Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Author: Jibril Qoobey
Shanklin, wuxuu faray basaasiinta Soomaalida inay bakooraddii qalabku ku xirnaa u dhiibaan ninkaas, si uu ugu geeyo Caato. Ninkii ayaa gaari ka soo raacay waqooyiga Muqdisho, wuxuuna u yimid Caato oo ay ballansanaayeen. Waxay dabadeed isla soo raaceen gaari kale, waxaana uu gaarigii istaagay meel shiidaal looga shubayey. Markaas ayaa Shanklin waxaa soo wacay ragguu tababaray oo wargeliyey in Caato ku jiro gaariga dhexdiisa, wuxuuna wacay ciidanka Delta Force oo degdeg ku soo howlgalay. Diyaarad yar oo helicopter ah ayaa gaariga heshay, waxaana ay isku soo laadlaadisay hoos. Nin askari ah ayaa matoorka ka shiishay gaariga. Isla markiiba ciidankii Delta…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23 January 2019 xafiiskiisa kulan kula qaatay Madax ka Socotey Hay’adda Interpeace. kulanka uu la qaatey Madaxaweynaha Dowladda Puntland Madaxda Ka Socotey Hay’adda Inter-peace oo ay hogaaminaysey Meghan Brown ayaa waxaa ku wehelinayey masuuliyiin ka socoda xarunta cilmi baarista Puntland ee PDRC iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Puntland iyo Hay’adda Inter-peace ayaa waxaa ay uga wadahadleen kulankooda Dumuqraadiyadda, nidaamka xisbiyada badan ee Puntland iyo doorasho hal qof iyo hal cod ah sidii ay Puntland uga qabsoomi lahayd. Dhinaca kale Hay’adda Inter-peace ayaa sheegey in dhankooda…
Inaa li laahi wa inaa ilayhi raajicuun Gen.Asad Cismaan Cabdulaahi ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii Naxdinta lahayd Alle ha u naxariistee Marxuum Gen. Cabdullaahi Cali Mire (Carays) oo ku geeriyooday Magaalada Garoowe. Marxuumka oo kamid ahaa Saraakiishii Ciidanka Soomaaliya, ahaana Taliyihii Hore ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. Gen.Asad oo ilaah uga baryey in uu ilaah u denbi dhaafo janatu Fardowso uu ilaah ka waraabiyo aamiin aamiin. Gen.Asad oo oo umada soomaaliyeed iyo gaar ahaan shacabka Puntland in ay cafiyaan Marxuumka iyo in uu ilaah samir iyo iimaan inaga siiyo dhamaanteen iyo weliba gaar ahaan Ehelkiisa. inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun,
Qaraxan ayaa waxa uu ka dhacay afaafka hore Xarunta Premier Bank ee Taleex,waxaana uu ahaa mid lagu xiray Gaari nooca Soomaalida u taqaano qooqanta,sidaasina uu ku qarxay. Majiraan ilaa iyo hada wax dhimasho nafeed ah oo la xaqiiijiyay,balse waxaa dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxaas .4-ruux. Dadka ku dhaawacmay qaraxa,ayaa la geeyay Goobaha Caafimaad oo ku yaalla Magaalada Muqdisho. Gaariga qarxay ayaa dabka kacay,iyada oo aan weli la shaacin ruuxii lahaa gaarigaas.
Dowlada Puntland,ayaa Tacsi ka dirtay Geerida ku timid Talyihii hore ee Daraawiishta Jeneral Cabdulaahi Cali Mire Careys.oo goor dhawayd ku geeriyooday caasimada Puntland ee Garowe. Jen Carays ayaa ka mid ahaa saraakiisha ciidanka Soomaaliya, waxaa lagu xasuusta doorkiisi dhismaha ciidanka Puntland iyo howlihii amniga ee deegaannada Puntland. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlayay afka golayaasha xukuumadda Puntland ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Jen. Cabdullaahi Carays. Bahda idil News,waxay Tacsi udirayaan guud ahaan shacabka Puntland,gaar ahaan qoyskii uu sida gaarka ah uga baxay. Halkan ka akhriso Tacsida
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Guddoomiyaha Xisbiga UPD ayaa sheegay in dalka oo gacan adag lagu qabto laga dhax-lay dhibaatooyin badan oo maanta dalka ka jira. Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in bulshadda Soomaaliyeed ay Ogaadaan in aan loo baahneyn in Shaqsiyaad in ay dalka ku qabtaan gacan adag, laakiinse dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin Shuruuc adag oo ay ku dhaqmaan. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxaa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya aysan u baahneyn in ay maanta dunida ay ku buuqdo, xilli dad Soomaaliyeed oo badan ay ku sugan yihiin daafaha Caalamka ayna…
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa digreeto uu soo saaray ku magacaabay Fred Matiangi oo ah wasiirka arrimaha gudaha in uu noqdo madaxa guddiga awoodda badan ee Mashaariicda Horumarinta Qaran. Waxaa laga yaabaa in ay kula noqoto magacaabis sahlan, balse durba waxa ay abuurtay fulkaanooyin siyaasadeed oo qabsatay warbaahinta Kenya. Saakay boggaga hore ee Jaraa’idka waxaa lagu soo toosay iyada oo ay ku qoranyihiin in xilka Matiangi loo magacaabay uu meesha ka saarayo mas’uuliyadihii madaxweyne ku xigeenka William Ruto oo isaga laftiisa hadal heyntiisa ay aad u badneyd dhawaanahan. Xildhibaanka laga soo doorto degmada Keiyo South mudane Daniel Roho ayaa wargeyska…
Dacwad oogayaal federal ayaa sheegay in saddex nin oo degan gobolka Michigan lagu soo oogay dacwad ku saabsan inay shirqoolayeen inay qalab ku taageeraan kooxda Daacish. Waxa ay sheegeen in FBI-da ay Isniintii xirtay Muse Abdikadir Muse, Mohamud Abdikadir Muse iyo Mohamed Salat Haji, waxaana dadkan oo degan magaalada Lansing kiis dacwaeedkooda la diiwaan geliyey talaadadii. Dacwad oogayaasha waxay ay sheegeen in dhammaan saddexda eedeysane ay yihiin muwaadiniin qaatay dhalashada Mareykanka oo ku dhashay dalka Kenya. Weli ma cadda in Muse Abdikadir Muse iyo Mohamud Abdikadir Muse ay walaalo yihiin iyo in kale. Waraaqaha lagu qoray dacwadooda ayaa muujinaya Muse…
Xiisad siyaasadeed ayaa lagu soo warramaya in maalmahan ba ay ka taagneyd Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Madaxweyne Mustafe Muxumad Cumar ayaa maalin ka hor labo jeer looga yeeray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, waxaana markii uu dib ugu soo laabtay Jigjiga la sheegay in uu kulamo la qaatay golihiisa wasiirrada oo la aaminsan yahay in uu kala hadlayo xaaladda taagan. Maxaa la isku hayaa? Dad badan waxay aaminsan yihiin in madaxweynaha deegaanka uu caqabada ugu badan kala kulmayo siyaasiyiin horay uga tirsanaa xukuumaddii hore oo aan la dhacsaneyn qaabka uu wax u wado, ayna doonayaan in…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo taariikhdu tahay 22 Janauary 2019 xafiiskiisa kulan kula Qaatay Madaxa mashruuca tayeynta shaqaalaha Dowladda CIP (Capacity Injection Project) ee World Bank Mr. Gregory iyo wafti uu hogaaminayo. Kulanka Madaxweynaha Dowladda Puntland uu la qaatay Mr. Gregory iyo wafti uu hogaaminayo ayaa waxaa qayb ka ahaa qaarkamida saraakiisha xafiiska World Bank ee Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxa Mashruuca tayeynta shaqaalaha Dowladda CIP Capacity Injection Project World Bank Mr. Gregory ayaa daarnaa isxog wareysi guud, ukuurgelidda habsami u socodka mashruuca iyo…
Dhismaha Laamiga halbowlaha u ah isku socodka magaalada Gaalkacyo,ayaa wajigisii labaad Dowlada hoose oo kaashnasya shacabka qaybihiisa kala duwna ay bilowday saakay. Wadadan oo muhiim u ah Gaalkacyo,Mudug iyo Guud ahaan Somaliya,ayaa dib u dhiskeeda ay si weyn usoo dhaweeyeen bulshada Gobolka. Dhismaha wadadan,ayaa galay wajigii labaad,iyadoo horay loo dhisay Hal Kilomitir, oo ka mid a,hadana la bilaabay halkii Kilomitir ee xigay,waxaana harsanaan doona Kilomitirka sadexaad. Shirkada Kibergo oo ay leeyihiin ganacsato reer Puntland,ayaa dhankooda ka qayb qaatay isku atshiga lagu dhisayo Wadadan muhiimka u ah Magaalada Galkacyo. Dhismaha wadadan,ayaa lagu dhisay dhiirigalintii Madaxweyne Gaas ee halhayskeedu ahaa ”Puntland ha…
Saudi Arabia may learn to regret the political attacks launched from the kingdom on two American Muslim women who won seats for the Democrats in Congress in the U.S. midterm elections. One of them, Rep. Ilhan Omar of Minnesota, has secured a seat on a House panel that has the power to disrupt U.S. arms sales to Saudi Arabia. Omar, a Somali-American who won a seat on the House Foreign Affairs Committee last week, and her fellow congresswoman Rashida Tlaib of Michigan, have attracted disapproving Saudi attention with the oil-rich kingdom’s government-controlled media outlets, as well as academics and commentators…
Speaker of the Somali Parliament vows to secure the release detained former Al-Shabaab Deputy leader Mukhtar Robow. “I promise to you that Mukhtar will be released,” he told clan elders in Baidoa. Robow’s arrest on Dec 13 led to violent protests and the death of 15.
Hase yeeshee, kalsoonidiisii waa burburtay markii xaafadda Bermuuda ay barqanimadii maalintaas ku joojiyeen miliishiyo hubeysan, isagoo wada Taliyihii CIA-da Muqdisho, si uu u soo baro Ibraahin. Isla markiiba miliishiyadii waxay qaateen qori casri ah oo CIA-du lahayd, iyagoon garanayn ragga ay hayaan inay sirdoon Mareykan yihiin iyo in kale. Shanklin oo qatar ugu jira in la dilo isaga iyo ragga kale ee la socda ayaa degay oo ka dalbay taliyihii miliishiyada Soomaalida inuu xaalka dejiyo. Kaddib markii uu maliishiyada mashquuliyey ninkii qoriga qaatay ayaa waxaa u suura-gashay Shanklin inuu degdeg ku fuulo gaarigii, si xowli ahna ku dhaqaajiyo oo uu…
Dariiqa Suuban ee looga Baahan yahay Hoggaamiye kastaa inuu u maro Magacaabista Masuuliyiinta uu Gacanyarayaasha ka dhiganayo. “Inta uu talefanka igala soo hadlay ayuu igu yiri, waxa aan doonayaa in aad noqoto xoghayahayga arrimaha dibadda mareykanka. Aniguna waxa aan ugu jawaabay, Maya, maya, ha iga dhiganin aniga. Fadlan aniga iga daa, waxaa jira dad kale oo badan oo hawshan qaban kara” Sidaa waxaa sheegtay xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Maraykanka Hillary Clinton oo ka warramaysay qaabkii uu madaxweyne Barack Obama ugu wargeliyey xilka markii uu u magacaabayey, iyada oo intaas ku sii dartay in ay kulmeen si ay arrintan isula sii…
Barashadii Ibraahin iyo Shanklin Mike Shanklin, waxa uu noqday ku xigeenka Madaxa xafiiska CIA ee Muqdisho 1990-kii markii dagaalyahanno uu hoggaaminayo Gen Maxamed Faarax Caydiid ay billaabeen inay irdaha u soo xiraan 21 sano oo keli-talisnimo axmaqnimo ah uu Soomaaliya ku horsocday Gen Maxamed Siyaad Barre. Ka hor inta aysan dowladdu burburinin, muddo bilo ah ayuu Shanklin habeen iyo maalin ka shaqeynayey sidii uu xiriir ula sameyn lahaa ganacsade hanti badan haysta oo deggenaa waqooyiga Muqdisho (Ibraahin). Ganacsadahan oo ahaa nin dhallinyar oo awood badan leh, xiriirkiisuna badan yahay wuxuu sameystay ciidamo uu isagu gaar u leeyahay markii dagaalku dhacay…
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta kullan la qaatey Hay’adaha ka howlgala deganada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Kullanka waxaa ka soo qeyb galey Wasiiro ,Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Baay, duqa Magaalada Baydhabo, Guddoomiyaha Gobolka shabeellaha hoose iyo Mas’uuliyiinta hay’adaha ka howlgala Koonfur Galbeed Soomaaliya, sidaasi waxaa lagu sheegay warsaxaafadeedka ka soo baxay Koofur Galbeed. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Mohamed(lafta-gareen) ayaa uga mahadceliyay hay’adaha dadaalada ay wadaan,waxaana uu ku amrey in Gargaarka ay gaarsiyaan degmooyinka Iyo deeganada Koofur Galbeed Soomaaliya Inteeda kale,isla markaana aysan ku ekaanin kaliya Magalada Baydhabo.
Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Jubbaland,ayaa waxa ay Miino nooca dhulka lagu aaso ah kasoo saareen deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubada Hoose. Miinadan,ayaa Gaar ahaan laga soo saaray Goob War ah oo ay Xoolaha Biyaha ka cabaan,sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amaanka Jubaland. Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee hawlgalka fashilinta Miinada hogaaminayay ma aysan sheegin haday jiraan shaqsiyaad ay usoo qabteen aasida Miinada ma ay goobta ku qabteen. Jubaland,ayaa bartanka uga jirta dagaal dhinacyo badan leh oo ay kula dagaalamayso dagaalamayaasha Alshabaab .
Dawlada Federaalka itoobiya,ayaa ka codsatay Madaxweyne Mustafa Omer inuu is casilo kulan deg-deg loogu yeeray Magaalada Addis Ababa kadib. Madaxweyne Mustafe,ayaa diiday soo jeedinta arrinkaas,waxaana saacad walba la filan karaa in arrinku faraha ka baxo sida ay noo axqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan madaxtooyada Somali Satate ee Jigjiga. ”Waxaan ka codsanaynaa shacabka Soomaaliyeed inay codkooda ku muujiyaan siday uga soo horjeedaan arrinkan”sidaa waxaa yiri mid ka mdi ah masuuliyiinta maamulka Somali State. Waxaa jiray bishii udanbaysay ismaandhaaf xoog leh oo ka dhex taagnaa Madaxweyne Mustafe iyo masuuliyiinta ugu saraysa Dowlada Fadaraalka oo ugu horeeyo Wasiirka Maaliyada Axmed…
Federal government of Ethiopia sks president Mustafa Omer to resign in hastily called meeting in Addis Ababa today. President Mustafa refused to resign. The situation is tense and things can get out of hand any time. Source.SR News
Maxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare,ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa Wasiirada waxaana hadda ka socda xarunta Madaxtooyada Hirshabelle ku dhawaaqista golaha cusub ee Wasiirada. Maamulka Hirshabeelle,ayaa ah maamulka ugu fadhiidsan marka loo eego maamulada kale ee dalka, waxaana la sheegaa in Wasiirada aanay xafiis laheyn, isla markaana badankood ku shaqeeyaan Hotelada Muqdisho. Halkan ka akhriso wareegtada magacaabista
Waxaa si weyn uga socda diyaar garowga caleema saarka Madaxweynaha la doortay ee Puntland Siciid Cabdulaahi Dani. Afar gudi oo loo xilsaarsy duyaarinta caleema saarka,ayaa wada diyaar garowgoodii ugu danbeeyay. Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah Shire Xaaji Faarax oo ah Gudoomiyaha gudiyada qabanqaabada xaflada caleema saarka oo ka warbixiyay halja ay wax umarayaan,ayaa sheegay in diyaar garowgu gabogabo yahay,hoos ka daawo muuqaaka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee ay dalalka Masar iyo Indonesia usoo magacaabeen Soomaaliya. Danjiraha dalka Masar Mudane Maxamed Ibrahim oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Cabdifataax Al-Siisi ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee loo fidiyey, isaga oo adkeeyay inuu ka shaqayn doono adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha cusub ee dalka Masar sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka ku saleysan iskaashiga, dan-wadaagga…
Inta la xaqiijiyay laba qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay qarax maanta ka dhacay Muqdisho. Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale dhaawac uu ka soo gaaray 4 qof oo kale oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. Qaraxan ayaa yimid saacado un kadib markii saddex dhakhtar ay ku dhaawacmeen qarax lagu xiray baabuur oo shalay galab ka dhacay degmada Hodan.
Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee dowladda Puntland oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Garoowe ayaa aqbalay codsi uga yimid Madaxweyne Saciid Deni oo ku aadanaa in loo kordhiyo waqtiga uu kusoo magacaabayo golaha Wasiirada. Madaxweyne Saciid Deni ayaa mudo 30-cisho ah fursad u heestay in uu kusoo magacaabo golihiisa Wasiirada, hasa ahaatee Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka ka dalbaday in mudo 15 cisho ah loogu daro waqtiga uu Wasiirada kusoo magacaabayo. Xildhibaanada Maamulka Puntland ayaa cod u qaaday codsiga Madaxweyne Deni , waxaana ogolaaday in mudo 15-cisho ah loogu daro waqtiga magacaabista Wasiirada 45-Xildhibaan , waxaa diiday hal Xildhibaan halka 4-Xildhibaan ka…
Madaxweynaha Maamulk K.Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka Maxamed Mursal Sh.Cabdiraxmaan,ayaa kulamo ay dhex mareen odayaasha dhaqanka ee maamulka Koonfur Galbeed. Labadan mas’uul oo kulamadooda si gooni gooni ah ay ula yeesheen hoggaanka dhaqanka iyo waxgaradka gobolada Koonfur-Galbeed ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii loo xallin lahaa xaaladihii degnaansho la’aan ee ka dhacay Baydhabo xiligii doorashada gaar ahaana xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Madaxweyne Mnangagwa waxaa lagu waday inuu ka qeyb galo shirka uu dhaqaalaha ugu raadinayo ZimbabweImage caption. Madaxweyne Mnangagwa waxaa lagu waday inuu ka qeyb galo shirka uu dhaqaalaha ugu raadinayo Zimbabwe. Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa soo gabagabeeyay safar uu ku marayay qaaradda Yurub xilli dalkiisa ay ka taagan yihiin dibadbaxyo rabshada wato. Wuxuu sheegay in aanan loo dul qaadan doonin qalalaasaha isla markaasna dhaleeceeyay sida ay uga falceliyeen booliska iyo militariga xilliggii ay socdeen dibadbaxyada. Mnangagwa ayaa sidoo kale sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay xal u helidda dhibaatada dhaqaale iyo dib u heshiisiin qaran. Emmerson Mnangagwa ayaa lagu…
Wasiir Maareeye,ayas sheegay in guud ahaan ganacsatada Somaliyed ay Alshabaab siiyaan dhaqaale,iyagoo naftooda ku furanaya,hoos ka daaawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in saddex dhakhtar ay ku dhaawacmeen qarax lagu xiray baabuur oo galabta ka dhacay degmada Hodan. Dhakhaatiirtan ayaa la sheegay in laba ka mid ah ay u dhasheen Siiriya, halka kan kalena uu yahay Soomaali. Qaraxn ayaa laga cabsi qabaa in loogu xiray baabuurka xilli ay kubbad ku ciyaarayeen meel u dhow shaqadooda oo ah cisbitalaka Mogadishu City. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.
Cabdulahi Itoobiya oo horay u ahaan jiray Madaxweyne Ku-xigeen,ayaa Jigjiga lagu xiray. Dhinaca kale waxaa socda jahwareer siyaasadeed oo Dowlad Deegaanka ka taagan. Labo koox ayaa loo kala baxay,Koox uu horboodayo Axmed Shide iyo kooxda Mustafa Cagjar. Axmed Shide waxuu garabsanayaa ragii ka haray xukuumadii Cabdi Maxamuud Cumar iyo Dowladda Dhexe. Waxaa sidoo kale meesha ka baxay qabashadii shirkii Xisbiga oo xiligiisii la dhaafay. Lasoco wararkayaga danbe.
Mike Shanklin. Intaan baaritaanku billaaban, waxa uu Shanklin qirtay inuu ku guuldarreystay inuu soo sheego xiriirkii soke ee uu la lahaa Stefania Pace. Baaritaankii wuu ku dhacay. Mid kale ayaa la iclaamiyey. Baaritaanka labaad kii hore waaba ka sii xumaaday, iyadoo ay jirto in Shanklin go’aansaday inuu daacad u hadlo. Wuxuu markan qirtay inuu wax u sheegay nin buug ka qorayey CIA-da iyo inuu shirkado Kenya jooga u sheegay shaqadiisii hore ee CIA-da. Wuxuu kaloo qirtay inuu ku caawiyey nin Soomaali ah oo miino la qaraxday sidii loogu heli lahaa daaweyn degdeg ah, isagoo ku andacooday inuu ninkaasi yahay nin CIA-da…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Kenya Defence Forces officers during a training session on June 29 /COURTESY Hundreds of security officers have for the last five years either quit their jobs or submitted letters of resignation. The officers, mainly from the Kenya Defence Forces, say they leave the service due to frustration, poor working conditions and “unfounded accusations of being terrorists sympathisers”. This comes as the National Intelligence Service and the military intelligence wing are said to be closely monitoring officers, mainly Muslims, over alleged radicalisation in security facilities. This, the Star has learnt, continues to cause deep resentment and suspicion between junior and senior…
Waxaa dib u dhac ku yimid ku dhawaaqidii Golaha Wasiirada Dowlada Puntland ee cusbaa. Madaxweyne Dani oo haystay mudo 21-cisho ah oo uu kusoo dhiso Xukuumadiisa,ayay ilo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen idil News in uu jiri karo dib u dhac,kaas oo uu kalifay culays Madaxweynaha kaga imaanaya dhinacyo kala duwan. Kooxda Aaran-jaan ,Urur Diimeedka Alislaax iyo Ganacsato,ayaa qolo walbaa dhankeeda ugu jirtaa dadaal xoog leh sidii ay Wasiirada ugu muhiimsan Xukuumada u heli lahayd. Dhamaan kooxahan,ayaa ah kuwo qayb kasoo qaatay olalihii uu kusoo baxay Madaxweyne Dani. Madaxweynaha,ayaa la filayaa in uu Baarlamaanka hor yimaado 28-ka bishan oo ah…
Nabad Sugiddii NSS (1976-1991) 10 kii sano ee ugu horaysay Waaxdii Nabad Sugiddii NSS waxay qaadday tallaabooyin ay kula baratantay laamaha asaageed ah ee dunida ka jira , adeegsiga magacyada qarsoon , dhex galidda xundumaha Dawladaha aan cadawga nahay , ayadoo la marayo hanaan fahamkiisu ku adag tahay qofka caadiga ah , waxay laantu dhex istaagtay xafiisyada Itoobiya oo Gumaysata dhulka Soomaaliyeed qayb ka mid ah ayadoo adeegsanaysa saraakiil Soomaaliyeed laakiin huwan hayb kale. In kastoo ay laantu xirfad muujisay , gadaalkii waxay isu rogtay wariiri ( Jirac) shacabka Soomaaliyeed marada u dhex galay , caburinta , daba galka ,…
Somalia Transport and Aviation Minister Mohamed Oomaar tells Idil News that the item was found during baggage screening, police are still investigating Saturday’s incident. Idil news has confirmed that the man arrested by Somali Airport Security carrying teargas in his luggage is a British citizen. He was trying to catch an Ethiopian airline flight to Addis Ababa in Saturday. The man has been working for a foreign private company in Mogadishu.
Ibraahin Xuseen Maalin oo ahaa ganacsade Soomaali ah, wuxuu ahaan jiray ninka CIA-da u jooga Muqdisho sannadihii 1990-1993. Sida ka dhex muuqata tafaasiil ay bixiyeen saraakiil horey uga soo shaqeysay CIA-da, Ibraahin gacantiisa ayuu isku dilay sannadkii 1993-kii isagoo ciyaaraya dheesha loo yaqaan Russian roulette (waa ciyaar bistooladda wareegta la geliyo xabbad, kaddibna qofku uu dhafoorka isaga qabto, isagoo ridaya bal in xabbadi ka soo boodo iyo in kale). Hase ahaatee, toddoba sano ka hor ayay CIA-du ku tuhuntay Mike Shanklin oo ahaan jiray ku xigeenka Madaxa xafiiska CIA ee Muqdisho inuu isagu ka dambeeyey dhimashadii Ibraahin. Sababta tuhunkaa dhalisay waxay…
Dhimashada Hal qof iyo dhaawaca laba kale,ayaa ka dhashay kadib markii dab ka dhashay haan nooca gaaska keydisa oo ku qaraxday meherad ku taalla bartamaha magaalada Garowe. Haanta,ayaa qaraxday markii ay ku dhacday xabad uu riday askari ka tirsan ciidamada Puntland oo qof shacab ah ay is-af dhaafeen, islamarkaana uu dab qabsaday gudaha meheradda. Askarigii falka geystay oo goobta ka baxsaday, ayaa gacanta lagu soo dhigay markii danbe,wuxuuna haatan ku xiranyahay saldhiga dhexe ee Garowe.
Halkan ka daawo muuqaalka
Faysal Cali Waraabe,ayaa ka hadlay mudo kordhinta Golaha Guurtidu usameeyeen Golaha Wakiilada Somaliland. ”Golaha Guurtidu waxay qaateen doorkoodii ay lahaayeen ee ay awal gabeen,talaabadaa ay qaadeen waa soo dhawaynaynaa Qofkii Somaliland jeclaa in ay socoto waa guulaysatay kii rabay in lagu kala cararo meeshana waa jabay”ayuu yiri Faysal Cali Waraabe,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Waxaa baraha buslshada aad looga hadal hayaa wiil ku ooyay xafladdii arooskiisa, waxay dadka ka doodayaan sababta uu u ilmeeyay iyagoo qaarkood leh wuxuu u ooyay “jaceylka uu xaaskiisa u qabo”. Muuqaal yar oo laga soo duubay xaflada ayaa lagu arkayay wiilka caruuska ah oo ilmeeynaya ayna illinta ka tirtireeyso gabadha caruusadda ah. Waxaa dhif iyo naadir ah in la arko nin Soomaali ah oo meel fagaaro ah ku ilmeeyo farxad uu dareemayo awgeed, waxay dadka Soomaalida ah badankood qabaan in ragga ay yihiin kuwa ‘calool- adag’ oo dareenkooda qarsada. Hasayeshee, waxa taasi beeniyay Sadiiq Cabdinaasir oo dareenkisa aanan qarsan…
Golaha guurtida Somaliland,ayaa maanta mudo kordhin usameeyay Golaha wakiilada. Golaha wakiilada Somaliland,ayaa mudo kordhinta loo sameeyay waxay gaaraysa 9-bilood. Mahan markii ugu horaysay oo loo sameeyo mudo kordhin Golaha Wakiilada,balse tan iyo 2015-kii waxay dalbanayeen mudo kordhin. Doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada Somaliland oo tiro dhawr jeer dib u dhacday,ayay golaha Guurtidu go’aamiyeen in ay qabsoonto December-2019.sanadkan,hadii eebe idmo. Madaxweyne Muuse Biixi,ayaa fursad ka helaya uu kaligii ku magacaabi karo ama ku kala diri karo Golayaasha Deegaanka Magalooyinka Somaliland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro,ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada hargaysa,isla markaana ka warbixiyay socdaalkiisii uu ugu maqnaa dalka dibadiisa,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Dawladda Fadaraalka Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka ayaa dalbaday in in loogu deeqo Soomaaliya lacag ka badan 1 bilyan oo dollar oo gargaar bani’aadannimo ah. Waxa ay sheegeen in lacagtan lagu gargaarayo Soomaali dhan 3 milyan iyo 400 kun oo u baahan gargaar bani’aadminnimo sannadkan 2019-ka. Hay’adaha gargaarku waxay sheegeen inay hoos u dhaceen dadka u baahan gargaarka bani’aadminnimo marka loo eego sannadkii hore hase yeeshee waxay ka digeen in colaadaha sii socda iyo isbeddellada cimilada ay xaaladda uga sii dari karaan. “Haddii aysan hay’aduhu sii wadin gargaarka bini’aadmnimada oo aysan sara u qaadin howlaha caawinaadda sannadkan horraantiisa waxaa halis loogu…
Xildhibaan Nimco Cabdi Caarshe Gabadha kaliya ee kujirta Golaha Wakiilada ee Puntland,ayaa waxa ay Ku guuleysatay ka mid noqoshada Guddiga Joogtada ah ee Baarlamanka Puntland. Nimco,ayaa kasoo gasha Baarlamaanka Gobolka Sool,waxayna heshay kalsoonida-56 Mudane oo cod gacan taag ah ku aqbalay. 7- ka mid ah xildhibaanada noqday gudiga joogtada ah ee baarlamaanka Puntland ,yaa goboladu isku soo daysteen halka 3-xubnood oo ka soo kala jeeda Gobolada Nugaal iyo Bari lagu kala saaray cod bixin Baarlamaanku sameeyay. Cabdixakiin Axmed Dhooba-daareed Gudoomiyaha barlamaanka Puntland ayaa ku dhawaaqay liiska 10-ka xubnood ee gudiga joogtada ah oo dardargelin doona shaqooyinka horyaal barlamanaka,hoos ka daawo…
Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland mudane Cabdixakiin Dhoobo,ayaa magacaabay gudiga soo xulista iyo doorashada xubnaha gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka. Gudigan,ayaa ka kooban sadex xubnood oo kala ah:- 1.Xildhibaan Cabdiraxmaan Diiriye Carab 2.Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Dhahar) 3.Xildhibaan Muuse Xasan Gudoomiye Dhoobo wuxuu sheegay in doorashada gudiyada si dhakhso ah loo gudageli doono,isla markaana ay ufuran tahay Xildhibaan walba oo danaynaya in uu ka mid noqdo gudiyadaas,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Booliska Kenya waxay sheegeen in xalay dabley hubeysan ay rasaas ku fureen goob ay dhismo ka waday shirkad Shiinees ah. Taliyaha booliska Joseph Boinnet wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka ay fashiliyeen weerarka ka dhacay deegaanka Shimbirey oo ku yaalla inta u dhexeeysa magaalooyinka Gaarisa iyo Madoogaashe. Ilaa hadda lama sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii weerar uu ka dhacay magaalada Nairobi halkaas oo ay ku dhinteen 21 qof kaddib markii dabley hubeysan ay weerar ku qaaday dhismaha DusitD2. Weerarkaasi waxaa sheegtay inay ka dambeeyeen ururka Al Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya.
Madaxweynaha Hirshabelle mudane Waare,ayaa ka hadlay dagaalada soo noqnoqday ee ka dhaca deegaamada uu maamulkiisu ka taliyo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Wasiirkii hore ee Boosatada iyo Isgaarsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo warbaahinta la hadlay,ayaa sheegsy in uusan xil danbe qabanayn. Mar uu ka hadlay sababta uusan u dooneynin in uu xil danbe ka qabto Somaliland ayuu yiri “’ Annigu wax la qariyo ma’aqaan, xanuunno aan ka qaaday tii hore ayaan dawadoodii la tacaalayaa, maxaa yeelay waxaa lagu leeyahay xil wasiir ayaa heysaa, mishaarkaagu marka leysku dardaro waa wax la eg $ 1500 oo dollar, kaddibna waxaa lagu dhiibiyaa miisaaniyada ay ku qoran yihiin lacago la doonayo in howlo gaar ah lagu qabto, lacagta intaa la egna marka aad eegto xaalada…
Dhacdo Yaab Leh ! Wuxuu yiri labo kamid ah afarteyda xaas ayaan cunay oo waan is celin waayey gaajo aawadeed. Nin Sucuudi ah iyo laba ka mid ah afartiisii Xaas ayaa ka badbaaday kaddib markii uu galay shil Baanuur iyagoo saxaraha kujiray 13 maalmood. Mustafa Ali Hamad, oo 41 jir ah, iyo afartiisii Xaas waxay u safreen qaraabo salaan magaalo u dhow Ash Shalfa kadib wadadii saxda ahayd ee ay u socdeen ayay ka dhumeen Aakhirkiina baabuurkii ayaa la gadoomay Shilkaasna midka mid ah xaasaskiisii ayaa ku dhimatay. Saddex maalmood markii kulayl , qorrax, biyo iyo cunto la’aan joogeen ayuu…
Halkan ka daawo muuqaalka
Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Puntland,ayaa saakay hiirtii waaberi kala cayriyay Maleeshiyo ay isku hayb hoose yihiin Madaxweyne Dani oo qabsaday barta Kayntaroolka Magaalada Qardho. Isku dhacan ayay wararku sheegayaan in uu ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Maleeshiyadan,ayaa sidoo kale todobaad ka hor dhacay Gaari uu leeyahay Col.Caare sarkaalka hogaamiyaha Jamhada wax iska caabinta ee kasoo horjeeda maamulka Somaliland,inkastoo dadaal ay sameeyeen waxgarad Deegaanka ah dib looga soo daayay. Maleeshiyadan oo isku urursaday Guri ku yaala xaafad ka mid ah xaafadaha Magaalada Qardho,ayaa xogo hoose oo aan helayno waxay sheegayaan in ay ka mid ahaayeen ilaaladii Madaxweyne Dani xiligii…
Madaxweyne Dani amarkii uu ku joojiyay guud ahaan go’aankii canshuur dhaafka ee Dowladii ka horaysay ay ku dhaqmi jirtay,ayaa waxaa kasoo baxaya guux iyo cabasho xoog leh. Tobaneeyo Gaadiidka xamuulka qaada ah oo ku soo wajahnaa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu xayiray degaanka Xarfo oo ku yaalla Gobolka Mudug . Gaadiidkan ayaa waxaa la sheegay in ay xayireen Ciidamada amaanka ee maamulka,waxayna ka doonayaan lacag canshuur ah oo laga rabay Gaadiidkaas. Qaar ka mid ah Wadayaasha Gaadiidka ayaa warbaahinta u sheegay in labaddii maalmood ee lasoo dhaafay ay ku xayirnaayeen degaanka ka dib markii lagu…
Q aramada Midoobay ayaa sheegtay in ay rumaysan tahay 270 ah muhaajiriin ay ku qaraqmeen badda Mediterranean-ka maalmihii u dambeeyay. Diyaarad ay leeyihiin ciidamada badda Taliyaaniga ayaa soo gaartay goobta ay musiibadda ka dhaacday ee biyaha Liibiya. Doon ka samaysan caag ayaa sii quusaysay markii ay diyaaradaasi goobta soo gaartay. Shaqaalihii saarnaa diyaaradda ayaa waxaa u suuragashay in ay badda ka soo badbaadiyaan saddex qof ,balse waxaa halkaasi ku dhintay dad badan oo doonta saarnaa. Dadka la soo badbaadiyay ayaa labo waxa ay u dhasheen dalka Sudan ,halka midka kale uu u dhashay dalka Gambia. Dadkan badbaaday ayaa waxay sheegeen…
Madaxweyne Trump ayaa shaaciyay hindiseyaal cusub oo ku saabsan gidaarkii uu doonayay in uu ku kala xiro xudduudaha waddamada Mareykanka iyo Mexico. Hindesiyaashani cusub ayuu uga gol-leeyahay sidii loo soo afjari lahaa hakadka ku yimid hawlaha qaar ee dowladda Mareykanka oo xirnaa muddo ka badan afar todobaad. Trump ayaa sidoo kale u muuqda in uu ka soo debcay mowqifyadii adkaa ee uu ka taagnaa dadka muhaajiriinta ahi, gaar ahaanna kuwa iyaga oo da’yar sharcidarro lagu geeyay Mareykanka balse wali waxa uu dalbanayaa ku dhawaad lix bilyan oo doolar oo uu doonayo in lagu kharash gareeyo dhismaha gidaarka uu doonayo in…