Author: Jibril Qoobey

Madaxweyne Dani amarkii uu ku joojiyay guud ahaan go’aankii canshuur dhaafka ee Dowladii ka horaysay ay ku dhaqmi jirtay waxaa kasoo baxay guux iyo cabasho xoog leh. Cabashada ugu badan waxay ka timid ganacsatada Qaadka ka keenta dalka kenya,kuwaasoo hada soo dhoobtay caasimada Puntland ee garowe si ay ula kulmaan Madaxweynaha iyo Wasaarada Maaliyada. Maalmaha soo socoda,ayaa la ogaan doonaa natiijada wada xaajoodka labada dhinac. Dhanka kale diyaaradihii qaadka keeni jiray Puntland waxay si toos ah ugu awreegeen garoomada diyaaradaha Laascaanood iyo Koonfurta Gaalkacy.Qaadka,ayaa si hoose oo Gawaari lagu soo daabulayo waxa uu kusoo galayay maalmihii lasoo dhaafay gudaha Puntland,iyadoo…

Read More

Congo’s Constitutional Court early Sunday declared the election of Felix Tshisekedi as president, rejecting challenges to the vote by runner-up Martin Fayulu, who had alleged fraud. Tshisekedi, son of the late, charismatic opposition leader Etienne, is now set to be inaugurated Tuesday. The declaration came shortly after the African Union in an unprecedented move asked Congo to delay announcing the final election results, citing “serious doubts” about the vote. It planned to send a high-level delegation Monday to find a way out of the crisis, fearing unrest spilling across borders of the vast Central African nation. The court turned away…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Saldhiga Ciidamada aaga deegaanka Dhoobley ka howlgala. Madaxweynaha Jubaland ayaa amaanay Ciidamada Saldhiga Baarsanguuni ee Degmada jamaame kuwaas oo uu sheegay in Argagixisada ay dharbaaxo adag ku dhufteen waxaa uu sheegay in ay yihiin geesiyo shacabkooda u hiiliyay oo Argagixisada dhabarka ka jabiyay isagoo sheegay in ay taasi tusaale u tahay sida aanay Argagixisadu ugu babac dhigi karin Ciidamada Jubbaland howlgalkuna uu socon doono,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Wariyaha ama u ol-oleeyaha qadiyada Somali weyn Cabdimaalik Muuse Coldoon,ayaa lagu xiray Deegaanka Somalida Itoobiya. Coldoon,ayaa warar hoose oo laga helayo xarigiisa,waxay tilmaamayaan in qorshaha loo qabtay uu ahaa in xadka Somaliland iyo Itoobiya laga talaabiyo loona gacsngaliyo Maamulkaas,inkastoo aysan duurtoobin. Amarka lagu xiray coldoon waxa uu kasoo baxay sida ilo agu kalsoonaan karo ay idilnewsxaqiijiyeen,Talyaha_Ciidamada_Federalka ee Gobolka Hararge oo ay xaruntiisu tahay Harar. Waxaana xogta iyo qorshaabaabulan ee loo cuskaday xariga Cabdimaalik gaarsiiyay talyaha Hararge sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo Xildhibaan_Nimcaan oo ay dood Coldoon ku dhexmartay #jaamacada jigjiga maalmo ka hor,taasoo lagaga hadlayey aayaha umadda…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose kulan kula qaatay mid kamid ah beelaha daga deegaanada Jubbaland. Kulankan waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdirashiid Jire Qalinle Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Dhexe Bile haajir Sugaal Masuuliyiinta Howlgalinta Xoraynta Gobolka Jubbada Dhexe Odayaasha dhaqanka Haween dhalinyaro iyo Masuuliyiin kala duwan. Kulankan ayaa lagaga hadlayay sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka Bulshada loona dhamayn lahaa wixii tabashooyin ah ee jira isla markaana loo garab istaagi lahaa xoraynta Deeganada maqan ee Jubbaland oo ay dadaal…

Read More

Ciidamada PMPF iyo PSF ee Puntland ayaa waxa ay ku guulaysteen inay soo furaan qaraxaan oo lagu xiray wadada laamiga ah ee dheer gaar ahaan agaarka Mareera Spare parts, kadib macluumaad ciidanku ka heleen dadka shacabka ah. Saraakiisha ciidamada ayaa soo bandhigay qaraxyadii lagu aasay goobtaasi, gaarigii lagu qarxin lahaa iyo sidoo kale dhammaan macluumaadkii la xiriiray,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxa Sirdoonka Suudaan: 5 Sano Ayuu Jagadan Hayey, Waxaana Loo Xiray Afgambinta Al-bashiir. Agaasimha Guud ee Sirdoonka Suudaan Saalix Cabdalla Maxamed(Qoosh) ayaa booqasho waxaa uu ku yimid marsii horaysay Magaalada Muqdisho waxaana soo dhoweeyay dhiggiisa xiligaa isna aha, agaasimha Nisa Xuseen Cusmaan Xouseen. Haddaba, Waa Kuma Saalax Qoosh: Saalax Cabdalla Maxamed(Qoosh) waa nin galaangal badan, 5 sano ayuu shaqadan hayey, waxaa uu la-taliye xagga amniga u noqday madaxweyne Cumar Al-Bashir ka hor inta aan loo xirin inuu afgambi rabay, 2013-kii ayuu Al-bashiir cafiyey, kadibna waxaa mar kale laga dhigay agaasimaha sirdoonka. Waxaa uu ka mid ahaa Islaamiyiinta Suudaan, waxuuna ka…

Read More

Xogo xasaasi ah oo ay adagtahay sida loo helaaa ayey Amiina u tebinaysaa Israa’iil. Nacaybka carabta, u aargudista ninkeedii lagu dilay diyaaradda iyo ka aarsashada Basaamkii jacaylka carruurnimo kaga baxay ayey waxaas oo hawl ah u gelaysaa. Diiqadda nafsiga ah iyo ciilku waa wax awood badan. Jiidhka ayey colaaddeedu dhaaftay oo dhuuxa ayey kaga jirtay. Xogo ay tebisay baa lagu laynayaa boqollaal carruur, dumar iyo ciidan Falastiiniyiin ah. Waa ay ku farxaysaa. Dhibic walba oo ay sabab u tahay in la daadiyaa waxa ay ku dhayanaysay boog damqanaysay. Mar walba halista uu keeni karo qof kaa mid ahi waa ay…

Read More

Saakay Waaberigii,ayaa dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxa ay weerar culus fariisin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa shaaciyay in weerarkaas oo ku bilawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ay fashiliyeen,isla markaana gaarigii ay Ciidamada Jubbaland gubeen. Sarkaalka u hadlay Ciidamada Jubaland,ayaa sheegay in ay sidoo kale ku dileen dagaalka saakay 73-dagaalame oo ka tirsan Alshabaab Gaadiid kale oo dagaalna ay ka gubeen. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxa ay ku shaaciyeen in ay saakay deegaanka Baar-Sanguuni la wareegeen,isla markaana ay…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.ayay xogo hoose sheegayaan in uu jiro khilaaf xoog leh oo ka dhex taagan. Khilaafka u dhaxeeya Labada mas’uul ee dalka ugu saraysa,ayaa salka ku haya kalsooni xumo soo kala dhexgashay. Xisbiga la furanayo iyo cida noqonaysa musharaxa Xisbigaas,ayaa ah arinta ugu weyn ee labada masuul ay ku kala aragti duwan yihiin.Xasan Cali Khayre waa musharax Madaxweyne oo si weyn ugu jira diyaar garow doorashada soo socota ee 2020. Khayre waxuu hada gacanta ku hayaa diyaarinta warbaahin xoog leh oo dhaqaale fara badan lagalinayo,taasoo qayb ka…

Read More

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka kenya lagana soo doorto Xaafada Kamakuuji ee Nayrobi,ayaa khudbad aad u qiimo badan ka jeediyay isu imaatin iskugu jiray baroordiiq iyo xoojinta midnimada shacabka kenya. Madaxweyne Uhuru iyo ku xigeenkiisa,ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii kasoo qaybgalay kulankaas,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

18.1.2019.idilnews.Minisota. Ilhaan Cumar oo dhawaan loo doortay xubin aqalka Kongareeska Maraykanka,ayaa loo xushay in ay qayb ka noqoto gudiga arimaha dibada ee Aqalka. Afhayeenka Aqalka Nancy Polisi,ayaa udooratay Ilhaan in ay ka mid noqoto gudiga. Magacaabida loo magacaabay Ilhaan in ay ka mid noqoto gudiga arimaha dibada mahan wax iska caadi ah oo dhacay. Gudigan,ayaa ah mid awood badan saamayntiisuna balaaran tahay,in loo doorto Ilhaan Cumar ka mid ahaanshaha Gudigaas,waxay diraysaa fariimo kala duwan.waxaana durba walaac ka muujiyay Dowlada Srael sida uu qoray Wargeys kasoo baxa Dalkaas. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Rep. Ilhan Omar has been appointed to the House Foreign Affairs Committee in the 116th Congress. The announcement was made on Wednesday night by House Speaker Nancy Pelosi, just days after Omar was named to the Education and Labor Committee. Omar posted to Twitter on Thursday that the Foreign Affairs Committee was her first pick. “As someone who has seen firsthand the havoc wreaked by war, I am proud to serve on the committee that is responsible for overseeing our country’s— and this President’s—actions abroad,” Omar said. “This couldn’t come at a more critical time. We need to use the…

Read More

Ilaa laba ruux ayaa la xaqiijiyay in ay qaraxaas ka dhacay xarunta Gobolka Bay ee Baydhabo ku geeriyoodeen. Lamana oga waxa ay ahaayeen Dadka bamka watay ee uu ku qarxay.Dad ku sugan Baydhabo ayaa warbaahinta idilnews u sheegey in jugta qaraxa inta badan laga maqlay Xaafadaha Magalada Baydhabo. Qaraxa Galabta ka dhacay Magalada Baydhabo ayaa kusoo aadaya xilli weli Magaalada Baydhabo ay ku sugan yihiin wafti ka tirsan Madaxdii ka qeyb gashay xafladii Caleemo-saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Read More

Ninka isku qarxiyay gudaha DusitD2 ayaa magaciisa lagu sheegay Mahir Khalid, kaasoo ka soo jeeda magaalada Mombasa, waxaa la sheegay inuu ka tirsanaa Guutada loo yaqaano Jaysh Ayman ee ka dagaalanta Keymaha Boni ee Gobolka Xeebta Kenya. Muuqaal laga arkayay Kaamirada CCTV ayaa muujinayay ninkan oo taleefan ku hadlayay, dabadeedka isku hor qarxiyay maqaayad ku dhex taal DusitD2, ka hor inta aanu is qarxin waxaa uu ku hadlayay taleefan. Shan ruux oo lala xiriirinayo weerarka Nairobi ayaa maalintii u horeysay Maxkamad la soo taagay, waxaana magacyadooda soo bandhigay dacwad oogaha dalka Kenya. Ragga la qabtay oo shan ahaa ayaa qaarkood…

Read More

Shiikh Maxamed Sh. Ibraahim Kenyaawi ayaa maanta oo jimce ah magaalada Muqdisho ku qabtay muxaadaro uu ciwaan uga dhigay ‘Cafi walaalkaa’, waxaana ka qeyb galay kumannaan ruux oo isugu tagtay garoonka ciyaaraha ee Koonis. Muxaadaradan oo maalmahanba dadweynaha lagu ogeysiinayay baraha xiriirka bulshada ayuu sheekhu diiradda ku saaray mowduuca iscafinta oo loo arkay mid si weyn loogu baahnaa. “Soomaaliyeey aynu iscafinno, waynu isdilnaye aynu iscafinno, waynu kala irdhownaye aynu iscafino, waynu kala fogaanaye aynu iscafinno. Sanooyin fara badan ayeynu isdagaaleynay oo aan kala fogeyn, oo xitaa aynu Ilaahay ka fogeyn ee aynu iscafinno”, ayaa ka mid ahayd erayadiisa. Dad badan…

Read More

WAXAANU TACSI U DIREYNAA EHELKII IYO QARAABADII IYO GUUD AHAAN SHACABKA SOOMAALIYEED OO AANU LA WADAAGEEYNO GEERIDA KU TIMID MARXUUMINTA KALA AH : HALGAMAAGII WEYNAA EE S.Y.L. MARXUUM MAXAMAD YUUSUF AADAN (MUURO) OO QEYB LIBAAX KA SOO QAATAY HALGANKII GOBANIMA-DOONKII,QARANKANA U SOO SHAQEEYEY TAN IYO XILLIGII XUKUUMADDII DAKHILIGA AHEYD EE RA´IISAL-WASAARE HALYEY CABDULLAAHI CIISE MAXAMUUD.SIDAASOO KALE WAXAANU TACSI U DIREYNA EHELKA MARXUUM COL. AXMED ISMAACIIL BOQOR OO KA MID AHAA SARAAKIISHII LOO TABABARAY XORIYADDA DALKA, WUXUUNA SOO QABTAY XILAL BADAN. WAXAANA HALKAN TACSI KA DIRAYA DHAMMAAN EHELKA KALA AH : Cabdi Maxamad Tarrax Ambassador Cabdulqani Muxumad WaceysCol. Zubeer Cabdilkariim BoorleCol. Nuux…

Read More

Kenya police arrested five suspects in connection with Tuesday’s Al-Shabaab attack in Nairobi. They are accused of “aiding and abetting” the terrorist attack. 1.Joel Ng’ang’a Wainaina 2.Oliver Kanyago Muthee 3.Gladys Kaari Justus 4.Abdihakim Mohamed Guleid 5.Osman Ibrahim Suspect 1 is believed to be a taxi driver who ferried one of the attackers to various areas. Suspect 2 is also a taxi driver. Suspect 3 works at a money transfer service and may have given money to person of interest without ID, according to court documents. Suspect 4 is said to be a Canadian citizen according to the court records. He…

Read More

Innaa Lillaahi Wa’inaa Ilaah Rajicuun Geeridu waa xaq. Waxaa Umadda Soomaaliyeed ka baxay dhawaanna ku geeriyooday magaalada Nayroobi, Halgamaa ka mid ahaa horseedkii S.Y.l Maxamud Yusuf Aden “Muuro” wuxuuna ka mid ahaa hogaamiyayaashii Leegada ee kor u hayay Shucladdii Gobanimadoonka. Taariikhda sida wayn loogu xasuusto waxaa ka mid ah, wuxuu ahaa halyay Naftiisa u hibeeyay sidii Soomaaliya ay gobanimo ku gaari lahayd.Sababta keentay in Maxamuud Yuusuf Muuro in uu iska dhigo AUN C/llaahi Ciise, islamarkaana uu cirbada sunta ah u qaatay waxay ahayd, in lagahortago Gumaystaha oo doonay in uu qaab shirqool ah kaga hortago si qadiyadda aaya katalinta Soomaaliyeed…

Read More

Inaa lilaahi waa inaa ilayhi Raajicuun waxaa Muqdisho ku geeriyooday fanaanka caanka ah Cabdulqaadir Yuusuf (Bagaag). Bahda idilnews waxay Tacsi udirayaan guud ahaan Umada Somaliyed,bahda Fanka iyo gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadisii uu sida garaka ah uga geeriyoodaty. Waxaan leenahay Rabi Samir iyo iimaan Haka siiyo,isagana waxaan rabi uga baryaynaa in uu udanbi dhaafo janadiina ka waraabiyo.

Read More

Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa maanta halkaasi ka oogay banaanbax ay uga soo horjeedaan weerarkii dabley hubaysan ay talaadaddii la soo dhaafay ku qaadeen dhismaha DusitD2 ee xaafada Westland ee Nairobi. Soomaalida xaafadaa ku dhaqan ayaa maalmihii la soo dhaafay oo dhan walaac ka qabay jawaabta ay hey’adaha amaanka ee Kenya ka bixin doonaan weerarkaas, oo uu sheegtay ururka Al-Shabaab. Ciidamada amaanka Keny,ayaa bartilmaameedsada xaafada Islii ee ay Somalidu ubadan tahay inta badan.

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu ku amray qareenkiisa inuu aqalka Congress-ka uga been sheego dadaallo uu doonayey inuu daar loogu magca daray Trump Tower uga dhiso magaalada Moscow. Warbahainta BuzzFeed News ayaa sheegtay in warkan ay kasoo xigatay laba sarkaal, oo ka tirsan hay’adaha sharci-fulinta Mareykanka. Ilo-wareedyadan ayaa sheegay in qareenkii hore ee Trump, Michael Cohen uu u sheegay Robert Mueller oo ah baaraha faro-gelinta Ruushka, in madaxweynaha uu ku amray inuu Congress-ka uga been sheego la-macaamilkiisa Ruushka. BuzzFeed waxa ay sheegtay in ilo-wareedyada ay warkan kasoo xigatay ay sidoo kale ku lug leeyihiin baaritaanka lagu sameynayo…

Read More

Xulka kubadda cagta ee dalka Qatar ayaa 2-0 uga adkaaday dhiggiisa uu xifaaltanka weyn uu ka dhexeeyo ee dalka Sacuudi Carabiya, ciyaar ka tirsaneyd Koobka Qaramada Aasiya. Kulankaasi oo xiisa gaar ah lahaa, isla markaana loogu magac daray “Blockade Derby” ama kulanka adag ee go’doominta, ayaa waxa ay labada xul ku tartamayeen hogaanka guruubka E. Almoez Ali oo asal ahaan ka soo jeeda Suudaan, weerarkana uga ciyaara kooxda Qatar, ayaa u dhaliyay labada gool, waxaana xulkaasi gool ku laad ka khasaariyay kabtankooda, Hassan Al Haydos. Kulanka oo ka dhacay garoonka Mohammed bin Zayed ee magaalada Abu Dhabi, ayaa ahaa kii…

Read More

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa ansixiyay hindise sharciyeed u ogolaanaya qaxootiga ku nool dalkaasi inay helaan xuquuq dheeri ah. Waxyaabaha ku xusan hindise-sharciyeedka ayaa waxaa kamid in dadka qaxootiga ah ee ku nool xeryaha qaxootiga inay xaq u leeyihiin in dalkaasi laga shaqaaleysiiyo iyo in carruurtoodu ay wax ka bartaan Iskuulada dowladda. Hindise Sharciyeedka ayaa dhigaya in qaxootiga ay helayaan xoriyad ah inay tegi karaan meel kasta oo Itoobiya ka tirsan oo ay ka bixi karaan xeryaha. Dalka Itoobiya waxaa ku nool in ka badan hal milyan oo qof oo kasoo qaxay dalalka deriska ah halka 2 milyan oo qof oo…

Read More

Ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa shaaciyay qaar ka mid ah raggii ka dambeeyay weerarkii Talaadadii lagu qaaday dhismaha Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Booliska wali wadda baaritaano dheeraad ah ayaa shaaciyay qeybo ka mid ah magacyadda raggii fuliyay weerarka iyo waliba sidda ay Shabaab ugu biireen, waxaana ku jira wiil uu dhalay Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda Kenya. Ali Salim Gichunge oo uu dhalay Sarkaal ka tirsan ciidanka Difaaca dowladda ee lagu magacaabo KDF ahaana 27 sano jir,ayaa ka mid ahaa raggii fuliyay weerarka, waxaana yaraantiisii lagu xanaaneyn jiray Kaaniisad loogu tala galay Carruurta yaryar oo…

Read More

Madaxweyne Donald Trump ayaa Khamiiistii ka joojiyay afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi safar ay ku aadi laheyd dalalka Afghanistan iyo Belgium-ka. Tallaabadaas ayaa loo arkay mid sii hurineysa dagaalka siyaasadeed ee ku qotoma xirnaanshaha dowladda ee u dhaxeeya Aqalka Cad iyo Aqalka Wakiilada. Warqad uu Trump u diray afhayeenka Aqalka Wakiilada ayuu ugu diiday Pelosi iyo xubno ka tirsan congress-ka in ay adeegsadaan diyaarad uu leeyahay milatariga oo ay u qaadan lahaayeen magaalada Brussels. Qoraalkaas uu Trump u direy Pelosi ayuu ku yiri “iyadoo ay 800,000 oo qof oo shaqaale dowladeed ah aysan heleynin mushaaraadkooda, waxaan hubaa inaad igu…

Read More

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo marayay Duleedka Degmada Buurhakaba ee Gobalka bay. Weerarka ayaa marka hore ku bilowday qaraxyo miino oo lala eegtay ciidamada itoobiya, kadibna waxaa xigay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidamada itoobiya iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab. Kolonyadan ka tirsan Ciidamada itoobiya ayaa waxaa ay ka yimaadeen degmada Buurhakaba, waxaa ayna ku sii jeedeen magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in khasaaro uu soo gaaray dhinacyada ku dagaalamay duleedka Degmada Buurhakaba ee Gobalka bay. Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaal.Ilo Madax banaan…

Read More

Farmaajo iyo Karaash Madaxweyne ku-xigeenka Dowlada Puntland Axmed Karaash oo halkaa u tagay ka qeybgalka munaasabadii caleemo saarka Madaxweynaha Koonfur-Galbeed,ayaa kulmay. Kulanka,ayaa ahaa mdi ku kooban slaan iyo bariidin mana jirin wax intaas dhaafsiisan oo ay kawada xaajoodeen labada masuul. Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo magaalada Baydhabo uga qeyb galay caleema saarka madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagaren ayaa soo hadal qaaday xiriirka u dhaxeeya Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,waxuuna sheegay in uu wanaajin doono xiriirkaas.Madaxweynaha cusub ee Puntland oo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareysigiisii ugu horeeyay markii xilka loo doortay ku sheegay in…

Read More

Madaxweynaha la doortay mudane Siciid Cabdulaahi Dani ee mudada Todobaadka ah hayay hogaanka Puntland,ayaa la oran karaa waxuu qaaday talaabooyin soo dhaweyn mudan. talaabooyinka in loo hakado mudan ee Madaxweynuhu ku bilaabay dhaqaaqiisa,ayaa waxaa ka mid ah:- 1.Madaxweyne Dani waxuu shaqada galaa Lixda Subaxnimo waxuuna ku garaa ilaa Lix saaac oo habeenimo. 2.Madaxweyne Dani waxuu iskugu yeeray dhamaan hay’adaha Qaramada Midoobey ee dalka jooga,isagoo mid mid ula xisaabtamay. 3.Madaxweyne Dani waxuu joojiyay dhismayaasha xarumaha Dowladu lahaan jirtay ka socday ilaa amar danbe. 4.Madaxweyne Dani waxuu joojiyay in wax dhaqaale ah ay ka baxaan khasnadaha Dowlada,Bankiga iyo Xawaaladaha gaarka loo leeyahay.…

Read More

Madaxweyne Dani waxuu muujiyay nidaam Dowladnimo,balse talaabadii shalay waxay ku ahayd yax-yax nidaamkeena. Madaxtooyada Puntland waxaa soo gaaray wafti balaaran oo ka socda midowga shirkadaha Shiinaha,waxayna u yimaadeen sidii ay kulan ula qaadan lahaayeen Madaxweynaha cusub mudane Dani. Agaasimaha Madaxtooyada oo sida hab maamuusku qabo ay tahay in uu diyaariyo kulanka,ayaa shaqadisii qabsaday,waxaase la yaab noqotay markii uu Madaxweynuhu amar ku bixiyay in loosoo daayo oo kaliya Khadar Faroole iyo wafuuuda la socota. Khadar waxuu qayb ka ahaa waftiga Shirkadaha,waxuuna u yahay xiriiriyaha shirkadaha iyo Dowlada Puntland. Shirkadaha Shiinaha,ayaa heshiis ay mashaariic dhawr ah kaga fulinayaan kula jira Dowlada Puntland.…

Read More

Shirka khamiislaha ah ee Gollaha xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir gudoominayay Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta looga hadlay xaalada guud ee dalka sida maanka waxbarashada ,caafimaadka iyo qorshayaasha horyaala xukuumadda. Ugu horeyn madaxweynaha dowlada Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa warbixin ka dhageystay wasaarada amniga iyadoona wasaaradu ay sheegtay in guud ahaan amniga dalka uu sugan yahay. Madaxweynaha dowlada Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in isbedel guud lagu sameynayo ciidamada Puntland isla markaana ay dowladu diyaarisay qorshe balaaran oo lagu horumarinayo ciidamada dowlada Puntland si loo helo ciidan tiro ahaan iyo tayo ahaanba…

Read More

Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa aar-goosi, looguna magac daray “Labeyka Yaa Qudus” waxaana uu intaa ku daray inay qaadeen Guutada Saalax Nabhaan oo sanadkii 2009 ay Mareykanka ku dileen duqeyn ka dhacday agagaarka Baraawe. Waxaa uu sheegay in howlgalkan uu bixinayay farriin ah in Umadda Muslimiinta ay leedahay rag ka dhiidhiya dulmiga, sidoo kale waxaa uu xusay in dagaalamayaashii galay Galabnimadii Talaadadii Hotelka DusitD2 ay 24 saacadood la dagaalamayeen Ciidamada Kenya, Mareykan iyo Ingiriis. Cali Dheere ayaa sheegay in 50 ay ku dileen weerarkaas oo isugu jira Mareykan, Ingiriis iyo kenyan ah. Al-Shabaab ayaa horay weeraro dad…

Read More

Dowladda Qatar ayaa maanta militariga Soomaaliya ku wareejisay 68 Gaadiidka Gaashaaman ee dagaalka ah. Munaasabad kooban oo lagu qabtay gudaha Dekedda Muqdisho ayaa Qatar ay ku wareejisay Gaadiidkan taliska Ciidanka Dowlada Fadaraalka. Gaadiidkan,ayaa ah mid duuga oo ay iska badaleen Ciidamada Qatar.

Read More

Kulan qado ah ayay u sameeyeen masuuliyiinya Rugta Ganacsiga Somaliya gaar ahaan, Mahamud Abdi Ali Gabayre oo ah Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Islaan bashiir Islaan cabdille iyo waftigisii. Qadadaas,ayaa waxaa ka soo qayb galay Ganacsatada iyo Mulkiilayaasha Shirkadaha ugu waawayn Somaliya qaar ka mid ah. Islaan Bashiir ,ayaa qadada kadib booqday kaydka shidaalka ugu wayn Xamar oo ay dhistay shirkadda Somali Fuel Company. Islaan Bashiir iyo wafti uu hogaaminayo,ayaa maalmahan ku sugan Muqdisho.

Read More

Ciidamada amaanka ayaa maanta waxaa ay xireen madaxda ugu saraysa ee Shirkadaha Golis iyo Eeneeye, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay masuul ka yihiin is rasaaseenta dhex martay ilaalada labada shirkadood. Shalay ayaa waxaa la xiray qaar ka mid ah ilaalada shirkadaha Golis iyo Eeneeye oo baxsaday. Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa sheegay in tilaabo adag ay ka qaadi doonaan cidkasto oo si sharci daro ah ku dagaalanta bartamaha Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari. Afar qof ayaa ku dhaawacmay israsaaseentii ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari, islamarkaana isbitaalada Magaaladaasi lagu baxnaaninayo.

Read More

Siciid C/llaahi Deni Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa maanta dul-dhigay Amarro Wasiiradii la shaqeynayay Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C-wali Maxamed Cali (Gaas). Madaxweyne Deni ayaa warqad lagu qoray English oo laga soo saaray Xafiiskiisa waxaa lagu sheegay in Wasiiradii hore ee hada sii-hayaasha ah aysan qofna dalacsiin karin, sidoo kalane aysan qof shaqaaleysiin karin kana ceyrin karin shaqada. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale Wasiirada u sheegay in asyan jirin wax heshiis ah oo ay gali karaan, iyadoo lagu wargeliyay dhamaan hey’adaha Qaramada Midoobay in dib u eegis lagu sameyn doono heshiisyadii hore loo galay si loo waafajiyo danta shacabka Puntland.…

Read More

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in lasoo afjaray howlgalka ka dhanka ah weerarka lagu qaaday huteelka DusitD2 oo ku yaalla galbeedka magaalada Nairobi. Kenyatta wuxuu sheegay in 14 qof ay ku dhinteen weerarka.Wuxuu sheegay madaxweynaha in la laayay dadkii weerarka soo qaaday. Madaxweynaha Kenya ayaa amaanay sida degdeg ah ay laamaha ammaanka Kenya uga falceliyeen weerarka. Dadka ku dhintay weerarka waxaa kamid ah 2 qof oo uu kala dhalatay dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay mid kamid ah dadka ka howlgala xarunta meydadka la dhigo ee Chiromo. Wuxuu intaasi ku daray in 11…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Dani ayaa maanta 16 January 2019 xafiiskiisa ku qaabilay laamaha Hay’addaha UN-ka qaybtooda ka hawlgala Puntland, kuwaas oo kala ah UNSOM, UNICEF, UNDP, UNHABITAT, UNOCHA, UNDSS, FAO iyo WFP. Kulanka uu Madaxweynaha Dowladda Puntland la qaatay saraakiishaasi ka socdey laamaha UN-ka Puntland ayaa waxaa ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe, waxaana uu ka warbiyey arrimaha muhiim ka ah ee lagaga hadlay kulanka. “Maanta Madaxweynuhu wuxuu la kulmay Hay’addaha UN-ka qaybaha Puntland ka degan, ulajeedada uu Madaxweynuhu ula kulmayna waxa ay ahayd inuu xogogaal u ahaado shaqooyinka ay Puntland ka hayaan,…

Read More

Gunmen have attacked an upscale hotel and office complex in Kenya’s capital, causing an unknown number of casualties. The attack at the Dusit D2 Hotel in Nairobi began around 3:30 pm Tuesday afternoon. Witnesses reported hearing at least one explosion and sustained gunfire. Kenyan news organizations say several people were killed in the attack. There has been no confirmation from authorities. Somalia-based militant group al-Shabab has claimed responsibility for the attack, according to VOA’s Somali service. The group later released a second statement saying “fierce clashes” continued at the site. Source.VOA.

Read More

Dhawr baabuur ayaa la arkayay iyaga oo gubanaya, waxaa la arkayay dad dhaawac ah oo laga saaraya goobta uu qaraxa ka dhacay. Ciidamada ammaanka ayaa isku gaadaamay goobta uu weerarka ka dhacay. Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay weerarkaasi, waxaana qoraal uu boolisku soo dhigay Twitter-ka lagu sheegay in la xiray waddooyinka ka ag dhow goobta uu weerarka ka dhacay. Sidoo kale, taliyaha ciidamada Kenya, Joseph Boinnet ayaa xaqiijiyay in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen dhismaha hoteelka DusitD2, isla markaana raggii weerarka soo qaaday ay ku jiraan gudaha dhismahaasi. Waxa uu intaasi ku daray in ciidamadu ay weerarkaasi ku soo afjari…

Read More