Author: Jibril Qoobey

Waxaa caawa Isbitaalka magaalada Bosaso ku geeriyooday Ninkii saakaa subaxii hore toogashada ku dilay maamulihii Dekeda Bosaso ee shirkadda P&O Port ee dalkaasi Imaaraadka Carabta Paol Farmosa. Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Maxamed Ibraahim, da’ahaana lagu qiyaasay 20 jir ayaa la dhigay qaybta xaalada deg dega ah ee cusbitaalka Bosaso, iyadoo qaliin lagaga sameeyay 5 xabadood oo ku dhacay ” Abaarihii 8: 30 fiidnimo ayay naftu ka baxday, waxaa lagu sameeyay qaliin lagaga saaray xabado kaga dhacay Badhida, Caloosha iyo gacanta, waa lagu dadaalay in la badbaadiyo hase yeeshee waa lagu guuldaraysay” sidaas waxaa horseedmedia u sheegay mid ka…

Read More

Degmada Towfiiiq ee Gobolka Mudug & Deegaanada hoos yimaada waxaa laga daremaya xiisad colaadeed,kadib markay halkaas soo gaareen Maleeshiyo fara badan oo Alshabaab ah ,kuwaasoo siw eyn u hubaysan. 24 Gaari oo tikniko oo kaso kicitimay deegaanka Bacaadweyne Ee koonfurta Mudug,ayaa soo kor dagay Degmada Towfiq. Maamulka iyo Saraakiisha amaanka Degmada,ayaa uxaqiijiyay saxaafada warkaas,waxayna sheegeen in ay gaarsiiyeen dowlada Dhexe ee Puntland. la soco wararkayaga danbe iyo waxii kasoo kordha.

Read More

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo oo ay dhinac fadhiyeen saraakiisha ciidmada ayaa sheegay dilka loo gaystay maamulihii dekedda Bosaso inuu ka dhicin gudaha dekedda, waxaana uu sheegay qofka dilka gaystay inuu sidoo kalle ka mid ahayn kalluumaysatada Bosaso,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

MFebaraayo 04 2019. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geerida maamulihii dekedda Boosaaso ee Shirkadda P&O Mr. Paul Anthony Farmosa oo saaka subaxnimadii dil loogu geystey magaalada Boosaaso. Madaxweyanaha Puntland ayaa uga tacsiyey gaarida Paul Anthony Farmosa shirkadda P&O, dowladda iyo shacabka Dalka Talyaaniga, Dalka Imaaraadka oo shirkadda lagaleeyahay, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey iyo dhammaan ummaadda Soomaaliyeed. “Waxaan ka tacsiyeynayaa geeridii foosha xumayd ee lagu diley maamulihii dekedda Boosaaso ee Shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa, waxaan uga tacsiyeynayaa dhacdadaasi foosha xun shirkadda P&O, dowladda iyo shacabka Dalka Talyaaniga, dowladda Imaaraadka oo shirkadda laga leeyahay,…

Read More

Ugu yaraan 9 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 7 kalana ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay wadada hormarta suuqa Muqdisho Mall ee degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho. Waxaa dadka qaraxa ku dhintay ka mid ah Colonel Cabbdinuur Axmed Kadiye oo ka tirsanaa ciidanka militariga Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil amniga ah oo la hadlay VOA.Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa baabuur walxaha qarxo laga soo buuxiyay oo lagu baarkimay agagaarka Muqdisho Mall iyo Baar Italia ee degmada Xamar weyne, gaar ahaan halkii la oran jiray Kureejo del Sud oo ku dhow xarunta dowladda Hoose ee…

Read More

War ka soo baxay Al-shabaab ayaa waxaa looga hadlay dil saakay ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari. Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dil loo geystay Paul anthony Fermosa oo ahaa madaxii Shirkada DP World ee Dekeda Magaalada Boosaaso. Qoraalka Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarrada noocan oo kale ah uu yahay mid ka dhanka ah Sharikadaha shisheeye ee ay sheegeen in ay guranayaan kheyraadka Dalka.

Read More

Wararkii ugu dambeeyay qaraxii ka dhacay Muqdisho. Waxaa warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan Qarax Gaari laga soo buuxiyay oo Goordhow lagu Weeraray Xarunta Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa la sheegaya in lagu dhuftay Irida laga galo Xarunta Degmada Hodan,waxaana la sheegaya in Qaraxa,ayaa geystay Khasaaro iskugu jira dhimasho iyo Dhaawac . La soco wararkayaga danbe

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso waxay sheegayaan in goordhaw halkaasi lagu dilay madaxii shirkadda DP World ee qeybta magaladaasi. Ninka la dilay ayaa lagu magacaabaa Paul Anthony Fermosa waxaa uu hayay maamulka shirkadda ee ku howlaneyd dhisidda dekedda magaalada Boosaaso. Wararka soo baxaya waxay sheegayaan in la toogtay mas’uulka. Wixii faahfaahin ah halkan ayaan idiin kuugu soo gudbin doonaa.

Read More

Madaxweynahii hore ee dalka Ciraaq alaha u naxariistee Sadaam Xuseen ayaa laga hayaa: Hadii ay ku qiyaanto qiimaha Mabaadi’daada waxaad isku daydaa in aysan ku qiyaanin qiimaha Raganimadaada. Hadaba saxiibayal waxaan wax yar idiinka taaban arin Telefon oo xalay na dhexmartay Ninka Wasiirka Waxbarashada ee Deeganka ee Somalida Gacanta ku haye isna Qariya Gobolkan Doollo sida Qarsoodiga ahna u Qasaya hadana Dagmada Galxamur ee Gobolka Doollo dhaqaalihii lagu dhisi lahaa intabadan isagu si dadban Gacanta ugu dhigay ninkaas oo ah mid aan Wax shaqaa kahayn Deeganka Somalida lkn Gacanyare u ah Wasiirka Waxbarashada ee Heerdagan. Ninkaa waxaa ladhahaa ina sheexaale hadaladii…

Read More

Warbaahinta dowladda dalka Iiraan ayaa shaacisay iney Tehran ay xuska sanad guurada kacaanka dalkaasi oo sabtida la qabtay ay ku soo bandhigtay gantaal casri ah oo ay riddadiisu gareyso 1,300 kilo mitir (800 oo mile). Kacaanka Islaamiga ee dalka Iiraan oo dhacay 1979-kii wuxuu jirsaday 40 sano. Tehran ayaa waxay sheegtay iney sii ballaadhisay barnaamijyada ay ku sameeysaneyso hubka iyo gantaallada riddada dheer iyada oo jawaab uga dhigeyso cadadiska ay Mareykanka iyo Waddamada reer galbeedka dalkaasi ku hayaan. Sabtidi shalay ahayd Taliyaha sare ee ciddamada kacaanka Iiraan ayaa shaaca ka qaaday iney Iiraan ay ku qasbanaatay iney sii ballaadhiso islamarkaana…

Read More

Cabdirashiid Maxamed Axmed Wasiirka Batroolka Xukuumadda Somaliya oo la hadlay Tv-ga Universal, ayaa wuxuu sheegay Shirka London lagu qabanaayo in lagu soo bandhigaayo kaliya sahmin Shidaal oo sanadkii 2013-kii & 2015-kii laga sameeyay Somaliya. Wuxuu tilmaamay sahankaasi baarista Shidaalka in laga sameeyay Kismaayo illaa Magaalada Hobyo dhanka Badda, sidaasi awgeedna aysan jirin Shidaal lagu xaraashaayo Shirkaasi oo dhacaya 7-da Bishan. “Shirkan wuxuu daba socday Shir aan anaga ka qaybgalnay oo Capetown lagu qabtay oo ay isugu yimaadaan wadamada Afrikaanka ee Shidaalka leh & Shirkadaha soo saara Shidaalka, Shirkaasi markii aan tagnay November 2018-kii waxaan la fariisanay Shirkadihii caalamiga ahaa, waxaa…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay kulan xog-waraysi ah la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed. Kulanka Ra’iisul wasaaruhu la yeeshay ganacsatada oo uu goob joog ka ahaa wasiirka ganacsiga, ayaa looga hadlay muhiimmadda u diyaar garoowga sidii ay ganacsatadu ula jaan qaadi lahaayeen maalgashiga shirkadaha caalamiga ah ee dalka ku soo wajahan, kadib xaqiijinta himilooyinka Tubta Hurumarinta Dhaqaalaha. “Ganacsatadeennu waxa ay ku soo shaqeeyeen xilli adag, sidaa darteed waxaa mas’uuliyadi naga saaran tahay ilaalinta ganacsigooda. Xukuumaddu waxa ay diyaarineysaa dhammaan sharciyada damaanad qaadaya hor-tebinta shirkadaha waddaniga ah”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre,hoos ka daawo…

Read More

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan gaar ah waxaa uu la qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira. Labada masuul ayaa waxaa ay ka wada hadleen fulinta qorshaha dhimista Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya,iyada oo 28ka Bishan la qorsheeyay in 1,000 Askari oo ka mid ah Ciidanka Burundi ka baxaan Soomaaliya. Ugu horeyn Madaxweynaha Hrshabelle uu kulan ka hadlay ayaa waxaa uu walaac ka muujiyay ka bixinta ciidamada AMISOM gaar ahaan deegaanada Hirshabelle. Madaxweyne Waare ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in ciidamada AMISOM laga saaro degaannada Hirshabeelle uu yahay mid xanuun badan ka hayo Maamulkaasi, islamarkaana…

Read More

Lacagtan ayaa loogu tala galay dhismaha mashaariic horumarineed iyo dhismaha waddooyinka oo laga hirgelinayo magaalada Kismaayo. Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda Jubbaland oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho lagu wareejiyay lacagtaas. Wasaaradda Maaliyadda Fadaraalka,ayaa qoraal sanadkii hore ay u marsiisay baraha Bulshada waxay kaga dalbatay Jubaland in ay soo gudbiso xisaab xirka iyo sida loo qoondeeyay lacagaha horay loogudiray,dalabakaas oo Maamulka Jubaland kaga jawaabay Xisaab celin uu soo marsiiyay baraha Bulshada. Tallaabadan,waxay horseedeysaa isu soo dhowaansho bilow ah oo dhex mara Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah,kaddib kulankii Garowe Todobaadkii hore ku qabsoomay.

Read More

Askariga dilay Bajaajlaha ayaa la sheegay iney isku maan dhaafeyn oo ay ku murmeen lacagta Moota raaca, waana sababta uu Askariga Rasaasta uu ugu furay wadahii mooto Bajaajta,sidaasna uu u geeriyooday. Askasriga dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta uu dilka ka dhacay. Inta badan Muqdisho ka dhaca dilalka Askarta ay u geystaan Wadayaasha Mooto Bajaajta,mana jirto cid Dhacadooyinkaasi wax ka qabata.

Read More

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa sheegay in mudada u joogo muqdisho u la kulmi doono madaxda dowlada iyo waxgaradka kasoo jeeda koonfur galbeed waxana laga yaaba inu dowlada kala hadlo xariga sheikh mukhtaar robow abuu mansuur oo ku xiran Muqdisho,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Muuse Biix Cabdi Madaxweynaha maamulka Somaliland oo ka hadlayay xaflad loo qabtay xuska sanadguurada Ciidamada maamulkiisa,ayaa sheegay in tan iyo markii la doortay Farmaajo uu ku hayo dagaal dhinacyo badan leh. ”Dowlada Federaalka Soomaaliya ay cunaqabateyn saartay maamulka Somaliland, isla markaana ka danbeysay dagaaladii ka dhacay Tukaraq ee gobalka Sool”,ayuu yiri Muuse. Isla khudbadiisa,ayuu hadana Muuse ku sheegay in Dowlada Farmaajo hogaamiyo ay ka taliso oo kaliya Gobolka Banaadir ,aysana awood kale lahayn,taasoo ka hor imaanaysa eedayntisii ahayd in Dowladaas ay soo qaaday dagaalka Tukaraq,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Guddoomiyaha Xisbiga talada Deegaanka Somalida haya Axmed Shide,ayaa maanta lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garaad Wiil-Waal ee Magaalada Jigjiga. Axmed Shide,ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay madaxda u saraysa Deegaanka oo uu horkacayo Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar. Axmed Shide, ayaa la filayaa in maanta galinka dambe kulamo la qaato madaxda Dowladda Deegaanka Soomaalida iyo odayaasha Deegaanka. Mustafe Cagjar iyo Axmed shide,ayaa mudooyinkan danbe waxaa ka dhex taagnaa khilaaf xoog leh oo sababay in hakad ay galaan dhamaan hawlahii Maamulka. waxaana la filayaa in imaanshihiisa Jigjiga ee maanta uu muujiyo in uu soo afjarmay khilaafkaas.

Read More

Madaxweyne Deni Jimcaha waxaa kaga eg xiligii uu dalbaday in loogu daro soo magacaabida Golaha Wasiirada ee cusub. Ilo lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan in ay dhici karto in uu mar kale dalbado wakhti kordhis loogu sameeyo soo magacaabida Wasiirada. Dad qaar waxay qabaan in uu yahay Nin jilicsan oo aan karti ulahayn in uu ku dhawaaqo golaha,halka Dadka qaarkiisna ay ku tilmaamayaan in uu yahay Nin degan oo ka fiirsi badan rabana in uu soo doorto masuuliyiin Umada ka gadmaya. Culayska ugu badan waxuu uga imaanayay sida xogtu sheegayaso kooxdii qaybta weyn ku lahayd soo bixidiisa ,kuwaasoo ku adkaystay…

Read More

Wasaarada Caafimaadka Puntland sida ka muuqata magaceeda ha uqaadan oo haku kadsoomin, mahan xarun utaagan daryeelka Caafimaadka bulshada ee taa badalkeeda waxay hoy unoqotay danbiilayaal ku bahaloobay hantida umada. Xarun gacanta ugashay bahalo aan Dal iyo Dad udanaynayn,ayay noqotay Wasaaradii 3-aad ee ugu macnaha badnayd Wasaaradaha Puntland.Waxaa haysta koox isfahantay qawlaysata ah oo u midoobay in ay iibsadaan dawada loogu talagalay in caafimaadka bulshada lagula tacaalo.Koox ka qaraabata Siminaarada,Mashaariicda iyo Deeqaha caalamku ugu talagaaly horumarinta Caafimaadka Puntalnd. Shaqsiyaadka bahaloobay ee isku xiran,isla markaana ubahoobay dhaca qarsoon ee hantida Umada,ayaa kala ah:- 1.Cabdirisaaq Xirsi Xassan waa Agaasimaha guud ee Wasaarada,waxuu Garowe…

Read More

The al-Shabab militant group has scaled up its attacks against pro-Islamic State fighters in the northeastern mountainous Somali region of Bari, experts say. Intelligence and security officials say al-Shabab has seized two locations from pro-IS militants this week. One area is called El-Miraale, a water point that has been the focal point of clashes. The second village seized by al-Shabab is called Shebaab, south of the town of Qandala, according to sources. Pro-IS militants have retreated farther into the highlands, but experts say the fighting is not over.Abdi Hassan Hussein, the former intelligence chief of Puntland, has been monitoring the…

Read More

Akram Xasan Cafiif oo 22 sano jir ah waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda xirfadda sare leh ee sida weyn isha loogu hayo. Waxa uu lambarka 10-aad uga ciyaaraa xulka qaranka ee waddanka Qadar, isagoo kaalin mug lehna ka qaatay guulihii at Qadar ka gaartay tartanka koobka Aasiya oo ay ugu dambeyn Jimcadii koobka ku hanteen. Mid ka mid ah saddex gool oo ay Qadar ciyaartii finaalka uga badisay xulka Japan ayuu dhaliyay Akram. Wuxuu weerarka uga ciyaaraa kooxda Al Sadd, isagoo qaab amAah ah uga soo tagay kooxdiisa Villarreal ee ka dhisan dalka Spain. Akram waxaa dhalay Xasan Cafiif…

Read More

Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Dalka Soomaaliya ayaa Jenaral Tigabu Yilma Wondimhunegn u magacaabay Talyaha guud ee Ciidamada AMISOM ee ka howlgala dalka Somaliya. Tigabu Yilma oo kasoo jeedo dalka Itoobiya,ayaa xilka kala wareegay Talyihii hore ee Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM Jim Beesigye Owoyesigire oo Dalka Uganda u dhashay. Munaasabadda xil wareejinta waxaa goob joog ka ahaa madaxa AMISOM Francisco Caetano Madeira. Tigabu Yilma,ayaa in ka badan 30-sanno ee lasoo dhaafay xilal kala duwan kasoo qabtay ciidanka xoogga ee dalka Itoobiya.

Read More

Qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la sheegay in lagu weeraray Saldhig Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Baardheere. Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka Baardheere ayaa sheegay in qaraxa laga hortagay, isla markaana gaariga aanu gaarin halka bartilmaameedka ahaa. Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegaya inay hayeen xogta qaraxa ismiidaaminta, waxaana la sheegay inta aanu is qarxin ay ciidamada joojiyeen, laguna qasbay inuu soo dego, balse uu is qarxiyay. Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo dhigeen baraha Internet-ka ku sheegtay in qaraxa ismiidaaminta ay ku dileen tiro askar Itoobiyaan ah. Qaraxa ayaa ahaa mid aad u xooggan oo…

Read More

Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya Mustafe Maxamuud Cagjar oo dib ugu laabtay magaalada Jigjiga ayaa faah faahin ka bixiyay khilaafkii siyaasadeed ee waayadii ugu danbeeyay ka jira deegaanka iyo ugu danbeyntii in la soo afjaray. ”Tan iyo wixii ka danbeeyay markii maamulkan cusub la yagleelay waxaa soo noq noqnayay cabaqabado sababay in nidaamku sidii la rabay uusan u socon, kala aragti duwanaasho la xiriirta dib sidii xisbiga loogu yagleelo lahaa baa jirtay, taasoo keentay in saxaafaddo siyaabo kala duwan uga hadasho, arrimahaa ayaa keenay in aan Addis Ababa tago, dhamaanba wixii qaladaad ah ee jirayna waan…

Read More

Madaxweyne Xaaf waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo, waxa uuna Madaxweyne sheegay in maalamaha soo socdo uu ku sii sugnaan doono Magaalada Gaalkacyo,isla markaana uu kulamo kala duwan la qaadan doono Maamulka Magaalada Gaalkacyo, Waxgaradka iyo Bulshada ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo marwadiisa Dr Hodon Siciid ayaa saaka ka dhoofay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Madaxweyne Gaas oo warbaahinta kula hadlay qolka martida ee madaarka diyaaradaha General Maxaemd Abshir ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka reer Puntland inay ka shaqeeyaan midnimada iyo horumarka xukuumadda cusubna garab istaagaan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Runtii waan soo dhawaynayaa, waana bogaadinayaa Wariye Terra iyo Barnaamijka aadka qiimaha u leh ee Baadi Goob, iyadoo muhiimadu ay ahayd in shacabka Soomaaliyeed ay ku baraarugaan oo aysan dib dambe u dhicin in inta hantidooda la dhaco aan cidna iswaydiin. DHEX-DHEXAADNIMADA BARNAAMIJKA Waxaa soo jeedinayaa marka aad baaritaan soo bandhigayso dhex-dhexaadnimadu aad bay muhiim u tahay, waxaana ka dhex muuqda Barnaamijka sida aad sawirada iyo muuqaalka ku aragtaan Heshiisyo ay gashay dawladda Nabad iyo Nolol oo Barnaamijka lagu eedaynayo dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh (BAL ILA EEGA TAARIIKHDA HESHIISKA). Barnaamijku dhex-dhexaadnimadii wuu lumiyey haddii uu eed ay…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah bulshada kasoo jeeda gobolada Maamulka Koonfur Galbeed ee ku dhaqan Puntland. Kulanka Bulshada reer Koonfur-Galbeed iyo Madaxweyne Dani,ayaa la seegay in ay daaran tahay sidii ay uga heli lahaayeen reer koonfur-Galbeed qoondo Golaha Wasiirada Puntland ee laga sugayo in uu ku dhawaaqo Madxaweyn e Deni,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Golaha wasiirrada ee uu magacaabay madaxweynaha Koonfurgalbeed ayaa ka kooban toban xubnood oo dhammaantod ah wasiirro, waxaana wareegtada magacaabista lagu sheegay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada in la magacaabay. Wasiirrada waxaa u badan wajiyo cusub, sidoo kale waxaa golaha cusub ku jira Maxamed Abuukar, oo horay u ahaa Wasiiirka Waxbarashada Maamulkii Shariif Xasan ,hadda waxaa loo magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka Halkan ka akhriso magacaabista:-

Read More

Abwaan Cabdillaahi Xirsi Ibraahim, oo ku magac dheeraa Baarleex, waxa uu Alle ha u naxariistee ka mid ahaa sugaanyahannada ay sida weyn u yaqaaneen guud ahaan dadka Soomaaliyeed wuxuuna taariikh lama illoobaan ah ku lahaa fanka. Baarleex oo ay da’diisu ahayd 65 ilaa 66 sano ayaa ku dhashay magaalada Qorraxay ee hadda ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Shalay ku geeriyooday waddanka Hindiya, halkaasoo looga daweynayay xanuun dhinaca wadnaha ah oo uu in muddo ahba la il darnaa. Abwaan Baarleex wuxuu ahaa nin gole ka yeer ah oo gabayada dusha ka tiriya hibo gaar ahna uu Alle siiyay”. Deegaanno ka…

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa maanta ku dhowaaqday inay ka baxeyso heshiiska tobanaanka sano jira ee xakameynta hubka Nuclear-ka ee ay kula jirtay Ruushka. Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa maanta sheegay in laga bilaabayo labada Febraayo, Washington ay hakin doonto u hogaansaminta heshiiska xakameynta hubka nuclear-ka ee riddada dhexe, loona yaqaan INF. Mareykanka ayaa ku eedeeyey Ruushka inay ku xadgudbeen qodobada heshiiskan oo soo jiray tan iyo dagaalkii qaboobaa. Ruushka waa ay beeniyeen eedeymaha Mareykanka. Heshiiskan ayaa ahaa kii ugu horreeyey dunida ee xakameynta hubka, wuxuuna mamnuucayaa qeyb ka mid ah hubka nuclear-ka oo ah midka gaara ilaa 5,500 oo…

Read More

Xaqiiqdii waa wax laga xumaado in sadexdan isin ee maqaamka sare ku dhex leh Umada ay ku sugnaayeen Garowe habeenkii xaflada caleema saarka la qabanayay,,balse aan wax tixgalin ah ka helin gudigii,haldoorkii iyo madaxdii Puntland. Sadexda isin,ayaa kala ah;- 1.Suldaan Siiciid Suldaan Cabdisalaan ,,Suldanka Guud Belaha Harti Ahna Suldaanka Ugu Abtirsiga Dheer Isimada Somalida 2.Garaad Saleen Garaad Maxamed,isinka guud ee beesha Maxamuud Garaad Dhulbahante. 3. Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil ,isinka guud ee beesha Cali Saleebaan Majeerteen. Isimadan kan ugu abitirsi gaaban ugu yaraan ilaa iyo 12 Awoowe,ayuu isinimo ku abtirsadaa in aysan kalmad ku yeelan xaflada ama aananba lagu casumin…

Read More

Nasiib daro ka weyn majirto in dalka la musuqmaasuqo ma hudhadiisa. Duqa Bosaso waxuu sheegay goor hore in la bilaabay dib u dhiska wadada Halbowlaha u ah Bosaso,isagoo shaaciyay shirkad uu ku tilmaamay in ay qaadatay mashruucaas. Hadaba dib u dhiskii Laamiga muhiimka ah ee dhexmara Magaalada,waxuu nqoday la mood noqonse waa.. Ciid iyo dhagxaan laysku qasay oo boor badan,ayaa gododkii ka dhex samaysay laamiga laga buuxshay. Bashiir Cabdisalaan masuulkii Dhalinyarada ahaa ee loo han weynaa ma waxay dani ka gayn wayday mashruucii qaaraanka lagu soo ururshay ee Bosaso eeganaysay. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxaan ugu baaqaynaa in uu arinkaas…

Read More

“Waxaa galabta loo dhaadhiciyau xabsiga Qardho 10-Maxbuus oo ah dhallinyaradii magaalada wareerisay qayb ka mid ah, inta kalana waan ku raad joognaa, fadlan waalidku ha ceshtaan Caruurtooda”, ayuu yiri, Duqa magaalada Galkacyo Yaasiin Cabdisamed. Duqa Kmg ah ee Gaalkacyo mudadii yarayd ee uu hogaanka Magaalada hayay waxuu muujiyay waxqabad aan la dhayalsan karin. Gaalkacyo oo ku taal meel muhiim u ah Puntland iyo guud ahaan Somaliya,waxay baahi uqabtaa amni. Ma shaqeeyaan guud ahaan laamaha amaanka Gobolka,sababo lagu micneeyay qalab la’aan ,xarumo la’aan iyo mushahaar la’aan. Sidoo kale adeeg Dadweyne oo ay Dowladu kabto ama waxuun ku darsato majiro. Waxa kaliya…

Read More

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay (DPPA), Rosemary DiCarlo oo Muqdisho safar kusoo gaartay. Kulanka ayaa looga hadlay adkaynta xariirka Qaramada Midoobay iyo dawladda federaalka Soomaaliya, in si dhaw labada dhinac ay uga wada shaqeeyaan danaha ummadda Soomaaliyeed, in dawladda laga taageero dhismaha dawlanimada iyo nabadda iyo in la dhiirri geliyo Bah-wadaagnimada waqtiga fog ee Soomaaliya u suura gelinaysa mustaqbal barwaaqaysan. Ra’iisul wasaare Khayre iyo madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay ayaa ku heshiiyay in qaramamada midoobay ay dawladda kala shaqayso ka…

Read More