Author: Jibril Qoobey

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka helayno Madaxtooyadda Dowladda Puntland ee Garoowe, ayaa Sheegaya in Daqiiqado kaddib la Shaacin doono Liiska Golaha Wasiirada Dowladda Puntland. Warbaahinta Dowladda ayaa la filayaa in laga Baahiyo Liiska Golaha Wasiirada, Iyadoona Dadaalkii ugu dambeeyay oo ku aadan ku dhawaaqista Golaha Wasiirada uu soo xulay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ay socdaan. Wararku waxaa ay Sheegayaan in Madaxweyne Deni uu soo Xulay Wasiiro Kooban, kuwaas oo tiro ahaan gaaraya 18 Wasiir iyo Wasiir ku-xigeeno, sidoo kalena la isku Dheeli tiray. Madaxweyne Denni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash ayaa saacidihii ugu dambeeyey…

Read More

KISMAAYO (IDIL NEWS)-Sida lagu baahiyay warbaahinta Dowlad Gobaleedka Jubbaland oo soo xiganaya Nabad sugida Jubbaland, waxaa gacanta lagu soo dhigay Walxa qarxa oo la doonayay in lagu qarxiyo deeganada maamulkaasi. Waxa ay baahiyeen in Ciidamada nabad sugida Jubbaland gaar ahaan kuwooda loo tababaray ka hor taga walxaha qarxa ay gacanta kusoo dhigeen ilaa afar Miino ayna kusoo qabteyn howgal ay sameyeen. Miinooyinkaani ayaa laga soo saaray wadada xiriirsa Araare iyo Muuse Xaaji, waxaana la sheegay in ciidamada nabad sugida Jubbaland ay kol siii horeysay heleen xogta Miinooyinkaani. Masuuliyada khasaaraha ka dhasha Miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa waxaa badi sheegta Shabaab.…

Read More

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay furitaanka Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo sannadkan diirrada lagu saarayo arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha Afrika ayaa sheegay in madaxda looga baahan yahay in ay la yimaaddaan go’aamo iyo siyaasado waxtar u leh qaxootiga iyo barakacayaasha qaaradda. Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay labadii sanno ee la soo dhaafay ku hawlanayd sidii xal waara loogu heli lahaa qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed balse waxa uu adkeeyay in caqabadaha haatan ka jira qaaraddu ay muhiim tahay in lagu wajaho siyaasado iyo shuruuc mid ah oo…

Read More

Abwaan Cabdullaahi Xirsi Ibraahim (Baarleex).ayaa lagu aasay xabaalaha Halleeya ee magaalada Hargeysa. Abwaanka oo xanuunsanaa waayahan,ayaa ku geeriyooday Dalka Hindiya oo loogu qaaday daryeel Caafimaad,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

IZMIR ( IDIL NEWS)-Wasiirka Beeraha iyo  Waraabka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa dalka Turkiga  gaar ahaan Magaalada Izmir kulan kula yeeshay  Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalkaasi Mudane Bekir Pakdemirli, waxeyna ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada wasaaradood. Kulanka oo yimid kadib marti qaad uu Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalka Turkiga u fidiyey Wasiirka Beeraha Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, iyo dardar galinta heshiisyo iskaashi oo ay labada Wasaaradood horey u galeen, Wasiir Ciid ayaana dhigiisa dalka Turkiga ka dalbaday in si dhaqso ah loo hirgeliyo …

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Taliska Ciidanka Ilaalinta Nabedgelyada Wadooyinka Ee Dowladda Puntland, ayaa soo bandhigay shilalkii ka dhacay deganaada Puntland Sanadkii Tegay Ee 2018, kuwaas tiradoodu kor u dhaafayso 3000 oo Shil. Axmed Cabdi Cali (Qalyare), Taliyaha Ciidamada Ilaalinta Waddooyinka Dowladda Puntland, ayaa Sheegay in Sanadkii tagay ee 2018 ay Degaanada Puntland ka dhaceen Shilal gaaraya 3,099 Shil, Isagoona tilmaamay inay ku dhinteen Shilalkaas Dad gaaraya 233 Qof, halka dhaawac culus ay kasoo gaareen 432 Qof. Waxaa uu Sheegay Taliye Qalyare in Shilalkaas ay ku Burbureen 272 Buubuur, halka ay ku baabe’een 1,207 Neef. Axmed Cabdi Cali (Qalyare), Taliyaha Ciidamada Ilaalinta Waddooyinka…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Taliyaha Ciidamada Badda (PMPF) Dowladda Puntland Adm. C/risaaq Diiriye, ayaa si kulul u beeniyay hadal dhowaan kasoo yeeray Wasiirka Dekedaha Puntland Saciid Maxamed Raage, kaas oo uu ku tilmaamay Ciidamada Amniga ee PSF Iyo PMPF in aysan ka amar Qaadan Dowladda Puntland. Adm. C/risaq Siciid Diiriye, oo ka hadlay Shir Jaraa’id oo ay wada qabteen Hoggaanka Laamaha ammaanka Puntland, Maamulka Gobalka Bari iyo kan degmada Boosaaso, ayaa Sheegay in Ciidamada ammaanka Dowladda Puntland ay yihiin Hal Ciidan, balse ay Magacyadu u kala duwan yihiin. “Waxaan doonayaa inaan idiin cadeeyo in ciidamada amniga ee Dowladda Puntland, meel walba oo…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta u codeeyay in Wadar ahaan loo ansixiyo Wasiirada Cusub ee Madaxweyne Deni uu soo Magacaabi doono Saacadaha soo socda. Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa u codeeyay in si Wadar ah loo ansixiyo Golaha Wasiiradda, kaddib dood dheer oo ay yeesheen Mudanayaashu. Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray 53 Xildhibaan, Iyadoona 26 xildhibaan ay ogalaadeen in si wadar ah loo ansixiyo, halka 24 Xildhibaana ay u codeeyeen in mid mid loo ansixiyo Wasiirada, waxaana ka aamusay3 Xildhibaan. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo Natiijada Codeynta ku Dhawaaqay, ayaa Sheegay in Baarlamaanku uu go’aansaday…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Daahir aadan Cilmi Indhaqarhse  ayaa u hambalyeyey  Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo dabaal degaya Sanad guurada 54-aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay ciidankaasi oo ah  10-02-1965-kii. “Waxaan u Hambalyeynayaa Admiraalada, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed Munaasabadda Sanadguurada 54aad ee Ciidanka badda” ayuu yiri Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa la aas-aasay 10-kii bishii February sanadkii 1965-kli. IDIL NEWS

Read More

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Shir Madaxeedka dalalka Qaaradda Afrika ayaa maanta ka furmaya Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Shirka Madaxeedka Midowga Afrika ayaa sannadkan lagu lafo-gurayaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika, iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran. Madaxweyne Farmaajo oo shirka ka qeyb galaya waxaa lagu waddaa in uu jeediyo Khudbad uu diiradda ku saarayo xal-u-helidda iyo maaraynta qaxootiga iyo barakacayaasha ku dhibaataysan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka deriska ah, isaga oo soo bandhigi doona qorshaha dowladda ee ku…

Read More

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Ciidamada ammaanka Dowladda Puntland, ayaa Howl-gallo culus ka wada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, kuwaas oo lagu Xaqiijinayo amniga, sidoo kalena lagu baadi goobayo Kooxo dhagar qabayaal ah oo dil xalay ka geystay Gaalkacyo. Howl-galkan oo ah mid ay Ciidamadu ka wadaan Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo, ayaa yimid kaddib markii Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneyni ay xalay dileen Nabadoon Cabdiqani Maxamed Cabdi Bale, oo kamid ah Nabadoonada caanka ah ee Gaalkacyo. Sidoo kale, Kooxdan Hubeysneyd ayaa dhaawacay Wiil uu dhalay Nabadoonka la dilay, waxaana ay ka baxsadeen goobta oo daqiiqado kaddib dilka ay Ciidamadu gaareen. Illaa…

Read More

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa shir-doceed kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guiteres, waxayna ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee QM Mudane Abuukar‬ Daahir Cusmaan (Baalle), Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya/Midowga Afrika Mudane Cali Shariif Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha Musane Balal Cusmaan. Kulankaan ayaa yimid ka dib markii dhawaan dowladda Soomaaliya ay ceyrisay Wakiilkii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Haysom ka…

Read More

ARAARE (IDIL NEWS)- Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa deegaanka Araare ee gobolka Jubbada Hoose kusoo bandhigay hub ay kasoo furteen malayshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Hubkaan ayey ciidamadu kusoo furteen howlgaladii ay sameeyeen saacadahii lasoo dhaafay, waxaa sidoo kale jira meydad ay ka carareen kooxda Al shabaab. Ciidamadu waxay soo bandhigeen meydka dagaalame kamid ah Shabaabkii dagaalka lagu dilay. Waxaa jira meydadka 25 dagaalame oo ay ciidamadu kasoo qaadeen goobahii ay howlgalada ka sameeyeen laakiin wax sawir ah lagama soo qaadin jirkooda oo aad u bur buray awgeed. Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in howlgaladu sii socon…

Read More

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Itoobiya si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo berri ka furmaya Addis Ababa. Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa sannadkan lagu lafo-gurayaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika, iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran. Madaxweynaha oo hadal-jeedin ku leh shirka ayaa waxa uu diiradda saarayaa xal-u-helidda iyo maaraynta qaxootiga iyo barakacayaasha ku dhibaataysan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka deriska ah, isaga oo…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Shacabka ku dhaqan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, ayaa Fariin ku aadan dhismaha Golaha Wasiirada Cusub oo la filayo in Saacadaha soo socda lagu dhawaaqo u diray Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. Shacabka Garoowe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Deni in uu soo dhiso Gole Wasiiro oo Kooban, Sidoo kalena tayo badan, maadama Puntland ay haatan ka jiraan Xaalado adag oo u baahan Shaqo badan. Shacabka ayaa xusay in Dhismaha Golaha Wasiirada Cusub ay tijaabo u tahay waxa laga filan karo Xukuumadda Madaxweyne Deni shanta sano ee Muda xileedkeeda ah, Iyagoona ku booriyay Madaxweynaha in uu…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. C/llaahi Xasan Bariise oo sidoo kale ah Madaxa Xafiiska Warbaahinta ee Ciidanka booliska ayaa ka hadlay toogasho Todobaadkii hore ay Muqdisho ka geysteen Ciidanka booliska. Jen. Bariise oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Booliska ayaa sheegay inaan wax dulqaad ah oo dambe loo heyn doonin dilalka askarta ay u geysteen shacabka, kaddibna ay goobta ka baxsadaan, wuxuuna dhaliil u jeediyay Saraakiisha booliska ee Kontoroolka kasta jooga, kuwaasoo aan qaadin tallaabooyin lagu soo qabanayo gacan ku dhiiglayaasha. “Haddii ay wax dhacaan waa qadar Eebbe, Laakiin looma dulqaadan karo loomana dulqaadan…

Read More

ABU DHABI (IDIL NEWS)-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay si kulul u Cambaaraynayaan weerarkii isbuucii hore lagu dilay Paul Anthony Formosa oo ahaa Maareyihii shirkadda P&O ee Dekada Boosaso ee Xarunta ganacsiga Dowladda Puntland. War qoraal ah ooo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa lagu sheegay inay la xiriireen Hay’adda P&O Ports ee hoostagta Shirkadda DP World, una gudbiyeen Tacsida geeridii Paul Anthony Formosa oo u dhashay dalka Malta. Sidoo kale, Qoraalka kasoo baxay Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in ay si dhow ula socdaan baaritaanada haatan socda ee loogu dabagalayo qaabkii uu…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa saacadaha soo socda ku dhawaaqaya Golaha Wasiirada cusub ee Dowladda Puntland, Iyadoona wararku ay sheegayaan in Madaxweynuhu uu soo gaba-gabeeyay Liiska Golaha Xukuumadda. Wararka ayaa sheegaya inay u badan tahay in Madaxweyne Deni uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada caawa illaa berri, waxaana si weyn loo hadal hayaa in Madaxweynuhu uu soo Magacaabi doono Gole Wasiiro oo kooban. Magacaabista Golaha Wasiirada Cusub ee Dowladda Puntland, ayaa si weyn loo hadal hayaa, Iyadoona dhowaan uu Madaxweyne Deni, uu joojiyay kulamadii qaabilaada, taasoo looga gol lahaa inuu yareeyo siyaasiyiinta xildoonka ah ee Madaxtooyada…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Puntland, ayaa maanta isku raacay tala soo jeedin, ku aadaney in Puntland si rasmi ah looga Hir-geliyo Nidaamka Dimuqraadiyada iyo Dooraasho hal qof iyo Hal cod. Talo soo jeedintan ayaa waxaa Xildhibaanada u soo gudbiyay Guddi Xildhibaano ah oo loo saaray u kuurgelida sababaha ay u qabsoomi weydo Doorashada Nimaadka Xisbiyada badan iyo caqabadaha haysta Guddiga Doorashada Puntland. Kulanka Baarlamaanka oo ay soo xaadireen 48 Mudane, ayaa Dood dheer kaddib waxaa loo qaaday Talo soo jeedinta cod gacan taag ah, Iyadoona ay ogalaadeen 43 xildhibaan, 2 xildhibaan ayaa diiday, 3 Xildhibaana waa ka aamustay. Daawo.…

Read More

WASHINGTON (IDIL NEWS)-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, C/qadir Axmed Kheyr ayaa faah-faahin ka bixiyay kulan looga hadlayay sidii looga adkaan lahaa Ururka Daacish oo lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Washington DC ee xarunta Dalka Maraykanka. Kulanka oo ay qaban qaabadiisu lahayd Dowladda Maraykanka , ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiradda arrimaha dibedda ee Dowladaha Xulufadda ku ah ka hortagga Daacish. Wasiiru Dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya, C/qaadir Axmed Kheyr, ayaa sheegay in shirka lagu Lafa guray sidii laysaga kaashan lahaa meelna loogu soo wada jeesan lagaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada khatarta ku ah Caalamka ee Daacish. Mudane; Kheyr, ayaa sheegay…

Read More

Getajaw Rada oo kamida Gudiga sare ee Tigreega iyo Waliba Gudiga fulinta ee xisbiga talada dalka haya( EPRDF) ayaa waraysi uu siiyay BBC oo Cawa lasii daayay Shaki galiyay Raysal wasaraha Dalka Abiye Ahmed. Wuxuu sheegay in Abiye Ahmed la halgamayaan Maadama uu rabo in Xisbigooda daaqada ka saaro isagoo kaa shanaya ERITRIA. “Waa inuu Noqdaa raysal wasaare dalkoo dhan u dhaxeeya, Wariyaha oo si hubsasho ah ayaa su-aasha ku celiyay oo ku yiri miyuusan Raysal wasaare ahayn, Wuxuuna markale ju jawaabay wuu iska dhigayaa. Dhibaatada ugu badan ee dalka ka jirtay,ayaa Ahayd shaqo la-aan Dhalinyarada, Sababta isbedelka keentayna iyada…

Read More

Inkasta oo ay xaalada 3da qoomiyadood ee buuralayda mudaba ahayd mid murugsan hadana waxaa maalmahan soo kordhay arimo dhawra oo sii kala fogeeyay qoomiyadahan waxaana muuqda kooxaysi cusub iyo ruclayn xad dhaafa. Dhawaan ayay ahayd markii PM Abiy Ahmed uu sameeyay laba komishin oo kala ah Xalinta khilaafaadka xuduudaha,jinsiga iyo Dibu heshiisiinta iyo Xaqiiqa raadinta kuwaas oo dhawaan golaha baarlamaank ansixiyay. Arintan ayaa abuurtay xaalad cusub iyo buuq siyaasadeed waxaana arintan garab socday qorshayaal xurguf kabilaabatay sheegashada Addis Ababa oo aad moodo in shaqsiyaadka uhadla axmaaradu ay olole cusub bilaabeen taasoo keentay in dhanka Oromadana xaaladu cirka isku shareerto. Xubno…

Read More

Cadde Muuse wuxuu ka mid ahaa halyeeyo loo tiriyo waddaniyad Soomaalinimo, waxa uu ku dhashay Bender Bayla 1-dii Julay 1937, wuxuuna Alla ha u naxariistee ku geeriyoodey dalka Imaraadka Carabta Arbaco 8-dii Febaraayo 2017. Isagoo lix jir ah ayaa la geeyey Muqdisho, halkaas oo uu ku dhammaystay waxbarashadiisii hoose, dhexe iyo sare. Wuxuu lahaa shakhsiyad dhallinyaranimo oo ay firfircooni, bulshannimo, aragti dheeri iyo degganaansho ku dheehnaayeen. Markii uu dugsigii sare ee ugu horreeyey Soomaaliya uu ka baxay, wuxuu shaqo ka bilaabay bangiga. Markuu muddo gaaban ka shaqaynayey, ayaa waxa soo baxay barnaamij saraakiil ciidan loogu qaadanayey. Wuxuu doontay in uu…

Read More

The U.S. military’s air campaign against al-Shabab in Somalia will not stop the jihadists, a top U.S. general said Thursday as he called on the east African nation’s army to take more responsibility in the fight. The Pentagon is running an ongoing mission in which U.S. forces work with African Union and Somali national security forces to fight the al-Shabab movement. “At the end of the day, these strikes are not going to defeat al-Shabab,” the U.S. military’s Africa Command head, Gen. Thomas Waldhauser, told the Senate Armed Services Committee. “The bottom line is the Somalian national army needs to…

Read More

Qarnigan hadda la joogo, dalalka iyo dawladaha caalamku kuma tiirsana oo kaliya; cudud-ciidan,mid dhaqaale, hogaamin hufan, horu-mar, heerka aqooneed iyo midka waxsoosaar ee dadka iyo dawladu leedahay, laakiin waxa udub-dhexaad u ah haayadaha nabad sugidda iyo sirdoonka oo kaalin muhiima ka qaata: Ogaanshaha weerarada ka iman. Kara dalka gudihiisa iyo dibadda. Ilaalinta xogaha iyo siraha gaarka ah ee waddanka. Ka hortagga iyo gacan ku dhigidda. basaasiinta shisheeye. Ogaanshaha cadowga qarsoon Soo ururinta siraha iyo siyaasada hadoodilan ee cadowga tooska ah. Fulinta hawl galada halista ah Sidaa darteed waxa la odhan karaa: sirdoonka waxa uu xilkoodu yahay raadinta,soo ururinta iyo soo…

Read More

Magaalada Baadhame oo ah mid ay Soomaali badani aaminsan tahay in mar hore Eritrea lagu wareejiyay,ayaa waxaa maanta ka dhacay xaflad iyo dhoolatus lagu maamuusayay xuska 7aad ee maalinta Ciidanka Qaranka Itoobiya. Xuskan oo uu soo diyaariyay Taliska qaybta galbeed ee ciidanka Milatariga oo saldhigiisu yahay Baadhame waxaa marti sharaf ku ahaa madaxwaynaha deegaanka Tigray Dr. Debretsion gebremichael. Xuskan laguma casumin Raisalwasaare Abiye,waxayna umuuqataa in uu ahaa fariin loo dirayay isaga iyo kooxdiisa markay xukunka qabteen ku dhawaaaqay in Baadhame lagu wareejinayo Eretereya,islamarkaana labada Dal Xuduudahoodu isku furan yihiin. Baadhame waa magaalo yar oo xuduuda kutaala waxaana 20 sano kahor…

Read More

Ciidamadda Booliska Puntland ayaa Caawa ilaa shalay Howlgalo Culus kawadday Xaafadaha Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland. Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen Muxiyadiin Gacmey ayaa sheegay inay Ciidamadu diyaar u yihiin Adkaynta Amniga Caasimadda Ganacsiga Boosaaso. Howlgaladdan oo ay Fulinayaan Ciidamo gaar ah oo horey loo arkin ayaa kaduwan howlgaladii horey looga fulin jiray Puntland siiba boosaaso. Fulinta holwgalkan ayaa kusoo beegmaya xili la dilay Maamulihii shirkadda PO& Port u maamuliyeey Dekadda Boosaaso. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Wadamadda ku mideeysan Ururka Midowga Africa ayaa maanta ku shiraya magaaladda Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia, halkaas oo Axadda soo socota uu ka furmi doono Shir-madaxeedka Midowfa Africa. Shirka Wasiiradda waxaa looga hadli doonaa Arrimaha ay madaxda faaqidi doonaan, waxaana si gaar ah xoogga loo saari doonaa Xaaladaha Liibiya, Somalia iyo Jamhuuriyadda Demuqaraadiga ah ee Condgo. Waxaa lafilayaa in lasoo hadal qado Xaaladda Amni ee Soomaliya iyo doorka ciidanka Midowga Africa ay uga jiraan xalinta dalka. Sidoo kale waxaa shirka Wasiiradda Africa lagu soo qaadi doonaa Ciidanka ka socda Dalka Brundi ee 1000 ka Askari ah…

Read More

Xildhibaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalkaasi Itoobiya ayaa 12 xildhibaan xasaanadda kala noqday kaddi markii ay yeesheen kulan.Xildhibaanadan ayaa la sheegay inay ku tunteen xuquuqda aadanaha iyo inay geysteen falal musuq maasuq ah. Waxaana kamid ah mas’uuliyiinta xasaanadda laga qaaday afahayeenkii hore ee baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxamed Rashiid Isaaq iyo madaxweynihii kumeel gaarka ahaa ee xilka kaga dambeeyay Cabdi Maxamuud Cumar. Xeer ilaaliyaha guud ee Deegaanka Soomaalida, Cabdiweli Jaamac ayaa BBC u sheegay in xildhibaanada xasaanadda laga xayuubiyay ay ha’yadaha sharciga u saamaxeyso inay la xisabtamaan.Wararka waxay sheegayaan in dhammaan xildhibaanadan aysan joogin maanta kalfadhiga baarlamaanka halka laga aaminsan…

Read More

Wasaaradda Dakhliga ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay Lacago laga leeyahay 12 dal iyo 7 kiilo oo dahab qayriin ah oo ka bixi lahaa xdka Magaalada Wajaale Tog wachaale in la qabtay. Wasiiradda Wasaaradda Dakhliga Itoobiya Adanech Abebe waxay sheegtay “lacagaha la qabtay iney isugu jireen 8,200 oo Yuuro, 31,990 Giniga Istarliinka ah, 25,665 Doolarka Kanada, 8,800 oo doolarka Austraaliya ah, 1,393 Diinaarka Kuweyt, 690 Lacagta Switzerland”. Sida oo kalana lacagaha kale ee la qabtay waxaa ka mid ah ayey tiri “wasiiradda 80,870 Kiraawnka Norway, 4,810 Riyaalka Qadar, 72, 725 Dirhamka isutagga Imaaradka, 904 iyaalka Baxreyn, 734,088 Riyaalka Sufa, 4 lacagta…

Read More

Lawmakers will elect a new president Tuesday in the semi-autonomous Somali region of Puntland, which is battling factions of al-Qaeda and Islamic State. More than 20 candidates are taking part in the vote, including Abdiweli Mohamed Ali, 53, who has ruled the Horn of Africa region since 2014. Ali is seeking a second term and has pledged to develop infrastructure, improve security and the management of public finances. Situated on the Gulf of Aden near the entrance to the Red Sea, Puntland became semi-autonomous in 1998 and had escaped the worst of Somalia’s civil war. It’s now tackling an insurgency…

Read More

Waxaa la bedelay qorshihii shirkii xaraashka shidaalka ee LONDON lagana dhigay oo kaliya in shirkadaha aay jeediyaan qudbado ku saabsan macluumaadka shidaalka Soomaaliya iyo wadamada Afrika, iyadoo ujeedka laga leeyahay uu ahaa in la marin habaabiyo shacabka Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyay xaraashka kheyraadka dalka iyagoo sameeyay abaabul ballaaran kana dhigay bannaanbax weyn oo ka soo qeyb galeen dad ka badan 12 Kun oo qof. Waxaa Dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Spectrum aay si qarsoodi ah ugu heshiiyeen in xaraashka ceelasha dokumentiyada iyo macluumaadka si hoose loogu qeybiyo shirkadaha laga iibinaayo taasoo kasoo horjeedda qaanuunka caalamiga ah. Dowladda Federaalka ayaa culeys xooggan kala…

Read More

Magaalada London ee dalka Britain waxaa maanta ka furmay shir looga hadlayo arrimaha shidaalka Soomaaliya, oo ay ka qeyb galayaan shirkadda Spectrum ee dalka Norway laga leeyahay oo sahan ku sameysay shidaalka Soomaaliya iyo shirkado kale oo ay casuuntay iyo dowladda Soomaaliya. Shirkan oo muddooyinkii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay, ayaa siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ay walaac ka muujiyeen, iyagoo ku tilmaamay mid lagu beylahsanayo Shidaalka Soomaaliya, maadaama aaney jirin sharciyo iyo xeerarka Batroolka. Waxaa kaloo shirka mid aan dastuuri aheyn ku tilmaamay guddiga kheyraadka ee Aqalka Sare, oo maalin ka hor war qoraal…

Read More

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in shirka London yahay Bandhig Carweed dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku soo bandhigeyso qorshaha Shidaalka Soomaaliya. Waxaa uu intaa ku darray in illaa 50 xirmo blocks ah oo ah dhul ku teedsan 173,000 KM oo ay soo sahmisay dowladdii hore lagu wareejiyay shirkad ku taala Ingiriiska, iyadoo maantana la soo bandhigi doono xogtaas, si ay uga soo baaraan dagaan shirkadaha ka qeybgalaya shirka magaalada London. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka in ay ka soo horjeedaan hormarka la sameynayo, isaga oo intaa ku darray in loo baahan yahay in dalka laga soo saaro kheyraadka…

Read More

Mahdi Guuleed oo London u aaday ka qaybgalka xaflada 8da feb oo ah sanadguuradii 2aad ee kasoo wareegtay markii la doortay Farmaajo ayaa sheegay inuu dowladda UK la kulmi doono, si loo sii xoojiyo xiriirka labada dal ka dhaxeysa, sidoo kalena la kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa sheegay inuu Jaaliyadda Soomaaliyeed ay u soo bandhigi doonaan waxqabadkii labada sano ee ay jirtay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo. Munaasabadda ka dhici doonta magaalada London ayaa waxaa ka qeyb geli doona Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/weli Muudey, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow iyo wafdia uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed…

Read More

Waxay u badan tahay in Golaha Wasiirada cusub ee Puntland maalinka beri ah la shaaciyo. Golahan,ayaa ka urursan Golihii ka horeeyay ee Xukuumadii Madaxweyne Gaas,waxayna ka koobnaan doonaan sida xoguhu tilmaamayaan 16-Wasiir,16-Wasiir ku xigeen iyo 4-Wasiiru Dowle. Qoondada ugu fiican waxaa golahan ka helay Haweenka oo helay Laba Wasiir oo buuxa,laba Wasiir ku xigeen iyo hal Wasiiru-Dowle. Sidoo kale bulshada Somaliyed ee kasoo jeeda Deegaamada Koonfur-galbeed,ayaa markii ugu horaysay helay xubin ka mid ah Golaha Wasiirada Dowlada Puntland waxayna heli doonaan Wasiir ku xigeen. Waxaan wali cadayn qofka loo magacaabayo Wasiirka maaliyada,iyadoo kooxda Aaran-jaan ee doorka muhiimka ah ku lahaa…

Read More

Waxaa toddobada bishan Febraayo lagu wadaa in magaalada London ee dalka Ingiriiska uu ka dhaco shir lagu soo bandhigi doono maclumaad la xiriira sahmin shidaal oo laga sameeyay Soomaaliya. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa natiijada sahanka waxaa soo bandhigi doonta shirkadda Spectrum. Inkastoo shir kan lamid ah horay loogu qabtay dalka koonfur Afrika, loogana hadlay shidaalka Soomaaliya ayaa haddana waxaa arrintan walaac ka muujiyay qaar kamid ah axsaabta siyaasadda Soomaaliya oo shirkaasi ku tilmaamay mid lagu “xaraashayo” kheyraadka dalka. Hogaamiyaha xisbiga wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo war saxaafadeed uu kaga hadlayo arrintan soo saaray ayaa…

Read More

Xildhibaan Daa`uud Max’ed Cumar Bisinle oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, Xildhibaan Abuu Yaxye ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo Wasiira ina Barkhadle oo ka tirsan Golaha Wasiiradda Dowladda Puntland oo ka soo jeeda Gobolka Sool,ayaa 450-Maleeshiyo ah iyo Tekniko 21-ah ku wareejiyay Maamulka Somaliland. Labada Xildhibaan iyo Wasiirku waxay ka wada tirsan yihiin Beesha Bahararsame ee Dhulbahante,waxayna markii ay ku soo wareejiyeen Somaliland Maleeshiyaadkaas iyo Hubkoodiiba ay dib ugu soo laabteen Garowe. Cali Maraykan ,ayaa arinkaas ka hadlay si adagna uga hor yimid. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Denni,ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socdo ku dhawaaqo golaha cusub ee Wasiirada Puntland. Kulamo aan loo kala kicin ayaa maalmihii ugu dambeeyay,ayaa waxaa uu ka soconayaa qasriga madaxtooyada ee Garowe. Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu la kulmay odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Deegaanada Puntland. Qaban qaabadii ugu danbaysay ee lagu magacaabayo Golaha Wasiirada,ayaa laga dareemayaa Qasriga looga arimiyo Puntland,iyadoo Madaxweyne Dani hakad galiyay qaabilaadii Dadweynaha caadiga ah. Xukuumad tiro ahaan yar, islamarkaana tayadeedu sarrayso oo Dumarku ay ku leeyihiin Qoondo sare,ayuu horay u sheegay Madaxweyne Deni. Dad badan,ayaa wal wal kamuujinaya hadii ay Wasiirada…

Read More

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta Maxkamadda ka hor sheegay in dhamaan eedaha loo jeediyay ay yihiin kuwo been ah oo la abaabulay.Waxaa uu sidoo kale sheegay in dad dano gaar ah leh ay soo ururiyeen eedaha tirade badan ee ay maxkamadda ku soo oogtay. Qareennada Difaacaya Cabdi ayaa cabasho u gudbiyay Maxkamadda waxaana ay sheegeen in eedeeyayaasha aysan heysan caddeyn ku filan kiiskooda Dacwadda maanta ayaa dib loo dhigay mar kale ilaa 13ka Bishan Februay,waxaana ay Maxkmadda dalbadatay in dacwad oogayaasha ay soo dhameystiraan marqaatiyada iyo caddeymaha kale ee loo hayo Cabdi Maxmauud Cumar. Sidoo kale Maxkamadda ayaa 27ka Bishan…

Read More

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres oo ay VOA la hadashay ayaa isaga oo ka jawaabayay xiriirka waqtigan u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, ayaa sheegay in dhawaan uu halkaa u diray sida uu hadalka u dhigay ku-xigeenkiisa arimaha siyaasada oo kulamo kala duwan la qaadatay mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka Soomaaliya sida madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha. ‘’Maalmo kooban ayeey joogeen Muqdisho wafdiga ka socday Qaramada Midoobey, waxaa dhacay wada hadallo dhax-gal ah oo arrimo badan leyskula eegay, dhawaan ayaanan magacaabi doonnaa wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya’’ ayuu yiri Antonio Guterres Wuxuu sheegay in wakiilka cusub uu baal bog…

Read More

Wasiirka Dekedaha Dawladda Puntland En Siciid Maxamed Raage oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shaqadii Dekada Bosaso ay usocoto si habsami leh. Wasiirka kulankiisa waxaa ku weheliyay Wasiirku Xigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha.Guud,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Taliska Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay Magalada Kismaayo kusoo bandhgeen Miino nooca dhulka lagu aaso ah oo ay sheegeen inay fashiliyeen. Saraakiisha Nabadsugida Jubbaland ee ku sugnaa goobta lagu soo bandhigayay Miinada ayaa waxa ay sheegeen in lagu aasay xaafada Via-Afmadoow Waaxda Buulafatuuro ee Magalada Kismaayo. Hayeeshee sida ay sheegeen la doonayay in dadka Shacabka ah lagu dhibaateeyo,waxaana ay sheegeen in Al-Shabaab ay Miinadaasi dhulka geliyeen. Si kastaba taliyaha Hay’adda Nabadsugida Jubbaland ayaa dhowr mar soo bandhigay minooyin ay sheegeen inay fashliyeen,hayeeshee weli Al-Shabaab aysan weli ka hadlin.

Read More

Qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aado ayaa qabsaday gaari Ciidan uu uu saarnaa Abaanduulka, isagoo xiligaasi ka sii baxayay lagula eegtay agagaarka deegaanka Dhanaane ee koofurta Muqdisho, gaar ahaan dhanka wadada Xeebta. Sidoo kale taliyaha waxaa la geeriyooday Sarkaal kale oo lagu magacaabo Col. C/raxmaan Jimcaale Muuse oo ahaa Madaxa Maaliyadda ee Guutada 1aad Ciidanka xoogga dalka, kaasoola saarnaa gaariga, waxaana meydkooda la keenay Isbitaalka Xoogga ee degmada Hodan. Gudoomiye Kuxigeenka gobolka Sh/Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa xaqiijiyay geerida labada Sarkaal, wuxuuna sheegay iney wadaan howlgalo lagu baariyo sida weerarka uu u dhacay, Isagoo ku eedeeyay Shabaab mas’uuliyada…

Read More

Waxaa toddobada bishan Febraayo lagu wadaa in magaalada London ee dalka Ingiriiska uu ka dhaco shir lagu soo bandhigi doono maclumaad la xiriira sahmin shidaal oo laga sameeyay Soomaaliya. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa natiijada sahanka waxaa soo bandhigi doonta shirkadda Spectrum. Haddaba shidaalka Soomaaliya ma la “xaraashayaa” mise waa la suug-geynayaa? Inkastoo shir kan lamid ah horay loogu qabtay dalka koonfur Afrika, loogana hadlay shidaalka Soomaaliya ayaa haddana waxaa arrintan walaac ka muujiyay qaar kamid ah axsaabta siyaasadda Soomaaliya oo shirkaasi ku tilmaamay mid lagu “xaraashayo” kheyraadka dalka. Hogaamiyaha xisbiga wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur…

Read More

“Si looga hor-tago in uu dabar-go’ afkeenna hooyo ee Soomaaliga, waxaa lagu wargalinayaa dhammaan ganacsatada, goobaha waxbarashada iyo cid kasta oo albaab u furanyahay, in af-soomaaliga lagu daro tabbeelayaasha xayaysiinta ee goobtu leedahay, lana siiyo muhiimada kowaad ee cinwaanka goobta” ayaa lagu yiri qoraalka.  Halkan ka akhriso Wareegtada

Read More

Gaashaanle Sare Caydiid Axmed oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland iyo gaadiid ciidan uu wato ayaa isu soo dhiibay Puntland. Gaashaanlle sare Caydiid Axmed Nuur,  ayaa isu dhiibaya Ciidamada Puntland ee ku sugan Gobolka Sanaag. Taliyaha iyo Ciidan uu hoggaaminayo ayaa tagay Magaalada Qardho ee  Gobolka Bari, waxaana la tilmaamay in saraakiil ka tirsan Puntland ay qaabileen Jananka iyo ciidankiisa. Ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan sarkaalkan isa soo dhiibay, islamarkaana ka soo goostay Soomaaliland.hoos ka daawo muuqaalka Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Malta ayaa xaqiijisay geerida Muwaadin u dhashay dalkooda oo lagu magacaabo Paul Anthony Formosa, kaasi oo ahaa Madixii Shirkadda &O Ports ee hoos tagta Shirkadda DP World ee Mashruuca Dekedda Bosaaso. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Malta ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socon doonaan dhacdadaasi, isla markaana ay shaacin doonaan wararka dheeraad ee ku aadan baaritaanka Dilkaasi. Xisbiga Waddaniyadda ee dalka Malta waxa uu Dowladda dalkaasi ku booriyey inay xiriir la sameeyaan Muwaadiniinta kale ee Malta ee ku sugan gudaha Somalia iyo in baaritaan buuxa lagu sameeyo dilkii Paul Anthony Formosa. Dhinaca kale,…

Read More

Dekeda Bosaso ayaa maalintii labaad xiran oo aan wax shaqo ahi ka socon kadib markii shalay la dilay Maamulihii Dekeda Paol Farmosa. Shaqadu waxay ka istaagtay qaybta Dekedaha oo ay maamulaysay Shirkadda P&O port ee Imaraadkan, halka qaybta cashuuraha ee Kastamka wasaaradda Maaliyada ay shaqaynayso. Tiro baabuur ah oo raran ayaa ku xaniban Dekeda.

Read More

U.S. EMBASSY NAIROBI Security Message for U.S. CitizensFebruary 4, 2019 Continue to Exercise Heightened Caution Location: Kenya: Nairobi, Naivasha, Nanyuki, and coastal regions Event: Credible information indicates Westerners may be targeted by extremists in Nairobi, Naivasha, Nanyuki, and coastal areas of Kenya. The U.S. Embassy reminds the public of the continued need for heightened vigilance throughout Kenya, especially in public spaces such as shopping malls, hotels, and places of worship. Actions to Take:Be aware of your surroundings, and report suspicious activity to authorities immediatelyCarefully consider visiting locations frequented by tourists/WesternersMonitor local mediaHave travel documents up to date and easily accessibleReview your…

Read More