Author: Jibril Qoobey
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne Farmaajo oo xalay ka hadlayay xafladii caleema saarka Madaxweyne Dani,ayaa ku baaqay in la si cafiyo. Madaxweyne Farmaajo,ayaa ku dheeraaday guusha Puntland ay gaartay,waxuuna ka sheekeeyay sababta ay ku timid guushaas ay Puntland hanatay. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda midnimada, wadajirka iyo iscafinta si loo helo Dowlad ka shaqaysa xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo celinta maqaamkii ay ku lahaayeen dunida. Waxuuna sheegay in uu cafiyay cid walba ,sila markaana uu dalbanayo in la cafiyo lalana shaqeeyo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole oo xalay ka hadlayay xafladii caleema saarka Madaxweyne Dani,ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dib loo bilaabo wada hadaladii Somaliland si loo helo Midnimo Qaran. ‘Midnimadii Somaliya hala raadiyo,ayaa la yri hada halkee laga raadinayaa ,waxaa laga raadinayaa wada hadaladii Somalialnd hala furo waa diyaar iyaguye dhawr jeer bay ka hadleen,,xogaaga Tukaraq waxba mahan,,Dowlada Somaliland waxaan ka codsanaya ain ay dib uag laabato Tukaraq si xaalku sdii hore ugu soo laabto”ayuu yiri Madaxweyne Faroole. Hadalka Faroole shacabka reer Puntland,ayaa ada u dhibsaday uguna carooday waxayna u arkayeen hadal qadaf ku ah…
Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamid ah isimada soo jireenka ah ee Puntland ayaa farriin culus u diray madaxda Soomaalida ee xilligaan ku sugan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Islaan Ciise Ilsaan Maxamed oo khudbad ka jeedinayey munaasabaddii caleema saarka madaxda cusub ee dowladda Puntland ayaa waxa uu ugu baaqay dhammaan hogaamiyayaasha Soomaalida inay midoobaan iskana iloobaan wixii la soo maray,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland kula kulmay Danjiraha Dowladda Ingririiska u jooga Soomaaliyaa David William Concar. Labada Masuul ayaa ka wada hadlay kaalmada ay Uk siiso Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland sidii loo xoojin lahaa iyo dagaalka Lagula jiro Argagixisada waxaa kale oo Madaxweynaha iyo Danjirahu ay isla soo qaadeen Xaalada Siyaasada Soomaaliya iyo jihada ay hada ku socoto sidii jawi wanaagsan loogu soo dabaali lahaa. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka mid ah martida ka qayb gali doonta Xafladda lagu caleema saarayo Madaxweynaha Puntland taas oo la filayo in saacadaha soo…
Anigu ma noqon doono Nin Kursiga idin kula fariista ee waxaan noqonayaa Oday Somaliyed oo wanaaga ka shaqeeya”ayuu yiri Madaxweyne Gaas. Hadalkan ayuu ka jeediyay caawa Madaxweyne gaas xafladii caleema saarka Madaxweynaha la doortay ee Puntland. Dadka sida dhow ula socda siyaasada Somaliya,ayaa tilmaamay in uu hadalkan Madaxweyne Gaas ula jeeday ama uu ahaa fariin uu udirayo Madaxweynihii hore ee Puntland mudane Faroole. Faroole,ayaa 5-tii sano ee Gaas ka talinayay Puntland ku noqday laf dhuungashay kursigana geeska kula dhagan. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Kulankan uu madaxweyne Axmed madoobe la qaatay Wakiilada beesha caalamka ee Somaliya,ayaa looga wada xaajooday qodobo ay ugu muhiimsanaayeen…. 1.Kaalmada Midowga Yurub uu siiyo jubaland.2.Mashariicda ay ka wadaan qaybo ka mid ah Jubbaland sidii loo dardar galin lahaa kuwo Cusubna loo bilaabi lahaa.3.Arimaha Siyaasada ee guud ahaan Somaliya.4.Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada. Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Garowe waxuu ku lamo kala duwan la qaatay Masuuliyiin ka socda Beesha caalamka iyo Ururada daneeya Arimaha soomaaliya.
Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacinin qodobadii ay mas’uuliyiinta ka wada hadleen, haddana waxaa la rumeysan yahay in ujeedda kulankooda ay ku saabsaneyd khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo guddoomiye Axmed Shide. Markii uu shirka soo idlaaday ayaa macluumaad aan faahfaahin buuxda ahayn lasoo dhigay baraha xiriirka bulshada. Bogga uu xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya ku leeyahay facebook-ga ayaa lagu daabacay sawirro muujinaya saddexda mas’uul oo is garab taagan isla markaana dhoolla caddeynaya. Qoraal lasoo raaciyay sawirrada ayaa lagu yiri; “Waa in laga shaqeeyo nabadgalyada iyo horumarka”.. Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa safar dalka dibaddiisa ah ku…
Siyaasiga caanka ah ahna gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan cabdi shakuur oo ka soo qaybgalay xaflada caleemo saarka madaxda puntland oo si toosa ah caawa uga socota gudaha xarunta madaxtooyada puntland ayaa la sheegay inuusan wax khudbad ah ka jeedindoonin inta ay socoto Xaflada caleemo saarka madaxda cusub ee puntland. Badi wafuudi ka soo qaybgashay xaflada caleemo saarka ayaa jeedindoona khudbado maraka laga reebo siyaasiga iyadoona loo sababeeyey arintaasi codsi ka yimid madaxweynaha soomaaliya maxamed cabdulaahi farmaajo iyadoona madaxweynuhuu uu ku xiray imaatinkiisa Garawe iyo ka qaybgal xaflada caleemo saarka madaxda puntland inuusan khudbad ka jeeedin cabdiraxmaan cabdi shakuur arintaasi ay…
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Kadib khilaaf xoog badan oo ka dhex qarxay Maamullka Somali State ee Jigjiga,ayaa Xafiiska Raysalwasaaraha Itoobiya soo dhex galay,isla markaana iskugu keenay kulan. Kulanka layskugu keenay Madaxwaynaha Somali State Mustafe Maxamed Cagjar iyo Gudoomiyaha Xisbiga Axmed Shide oo socda in mudo ah,ayaa soo gabagaboobay goor dhawayd. Wali nama soo gaarin xogta rasmiga ah ee waxa laysku afgartay,balse waxaa loo badinayaa in uu heshiis ay gaareen dhinacyadu. La soco warkayaga danbe
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalo madaxda maamulka Puntland ee Garoowe, waxaana garoonka diyaaradaha uga hor tagay mas’uuliyiin faro badan. Wafdi hor dhac u ahaa safarka madaxweynaha, oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa shalay gaaray halkaas. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa garoonka Garoowe uga sii hor maray diyaaradda sidday wafdiga madaxweyne Farmaajo. Ciidamada baambeyda iyo dadweyne aad u fara badan ayaa sidoo kale soo dhaweeyay madaxweyne farmaajo oo intii uu xilka qabtay markii 2-aad tagay Garowe,hoos ka daawo muuqaalka.
Waxaa goor dhoweyd magaalada Garoowe siweyn loogu soo dhoweeyey madaxweynihii dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo wafti uu kamid yahay. Wafuuddaan oo ka soo kicitintay magaalada Muqdisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe siweyn ugu soo dhoweeyey madaxda ugu saraysa dowladda Puntland oo ay ka qaybgeli doonaan munaasabaddooda caleem asaarka. Waxaa hadda laga sugayaa magaalada Garoowe madaxweynaha jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo. Shariif Sheekh Axmed ayaa Garoowe gaaray daqiiqado kadib markii uu wefdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahin Farmaajo ay gaareen magaalada Garoowe.
Jen Asad Osman Abdulahi oo caawa soo gaarey Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland,masuuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan Puntland ayaa soo dhaweyntiisa caawa ka qeyb qaatey. Safar gaaban oo uu ku tagey wadamada Turkey, Kenya Iyo Imaaraatka carabta ayaa wuxuu shaley kasoo dagay garoonka diyaaradaha Bosaso,halkaasi oo loogu soo dhaweeyay. Gen Asad Osman ayaa ah waqtigan siyaasiga ugu saameyta badan uguna da’da yar guud ahaan dhulka soomaalidu degto, wuxuuna hantey quluubta bulshada qeybaheeda kaladuwan. Wuxuuna kulamo kala duwan la yeelan doonaa bulshada rayidka iyo masuuliyiin kala duwan.
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Somali State Mustafe Cagjar iyo xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada,ayaa kulan la qaatay Madaxda Ururka ONLF,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Roger Stone, oo la-taliye u ahaa ololaha doorasho ee madaxweyne Trump ayaa waxaa maanta xiray hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da. Stone ayaa waxaa loo xiray dhowr eedeymo oo la xiriira baaritaanka uu dacwad oogaha gaarka ah ee Mareykanka Robert Mueller ku hayo faro-gelinta Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka ka dhacday sanadii 2016. Wakiilada FBI-da ayaa Stone waxay ay subaxnimadii jimcaha ku xireen gobolka ku yaalla Koonfurta Bari ee Mareykanka ee Florida, kadib markii xeer-beegti federal ah ay ku eedeeyeen shan kiis oo la xiriira inuu been sheegay iyo laba kiis oo mid uu yahay inuu hor-istaagay…
Ugu yaraan sideed askari ayaa geeriyootay kadib markii maanta barqadii miino dhulka lagu aasay ay la qaraxaday gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland. Goobjoogayaal ayaa noo xaqiijiyay in gabi ahaanba ay gubteen gaarigii ay miinada la qaraxday, askartii saarnaa oo 8-askari lagu qiyaasay iyo hubkoodii. Gaariga ay miinada la qaraxaday ayaa ka mid ahaa kolonyo baabuur ahaa oo ciidamada Jubaland ay leeyihiin, kuwaas oo marayay inta dhaxaysa magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobleey ee gobbolka Jubada Hoose.Ciidamadan ayaa ka mid ahaa kuwa ka qeyb qaadanayay xaqiijinta amaanka Dhoobleey mudadii uu halkaasi ku sugnaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo xubno uu…
Xafiiska xeer ilaalinta Itoobiya ayaa shaaciyay tirada dadka loo aqoonsan yahay iney sababta u yihiin dhibaatadii 4-tii bishii Agoosto ka dhacday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida. Mas’uuliyiinta xeer ilaalinta guud ee dalka auaa Shir Jaraa’id oo ay qabteen waxay ku sheegeen in 46 ruux ay mas’uul ka yihiin tacadiyadii dhacay, waxayna intaas ku dareen in 6 ka mid ah dadkaas horay gacanta loogu dhigay oo ay xiran yihiin. Waxaa socda howlgal loogu raad joogo dhammaan 40-kii ruux ee kale, sida lagu qeexay macluumaadka uu shaaciyay xafiiska xeer ilaalinta guud ee dalka Itoobiya. Waxay sheegeen in 6-da ruux ee…
Halkan ka daawo muuqaalka
Waxaa maanta soo gaaray caasimada Puntland ee Garowe Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kaas oo kamid ahaa masuuliyiinta lagu casumay xaflada caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdulaahi Dani. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo garoonka diyaaradaha Garowe ay kaga hor tageen Madaxweynaha,ku xigeenkiisa,masuuliyiinta ka tirsan golayaasha dowlada Puntland iyo shacab fara badan,ayaa hadal kooban oo uu siiyay saxaafada ku sheegay in uu ku faraxsan yahay imaanshaha garowe kana mahad naqayo soo dhaweynta saraysa ee loo sameeyay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka 1aad Halkan ka daawo muuqaalka labaad
Wafti uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,ayaa goor dhawayd soo gaaray magaalada Garowe. Waftiga waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garowe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Xildhibaan Fiqi”Puntland waxay noqotay Qiblada siyaasada Somaliya oo dhinaceeda,ayaa loosoo tukadaaa”. Xildhibaan Fiqi waxuu ka mid ahaa waftigii uu hogaaminyaya Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta soo gaaray Garowe,isla markaana maalinak bari ah ka qaybgali doona caleema saarka Madaxweyne Dani. hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Garoonka diyaaradaha ee Gen Maxamed Abshir Garoowe waxaa wefdiga madaxweynihii hore kusoo dhaweeyay madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa iyo dadweyne.,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Masuuliyiin ka tirsan golayaashada Dowlada Federaalka Somaaliya oo uu Hogaaminayay Gudoomiye Kuxigeenka Labaad Ee Golaha Barlamaanka Somaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa si wayn loogu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Ee Janaral Maxamed Abshir,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Waxaa soo dagay Madaxweyne Waare iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo oo kasoo kicitimay xarunta maamulka Hir-shabelle ee magaalada Jowhar. Madaxweynaha iyo waftigiisu waxay ka qaybgali doonaan caleema saarka Madaxweynaha la doortay ee Puntland,kaasoo beri dhici doona,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne Laftagareen iyo wafti uu hogaaminayo,ayaa Garowe si ay uga qaybgalaan Caleema saarka Madaxweyne Dani. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa soo gaarey Caasimadda Puntland Ee Garowe si ay uga qayb galaan munaasbadda Caleema saarka Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Garowe waxaa soo gaaray maanta wafuud kala duwan oo ka kala yimdi Muqdisho iyo Nayrobi. Wafuudan kusoo qulqulaysa garowe,ayaa waxay u yimaadeen ka qaybgalka caleema saarka Madaxweynaha la doortay ee Puntland Siciid Cabdulaahi Dani. Ilaa iyo hada waxaa soo gaaray Garowe wafuud ay ka mdi yihiin… 1.Gudoomiyaha Aqalka sare iyo wafti uu hogaaminayo .2.Wasiirka Dastuurka Cabdi Xoosh Jibriil, 3.Wasiirka duulista Hawada iyo Gadiidka Maxamed Cabdilaahi, 4.Wasiirka Waxbarashada Goodax Barre, 5.Wasiirka Dhalinyarada Khadiijo Diiriye 6.Taliyaha ciidamada Booliceka Fadaraalka Bashiir Cabdi iyo saraakiil la socota. 7.Salaad Cali Jeele Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Dimuqraadiyada 8.Wasiirad hore Maryam Qaasim, 9. Xildhibaano ka mid ah…
Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta 24 January 2019, wuxuu kulan la yeeshay madax ka socota Xaafiiskaa siyaasadda Jamciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa ee UNSOM Soomaaliya, weftigan ayaa waxaa hogaaminayey Madaxa Xaafiiska Siyaasadda iyo Dibu heshiisiinta ee UNSOM Mr, Tariq Chaudhry. Madaxa Xaafiiska Siyaasadda iyo Dibu heshiisiinta ee UNSOM ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni howlaha baaxadda leh ee uu ka qabtay tan iyo markii la doortay. Sidoo kale Mr, Tariq ayaa hoosta ka xariiqay Horumarka iyo Ammaanka ka jira mandiqadda Puntland uu yahay mid muuqda oo taabagal ah, wuxuuna sheegay in ay…
Halkan ka daawo muuqaalka
Xiisad siyaasadeed oo ka taagnayd maalmahan Magaalada Jigjiga ee caasimada Somali State,ayaa umuuqata mid uu hada ku adkaaday Madaxweyne Cagjar. Axmed Shide Wasiirka Maaliyada Dowlada Fadaraalka ahna Gudoomiyaha Xisbiga talada Deegaanka Soamlida haya oo ahaa shaqsiga uu loolanka adag dhex yaalay Madaxweyne Cagjar,ayay muuqataa in looga adkaaday hardanka. Ra’isalwasaare Abiye oo soo dhexgalay khilaafka Deegaanka khadka Taleefoonkana kula hadlay Madaxweyne Cagjar,ayay wararku sheegayaan in uu ufasaxay shaqadiisa uguna hablyeeyay dadaalkiisa. Dhanka kale shir ay iskugu yimaadeen Golaha Wasiirada Dowlada Somali State,ayaa waxaa kasoo baxay go’aamo cul-culus kuwaasoo kala ah;- 1.In Talaabo sharciga waafaqsan laga qaado cid walba oo caqabad ku…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Ra’isalwasaaraha dalka Itoobiya oo ka hadlayey madasha Davos oo sannadkiiba mar la qabto loogan hadlo arrimaha ganacsiga adduunyada,ayaa halkaas ka sheegay in uu aaminsan yahay Waddamada dhaca geeska Afrika ay Khasab ku tahay in ay hal Dowlad noqdaan oo aan loo baahnayn inay Danjirayaal kala duwan ku yeeshaan Dunida. Abiye,ayaa yiri “Dhaqaalaheena waa inaan gelinaa dadkeena looma baahna inaan danjirayaal kala duwan yeeshaan dalalka Jabuti, Itoobiya iyo Erateriya”. Markii la weydiiyey su’aal ahayd maxaad Somaliya uga reebtay waxa uu ku jawaabay oo yiri “ Somaliya waxay ka mid tahay Itoobiya wax yar oo teknilkal ah ayaa dhiman ee Farmaajo waan…
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Taliyaha Qaybta Gobalka Nugaal ayaa amar ka soosaray Gaadiidka Dadweynaha ee loo Yaqaano Bajaajta maalmaha Sabtida iyo Axadda (26-27) oo ku beegan Wakhtiga Caleema saarka Madaxda Cusub ee Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa la hadal hayay in dib loo dhigay furitaanka Kalfadhiga 5 aad ee Baarlamanka Dowlad Goboleed Hirshabelle,hayeeshee uu maanta sirasmi ah u furay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Madaxwaynihi Hore Ee Dawladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas Oo kahadlay aaski marxuun jarnaal C/laahi Cali Mire Carayis oo lagu Aasay Magaalada Garowe,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka fadaraalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garowe caasimada Puntland. Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa todobaadkan ka qeyb galaya Xafladda caleema-saarka ee Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/llaahi Deni. Waxaa magaalada Garowe ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo madaxtooyada. Munaasabadda caleema-saarka Madaxwyne Deni,ayaa lagu wadaa in Sabtida soo aadan ay ka dhacdo magaalada Garowe ee xarunta Puntland, waxaana ka qeyb galaya madax kala duwan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
War saxaafadeed kasoo baxay ururka ONLF ayaa lagu sheegay in shacabka soomaalida ee ku nool Dowlad Deegaanka ay xaq u leeyihiin inay ka tashadaan arrimahooda siyaasadda isla markaasna ay ismaamulaan sida uu dhigayo dastuurka Itoobiya iyo xeerarka caalamiga ah. ONLF waxay sheegtay in shacabka Soomaalida ay heystaan xoriyadda ah cidda ay u dooranayaan inay qabato hoggaanka. Waxaa ay ugu baaqeen xisbiga haya talada Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo dowladda federaalka inay qaddariyaan rabitaanka iyo sharafta shacabka isla markaasna ay ka hor yimaadaan tallaabo kasta oo khatar gelin kartaamniga iyo danaha shacabka soomaalida. Bayaanka ka soo baxay Jabhadda Waddaniga Xoreynta ee Ogaadeniya…
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdishou ayaa sheegaya in Maxkamadda gobolka Banaadir ay maanta amartay in xabsiga dhexe ee Xamar lagu sii hayo nin ajnabi ah oo Sabtidii la soo dhaafay ay ciidamada dowladdu ka soo qabteen garoonka diyaaradaha Muqdisho. Antony Thomas, oo ah 48 sana jir u dhashay dalka UK ayaa loo heystaa tuhun ah qatar gelinta degenaanta guud iyo ku guul dareysiga sheegitaanka walxo halis ah oo laga helay boorsadii uu ku raran lahaa xamuulka diyaarad uu raaci lahaa. Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay Isniintii in ninkaasi boorsadiisa waxyaabaha laga helay ay ku…
Sareeyo Guud Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere ) oo aaska qaran ka jeediyey kalmado ayaa kawarbixiyey taariikh nololeedkii Alle Ha u naxriistee Marxuum Gen. Caabdullaahi Cali Mire (Carays) oo ay ahaayeen dad isku dhow isga oo si kooban uga sheekeeyey taariikh nololeedkii marxuumka.,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey Aaska Qaran ee loo sameeyey Marxuum Gen. Cabdullaahi Cali Mire, Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilm Cismaan’ Madaxweynayashii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey, Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole, Madaxweynekuxigenkii hore Cabdisemed Cali Shire, Gudoonka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, ismo Iyo Shacab aad tiro badan. Marxuum Gen. Cabdullaahi Cali Mire (Carays) oo shalay ku geeriyoodey caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa uu kamid ahaa…
Wasiirka Warfaafinta maamulka Somali State Guuleed Aw Cali,ayaa goordhawaydxilkii laga qaaday,isla markaana loo taxaabay xabsiga. Aw Cali ayaa ka mid ahaa madaxdii hore ee taliskii Cabdi Iley ee ka midka noqday Wasiirada uu magacaabay madaxweyne Mustafe. Dhinaca kalena waxa xabsi Guri laga dhigay Cabdixakiin Cigaal oo ahaa madaxa xarunta dhexe ee Xisbiga ( DSHS) ee talada haya, oo isagana isla maanta xilka laga xayuubiyey. Lasoco waxii soo kordha..
Siyaasiga Oramada ee Jawar Mohammed ayaa soo saaray baaq digniin u muuqda oo uu ku sheegay in quwado hoose ay isku dayayaan in ay qalqal iyo xasilooni daro ka abuuraaan Somali Region ka dibna xabsiga laga soo daayo Cabdi Iley si mar labaad uu majaraha u qabto maamulka, Ka dib marka la fashiliyo dadaalada Madaxweyne Cagjar , arintaas oo uu sheegay in ay ka shaqeynayaan haraadiga Tigreega iyo Maamulkii Cabdi iley, Sidoo kale waxa uu sheegay Jawar in suuqa la gelinayo in ONLF ay tababar u furtay 50 kun oo dagaalyahan, sidoo kalana Al – itixaad ay wadaan qorshe nuucaas…
Admitting that the organization had erroneously rushed to judgment in response to an unimaginable tragedy, CIA director Gina Haspel issued a posthumous apology Wednesday to the family of Osama bin Laden in light of new evidence which conclusively clears the former Al Qaeda leader of any involvement whatsoever in the 9/11 attacks. “The U.S. Central Intelligence Agency extends its most sincere and heartfelt apologies not only to Mr. bin Laden, but also to his grieving family and the many friends who stood by his side,” said an emotional Haspel, acknowledging for the first time that the CIA had based its…
Cagjar waxa uu golaha Wasiirada ee heer Deegaan u magacaabay badankood shaqsiyaad aanan afkaarta Xisbiga aaminsanayn,isla markaana ka tirsan Ururo aan dalka laga aqoon sanay. Sidoo kale Mustafe waxuu umagacaabay la taliyayaal shakhsiyaad qurbajoog ah. Wadashaqayntiisa Dawlada dhexe oo noqotay mid ismarin waa iyo isdhaga tir ku salaysan. Arimahan aan kor kusoo xusnay ayaa ah kuwo ka hor imaanaya Dastuurka Dalka u yaala waxayna noqonaysaa qodob xadgudub dastuur iyadoo la iska garan hayo. Hogaaminta xisbiga uu ugu horeeyo mudane Axmed shide,ayaa in badan isku dayay in uu Madaxwaynaha fahansiiyo qaatana mariinka siyaasadeed uu dalku marayo balse cagjar waa uu iska…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Mid ka mid ah salaadinta Beesha isaaq oo ganafka ku dhuftay waxa loogu yeero Beesha Direed,isla markaana ka hor yimid shirka Adis-ababa. ”Wax la yiraahdo Beesha Direed majirto ee dadka yaan Abtirsiinyo Kartoon lagu sido lagu khaldin’ayuu yiri Suldaanka. Suldaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Arinkaas waxuu khatar ku yahay jiritaanka Somaliland oo waxaa la rabaa in lagu kala qaybiyo Isaaq iyo Daarood loo kala saaro”. Halkan ka daawo muuqaalka