Author: Jibril Qoobey

Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha xisbiga Ucid ee Somaliland waxuu si weyn usoo dhaweeyay doorashada Siciid Cabdulaahi Deni. Faysal waxuu sheegay in ay Sxb yihiin Deni dhawr jeerna ay ka fool ka fool ukulmeen,waxuuna ku tilmaamay Nin uqalma jagadaas oo masuul ah. Sidoo kale wuxuu bogaadiyay hanaanka doorashada Puntland ay u dhacday,waxuuna fariin udiray Madaxweyne Deni oo uu kula dardaarmay in uu ka shaqeeyo Nabad. Faysal waxuu canbaarayn dusha uga tuuray Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisi Camey oo ku tilmaamay qaswadayaal colaad dhiig badan ku daatay ka dhex abuuray Puntland iyo Somaliland . Marka laga soo tago hadalka Faysal Cali Waraabe…

Read More

Maxamed Nuur Caalin oo aqoon dheer uleh Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayay BBC-du wax ka waydiisay waxa uu noqon karo xiriirka Puntland iyo Dowlada Dhexe. ”Marka la eego xiriirka dhex mari kara Deni iyo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku tilmaamay mid aan waji fiican lahayn”ayuu yiri Caalin. “Markaad eegtid madaxweyne Farmaajo iyo mas’uuliyiinta hadda maamulka haya, haddii la is barbar dhigo Siciid iyo Cabdiwali Gaas, waxaa maamulka Farmaajo aad ugu dhow Cabdiwali Gaas. Sababtoo ah Siciid waa nin aad u aaminsan qadiyadda federaaleynta, waa nin aad ula dhacsan hannaanka ay ku socdaan kooxda hadda mucaaradka ku ah…

Read More

Madaxweyne kuxigeenka cusub Axmed Karaash oo ah siyaasi saameyn weyn ku leh gobalka Sool, isla markaana taageero xooggan ka heystay issimada gobalkaasi kasoo jeeda.Karaash ayaa sidoo kale xilal kala duwan ka soo qabtay maamulkii madaxweyne Gaas. Axmed Karaash oo isla markiiba loo dhaariyey xilka loo doortay ayaa hadal kooban oo uu soo jeediyey ku sheegay inuu balan qaadayo inuu si wanaagsan ulla shaqeeyo Baarlamaanka doortay. Musharraxa looga guuleystay xilka madaxweynaha ku-xigeenka Cabdi Cismaan Qawdhan ,oo goobta ka hadlay codbixinta kaddib ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka ay doorashada u dhacday,hoos akd aawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta kulan la qaatay Taliska ciidanka AMISOM qaybta 2-aad ee ka howlgasha Jubbaland. Kulankooda,ayay uga hadleen Madaxweynaha iyo saraakiisha AMISOM xoojinta wada shaqaynta Jubbaland iyo AMISOM sida is waydaarsiga xogaha iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen in degmada Afmadow laga furo xero lagu tababaro ciidanka Jubbaland, iyadoo tababarkaasi ay bixin doonaan saraakiisha ciidamada AMISOM. Madaxweynaha Dowlad Jubbaland Axmed Madoobe oo xalay ku hoyday degmada Afmadow,ayaa sheegay in uu halkaasi u tegay dardar gelinta howlgalka Shabaab looga saarayo…

Read More

Madaxweynaha la doortay ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa hoygiisa Kmg ah kusoo dhaweeyay wafti ka socda Dowlada Fadaraalka ah. Waftiga Dowlada Fadaraalka oo uu hogaaminayo Wasiirka arimaha dibada Axmed Ciise Cawad,ayaa soo soo gaaray Garowe saacado kadib markii la doortay Madaxweyne Deni. Waftiga uu hogaaminayo Cawad oo aha midkii maalin ka hor loo diiday in ay goobjoog ka noqdaan doorashadii Madaxtooyo ee Puntland,ayaa hada u yimdi hanbalyaynta Madaxweynaha cusub. Madaxweyne Dani,ayaan xiriir wanaagsan aan la laahyn kooxda hada hogaamisa Villa Somaliya.

Read More

Barlamaanka Puntland ayaa madaxweynaha maamulkaasi u doortay Saciid Cabdullaahi Dani oo ku dhashay magaalada Muqdisho sanandkii 1966-dii. Madaxweyne Siciid Dani ayaa waxbarashada dugsiga dhexe iyo kan sare ku qaatay isla magaalada Muqdisho. Wuxuu sidoo kale ka baxay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuliyaddii luuqadaha. Wuxuu sidoo kale takhasuuskiisa kusoo qaatay dalka Malaysia, kahor inta uusan ku biirin siyaasadda. Saciid Dani ayaa Soomaaliya ka soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid tahay wasiirka qorsheynta ee dowladdii Xassan sheikh iyo xildhibaan dowladda federaalka sannadkii 2012-kii, waxaana siyaasad ahaan la sheegaa in uu aad ugu dhawaa dowladdii Xassan Sheekh Maxamuud. Saciid Dani…

Read More

Wareegtadii ugu horaysay ee kasoo baxday xaafiiska madaxweynaha la dortay ee Puntland Siciid cabdullaahi Deni,ayuu ku amray in aysan wax dhaqaale ah ka bixi karin dhamaan Wasaaradaha iyo khasnadaha dowlada. Talaabadan ayuu Madaxweynuhu ku xaqiijinayaa hantida Umada in aan la musuqmaasuqin. Shacabka,ayaa sood ahweeyya amarkan waxayna u arkaan talaabo muujinasya hufnaan oo bilwo wnaagsan ah. Halkan hoose ka akhriso:-

Read More

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) iyo Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland, Saciid C/llaahi Deni. Labada Madaxweyne ayaa sheegay iney u rajeynayaan Madaxweynaha iyo shacabkiisa iney ku guuleestaan waxyaabaha horyaala. Hogaamiyaashan ayaa noqonayaa kuwii ugu horeeyay ee ka maqan madasha doorashada ee hambalyo la wadaaga Madaxweynaha cusub.

Read More

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,Cabdikariin Maxamed Axmed (Dhoobo-dareed) ayaa goor dhow shaaciyay natiijada doorashada madaxweynaha Puntland oo la isla soo gaaray wareegii Saddexaad.Wareega u dambeeyay ee saddexaad waxaa ku tartamay labada musharrax ee kala ah Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 35 cod iyo Jen Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano oo helay 31 cod. Guddoomiyaha Baarlamaanka oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in madaxweynaha shanta sanno ee soo socota Puntland uu yahay Saciid Cabdullaahi Deni oo ku guuleystay wareegii u dambeeyay. Madaxweynaha cusub ee Puntland,Saciid Cabdullaahi Deni oo hadal kooban jeediyay guushiisa kaddib ayaa u mahadceliyay Baarlamaanka ,guddiga doorashada ,musharrixiintii la tartamay iyo musharrixii…

Read More

Ciidamo Boolis oo ka socda Dowladda Federaalka ayaa Hotel Maka Al-mukarama oo ka mid ah Hotelada caanka ah eek u yaalo Muqdisho oo Al-Shabaab labo jeer ay weerareen. Tallaabadan ayaa ka danbeysay ka dib markii Hotelka uu maalmahan ka socday tababar sare loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga siyaasadeed ee Kaadirka Xisbiga Wadajir. Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa arrintaan cambaareeyay,wuxuuna ku tilmaaay iney tusineyso mid kooxda talada dalka heysata lahayn aragti iyo fikir. ”Waxaa amar ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Farmaajo lagu xiray Hotel Makka Al-mukarama oo maalmahan uu ka socday tababar sare loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga siyaasadeed ee Kaadirka Xisbiga…

Read More

Mas’uuliyiinta amniga ee Puntland ayaa bandow la xiriira dhaqdhaqaaqa baabuurta kusoo rogay magaalada Garoowe laga bilaabo 5-ta galabnimo ee maanta ilaa maalinka beri ah ee ay doorashada Madaxweyne ay dhacayso. Hadalkan waxaa magaalada Garoowe kaga dhowaaqay Taliyaha ciidanka booliiska Puntland Jeneraal Muxiyadiin Axmed Muuse. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in inta bandowga uu socdo aysan jiri doonin cid loo ogolaanayo in ay magaalada soo gasho marka laga reebo mas’uuliyiinta xasaanadda leh iyo musharaxiinta,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Milatariga dalka Gabon ayaa maanta qaaday isku day afgambi oo ka dhan ah dowladda dalkaas. Saraakiisha milatariga ayaa qabsaday raadiyaha qaranka Gabon ee magaalada caasimadda ah ee Libreville, aroortii maanta oo isniin ah. Kelly Ondo Obiang ayaa raadiyaha ka sheegay in khudbad uu dhowaan raadiyaha ka jeediyey madaxweyne Cali Bongo “ay sii xoojisay tuhunka laga qabo awoodda uu u leeyahay inuu sii wato gudashada mas’uuliyadaha xafiiskiisa” Madaxweynaha ayaa iminka ku sugan dalka Morocco, isaga oo kasoo kabanaya dhiig maskaxda uga furmay. Dowladda ayaa saacado kadib isku daygaas sheegtay inay dib ula wareegtay maamulka, islamarkaana ay xirtay inta badan saraakiishii ku…

Read More

Waxuu u jeediyey Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Guddoonka Golaha Wakiillada dowladda Puntland iyo xildhibaanada sharafta leh Khudbad uu kaga hadlay Waxqabadkii dowladda Puntland ee 2014 – 2019, iyo hiigsiga, horumarka iyo himilada aan la rabo inaan Puntland gaarsiiyo 2019-2023 ee dhinacyada:- Amniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha, Kaabeyaasha dhaqaale, Arrimaha Bulshada, Dhismaha haykalka dowladnimo, Ilaalinta xuriyatul-qawlka, cidhibtirka Musuqa, iyo dhammaystirka shaqooyinka muhiim ka ah ee qabyada ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Guddoonka Golaha Wakiiladda, Golaha Wakiiladda Puntland, Isimada, Musharixiinta, Marti sharafta, Haweenka iyo Warbaahinta Pintland. Asallaamu Caleykum Waraxmatullaahi Warabaatukuhu:Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaa Alle mahadii ah inaan shan sanadood sanno ka dib, isugu nimaano hoolka Baarlamaanka Puntland anagoo isku diyaarinayna doorashadii lixaad oo ku dhacaysa si nabad ah, waqtigeediina ku qabsoontay, si xor iyo xalaal ah, isla markaana aanaan qabin wax wal-wal ah. Doorashada oo wakhtigeeda ku qabsoontaa waa oofinta mid ka mid ah cahdiyada Dowladdu la gasho shacabkeeda kan ugu muhiimsan. Xildhibaanada Sharafta leh, waxaa maanta ii muuqda xubno Baarlamaan oo dhalinyaro u badan, aqoon iyo firfircooni ka muuqato aan hubo…

Read More

Xildhibaan hore Cabdi Barre Jibril oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe,ayaa si adag u dhaliilay masuuliyiinta xiligan hogaaminaya Dowlada Fadaraalka. Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Barre waxuu fariin udiray Xildhibaanada Baarlamaanka iyo shacabka Puntland. Xildhibaan Cabdi Barre,ayaa dardaaran adag uga tagay bulshaweynta reer Puntland uguna digay waxuu ku tilmaamay hagardaamada kooxda Nabad iyo Nolol ee Villa Somaliya xiligan hogaamiya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Wasiirk Difaaca Dalka Ingiriiska Ayaa Soo Gaaray Somaliland Kulana La Qaatay Madaxweynaha Iyo Sariikisha Ciidamada Milatariga. Wasiirka,ayaa qasriga madaxtooyada Somaliland kulan kula qaatay Madaxweyne Biixi iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa, Sidoo kale Wasiirka Difaaca Ingiriisku waxuu kormeer ku tagay taliska Ciidamada Somaliland,isagoona halkaas shir kual yeeshay Talyaha Ciidamada maamulkaas iyo saraakiil kale,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Cali Ciise Cabdi Siyaasi loosoo igmadey ceebaytnta nidaamka Burburinta Dowladdnimo ee Puntland. Cali Ciise Ma buuxin karo mid kamid ah Sharuudaha Musharaxa Madaxwaynaha Puntland ee Dastuurka sababto ah Cali waligiis Puntland ma joogin 2-sano oo xiriir ah,inkastoo ay muuqato in codsigii ka yimid odoyaasha beeshiisa qaar ka mid ah la tixgaliyay. Cali Ciise Cabdi waa Maskaxdi ka danbaysey in ay Isfahmaan Cali Khaliif iyo Maamulka Somaliland,waana Aasaasihi Maamulka Khaatumo oo loo aasaasey in la gula shaqeeyo Somaliland si ay gacanta si buuxda ugu dhigto deegaanada SSC. Cali Ciise waxaa Dhaqaalaha Ollalihiisa Musharaxnino taageeraya Shirkada Dabshiil iyo Xukuumada Nabad iyo Nolal…

Read More

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa Sheegaya in Wasiiro iyo Xubno kale oo kamid ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kusoo Wajahanaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland ay ku Xaniban yihiin Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho. Xukuumadda Puntland ayaa ku Amartay Xubnahan in aysan kasoo bixin Magaalada Muqdisho, Iyadoona ku War-gelisay in aan Diyaaradoodu kasoo degi doonin Garoonka Diyaaradaha Garoowe. Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ee loo diiday Garowe ayaa waxaa ku jira Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir iyo Mas’uuliyiin kale oo ka soo jeeda Puntland. Wararka ayaa Sheegaya inay Fashilmeen Dadaalo ay wadeen Guddi Isimo ah…

Read More

Musharixiin gaaraya ilaa Lix oo u tartamayay Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay ka tanaasuleen u ordidoodii kursiga ugu sareeya. Musharixiinta ka tanaasulay doorasahada Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kamid ah:- 1.Cabdirisaaq Cabdullaahi Jaamac (Janagale), 2.Cali Axmed Gamuuti, 3.Cabdixakiim Cabdi Xaashi, 4.Maxamed Salaad Qoryoolay, 5.Cabdullaahi Jaamac Saalax 6.Cabdiweli Cabdiraxmaan Gayre, Musharaxiinta is casilay,ayaa sheegay in ay utanaasuleen Saddex Musharax oo kale ,kuwaasoo kala ah: B.Siciid Cabdullaahi DeniT.Cabdisamad Maxamed GalanJ.Daahir Mire Jibriil Musharaxiintan iscasilay,ayay dadka falanqeeya siyaasada,waxay tilmaamayaan in aysan markii horeba aysan haysan taageero dhaqaale iyo mid baarlamaan.

Read More

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Sabtidii muujiyay sida ay uga xun yihiin ceyrintii Wakiilkii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Hayso, iyagoo intaa ku daray inay rajeynayaan in wadashaqeyn buuxda ay dhex marto Qaramada Midoobey iyo dowladda Soomaaliya. War saxaafadeed ay si aqbaliyad ah isugu raaceen Golaha ayaa ku muujiyay walaacooda, kaddib markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey aqbalay inuu soo magacaabo Ergey cusub, si uu ugu bedelo ergaygii loo jaray ruqsada ah shaqsi aan laga rabin dalka (Persona Non Grata). War saxaafadeedka ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa ahaa qaraar ay soo diyaarisay Britain, kaasoo walaac looga muujinayay go’aanka…

Read More

Jaaliyada Puntland ee Seattle Washington ,ayaa qabtay xaflad si weyn loosoo agaasimay oo ay ku taageerayaan musharaxnimada Madaxweyne Gaas ee markale iyo madaxtooyada. Xaflada,ayaa waxaa kasoo qaybgalay guud ahaan bulshada ku nool Gobolkaas. Nuuradiin Cali oo ka mid ahaa soo abaabulayaashii xaflada oo goobta ka hadlay,ayaa sheegay in dib udoorashada Madaxweyne Gaas ay Puntland u tahay fursad kale oo ay ku samayso horumar. Madaxweyne Gaas,oo khadka Taleefoonka kala hadlay jaaliyada,ayaa umahadceliyay xubnihii soo abaabulay xaflada iyo guud ahaan Jaaliyada. Sidoo kale Madaxweyne Gaas,ayaa markii ugu horaysay bogaadiyay doorashadii Gudoonka Baarlamaanka iyo hanaankii ay u qabsoontay doorashadaas,waxuuna ku celiyay markale in…

Read More

Isagoo ka hadlayay Munaasabad lagu furiyay xarun uu yeelan doono Xisbiga uu hoggaamiyo ee UDP ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladaha uu dalka marayo iyo caqabadaha ay wajaheyso dowladda Federaalka. “Haddii labada aqal ee sharci dejinta ay leeyihiin sidaan kuma wada shaqeyn karno, haddii dowlad goboleedyadii xubinta ka ah dowladda federaalka ay leeyihiin sidaan kulama shaqeyn karno dowladda dhexe, haddii xisbiyada qaarkood ay ka cabanayaan in la caburinayo, lana baal marayo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, sow ma haboona in habdhaqanka siyaasadda iyo sida wax u socdaan wax laga bedelo”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan Shiikh ayaa…

Read More

Ciidamada Dowlada Jubbaland,ayaa diyaar garow xoogan ugu jira duulaan ay ku qaadaan gobolka Jubbada Dhaxe oo ay gacanta ku hayaan Maleeshiyada Al Shabaab. Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose waxaa gaaray ciidamo aad u fara badanoo ku qalabaysan Gaadiid dagaal oo xoog leh. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam,ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab, waxa uuna faray Ciidamada Jubbaland in ay Al Shabaab ka xoreeyaan deegaanada iyo degmooyinka ay ka maamulaan ee Jubbooyinka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Gudiga Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland oo soo saaray shuruudaha looga baahan yahay Musharixiinta u tartamaysa Xilalkaas. Shuruudaha Ay Soo Saareen Gudaga waxaa Ka mid ah Musharaxa Madaxweyne Inuu Bixiyo Lacag Dhan 20,000$(Labaatan Kun Oo Dollar) Halka Madaxweyne Ku Xigeenka Laga Dhigay 10,000$(Toban Kun Oo Dollar). Gudiga ayaa sheegay in qabashada araajida musharixiinta la bilaabayo 12: duhurnimo oo maanta kuna beegan taariikhda 5-ta bisha January iyadoona ay sheegeen in ay ku ekaan doonto maalinta Beri saacadu marka ay tahay 4:00 galabnimo. Waxaa sidoo kale gudiga ay sheegeen in musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa laga doonayo in…

Read More

Qaramada Midoobay,ayaa aqbashay in ay soo badesho wakiilkooda Somaliya Nicholas Heysom,sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Xoghayaha guud. ”U.N. Secretary General to appoint to a Special Envoy to Somalia to Head UNSOM Mission. Antonio Guterres says he “deeply regrets” decision of the Somali federal Govt to issue “persona non grata” against Nicholas Haysom which he says does not “apply” to U.N. personnel. Balse qaramada Midoobey,ayaa usheegtay Dowlada Somaliya in ‘’Non grata” isku adeegsadaan dalalka, ama Dowladaha, balse aysan ku jirin xeerka qaramada midoobey iyo shaqaalaheeda . Hadalkan ayaa umuuqda mid lagu yasay Dowlada Somaliya iyo masuuliyinteeda lagana dhigay Dowlad…

Read More

BREAKING: U.N. Secretary General to appoint to a Special Envoy to Somalia to Head UNSOM Mission. Antonio Guterres says he “deeply regrets” decision of the Somali federal Govt to issue “persona non grata” against Nicholas Haysom which he says does not “apply” to U.N. personnel. Statement attributable to the Spokesman for the Secretary-General on Somalia Farhan Haq, Deputy Spokesperson for the Secretary-General The Secretary-General deeply regrets the decision of the Government of the Federal Republic of Somalia to declare the Special Representative of the Secretary-General for Somalia and Head of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM), Nicholas Haysom, persona non…

Read More

Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo oo bixiyay waraysigisii ugu horeeyay,ayaa ka hadlay sida uu u arko doorashada loo doortay iyo isbadalka u qorshaysan ee uu rajayanayo in uu la yimaado. Sidoo kale Gudoomiye Dhoobo waxuu ka hadlay hadii ay jiraan musharaxiin ka naxay iyo kuwo ku farxay doorashadiisa. Waraysigan waxaa la yeelatay laanta afka Soamliga ee BBC-da,hoos ak daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ilhaan ayaa markii ay soo galaysay waxa ay ku soo labisatay dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaalida, sida caadada u ahaydna madaxeedu wuu dadnaa oo way xijaabnayd. Ilhan Cumar oo dhawaan loo doortay inay xubin ka noqoto aqalka Kongareeska dalka Mareykanka ayuu aabaheed Nur Mohamed ku wehliyey safar taariikhi ah, waxa ay si wada jir ah uga soo dageen garoonkii ay ka dageen markii ay Mareykanka soo galayeen muddo hadda laga joogo 23 sanno, markaas oo ay ka soo kicitimeen xeryaha qaxootiga ee Kenya oo ay muddo ku jireen. Waxa ay soo qortay hadallo uu yiri aabaheed oo ah “23 sanno…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowlada Fadaraalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad,ayaa sheegay in dowladdu aysan marna aqbali doonin in Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Haysom uu mar kale kasii shaqeeyo Soomaaliya. Axmed Ciise ayaa sheegay in Mowqifkoodii hore uusan waxba iska badali doonin isla markaana aysan ogolaan doonin in Soomaaliya dib loogu soo celiyo Nicolas Haysom oo uu ku eedeeyay in uu u dhaqmay sida in uu isagu madax ka yahay dalka, isla markaana ay jireen qoraallo badan oo uu horay ugu gudbiyay dowladda. Wasiirka ayaa sheegay in go’aankan aan lagu dag dagin, dalkana ay ka jirto dolwad…

Read More

Taliyaha la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Macallin Daahir Xuseen, waxaana dilka geystey koox ku hubeysan bastoolado xilli uu ku sii jeeday Saldhigga booliska uu taliyaha ka ahaa. Wararka waxa ay sheegayaan in xilligii la dilayay taliyaha aysan la socon wax ilaalo ah, waxana uu watay gaari yar isagoona lagu diley meel aan ka fogeyn saldhigga Booliska degmada Warta Nabadda. Ragga dilka geystay ayaa ka baxsaday waxaana meydka taliyaha la geeyay xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID si baaritaan loogu sameeyo sida dilka uu u dhacay. Maamulka Degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada booliska ee degmada…

Read More

1- Waa dowladii u horeysay ee soomaliyeed oo cadow u dhiibtay muwadin hoos jooga calankiisii, ciidisii iyo caasimadii dalkiisa. 2) Waa dowladii u horeysay ee soomaliyeed oo argagixiso ku sheegta urur gobanima doon soomaliyeed ah (ONLF) 3) Waa markii u horeysay oo afar dekadood oo soomali leedahay mudo afar saac ah loogu saxiixo cadow soo jireen ah(ETHIOPIA). 4) Waa dowladii u horeysay oo heshiis sadex geesod ah, khatar badan ku xeeran yihiin oo waliba aan la shaacin la soo gasha Ethiopia iyo eritrea. 5) Waa markii u horeysay ee hogaamiyaha cadowga soo jireenka ah(ETHIOPIA) uu meel fagaare ah ka yiraahdo…

Read More

Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa u hambalyeeyay C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland. Mudane, Cabdi Xaashi, ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyay guul, wuxuuna Alle uga baryay inuu xilkiisa ku dhammaysto wanaag, isagoo ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sidii uu isugu dumi lahaa Dadka uu matalo. C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) ayaa helay codad gaaraya 43, halka murashixii la tartamayay ee Cabdi Jamaal Cusmaan Maxamed uu helay 23 Cod, waxaana imminka socda doorashada ku xigeennadiisa.

Read More

Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa loo doortay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland, kaddib markii uu helay 38 cod. Natiijada doorashada gudoomiye ku xigeenka koowaad,ayaa loo kala helay coddadka sida tan:- 1.Garyaqaan Cabdicasiis Cabdulaahi-38 cod.2.General Cabdicasiis Gacamey-13 cod.Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaam -14 cod Sidoo kale Waxaa xumaaday hal-cod.

Read More

Wakiilka Xoghayaha guud maanta ayuu jeediyay warbixintisii caadiga ahayd ee golaha amaanka,mana soo qaadin cayrinta la sheegay in lagu sameeyay,sidoo kale ma xusin cabashada Dowlada Fadaraalka Somaliya. Wakiilka,ayaa dib ugu soo anba baxay Xalane oo uu hawshiisa kasii wadan doono sidii caadiga ahayd,isla markaana waxaa warbixin lagula hadlayo Dowlada Somaliya soo saaraya Golaha amaanka ee qaramada midoobey,kaasoo lagu xoojinayo warbxiintii wakiilka xoghayaha guud. Waxaa la filayaa in warbixinta golaha amaanku ay si cad u garab istaagto wakiilka xoghayaha guud ee ay Dowlada Somaliya sheegtay in ay cayrisay. Hoos ka daawo falanqayn xasaasiya oo ku saabsan arinkaas. Hallkan ka daawo muuqaalka

Read More

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Dowlada Puntland ayaa loo doortay Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed). Wareeggii hore ee doorashada ayuu helay 37 cod, Halka Cabbdijamaal Cismaan Maxamed uu helay 15 cod, ayadoo Abwaan Cabdirashiid Jibriil-na uu helay 5 cod. Sidaas waxaa wareegga labaad ugu soo gudbay Cabdixakiin Dhoobo Daareed iyo Cabdijamaal Cismaan. Wareeggii labaad ayaa guddoomiyaha la doortay Cabdixakiin Maxamed Axmed waxa uu ku guulaystay 43 cod halka Cabdijamaal Cismaan Maxamed uu helay 23 cod. Dhoobo Daareed Waxa uu kamid ahaa xildhibaanadii uu waqtigoodu dhammaaday,horayna waxa uu uga soo shaqeeyey Shirkaadda isgaarsiinta ee Golis. Waxa uu kamid ahaa ururkii Al Itaxaad oo…

Read More

Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee Baarlamaanka cusub ee Puntland , xildhibaan Xusseen Yaasiin Xaaji Diiriye ayaa natiijada ku dhawaaqay. Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo looga guuleystay doorashada guddoomiyaha wareeggii labaad ayaa hadal kooban oo uu jeediyay waxaa uu soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub, isagoo sheegay inuu ku qanacsanyahay natiijada ka soo baxday doorashada, waxaa kalo u ballanqaaday inuu la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub. Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo)   oo guushiisa kaddib hadal jeediyay, ayaa ugu horrayn u mahadceliyay musharrixiintii la tartamayay, guddiga doorashada iyo dhinacyadii kale ee ka shaqeeyay qabsoomidda doorashada. “Dhinac waxaan ka dareemaya farxad, dhinacna…

Read More

Nicholas Haysom ayaa sheegay in uu Soomaaliya yimid 3-dii October ayna si Wanaagsan u soo dhaweeyeen saraakiil sar sare oo katrisan dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada. Waxa uu sheegay in uu la dhacay qorsheyaasha isbaddalada waqtiga dheer ee Xukuumadda iyo sida ay uga go’antahay in ay u fuliso qaab ficil ah ayadoo adeegsanaysa hannaankii lagu gaadhi lahaa. Soomaaliya ayuu sheegay in ay u socoto dhanka Wanaagsan, balse isku dhacyada siyaasadeed ay u keeni karaan in ay waddadaas ka weecato. Dhanka maaliyadda ayuu sheegay in Isbaddalada maaliyadda iyo ballaarinta dakhliga gudaha ee lagu kordhiyay 8-da milyan ee…

Read More

Warqoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay ka soo horjeedo Go,aankii Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ay Dalka kaga Ceyrisay Wakiilka Gaar ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom. Sidoo kale Warka ka soo baxay Somaliland,ayaa lagu sheegay in ay aaminsan tahay in Go’aanka ka dhanka ah Wakiilka QM u qaabilsan Somalilya ay ka dhalan karto Cawaaqib Xumo Mustaqbalka ah. Halkan ka akhriso Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Howlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee haatan jira ayaa la hirgeliyay bishii June ee sannadkii 2013-ka, xiligaasi oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay meel mariyeen qararr tirsigiisu uu yahay 2102. Sanadkaasi ka hor waxaa howlaha Qaramada Midoobay gacanta ku hayay wakiilladii Xoghaya Guud ee arrimaha Soomaaliya, balse xilligaasi ayaa magaca laga badelay oo laga dhigay xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageeridda Soomaaliya. Howgalka UN-ka ee Soomaaliya ayaa waxaa dhowr jeer oo hore dib u cusbooneysiisay golaha ammaanka ee Qaramad Midoobay, waxaana howlaha UN-ka ee ay iminka ka qabtaan Soomaaliya ay ku egtahay 31 bisha maarso ee sannadkan 2019-ka. Golaha…

Read More

Dowladda Soomaaliya diblumaasi ahaan xaq bay u leedahay in ay erido safiirada dalkeeda ku sugan, balse waxay aheyd in ay waddo diblumaasiyadeed u marto tallaabada ay ku eriday wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey. Waxay ahayd in marka hore lala xiriiro madaxda Qaramada Midoobey iyadoo la ilaalinayo cilaaqaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey. Masuulkan waxaa soo dirsaday xoghayihii guud ee Qaramada Midoobey waxay aheyd in isaga lala xiriiro oo jid diblumaasiyadeed la isticmaalo oo loo sheego in safirkii u fadhiyay soomaaliya uu xadgudub sameeyay, oo ay dowladda u dirto caddeynta kana codsato in uu dib ula soo noqdo safiirkiisa…

Read More

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa sheegtay in wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya. Dowladda ayaa ku eedeysay inuu jabiyay hab maamuuskii ku habboonaa xafiiska QM ee Soomaaliya isla markaana uu farageliyay arrimaha madaxbanaanida Soomaaliya. Nicholas Hayom ayaa shalay soo saaray warqad haddalo kulul ay ku qoran yihiin oo u qoray Wasiirka Amniga ee dawladda, taasi oo uu kaga hadlay saamaynta ka iman karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay ay ku lug lahaayeen qabashada Mukhtaar Roobow 13-kii bishan Diisambar, iyo dhimashada 15 rayid ah oo ku dhintay rabshadihii…

Read More

Ururka ONLF ayaa maanta ku dhawaaqay inay sameysteen xisbi siyaasadeedoo ka qeyb geli doono doorashada Dowlad Deegaanka Soomaalida isla markaasna ka dhex muuqanayaa siyaasadda dalka Itoobiya. Shiikh Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi (Maadeey) oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ONLF ayaa BBC u sheegay in si buuxda doorashooyinka soo socda ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ay uga qeyb geli doonaan iyagoo isbahaysi ah oo ay iskaashanayaan xisbiyo ay bahwadaag yihiin oo ka dhisan gobolka soomaalida. “Jabhadda xoreynta Ogaadenia 1991-kii ayay xisbi ka noqotay dalkan oo ay doorashada ka qeyb gashay oo maamulkii ugu horreeyay deegaanka soomaalida ka dhistay, hadda soo noqoshadeeda waxaan maanta…

Read More

Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in laba ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo qof qandaraasle ah ay ku dhaawacmeen weerarro loo adeegsaday hoobiyayaal oo lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay ee ku dhex taalla Xalane. Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midiobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom ayaa sheegay in toddoba madfac lagu soo riday xarunta, waxaana uu sheegay in dhaawaca soo gaadhay shaqaalaha uusan ahayn mid naftooda halis ku ah. Haysom ayaa cambaareeyey weerarkaas, waxaana uu sheegay inuu yahay mid xadgudub ku ah sharciga bani’aadminnimada ee caalamka. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan dhacay maanta.

Read More

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya. Dowladda ayaa ku eedeysay inuu jabiyay hab maamuuskii ku habboonaa xafiiska QM ee Soomaaliya isla markaana uu farageliyay arrimaha madaxbanaanida Soomaaliya. Nicholas Hayom ayaa shalay soo saaray warqad haddalo kulul ay ku qoran yihiin oo u qoray Wasiirka Amniga ee dawladda, taasi oo uu kaga hadlay saamaynta ka iman karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay ay ku lug lahaayeen qabashada Mukhtaar Roobow 13-kii bishan Diisambar, iyo dhimashada 15 rayid ah oo ku dhintay rabshadihii…

Read More

Wasiirka Amniga Jubbaland C/casiis Janan ayaa magacaabay Taliyaha Howlgalka xoreynta Jubadda Dhexe oo ah gobol degmooyinkiisa oo dhan ay maamulaan Al-Shabaab. Taliyaha Xoreynta Jubadda Dhexe waxaa loo magacaabay G/sare Axmed Jaamac Salaad, kaasoo hoggaamin doona howlgalka ku wajahan deegaanada Jubadda Dhexe, sida Jilib iyo Bu’aale. Maamulka Jubbaland ayaa todobaadyadii u danbeeyay ku jiray diyaar garow dagaal oo ku wajahan Gobolka Jubadda Dhexe, waxaana dhowaanahan xeryaha ciidamada booqanayay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Read More

Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Dowlada Puntland ay doorteen Guddoomiye KMG ah si uu u sii wado shaqada Baarlamaanka. Xildhibaanada,ayaa Guddoomiye KMG ah waxa ay u doorteen Xildhibaan Xuseen Xaaji Yaasiin oo ah Xildhibaanka ugu da’da weyn Golaha Wakiilada ee Puntland. Sidoo kale Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Dowlada Puntland,ayaa la filayaa in ay dhacdo Saddexda bishan ee aan ku jirno.

Read More

Waftiga Dowlada Fadaraalka,ayaa gaaray deegaanka Gelinsoor si ay qayb uga noqdaan dadaalka nabadeed ee lagu dajinayo colaada Kaxadhaale.Balse waftigii Dowlada dhexe ka socday,ayaa loo diiday in ay gaaraan Kaxadhaale waxayna dib ugu laabteen magaalada Cadaado oo ay maalin ka hor tageen, Sidoo kale waxaa Dowlada Fadaraalka waftigii ka socday loo diiday in lagu wareejiyo Laba Askari oo la sheegay in ay itoobiyaan ahaayeen qaybna ay ka galeen dagaalka, Labadaa Askari,ayaa lagu wareejiyay waxgarad ka socday Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxaana maxaabiistaas wareejiyay waxgarad ka socday degmada Gelinsoor iyo xubno ka tirsan Galmudug. Odayaasha Deegaanka labada dhinac ee ka…

Read More