Federal prosecutors have today charged 47 individuals, including ex-Somali regional state president Abdi Muhamud Omer, a.k.a, Abdi Iley, with criminal charges of inciting inter-communal violence. The charges are filed at the federal high court fourth criminal bench. Today’s criminal charges followed findings by the attorney general’s office on its investigations into the violence that plunged cities and towns in Somali regional state during the weekend of August 04/2018. The charge sheets contain details of the investigation results. On January 25, the Attorney General’s office revealed that the August violence resulted in the killings of 58 people while 266 were injured. the report by the…
Author: Jibril Qoobey
Madaxweynihi hore ee DDSI Cabsi Maxamud Cumar aya Manta markale Maxkamad laso taagay iyadoona Xeer ilaalinta Ethopia ayaa sheegtay in 47 Qof oo uu kamid yahay Madaxweynihi hore ay ku lug lahaayen Dhacdadii 4ti Augosto ee Sanadki hore ka dhacday Magaalada Jig Jiga. Rabshadahaasi waxa ku Geeriyooday 59 Qof waxana ku Dhaawacmay 266 Qof halka Hanti ka badan 412 Milyan oo Bir ay ku baaba’day. Lix Qof oo uu ka mid yahay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hada gacanta lagu haaya waxaana Dalka Gudihisa iyo Dibadiisaba ku maqan 41 Qof iyadoo Dadkaasi intooda badan ay ku sugan yihin Gudaha Ethopia. Dadka Falkaasi…
Ra’sail Wasaare hore Cali Maxamed Geeddi, Soomaaliya halkee ka timi? halkee loo socdaa? hadda se halkee la maraya? waayo aragnimo iyo xog qoto dheer ayuu ku bixiyey waraysiga uu siiyey Daljir,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Talyaha Booliska Fadaraalka,ayaa kormeer uu ku qiimaynayo Boolsika Puntland ku joogay maalmahan Puntland. Talyaha oo kasoo dagay markii hore caasimada Garowe,ayaa hada gaaray xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay inuu $ 10,000 ku taageerayo dhismaha Laamiga Wadnaha Gaalkacyo, ka dib markii uu arkay dad wax qabsanaya oo deegaankooda qurux sanaya iyo Shirkad wadani ah oo si daacad ah wax ugu qabanaysa ” waa Shirkadda Kebarko”. hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxa dhaliil xoogan loogu jeediyay Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ee heer Fadaraal. Halkan ka akhriso warka kasoo baxay koonfur-galbeed
Wararka ka imanaya Jabuuti waxay sheegayaan in la helay maydka ilaa 35 ka mid ah dadkii ku dhintay dooni ay la socdeen dad tahriibayaal ah, xeebta Obokh ee dalka Jabuuti maalintii shalay. Hay’adda socdaalka muhaajiriinta IOM ayaa iyaduna sheegtay in shaqaalaheeda ku sugan Obokh ay soo tebiyeen in lasoo badbaadiyey 16 qof.Doonta degtay ayaa ka mid ahayd laba doonyood oo la sheegay inay wadeen dad gaadhaya 130 qof oo u socday dalka Yemen. Sannadkii hore ayey IOM sheegtay inay xeebaha Jabuuti ku dhinteen dad ka badan 150 oo tahriibayaal ah.
Dowlada Ingiriiska,ayaa badashay safiirkeedii Somaliya Mr David Concar. Benjamin James Fender,ayay Dowlada Ingiriisku usoo magacawday badalkisii,kaasoo la filayo in uu soo gaaro Somaliya maamlmaha soo socda. Concar ayaa la sheegay in xil kale oo diblomaasiyeed uu u wareegi doono, inkasta oo aan shaaca laga qaadin. Ben Fender ayaa ka hor xilkan ahaa madaxa siyaasadda amniga ee xafiiska arrimaha dibedda UK, wuxuuna hore usoo noqday ku xigeenka howlgalka UK ee dalka Iran. La soco faahfaahinta wararkayaga danbe.
Mr Ben Fender OBE has been appointed Her Majesty’s Ambassador to the Federal Republic of Somalia in succession to Mr David Concar, who will be transferring to another Diplomatic Service appointment. Mr Fender will take up his appointment in February 2019. CURRICULUM VITAE Full name: Benjamin James Fender 2016 to 2019FCO, Head, Security Policy Department2015 to 2016Tehran, Chargé then Deputy Head of Mission2015FCO, Deputy Head, Iran Department2014 to 2015Freetown, Deputy Head, UK Ebola Response2012 to 2014Kabul, Counsellor (Political)2008 to 2011Paris, First Secretary (Political/Military)2007 to 2008Seconded to the French Ministry of Foreign Affairs2003 to 2007FCO, Head, Iran team1999 to 2003Beijing, Second…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Barnaamij xiiso leh oo laga diyaariyay heerka musuqu gaarsiisan yahay gudaha nidaamka maamul ee Gobolka Banaadir,kan caasimada ee muqdisho iyo Dowlada dhexe Fadaraalka ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Magaalada Jigjiga ayaa waxaa maalmihii dambe ka dhacayay rabshado ay soo abaabuleen dadka Itoobiyaanka ah ee ku dhaqan magaaladaasi, iyadoona lagu soo waramayo in xal deg deg ah arintaasi laga gaaray. Inta ay rabshadaha socdeen ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ku dhawaad 2 ruux, halka 3 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen rabshado ka dhacay Magaalada Jigjiga ee dhulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya. Rabshaddaha ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen Qowmiyaddaha Soomaalida iyo waliba Amxaaradda ee dalka Itoobiya. Taliyaha Booliiska Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxamed Cali Xasan ayaa ka hadlay rabshadihii ka dhacay Magaalada Jigjiga. Maxamed Cali…
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Saacaddihii ugu dambeeyay ku jiray kulamo wadatashi ah oo ku aadan ku dhawaaqista Golaha Wasiiradda. Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ayaa looga yeeray Warbaahinta, waxaana lagu dhawaaqaya Wasiiradda sida ay wariyaasha Baydhabo soo sheegayaan. Madaxweyne Lafta gareen ayaa muddooyinkii dambe waday latashiyo uu la sameynayo waxgaradka iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in wajiyo cusub ay ka dhex muuqan doonaan Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed.
Hogaamiyaasha Midowga Yurub ayaa meesha ka saaray iskudayga ay Ra’isulwasaaraha Britain Theresa May ku rabto in ay mar kale dib ugala xaajooto ka bixista Ingiriiska ee Midowga Yurub bisha March. Baarlamaanka Britain ayaa Talaadadi shalay ansixiyay codi ay ay Theresa May Midowga Yurub uga codsatay in ay dib uga wada shaqeeyaan heshiiska Brexit gaar ahaan xuduuda Ireland. Laakin afhayeen u hadlay madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Donald Tusk ayaa gaashaanka ku dhuftay iskuday walba oo dib loogu furayo wada-hadaladi dhamaaday ee Midowga Yurub iyo Britain.Iyadoo aanan xal laga gaarin heshiis ay labada dhinac ka gaaran qaabka ka bixista Ingiriiska ee Midowga…
Warbaahinta Fana ee ku hadasha afka dowladda Itoobiya ayaa kusoo warrantay in ciidammada cirka ee dowladda Itoobiya ay duqeyn ku dileen 35 dagaalamayaal oo katirsan ururuka Al Shabaab. Itoobiya ayaa sheegtay in weerarkan uu dhacay 24kii bishan Janaayo. War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda gaashandhigga ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta ay socotay 44 daqiiqo, lagu bartilmaameedsaday saldhig ay Al Shabaab ku leeyihiin degmada Buurhakaba oo qiyaastii 75 kilomitir dhanka bari kaga beegan magaalada Baydhabo. Militariga Itoobiya waxay sidoo kale sheegeen in madaxa howlgalka Al Shabaab ee deegaankaasi, Abdul Cismaan ay ku dileen weerarka iyo in burburiyeen afar…
Ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi ayaa booqday qaybaha laga dhisay Laamiga Wadnaha Gaalkacyo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Axmed Maxamed Islaam oo dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ayaa ka war bixiyey Safar uu Magaalada Garowe kaga qayb galay Xalfada Caleema saarka Madaxweynaha Cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kulamo uu halkaa uu ku dhaxmaray Madaxda Dowlada Faderaalka Soomaaliya. Wakhtiga kulankaas ka horeeya ayuu Madaxweynahu sheegay in wixii dhiman laga sugayo Dowlada Federaalka ah in ay Xal la timaado maadama masuuliyada ay iyada saaran tahay waxaa uu Madaxweynahu intaas ku daray in niyad wanaag ay kala yimaadeen Garowe. Qaraxii ka dhacay maanta Magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha ka tacsiyeeyey isagoona ugu baaqay Dowlada Faderaalka in ay ficil ku…
Warbixinta sanad laha ah ee ay soo saarto hay’adda dunida u qaabilsan qiimaynta hufnaanta ee loo yaqaan (Transparent International) ayaa tilmaamaysa in : 1- Soomaaliya ay sidii caadada ahayd sanadka 2018 difaacatay booskeedii ahaa dalka ugu tuugsan dunida iyada oo haysata 10/100, waxaa ku soo xiga Suuriya 13/100, South Sudan 14/100, Yemen 14/100 iyo North Korea 14/100. Marka laga yimaado North Korea, dhammaan wadamada kale waa kuwa uu halakeeyay dagaal sokeeye oo aan lahayn hay’ada dawli ah taabbo gal ah. 2. Waxaa ilaa 4 dhibcood lumiyay oo hoos u dhac ku yimi Maraykanka oo wax ka yar 71/100 , waxa…
The top countries are Denmark and New Zealand with scores of 88 and 87, respectively. The bottom countries are Somalia, Syria and South Sudan with scores of 10, 13 and 13, respectively. Somalia is the most corrupt in the world, Denmark the least, while America’s falling score is a ‘red flag’, according to a global corruption watchdog. Transparency International highlighted Hungary and the United States in their Corruption Perceptions Index for 2018, with America being knocked from the top 20 ‘cleanest’ list.Trump’s America lost four points and dropped out of the top 20 least corrupt nations for the first time since 2011, while Hungary’s politics has taken on more autocratic…
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo shalay Kenya ku tegay booqasho rasmi ah ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula yeeshay madaxwaynaha dalkaas, Uhuru Kenyatta. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa ka wada hadlay adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood iyo iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, waxa ayna isla garteen in xoojinta xariirka labada dawladood ka dhexeeya uu muhiim u yahay Horumarka iyo xasiloonida gobalka geeska Afrika. Ra’iisul Wasaaraha oo madaxwayne Kenyatta u muujiyay sida ay muhiim u tahay in loo midoobo xasilinta iyo nabadaynta gobalka ayaa dawladda Kenya…
Marwada Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland ayaa Magaaladda Garoowe kulan kula qaatay Madaxda Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliya oo Garoowe u yimid Caleema saarka Madaxda Cusub ee Dowladda Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Gollaha wakiiladda Dowladda Puntland ayaa Guddi u saaray Warbixin uu shalay u soo gudbiyay Guddiga Ku meel gaar ka ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in Yoweri Museveni uu iska hadlay, isagoo xusay in la ogyahay in Soomaaliya ka jirtay dowlad la aqoonsan yahay. “Wuu iska hadlay, kaliya waxaa dhici karaa waa qof iska hadlay, waa la ogyahay Soomaaliya waxay leedahay dowlad jirta oo xooggan”ayuu yiri Wasiir Cawad. Axmed Ciise Cawad ayaa intaas ku daray in ka Dowlad ahaan ay jawaab hoose gaarsiin doonaan Dowladda Uganda. Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni,ayaa mar uu ka hadlayay shirka Garsoorka Dalkiisa waxuu sheegay in ay jiraan Dalal badan oo aan Dowlad laheyn, isla markaana aysan heysan hey’ado nidaamsan oo wax…
Si Gobanimo ah,ayaa loo marti galiyay ,loona tusay maqaamka Madaxweyne leeyahay,isla markaana la dareen siiyay in uu jiro Dal iyo Dad uu xukumo ee uusan ahayn Maxbuus ku oodan Villa-Somaliya Madaxweyne Farmaajo “Waxaa sharaf weyn noo ah in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aan sagootino isaga iyo weftigiisaba”. ayuu yiri Madaxweyne Deni. “Waxaan ku faraxsanahay muddadii yarayd ee uu joogey Madaxweynaha Somaliya inuu fursad u helay kulanka madaxda Dowladda xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka iyo madaxdii hore ee dalka …Waxaan aad ugu mahadcelinayaa muddadii uu joogey sida wanaagsan ee uu arrimaha qaranka u agaasimey waxaan rajaynaynaa haddii…
Shirkadda isgaarsiinta Shiinaha ee Huawei Technologies, ayaa diiday dacwad dambiyeed ay kusoo oogeen dacwad oogayaasha Mareykanka oo ku saabsan xatooyada hantida maskaxeed ee Mareykanka iyo qiyaameyn lacageeed. Dacwaddan oo ka kooban 13 qodob ayaa waxaa Isniintii lagu diiwaan geliyey maxkamadda federaalka Mareykanka ee New York. Dacwad oogayaasha ayaa shirkaddan Shiineeska ah iyo sarkaalkeeda ugu sarreeya ee maaliyadeed, Meng Wanzhou ku eedeeyey inay xiriir ganacsi la yeesheen Iran, ayaga oo jebinaya cunaqabateynta Mareykanka. Huawei waxa ay sheegtay inay aad uga niyad jabsan tahay eedeymahan. “Huawei, shirkadaha hoos yimaada iyo kuwa ku xiranba waxa ay beeninayaan inay sameeyeen wax xadgudub ah. Kamana…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta 29 January 2019 daah furey Shirweynaha Dhaqdhaqaaqa Caafimaadka Haweenka Adduunka oo markii ugu horaysey ka furmay Africa gaar ahaan dowladda Puntland ee Soomaaliya. Shirweynahan oo socondoona muddo laba cisho ah ayaa waxaa Madaxweynaha kala qayb galay masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland, bahda caafimaadka Puntland, siyaasiyiin, Murwada Madaxweynihii hore ee Puntland Pro. Hodon Saciid Ciise, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Puntland ayaa bogaadiyey shirweynaha Kaalinta Dhaqdhaqaaqa Caafimaadka Haweenka Adduunka in markii ugu horaysey Africa lagu qabto gaar ahaan dowladda Puntland ee Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa sheegay in barnaamijkan…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo daah furay shir-weynaha dhaqdhaqaaqa caafimaadka Haweenka ee adduunka oo maanta Garoowe ka furmay,hoos ak daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Laba qof ayaa ku dhimatay shan qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa baabuur oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay baankinka kaalin shidaal oo ku dhow Ex Shabeele iyo xaruntihii hore ee baarlamaanka. Dhimashada iyo dhaawaca dadkan ayaa waxaa xaqiijiyey guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax. Tuulax ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid la diyaariyay mana uusan carabaabin halka loo waday qaraxa. Halkan ka daawo Qaraxyada
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Maxamed Xaaji oo ah falanqeeye uwaramay Tv-ga Afka Somaliga ku hadla ee Universal ,gaar ahaan Barnaamijkiisa Dabagalka wararka ayaa yiri” Muqdisho Laba Dowladood wax u eg ayaa ka jirta Madaxweynaha Ugandhana looma Babac dhigi karo sidii Nicolas Haysom”. Maxamed Xaaji oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Musafeni mahan qof caadi ah waxuu ka mid yahay Dadka awooda ku leh siyaasada iyo amaanka Soamliya,mana ahan Nin si fudud loogu jawaabi karo oo lagu deg-degi karo,hadii sidii Qaramada Midoobey lagu boodana waxaa ka imaan doona cawaaqib xumo baahsan oo aan caadi ahayn saamayn xuna yeelan doonta”,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne Laftagareen,ayaa kulan la qaatay Jaaliyada Koonfur-Galbeed ee ku nool Puntland,gaar ahaan caasimada Garowe. ”Aadbaad unasiib badan tihiin hadaad tihiin jaaliyadiina halkan timid,Somalidii kale waxay aadeen Maraykan iyo South africa meelo laysku dilo idinkuna waxaad timaadeen dhul Somaliyed iyo Dad Somaliyed oo idin jecel idin ixtiraama”ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen. Laftagareen,ayaa ku booriyay jaaliyada Koonfur-galbeed in ay dhexgalaan Dadka reer Puntland,Dhulka iibsadaa,Dumarka guursadaan si fiican oo Walaatinimo leh ula dhaqantaan walaalihiin idin soo dhaweeyay oo idin jecel. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Musafeni,ayaa yasay Somaliya marka la qiimeeyo sida uu uga maagtay in uu magac dhabo Dalalka kale ee aysan Dowladnimadoodu xoog badnayn,waxuuse ku dhiiraday in uu Somaliya magaceeda goobta ka sheego isagoon xeerinayn Diblomaasiyada ka xadiday Wadamada kale in uu soo qaato. Madaxweyne Museveni dhowr jeer hore ayuu Somaliya tusaalooyin liita ugu soo qaatay goobo layskugu yimid oo ay tani ugu danbaysay.Ilaa iyo hada Dowlada Somaliya kama aysan jawaabin hadalka Musafeni marka laga soo tago Warqad shaki laga muujiyay jiritaankeeda. Warqadan shakigu ku jiro ee hab qoraalkeeduna hooseeyo,ayaa la sheegay in ay kasoo baxday Wasaarada arimaha Dibada Dowlada Fadaraalka Somaliya,waxaana ku…
Ethiopian born Saudi business tycoon Mohammed Alamoudi has been released from prison in Saudi Arabia. It is to be recalled that earlier in 2018, PM Abiy Ahmed traveled to Saudi Arabia & discussed a number of issues with Saudi Crown Price Mohammad Bin Salman. Office of the Prime Minister – Ethiopia’ One of the issues included the release of Mohammed Al Amoudi. Prime Minister Abiy Ahmed in his Millenium Hall address later in May 2018 further assured of his return. We wish Mohammed Al Amoudi a safe return to Ethiopia.
Ethiopia’s capital is set to cement its place as Africa’s leading aviation hub with an expanded airport terminal which triples it passenger capacity. Last year, Addis Ababa overtook Dubai as the leading transfer hub for long-haul travel to sub-Saharan Africa. On Sunday (Jan. 27), prime minister Abiy Ahmed inaugurated the newly-expanded terminal of the Bole International Airport, the main hub of Ethiopian Airlines in Addis Ababa. The project, which was funded and built by China for $363 million, triple the airport’s size and can now accommodate up to 22 million passengers annually from its current 7 million. The terminal and…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa mar kale u gafay Dowladnimada Somaliya. Mr Museveni oo maanta furayay kulanka Sanadlaha ah ee Garsoorka Dalkiisa,ayaa tusaale u soo qaatay sida ay Dowlad ku shaqeyn karto. Waxaa uu Dal ku sharraxay Dad isu tagay oo isku meel ka soo jeeda,halka Dowladdu tahay midda fulisa awoodda iyo xeerka. Waxaa uu sheegay in Dowladdu tahay mid maamusha Dalka, fulisana sharciga, waxa uu sheegay in ay jiraan Dalal aan lahayn Dowlad, waxuuna tusaale u soo qaatay Soomaaliya. “Waxaa jira Dalal badan oo aan lahayn Dowlad,tusaale Soomaaliya, iyo kuwa kale oo aysan diblomaasiyaddu ii ogoleyn in aan…
Bismillah, #Puntland way muteysatay maqaamka sare ee loogu mashxaraday. Waxaanse oran lahaa: sida ugu habboon ee loogu dabaal-dago horumarka Puntland waa in looga daydo dhaqanka siyaasadda. Libinta Puntland waxaa saldhig u ah shan qodob: a) Hoggaanka dhaqanka oo kaalintiisii nabadoonnimo gudanaya.b) Beelaha deegaanka oo dibu heshiisiin dhab ah gaaray. c) Saamileyda deegaanka oo si wadar-oggol ah u qortay dastuur ay isku xakameeyaan, kuna dabraan qooqa silloon ee siyaasiyiinta.d) Haldoorka deegaanka oo oggolaaday inay ku dhex tartamaan xeyndaabka dastuuriga ah, iyo midka hoggaanka dhaqanka.e) Bulshada oo iimaansaday deegaankooda isla markaana aan dayicin kaalintoodii heer qaran. Arrimahaas waxay horseedeen in Puntland ay tahay maamul-goboleedka kaliya…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Dowlada Kenya,ayaa cadaadis xoog leh ku saaraysa Qaramada midoobey in ay taageerto dagaalka ka dhanka ah argagixisada,hoos ka daawo muuqaalka Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Dowladda Sacuudiga ayaa xabsiga kasii daysay Sheikh Mohammed Hussein al-Amoudi oo ah bilyaneer u dhashay dalka Ethiopia, kaasi oo bishii November ee 2017 loo xiray olole ka dhan ah musuq-maasuqa. Warkan ayaa waxaa xaqiijiyey xafiiska ra’iisul wasaraaha Ethiopia. Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa taleefishinka dowladda Ethiopia iyo laba ilo-wareed oo Sacuudiyaan, ayaa sidoo kale sheegtay in Al-Amoudi lasii daayyey. Ololihii la-dagaalanka musuq maasuqa ee Sacuudiga ay sameeyeen 2017, ayaa waxaa lagu xiray boqolaal bilyaneero iyo ganacsato, taasi oo ahayd tallaabo uu xukunka ku xajisanayey dhaxal-suge Maxamed Bin Salman. Dadaallo lagu sii daynayo al-Amoudi ayaa billowday bishii May ee 2018,…
Dagaal uu dhexeeya kooxaha Al-Shhaab iyo Daacish ayaa saaka waabarigii ka billoowday deegaanka Ceelka Miraale oo qiyaastii 70KM u jira magaalada Boosaaso. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaaqa rasaas socotay muddo saacdo ah, oo labada dhinac ay is-waydaarsanayeen, inkastoo ayasan dhaawac iyo dhimasho midna aan ishoodu qaban. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay Al-Shabaab ku amreen in ay ka guuraan dhulka wadooyinka ah, markii ay tageen agagaarka Ceelka Miraale. Ma jiraan wax faah-faahinno ah oo intaas dheer oo laga helay dagaalka iyo khasaarihiisa. 18-kii bishii December ee sanadkii 2018, ayey ahayd markii Al-Shabaab iyo Daacish uu…
Taliye ku xigeenka Xabsiga dhexe ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in markii ay soo baxday arrinta la xiriirta dhaawaca Ninka ajnabiga ah ay soo booqdeen saraakiil ka socotay Shirkadda Bancraft iyo kuwo kale,isla markaan ay xaqiijiyeen in wax dhaawac ah aan la gaarsiin,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BFS Mahad Cabdalla Cawad iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta Baarlamaanka Puntland, waxaana ku soo dhaweeyay Gudoomiyaga Golaha Wakiilada Puntland C/Xakiin Maxamed Axmed. Guddoomiye Cawad ayaa booqday Xarunta Baarlamaanka waxa uuna kulan kula qaatay Guddoomiyaha iyo Xubnaha kale ee Guddoonka, arimo ay ka mid tahay Xaaladda Somaliya ayey kawada hadleen Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka iyo Guddoonka Baarlamaanka Puntland. Mahad Cabdalla Cawa ayaa katirsan Wafdigii ka qeyb galay Munaasabadii caleema-saarka Madaxweynaha Puntland oo habeen hore ka dhacday Garowe waxa uuna weli ku sugan…
R a’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Wasiirka arriamaha dibadda Kenya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ra’iisul wasaare Khayre iyo wadfigiisa waxa ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta. Ra’iisul wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Kenya,ayaa yeelanaya kulan ay uga wada hadlayaan adkaynta xiriirka Labada Dowladood iyo ballaarinta iskaashiga dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xariirka istaraatiijiyadeed ee labada Dawladood.,hoos…
Magaalada Garowe ee caasimada Puntland,waxaa ka socday shalay ilaa xalay kulamo ay yeelanayeen Madaxwaynaha Dowlada Fedaraalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka. Waa kulankii ugu horeeyay oo ay labada dhinac isa soo hor fariistaan tan iyo intii uu billaabmay khilaafka u dhaxeeya labada dhinac. Kulanka waxa goobjoog ka ahaa madax kale oo ay ka mid ahaayeen:- B.Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, T.Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Xasan Sh.Maxamuud J.Madaxweynihii hore Shariif Sh Axmed X.Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Cali Maxamed Geeddi Kh.Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole. Kulankan ayaan si rasmi ah loo shaacin waxyaabihii looga…
Madaxweynaha Puntland oo Casho Sharaf u Sameeyey Madaxweynaha DFS, iyo Madaxda Maamullada Dalka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Muadane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa oo taariikhdu tahay 27 January 2019 casho sharaf u sameeyey Madaxweynaha 8Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Dowaddaha Xubnaha Ka ah Dowladda Fedraalka Soomaaliya. Casha sharfata uu sameeyey Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladdaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee DFS Cali Maxamed Geedi, saraakiil ka…
Halkan ka daawo muuqaalka
Siyaasi Cali Maraykan,ayaa ka jawaaby hadalkii xalay ee Faroole uu ka jeediyay xafladii caleema saarka. Cali maraykan ,ayaa canbaarayn dusha uga tuuray Faroole,isla markaana Madaxweyne Dani ka codsaday in uu ka jawaabo hadalkaas. Cali maraykan waxuu sheegay in Faroole si toos ah isaga ugu gafay meel madal ahna ku dhex yiri nooga bax Magaalada.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Guddoomiyaha golaha wakiilada Baarlamaanka Puntland ayaa munaasibad soo dhoweyn ah ugu sameeyay wafuudii golayaasha Baarlamaanada heer Fedraal iyo heer dowlad goboleed ee kasoo qayb gashay Xafladda caleemasaarka madaxweynaha cusub ee dawladda Puntland Saciid Cabdulaahi Deni. Waxaa kulanka soo dhaweynta diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid ka yihiin muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn dhex martay Baarlamaanada heer Federaal iyo heer dowlada goboleed,si loo horumariyo danaha umadda Soomaaliyeed. Ugu horeyn waxaa munaasibada ka hadlay guddoomiyaha golaha wakiilada baarlamaanka dowlada Puntland C,xakiin Maxamed Axmed waxaana uu sheegay in uu soo dhawaynayo hay,adaha wafuuda baarlamaanada ka kala socotay Dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada. Xareed…
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo u waramay Radio Daljir ayaa ka hadlay sababta mar walba ay Dowladdu u beegsato, doorkii uu ku lahaa in la rido Farmaajo sannadkii 2011 markii uu ahaa Raysal Wasaaraha dalka, ciilqabkii Farmaajo ee ‘Kampala Accord’ iyo qodobo kale oo xaasaasi ah. Cabdiraxmaan Cabdishakuur,ayaa beeniyey in uu wax xiriir hoose ah la leeyahay Dowlado shisheeye, waxa uuna ku tilmaamay in ay yihiin eedaymo lagu bannaysanayo xadgudubkiisa iyo dhaawaca karaamadiisa.,hoos ka daawo muuqaalka. halkan hoose ka daawo muuqaalka
Wararka aan ka helenyo Xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa sheegaya in dhaawac fudud uu soo gaaray nin u dhashay dalka Biritan oo toddobaadkii hore loo gudbiyey xabsiga dhexe ee magaalada Muqdishu kadib markii lagu eedeeyey inuu halis geliyey nabadqabka dadweynaha iyo inuusanshaacinin walxaha qarxa oo uu haystay xilli uu isku dayayey inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.Ninkan ayaa la sheegay inay weerareen laba ka tirsan maxaabiista xabsiga oo lagu helay dambiyo la xiriira argagixisinimo. Thomas oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa waxaa dhaawac fudud uu kasoo gaaray weerar Sakiimo loo adeegsaday oo ay labbadaa Maxaabis kale ay ku qaadeen.…
Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa la sheegay inay wadaan wejiga koowaad Mashruuc ay ku horumarinayo waddo-dhulka oo ay Sahayda u soo maraan oo isku xirta Saldhigoodfa weyn ee ku yaalla dalka Jabuuti iyo Saldhigyadda kale ee ay Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin Dalalka Bariga Afrika. Saraakiisha Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka iyo Qandaraaslayaasha ayaa sheegay in Wejiga Koowaad ee Mashruucaasiisku xiri doono Xeradda KAAM LEMONIYEER ee dalka Jabuuti ilaa Saldhigga Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobalka Sh/hoose ee dalka Somalia. Qorshaha Mashruucaasi ayaa la sheegay in waddo la soo dhex marsiinayo Deegaanadda ay kala maamulaan DFS, Alshabaab iyo Dagaal-oogayaasha leh Maleeshiyadda Gaarka iyo dhulka xuduudka ee…
Axmed Maxamed Islaam Madoobe Madaxweynaha Jubbaland oo Xalay ka hadlayay munaasabaddii lagu caleema saarayey Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,ayaa si weyn uga hadlay dowladnimada Puntland.guulaha ay gaartay iyo doorka reer puntland ee Somaliya. Madaxweynaha Jubbaland ayaa,sidoo kale waxa uu sheegay in muhiim ay tahay ugu horreyn in la is cafiyo, islamarkaana laga shaqeeyo sidii dalka wax badan looga bedali lahaa xaaladda uu hada ku sugan. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa ku baaqay in khilaafka jira lagu dhameeyo wadahadal iyo is faham,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Ra’iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau, ayaa waxa uu eryay safiirka dalkiisa u fadhiyay Shiinaha, John McCallum. Arrintan ayaa timid kaddib hadal uu jeediyay Mr McCallum oo ku saabsanaa kiiskii dhoofinta ee ay ku lugta laheyd sarkaal sare oo ka tirsan shirkadda weyn ee Shiinaha ee isgaarsiinta ee Huawei. Mr Trudeau ayaa bayaan uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu John McCallum xilka banneeyo hasayeeshee wax sabab ah muusan sheegin. Xariga Meng Wanzhou, oo ku dhacay codsi ka yimid waddanka Mareykanka, ayaa waxa ay ka caraysiisay Shiinaha waxa ayna arrintaasna xumaysay xiriirkii Canada kala dhaxeeyay Beijing. Ms Meng, oo ah…
Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in Madaxtooyada Garowe uu kulan uga socdo Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka. Kulankan ayaa ka dambeeyay, kaddib markii Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/llaahi Deni uu quraac isugu keenay Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka. Xafladii xalay ee caleema saarka Madaxweyne Saciid Deni ayaa inteeda badan looga hadlay sidii meesha looga saari lahaa khilaafka, lana isku cafin lahaa, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu balan-qaaday wada shaqeyn dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. Kulanka ayaa waxaa ku sugan Madaxweynayaasha Galmudug, Jubbaland, Koofur…