar ahaan Buuraleyda Warbad iyo Gebidheer,kuwaas oo damacsanaa in…

Read More

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Dowladda Burundi ayaa si toos ah uga soo hor jeesatay Qorshaha la doonayo in 28-da bishan looga saaro Soomaaliya, 1000 Askari oo kamid ah Howlgalka AMISOM, kuwaas oo kasoo jeeda Dalka Burundi. Safiirka Burundi u fadhiya Ethiopia Dieudonne Ndabarushimana, ayaa sheegay in Dowladdiisu ay Dood sax ah ka qabto in Ciidankeedu ay Soomaaliya ka baxaan, Isagoona hadalkaan sheegay kaddib markii Burundi loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Africa. Xubinnimadaan ayaa xukuumadda Bujumbura waxay u aragtaa in ay ugu doodi karto 1000-keeda Askari ay howgalka kasii mid ahaadaan. Dowladda Brundi waxaa…

Read More

QORYOOLEY (IDIL NEWS)-Wararka ka imaanaya Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in xalay dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay degmadaasi. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ay Al-Shabaab weerareen saldhigyada ay Cidamada Dowladda ku leeyihiin degmada Qoryooley, Dadka Degaanka ayaana sheegay in dagaalkani muddo saacad ku dhow. Khasaaro labada dhinac ah ayaa la soo werinayaa in uu ka dhashay dagaalkaas, waxaana wararku ay sheegayaan in uu dagaalka ku dhaawacmay guddoomiyaha degmada Qoryooley Sayid Ali Ibrahim. Wararka ayaa sheegay in saaka ay xaaladu tahay mid degan, isla markaana goobihii lagu dagaalamay ay ku sugan…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, oo ku gudajira Howl maalmeedkoodii caadiga ahaa ayaa kulan muhiim ah maanta ku yeelanaya Xaruntooda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Xildhibaanada oo shalay yeeshay fadhigii 19-aad ee kal-fadhiga 43-aad, ayaa ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee uu dhowaan soo Magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. Baarlamaanka Dowladda Puntland, ayaa kulankooda maanta waxaa hor-tagaya Hay’adda Xaquuqul aadanaha Puntland, taas oo Golaha la wadaagaysa Warbixin la xariirta Tacadiyadii Sanadkii tagay ee 2018-ka ka dhacay Degaanada Puntland. Warbixintan oo ah mid sanadle ah ayaa Hay’adda Xaquuqul aadanaha Dowladda Puntland, waxaa ay xooga ku saaraysa Arrimaha…

Read More

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehliyaan wasiirada maaliyadda iyo xanaanada xoolaha ayaa dalka Sacuudiga ugu u ambabaxay casuumaad rasmi ah. Xogo hoose oo lagu kasloonaan karo,ayaa sheegaya inDowlada Sacuudigu ay ugu deeqday Dowlada Somaliya dhaqaale,kaasoo ay soo gduoomi doonaan Wasiiradan u anba baxay dalkaas maanta,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Dowladda Kenya,ayaa ku amartay Danjiraha Soomaaiya u fadhiya Kenya in uu deg-deg ugu laabto dalkiisa,halka keedii Muqdisho u fadhiyayna ay uyeeratay. Waxay dowladda Kenya sheegtay in tallaabadan ay jawaaab u tahay go’aanka ay dowladda Soomaaliya 7-dii bishan ku xaraashtay London xirmooyin shidaal ah oo ku yaala dhul badeed ay Kenya leedahay,waa sida ay sheegatay Kenya. Dowladda Somaliya ay dhawaan magaalada London ee dalka Ingiriiska kusoo bandhigtay maclumaad la xiriira “sahmin shidaal” oo ay sheegtay in laga sameeyay dhanka badda, waxaana maclumaadkaasi soo bandhigtay shirkadda Spectrum ee laga leeyahay dalka Mareykanka. Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay kusoo xad-gudubtay, sidoo kalena…

Read More

AFMADOW (IDIL NEWS)-Ciidamada Daraawiishta Dowladda Jubbaland ayaa Maanta waxa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose. Degaanada howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa ka mid ah degaanka Weel Maaro ee hoos yimaada degmada Afmadow oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada. Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxa ay Risaala u sheegeen in howlgalka inta uu socday lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab balse ay dib ka faah faahin doonaan. Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin howlgalka saraakiisha jubbaland ay sheegeen inay xubno kaga dileen,hayeeshee dad…

Read More

HARGEYSO (IDIL NEWS)-Iyadoo Dowladda Soomaaliya ay maalin kahor shaacisay inay bilaabeyso qorsho lagu soo celinayo hantida dowladda, isla markaana dhamaan degaanada dalka laga bilaabi doono oo ay ku jirto Somaliland, ayaa waxaa hadalkaas maanta jawaab ka bixisay Somaliland. War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Soomaalialnd ahna Afhayeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Faarax (Guri Barwaaqo) ayaa waxaa lagu sheegay in hadalka ka soo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Badbaadinta iyo soo celinta hantida Qaranka ahna Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi goodax Barre uu yahay mid la iska yiri. Sidoo kale Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso qorshaha ku saabsan soo…

Read More

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Madasha Isdhexgalka iyo Nabadda Gobalka Mudug, ayaa ku guuleystay Abaalmarinta the best youth Organisations Award, taas oo ay bixisay Somali Youth Awards. Madashan ayaa ku Muteysatay Abaalmarinta Doorka ay ku lee dahay Isdhexgalka iyo Nabadeynta Gobalka Mudug, gaar ahaan xal u helida Colaadii soo lab laabatay ee ka dhacday Magaalada Gaalkacyo, taas oo u dhaxeysay Dhinacyada Puntland iyo Galmudug. Madasha Isdhexgalka iyo Nabadeynta Mudug, ayaa ah Madal ay ku mideysan yihiin Dhalinyarada labada dhinac ee Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug, kuwaas si iskood ah isigu xilqaamay ka shaqeynta Nabadgelyada iyo Midnimada Dadka ku nool Degaanada Gobalka Mudug. Magaalada…

Read More

Khudbadii maanta Baarlamaanka uu ka horjeediyay Madaxweyne Deni,isla markaana uu kusoo bandhigay qorshaha Xukuumada ee 5-ta sano ,waxaa la oran karaa waxay ahayd mid mudan in loo hakado. Khudbad iyo qorshe si mug leh loosoo diyaariyay loogana fiirsaday,ayay uumuuqdeen.. Anaga oo ka ambaqaadayna balanqaadyadii aan samaynay xiligii doorashada xukuumadda cusub ee aan soo dhisnay waxay xooga saaridoontaa ka mira dhalinta iyo fulinta balanqaadyadii nala ku doortay, waxaan dib u habayn mugleh ku samayndoonaa Amniga, Cadaaladda, Dhaqaalaha, Siyasadda iyo arrimaha bulshada, anaga oo aasaas ka dhiganayna tayaynta hay’addaha dowliga iyo saraynta sharciga si horumar walba oo la gaadho uu u noqdo…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir socday 5 maalin, kaasoo ay lahaayeen Taliyayaasha Amisom, Milatariga Soomaaliya, Wakiilo ka socday Qaramada Midoobe, Midowga Afrika iyo qaar kamid ah dalalka taageera Soomaaliya. Shirka oo diirada lagu saarayay qorshaha ka bixista Amisom ee dalka, qaadista weeraro ka dhan ah Shabaab iyo sidii loo dhisi lahaa Ciidamada Xoogga dalka ee Soomalaiya, ayaa waxaa laga soo saaray War-Murtiyeed dhowr qodob ka kooban. Waxyaabaha ugu waa weyn ee Saraakiishii shirsaneyd ay isla qaateen waxaa kamid ah in weeraro aan kala joogsi leheyn lagu ekeeyo meelaha ay Shabaab ka soo abaabulaan weerarada ka dhanka…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa Cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Golaha Xukuumadda ee uu soo dhisay Madaxweyne Deni, kuwaas oo maanta la Hor-geeyay. 63 kamid ah Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Puntland oo soo xaadiray kal-fadhiga 43-aad fadhigiisa 19-aad, ayaa Ansixisay Golaha Wasiiradda Puntland ee uu dhawaan soo magaacabay Madaxweyne Dani. Xildhibaanada ayaa Illaa saaka dhageysanayay Taariikh nolaleedka Xubnaha kamidka ah Xukuumadda cusub, kuwaas oo uu Madaxweynuhu ka dalbaday inay ansixiyaan. Madaxweynaha Dowladda Puntaland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa Xildhibaanada uga mahad-celiyay siday uga aqbaleen Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay, Isagoona sheegay inay dhisidiidii ku qaadatay Waqti dheer iyo…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka hadlay Xaalada ammaan ee Puntland iyo Duulaamada ka dhan ah amniga, Midnimada iyo Dhaqaalaha. Madaxweyne Deni oo Khudbad u jeedinayay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, kuwaas oo uu hor-geeyay Golaha Xukuumadda cusub, ayaa Sheegay in Duulaamo culus lagu hayo ammaanka iyo Dhaqaalaha Puntland. Waxaa uu Sheegay in Puntland ay haatan wajaheyso Xaalado adag iyo Dagaalo uga imaanaya Argagixisada iyo Maamulka Somaliland, Isagoona soo hadal qaaday Dagaalada lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish eek a socda Buuraleyda Gobalka Bari iyo heysashada Degaanada Gobalka Sool. Madaxweyne Deni ayaa xusay in dagaalada lagula jiro Shacabka…

Read More

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Itoobiya ENA , ayaa Wadamada Jabuuti iyo Itoobiya kala saxiixday heshiis ku saabsan dhoofinta Gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaro Dowlada Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya,iyadoo la adeegsanayo dhuumaha Gaaskaasi dabiiciga ah ka soo qaada Itoobiya ee keena Jabuuti,ila 760 KM oo dhumaahaasi laga soo qaado deegaanada Elala iyo Kulab lana geeyo dekedda Jabuuti. Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo Poly-GCL ayaa fulin doonta mashruucaasi oo dhismihiisa ku kacaya 3.2 Billion,waxaa lafilayaa in soo saarista Gaaska uu bilowdo 2021,sida uu Wakaaladda ENA u sheegay Koang Tutlam Wasiiru Dowlaha Batroolka iyo…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa Haatan Khudbad u jeediyaya Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, kuwaas oo uu hor-geeyay Golaha Xukuumadda cusub ee uu 10 bishan soo dhisay. Madaxweyne Deni ayaa khudbad uu ugu hadlayo howlaha horyaalla Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay u jeedinaya Baarlamaanka, Isagoona diirada ku saaray Khudbadiisa Waxqabadka ay doonayaan inay Degaanada Puntland ka qabtaan 5 sanno ee soo socota. Madaxweynaha Puntland oo la hadlayay Goor-dhaweyd Baarlamaanka, ayaa tilmaamay inay Dhameystiri doonaan Howlihii Shaqo ee ay waday Dowladdii hore, Sidoo kalena ay Bilaabi doonaan Mashariic cusub. Madaxweyne Deni ayaa ka dalbaday Golaha Wakiilada Dowladda…

Read More