Author: Jibril Qoobey

Beesha sacad ee gabooye ayaa astaysatay deegaan cusub oo ay ka yagleelanayaan magaalo.   Deegaanka ay beesha Sacad Gabooye ay xaarxaaratay ee ay magaalada ka samaysanayso ayaa u dhaxeeya beelaha Isaaq iyo Daarood,gaar ahaan Habarjeclo iyo Dhulbahante.   Magaalaynta deegaankan ayaa waxaa ka hor yimid beesha Isaaq oo ciidan kusoo weerartay,halka beesha gabooye i adag iskaga difaacday jilibkna u aastay,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/b2F6geYxQBc

Read More

Madaxweyne Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaaray cadaado. Tagida Gaas ee cadaado ayaa si weyn looga hadal hayaa magaaladaas,waxayna ku yeelatay dareen gooniya dadka reer cadaado,iyadoo ay ka duwanayd imaanshaha  Gaas madaxda kale ee somaliyed. Cadaado waxaa ka jira maamul puntland uu kala dhaxeeyo colaad iyo xiisad siyaasadeed,isla markaana sheegta dhul puntland,Dastuurka fadaraalka shuruudihiisa aan buuxin. Tagida Gaas ee cadaado ayaan ilaa iyo hada la ogayn waxa uu ku badashay ee guusha siyaasadeed ah. Dhanka kale shacabka puntland waxay si weyn isku waydiinayaan socdaalka Gaas ee cadaado,iyadoo aan la saadaalin karin waxa ay keeni karto tagis tiisa cadaado.

Read More

Xildhibaan Cabdiqaadir Ibraahim Cali iyo Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo labaduba ka mid ahaa  baarlamaanka jubaland ayaa laga saaray baarlamaankaas, kadib markii ay dhaliileen hogaaminta Axmed Madoobe. Labadan xildhibaan ayaa shir jaraa’I’d oo ay qabteen waxay si cad ugu sheegeen in maamulka Axmed Madoobe yahay mid fadhiid ah oo dhaafI waayay kismaayo,isla markaana ku shaqeeya eex iyo cadaalad xumo qaawan. Dhanka kale waxay xildhibaanada lagå tuuray baarlamaanka jubaland sheegeen in xildhibaanada ay yihiin kuwo aan awood u lahayn la xisaabtanka Axmed Madoobe oo ay u kala qaybsan yihiin kuwo qabiil ku taageersya iyo kuwo la baqsaday oo aan hadli karin.…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Mudane Xasan Cai Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Beesha Caalamka oo ujeedadiisu ahaa inuu warbixin ka siiyo xaaladda dalka, isla markaana uu ka codsaday in labada dhinacba ay la yimaadaan isla xisaabtan dhab ah oo dhameystiran.  Kulanka waxaa goob joog ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika, Safiirada Midowga Yurub, UAE, Turkey, Sweden, China, waxaana qadka shaashada ku jirey wakiilo ka socday Mareykanka iyo UK. Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliyey kulanka Wasiirada Maaliyada, Qorsheynta, Difaaca, Warfaafinta iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa…

Read More

Muuqaal soo koobaya waxqabadkii 100-kii maalmood ee ugu horeeyay madaxweyne Farmaajo ayaa lasii daayay. Muuqaalkan ayaa waxa aku jira barnaamijyo kala duwan oo ka hadlaya waxii u qabsoomay dhinac walba. Inkastoo waxbadan oo waxqabad ah oo u qabsoomay farmaajo aysan jirin marka laga saaro safaro tira badan oo uu galay,hadana muuqaalkan waxay kusoo diyaariyeen gacanyarayaahsiisu guulo uu gaaray, hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/X8MyooNRpxA

Read More

Yurub “si buuxda isuguma halayn karto” Maraykanka iyo UK, ka dib doorashadii madaxweyne Trump iyo aftidii ay Britain ku go’aansatay ka bixidda Midowga Yurub, ayay tiri hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel. Ayadoo ka hadlaysay isu soo bax olole doorasho, ayaa waxa ay Merkel sheegtay in Yurub ay u baahan tahay in ay ka shaqeyso masiirkeeda. Waxa ay intaa ku dartay in ay doonayso xiriir wanaagsan oo ay qaaradaasi la yeelato labadaasi waddan iyo weliba Ruushka. Hadalkeedan ayaa ka dambeeyay markii shir madaxeedkii G7 la isku afgaran waayay heshiiska isbedelka cimilada ee Paris lagu gaaray sanadkii 2015. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in…

Read More

lle ha u naxariisteen Axmed Abroone Amiin oo horay u soo noqday guddomiye ku-xigeenkii baarlamaankii TNG-da dowladda uu hogaaminayay madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Axmed Abroone Amiin ayaa ahaa Guddoomiye ku-xigeenkii Baarlamaankii Carte lagu soo dhisay, waxaa xalay uu ku geeriyooday Isbitaalka Aadan Cadde. Mid ka mid ah ehelladiisa ayaa warbaahinta u sheegay in geerida marxuumka oo saqdii dhexe ee xalay geeriyooday, kaddib xanuun deg deg ah oo ku soo booday. Allaha u naxariistee Axmed Abroone Amiin ayaa soo noqday Xildhibaan dowladdii lagu soo dhisay Carte ee dalka Jabuuti, waxaa uu ahaa Guddoomiye kuxigeen Baarlamaan.…

Read More

DPuntland Nidaamka Xisbiyada,,, Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh… Waaxaan akhris ahaan milicsaday qormooyin, waxaan kaloo dhegadhegeeyey eedaymo fara badan oo hawada lagu baahiyey, dhammaantoodna waxay ku jihaysnaayeen Dawladda Puntland… Waxaan muran ku jirin in Dawladda talada haysa ay ballan qaaday inay fulin doonto nidaamkaas xisbiyada… Haddaba aan milicsanno, habkuu ku hirgeli karo iyo halka ay Dawladdu ka bilowday dhaqaaqeeda ku wajahnaa nidaamkaas xisbiyada… Qodobada Dastuuriga ah waxaa ka mid ah, qodob tibaaxaya in Maamulka Dawladda lagu wada baahiyo dhammaan degmooyinka ku xusan Dastuurka oo tiradoodu tahay 39 degmo… Waxaan ognahay in degmooyin Dastuurka Puntland…

Read More

Madaxweyne Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa ku wajahan xarunta maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado.   Madaxweynaha ayaa uga qaybgali doona Cadaado waxa loogu yeeray caleema saarka maamulka aan sharciyada buuxin ee Galnus.   Xaflada caleema saarka Axmed Geelle Ducaale Xaaf ayaa waxaa kaloo ka qaybgali doona madaxweynayaasha maamulada dalka,wasiiro ka tirsan xukuumada fadaraalka iyo marti sharaf kale.   Tagida madaxweyne Gaas ee Cadaado ayaa dadka reer Puntland aysan ku faraxsanayn ama ka niyad jabsan yihiin.   Niyad jabka shacabka ayaa ku salaysan labo arimood oo tixgalintooda mudan,kuwaasoo kala ah:-   1.Ninka lagu caleemo saarayo Cadaado dastuurka lagu dhaarinayo…

Read More

Waa Bilaal Ibnu Rabaaxa, wuxuu ahaa Nin aad u Cibaado jecel habeen ayuu Naftiisa la Sheekeystay, wuxuuna ku yiri:- Rabiyoow Xaaskayga Jannada waa tuma?. Habeenkii xigay ayuu Seexday isagoo Weyso qaba wuxuu ku Riyooday iyadoo lagu leeyahay Xaaskaaga jannadu waa Gabar Madow oo waxey joogtaa meesha la yiraaho AWDAAS. Bilaal wuxuu yiri: Riyadaas ayaa igu soo noqnoqatay,Dhowr Habeen dabadeed waxaan u soo Weyseystay sidii aan u Raadin lahaa Gabadhaas Madow ee ku nool meesha la yiraahdo Awdaas. Bilaal markuu yimid Goobtii dadkii ayuu wuxuu weydiiyey Gabar Madoow oo joogta Magaalada? Nin ayaa u jawaabey oo ku yiri:- Ma waxaad rabtaa…

Read More

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha mamulka gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay waddada Sodonka ee magaalada Muqdisho.   Waddada Sodonka ee Muqdisho oo uu dhagax dhigay Ra’iisul Wasaare Kheyre waxaa la qorsheeyey in lagu sameeyo dib u dhis maadaama ay muhiim u tahay isku socodka dadka iyo gaadiidka.   Masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in dib u dhiska wadooyinka Muqdisho ay qeyb ka tahay qorshaha bilic soo celinta gobolka Banaadir.   Ra’isalwasaare Khayre ayaa loo arkaa xiligan in uu yahay hogaamiye hawshii loo igmaday dadaal kamuujinaya,kana hawlkarsan madaxweyne…

Read More

Laba dayaaradood oo ay leedahay sharkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines,ayaa saakay ka soo wada deggey garoonka Adan Cadde ee magaalada Muqdisho,ka dib markii ay in muddo ah ku xayirnaayeen garoonka dayaaradaha ee magaalada Mombaassa ee dalk Kenya.   Madaxa qaybto operationka ee hay’adda duulista hawada Axmed Macalim oo saxaafada la hadlay,ayaa sheegay in sababaha ay dayaaradaha Turkish Airline ay ug soo dagi waayeen labadii malamood ee lasoo dhaafay garoonak Aadan-cade ay tahay sababo la xiriira xawli hawada oo badnaa (Wind Speed) taas oo keentay in dayaaradaha Turkish Airlines ay ugudbaan garoonka dayaaradaha ee magaalada Mombassa.   Garoonka Aadan Cadde ayaa…

Read More

Xubno sarsare oo ka tirsan xisbiga haya talada dalka Koonfur Afrika ee ANC ayaa soo bandhigay mooshin ka dhan ah madaxweyne Jacob Zuma.   Mooshinkan ayay xubno fallaago ah oo ka tirsan xisbigan waxay soo hordhigeen kulanka golaha fulinta ee xisbiga, kaasi oo uu albaabsda u xiryahay isla markaana aan saxaafadda loo ogolayn.   Cadaadiska ka dhanka ah madaxweyne Zuma ayaa cirka isku sii shareeray kaddib markii mid ka mid ah wargeysyada dalkaasi ka soo baxa uu daabacay farriimo dhanka intarneedka ah oo sida la sheegay muujinayay in Zuma uu doonayo in uu dalka ka baxo isla markaana uu hooy…

Read More

Madaxweynaha ku haftay siyaasada ee Jubaland ayaa saacadaha soo socda ku aadan magaalada Cadaado ee xarunta u ah maamulka aan sharciyada buuxin ee Galnus.   Axmed Madoobe ayaa u tagaya Cadaado ka qaybgalka u hanbalyaynta hogaamiye kooxeedka ka haray kuwii muqdisho Axmed Ducaale Geelle Xaaf.   ”Waxaa loogu yeeray Axmed Madoobe caleema saarka madaxweynaha maamulka Galnus ee ka dhacaysa Cadaado maanta”sidaa waxaa yiri mid kamid ah siyaasiyiinta jubaland ee ku sugan kismaayo.   Waxa loogu yeeray caleemka saarka madaxweynaha Galmudug ,ayaa waxaa kaloo ka qaybgali doona wafti ka socda dawlada fadaraalka oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha Cabdifaarax juxaa iyo…

Read More

Xildhibaanada godka ugu jira Madaxweynaha ku haftay siyaasada ee Axmed Madoobe ayaa maanta sheegay in ay ka saareen Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubaland laba xubnood oo ay ku eedeyeen anshax xumo.   Baarlamaanka aan xorta ahayn ee Jubaland,ayaa Kulan aan Caadi aheyn oo uu yeeshay waxuu xubnimidii xildhibaanimo Ee Barlamanka kala laabtay labo xubnood oo kala ah:-   1.Xildhibaan Cabdiqadir Ibraahim Cali 2.Maxamed Cali yuusuf   Labada xubnood ayaa sida ay sheegeen gudoonka baarlamaanka ay Gudiga Anshaxa Barlamaanka ku eedeeyeen in ay jabiyeen dastuurka dawlad goboledka Jubaland.   Labadan xildhibaan ee maanta laga saaray baarlamaanka Jubaland ayaa dhawaan shirar jaraa’id oo…

Read More

Nin diyaarad u kala raaca Jowhar iyo Beledweyne inuu yiraahdo Banaadir baan dhisayaa,waa sheeko lagu qoslo.   Hadii wax qabadkaagu kusoo uruuro xafiiltan caadifad iyo ana wey kan,waxaa hubaal ah in aadan meel gaarayn.   Cosoble ha isku furo Hir-Shabele,Hiiraan ha ogolaysiiyo Jowhar.   Maqaamka Muqdisho maaha arin isaga kaliya utaal mana aha mid lagu awr kacsado oo siyaasad dad kale lagula gorgortomo ee orod soo hagaaji soona booqo Cadale,Warshiikh Balcad, Ruunirgood, Mahadaay, Shanta Tuulo, Jalalaqsi, Buulabarde, Matabaan, Ceel Cali, Jawiil.   Dhibaatada maamulkaaga ku wareegsan ee uu la dhaqaaqi waayay haku jihayn meel kale.   Halyeey Hawiye kuma noqonaysid…

Read More

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa maalintii saddexaad ku degi la’ garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo tan iyo khamiistii ay dhowr jeer ku fashilantay inay caadi ugu soo degto garoonka, sababo dhanka hawada iyo dabeylo jira awgood.   Diyaaradda Turkish duulimaadkii khamiistii ayaa ku degi weyday garoonka, waxaana ay aaday Jabuuti, balse rakaabkii ay waday oo hotelada ku yaalla Jabuuti oo buuxay awgeed ayay dib ugu laabatay Istanbul.   Sidoo kale maalintii shalay oo jimco aheyd ayaa labo diyaaradood oo kala waday rakaabkii khamiistii dib u dhaca ku yimid iyo midkii caadiga ahaa ee maalinlaha ah oo ka soo…

Read More

Nabadoonada Gobolka Nugaal ayaa baaq u diray maamulka Jubaland,nabdoonada baaqa diray ayaa ka cabanaya boob lagu hayo dad beeraley ah oo xoog dhulkoodii looga qaaday,isla markaana xabsi loo taxaabay. Waxgaradka Gobolka Nugaal ayaa si gaar ah baaq ugu diray madaxweyne Axmed Madoobe in uu arintaas si deg-deg ah wax uga qabto. Jubaland ayaa dhawaan mamnuucday in dhulka u dhaxeeya garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo magaalada la fasho,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/I0Y6m4n-wPw

Read More

Agaasimihii hore ee madaxtooyada Puntland Deeq Sulaymaan,ayaa caawa waxaa madaxweyne Farmaajo u magacaabay agaasimaha guud ee wasaarada Haweenka Fadaraalka.   Deeq waxuu mudo sanad iyo bar ah soo ahaa agaasimihii madaxtooyada Puntland,xilkaas oo ugu danbayntii madaxweyne Gaas ka qaaday una dhiibay Cabdinaasir Biixi Soofe agaasimaha xiligan ee madaxtooyada Puntland.   Deeq waxaa lagu tilmaamaa nin aan ku fiicnayn masuuliyadaha ,isla markaana wali jecel in u dhalinyaro isku muujiyo haybad hogaamineedna aan lahayn.   Magacaabistiisa masuuliyadan cusub lama oga doorka uu ku leeyahay madaxweyne Gaas oo ay xiriir fog leeyihiin.     idilnews muqdisho

Read More

Kooxda Arsenal ayaa markii 13-aad ku guulaysatay koobka FA-ga kaddib markii ciyaar loo bogay ay 2-1 ku garaacday kooxda uu xafiiltanka kala dhaxeeyo ee Chelsea.   Chelsea ayaa ku rajoweyneyd in koobka FA-ga ay ku darsato midka Horyaalka Ingriiska ee ay xilli ciyaareedkan ku guulaysatay balse taas Arsenal ayaa diidday oo sidaana tartanka FA-ga ugu dhigtay rikoor cusub.   Natiijada Arsenal ayaa ka dhigan in tababare Arsene Wenger uu yahay tababaraha ugu guusha badan taariikhda tartankan oo waxa uu ku guulaystay todoba jeer.   Kooxda Gunners ayaa si uu muran ku jiro daqiiqaddii shanaad ku dhalisay goolka koobaad oo waxaa…

Read More

Dowladda turkiga ayaa shaacisay in 300 askari oo ka tirsan millateriga oo isugu jira tababarayaal iyo ciidamo si gaar ah u tababaran ay u soo dirayaan magaaladda Muqdisho bisha August ee sanadkan.   Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Magaaladda Muqdisho Olgan Bekar oo waraysi siiyay Jariida Daily sabax ee ka soo baxda Turkiga, ayaa sheegay in bisha september si rasmi ah loo furi saldhiga milateriga ee ay ka hirgaliyeen duleedka caasimadda Muqdisho, islamarkaana la bilaabi doono tababarada la siinay ciidamadda Soomaalida ah.   Wuxuu sheegay in turkigu doonayo in caawiyo dowladda Soomaaliyeed si ay dib ugu soo celiso awoodii dowladnimo…

Read More

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa maalintii saddexaad ku degi la’ garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo tan iyo khamiistii ay dhowr jeer ku fashilantay inay caadi ugu soo degto garoonka, sababo dhanka hawada iyo dabeylo jira awgood.   Diyaaradda Turkish duulimaadkii khamiistii ayaa ku degi weyday garoonka, waxaana ay aaday Jabuuti, balse rakaabkii ay waday oo hotelada ku yaalla Jabuuti oo buuxay awgeed ayay dib ugu laabatay Istanbul.   Sidoo kale maalintii shalay oo jimco aheyd ayaa labo diyaaradood oo kala waday rakaabkii khamiistii dib u dhaca ku yimid iyo midkii caadiga ahaa ee maalinlaha ah oo ka soo…

Read More

Doon kalluumeysi iyo 21 kamid ah shaqaallihii saarnaa ayaa waxaa afduubtay maanta kooxo burcad-Baddeed ah, sida warbaahinta koonfurta Kuuriya ay sheegeen. Doonta kalluumeysi ayaa waxaa laga leeyahay dalka Koonfurta Kuuriya, waxana hadda ay gacanta ugu jirtaa Burcad-Baddeeda. Wakaalladda wararka ee AP ayaa sheegtay in Doonta markii la afduubanayay ay mareysay meel ka baxsan biyaha dalka Soomaaliya. Ilaa iyo hadda lama shaacin doonta jihadda ay u socotay iyo halkii ay ka timid. Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in Doonta kalluumeysi markii la afduubanayay ay ku jirtay howllo kalluumeysi sharci darra ah. Waa doontii labaad oo muddo 7 cisho gudahood ah…

Read More

Jaqanaf talyaha Booliska Gobolka karkaar oo waraysi siinayay tv-ga Somalicaple ayaa shacabka ugu hanbalyeeyya dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan. Talyaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay qorshaha Booliska Karkaar uga aadan gudashada waajibka bisha barakaysan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/fu6bIlYAP6w

Read More

The Special Representative of the UN Secretary-General (SRSG) for Somalia Michael Keating sends his best wishes to the people of Somalia on the arrival of the holy month of Ramadan. “This year Ramadan takes place as 6.7 million Somalis including hundreds of thousands of displaced people need humanitarian assistance because of the drought. This makes efforts to promote peace and to improve welfare all the more important and meaningful.” “On behalf of the entire United Nations family in Somalia, please accept our best wishes for a peaceful fruitful and blessed month,” said SRSG Keating. “Ramadan kareem. Ramadan wanaagsan.”

Read More

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in wiilka madaxweyne Trump soddoga u yahay isku dayey in uu si sir ah xidhiidh ula yeesho Moscow dhawr bilood ka hor intii aan Trump ku guulaysan doorashadii. Jared Kushner wuxuu doonayey in uu adeegsado qalab Ruushku sameeyo si aan Maraykanku u ogaanin xidhiidhka uu lalahaa Moscow, sidaana waxa sheegay labada wargeys ee Washington Post iyo New York Times. Kushner oo ah la taliye sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaan isagu eedaymahan ilaa haatan waxba ka odhan. Waxa la sheegay in isaguna ka mid yahay dadka ay FBI-du ku hayso baadhitaanka culus ee lagu hayo…

Read More

Murtida Maanta [Thought of the Day] Bisha Ramadaan waa bisha Quraanku soo degey; isagoo dadka hanuun u ah, hanuun ku garab siiya kala saaridda xaqa iyo baaddilka. Waa in soomid uu billaabaa kiinna ogaada dhalashada bisha Ramadaan. Kuwiinna buka ama socdaal ku jira waa in maalmaha ka taga xilli kale gudaan. Eebbe kallif iyo culays idin dulsaari maayo. In si dhib yar aad soonka u gudataan ayuu idinla doonayaa, oo Eebbe ku muuneeysaan hanuunka uu idin siiyey, dabadeedna aad Isaga u mahadcelin doontaan. Quraanka Kariimka 2:185 Suuradda al-Baqara شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِي أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَىٰ وَالْفُرْقَانِ فَمَن…

Read More

Madaxweynaha Dawlada Puntland oo dalka dib ugu soo laabtay maanta ,ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Qasriga madaxtooyada waxuu kaga hadlay arimo dhawr ah. Madaxweyne Gaas oo saxaafada la hadlayay, ayaa wax laga waydiiyay arinta aadka loo hadal hayo ee kordhinta baarlamaanka,isagoo ka jawaabayana waxuu yiri ”Anigu awood uma lihi in aan kordhiyo baarlamanka laakiin waxaan warqad codsiya udiray gudoomiyaha baarlamaanka sirna mahan,baarlamaanka iyo shacabka ayay utaal in ay diidaan ama aqbalaaan,balse waxaan filayaa in laga maarmi doono kordhintaas oo doorasho loo dareeri doono dadkuna codkooda ku ciil bixi doonaan” Hadaba jawaabtan madaxweyne Gaas ayaa laga dhex arki karaa…

Read More

Madaxweynaha dawlada Puntland iyo waftigisii,ayaa hada ka dagay magaalada Garowe ee caasimada Puntlad. Madaxweynaha iyo waftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha garowe si weyn ugu soo dhaweeyay masuuliyiinta xukuumada Puntland oo ugu horeeyo madaxweyne xigeeenka mudane Camey,Gudoomiyaha baarlamaanka Golaha wasiirada ,saraakiisha ciidamada,maamulka Gobolka Nugaal iyo qaybaha bulshada caasimada,hoos  ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Ei_0F-uasz8

Read More

Sida laga soo xigtay masuuliyiinta maamulka somaliland,waxaa dhawaan si rasmiya dawlada imaaraadka carabta ciidamadeeda Cirka iyo kuwa Badda uga hawlgali doonaan saldhiga milatari ee Berbera laga siiyay. Masuuliyiinta somaliland ayaa intaas ku daray in Ciidamada Imaaraadka Carabta gaar ahaan diyaaradaha dagaalka ee dalkaas ay toos uga duuli karaan xili walba oo ay rabaan in ay hawgal milatari ka fuliyaan dalka Yemen,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Y71txntt5TY

Read More

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27-5-2017 ,xukun dil doogasho ah ku riday Shan nin oo dhawaan ciidamada amaanka Boosaaso ku qabteen gaari iyo Qaraxyo ay wateen oo ay qorsheynayeen inay ku qarxiyaan qeybo kamid ah magaalada . Shantan eedaysane ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay in qaraxyada lagu qabtay ay wateen , qorshahooduna ahaa in magaalada Boosaaso ku qarxiyaan, halka Ibraahim Maxamed Canshuur oo eedaysanayaasha kamid ahaa uuba sheegay inay ka tirsan yahiin Al-qaacida . Magacyada Dhalinayarada Maxkamaddu xukuntay ayaa kala ahaa :- Cabaas Ibraahim Yare Aadan – ina Khadiijo Aadan 26-jir…

Read More

Madaxweyne Gaas oo maalmahan ku jiray safaro uu ka marayay dalal kamid ah qaarada Yurub ,ayaa ugu danbayntii soo afmeeray safaradaas,waxuuna caawa gaaray dalka Kenya oo uu uga sii gudbi doono maalinka beri foog ah Puntland. Madaxweyne Gaas inta uu marayaa wadamada reer Yurub  waxuu kulamo la qaatay jaaliyadaha Puntland ee ku dhaqan dalalkaas iyo masuulyiin ka tirsan isla dalalkaas. Hadaba madaxweynaha ayaa caawa Saxaafada waraysi kooban oo uu siiyay kaga waramay socdaalkaas iyo guulihii laga gaaray,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Vn1vfJNsXeU

Read More

Waftigii uu hogaaminayay madaxweyne Farmaajo oo maalmahan booqashooyin rasmiay ku kala bixinayay dadlaka Sacuudiga,Jabuti iyo Qadar,ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Hadaba soo dhaweynta madaxweynaha kadib waxaa saxaafada la hadlay oo ka warbixiyay socdaalkii madaxweynaha iyo guulaha laga gaaray,hoos ka daaw muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/xGlQ7DHa9_A

Read More

Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa laashay sideed ka mid ah kuraasta aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya,, waxayna amartay in dib loogu noqdo doorashaadooda. Warqad kasoo baxday maxkamadda oo ku taariiikheysan 16-ka bishan May ayey maxkamaddu ku sheegtay in kadib dacwo socotay in ka badan 5 bilood ay baabi’isay go’aankii xubnaha Madasha Qaranka iyo Guddigii Doorashada Federaalka ee lagu fasaxay 8 kursi oo ka mid ahaa 11 kursi ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka horey u laaleen. Qoraalka ayaa lagu sheegay in maxkamada taageertay go’aankii Guddiga Xalinta Khilaafaad ee ahaa in kuraastaas la laalo, islamarkaana dib loo galo doorasho cusub. Maxkamada sare ayaa…

Read More

Dawladda Puntland ayaa maanta 26 May 2017 si rasmi ah ugu dhawaaqday in maalinimada berito oo kubeegan  27 May 2017 ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakaysan  ee Ramadaan. Wasiirka wasaarada Cadaalada dawladda Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac oo ugu horay ku dhawaaqay xaqiijinta in maalinimada berito ay tahay maalinta koowaad ee bisha ramadaan ayaa sheegay in wasaarada cadaalada Puntland ay wakhti dheer iyo dedaal aan yarayn ku bixisay xaqiijinta bilawga bisha barakaysan ee Ramadaan. ‘’Dhammaan waxaan gaadhsiinaynaa shacabka reer Puntland iyo ummaada Soomaliyeedba meel kastay joogaan inay tahay malinimada berito maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, wasaarada cadaalada Dawladda Puntland-na…

Read More

Madaweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magaalada Doxa ee dalka Qadar kulan kula qaatay Amiirka dalkaas Shiikh Tamim Bin Xamad Al Thani.   Madaxweyne farmaajo iyo amiirka Qatar ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo amiirka Qadar uu u ballan-qaaday madaxweyne Farmaajo in ay ka qeyb qaadanayaan dib u dhiska Soomaaliya.   Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyey dowladda Qatar taageerada ay weligeed la garab taagneyd shacabka Sooomaaliyeed iyo mashaariicda ay ka wadaan dalka.   Waxaa kulankan goob joog ka ahaa wasiirro ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo dhinaca kale wasiirrada arrimaha dibeda ee labada dal ay…

Read More

Trump oo iska horleexiyay Raysalwasaaraha dalka Montenegro Dusko Markovic oo hor socday xili ay ku guda jireen hogaamiyayaasha Gaashaanbuurta NATO kulankoodii Br useless.   Dhacdadan ayaa noqotay mid soo jiidata saxaafada caalamka aadna loo qaadaa dhigo,mar wax laga waydiiyay Ra’isalwasaaraha Montenegro oo ahaa hogaamiyaha uu Trump kala tuuray,ayuu kasoo qaaday waxaan macno lahayn,hoos ayuuna u dhigay,taa badalkeedana waxuu ku amaanay maraykanka in ay ku garab istaageen dalkisa ka mid ahaanshahooda gaashaanbuurta NATO.   Hadaba hoos ka daawo muuqaalka sida ay wax u dhaceen. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/xZk0mPhrPh4

Read More

Maalmo ka hor ayaa waraysi uu bixiyay madaxweyne xigeenka dawlada Puntland mudane Camey,waxuu ku sheegay in ay gacanta ku dhigeen dagaalyahano ka tirsan ururada argagixisada ah ee Alshabaab iyo Daacish.   Hadaba sidaas oo kale shirkii golaha wasiirada Puntland ee khamiislaha ahaa,ayaa waxaa lagu cadeeyay in laamaha amaanka dawlada puntland ay gacanta ku dhigeen dagaalyahano isa soo dhiibay iyo kuwo ku hawlanaa in ay fuliyaan falal amniga lid ku ah.   Warmurtiyeedka laga soo saaray shirka golaha wasiirada ee shalay  laguma qeexin halka iyo tirada ay yihiin dagaalyahanadaas iskugu jira kuwo la qabtay iyo kuwo isa soo dhiibay.   Isku…

Read More

Dawlada Puntland ayaa dib u anba bixisay  dadkii somaliyed ee kusoo hayaamay xiligii abaarta darani jirtay. Dadkaas oo ka kala soo hayaamay deegaamo kala duwan,kuwaasoo kala ah Somaliland,DDSI iyo Koonfurta Mudug . Puntland ayaa dadkan u kiraysay gaadiidka xamuulka qaada si ay ugaarsiiyaan deegaamadoodii ay markii hore kasoo haayaameen,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/T0CoFPs8m_M

Read More

Madaxweyne Gaas iyo waftigisii maalmahan ku gaala bixinayay booqashada dalal ka mid ah qaarada Yurub,ayaa maanta soo afmeeray booqashadisii.   Finland oo ahayd dalkii ugu danbeeyay ee uu cagta soo mariyo ayuu galabta kasoo anba baxay,waxuuna saacdo yar kadib soo gaaray London oo isla caawa uu uga sii kicitimayo dhankaas iyo dalka Kenya.   Madaxweyne Gaas ayaa maalinka sabtida ah dib ugu laaban doona Puntland.   Booqashadii Madaxweyne Gaas ee qaarada Yurub ayaa ku salaysnayd markii hore ka qaybgalkii shirka London,kadib jaaliyadaha Puntland ee Yurub ayaa ka codsaday in madaxweynuhu soo booqdo si ay uga xog qaataan.   Madaxweyne Gaas…

Read More

Somaliland ayaa sheegtay inaanay aqbalayn lacag caawimo ah oo guddida abaaraha ee Soomaaliya ay sheegtay inay Somaliland siinayso. Lacagtaas oo dhan 200,000 oo Doollar, ayaa wasiirka warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid oo shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa uu sheegay inaanay diyaar u ahayn,hoos ka dhagayso codka wasiirka warfaafinta somaliland. Halkan ka dhagayso codka wasiirka

Read More

Deegaanka Xanaanbuurre ee gobalka Mudug ayaa waxaa maanta markale isku fara saaray maleeshiyo xoolo dhaqato ah oo kala soo jeeda Puntland iyo beesha Sacad.   Dagaalka ayaa waxa uu salka ku haayaa muran ku saabsan lahaanshaha ceelal iyo dhul-daaqsimeed deegaanka ku yaalla.   .Ilo-wareed deegaanka ku sugan ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu sababay dhimashada saddex qof iyo dhaawaca tiro intaas ka badan.   Colaaddan ayaa imaanaysa muddo ka dib markii lagu guuleystay in la soo afmeero dagaalo hore u dhex-maray maleeshiyadan.   Maamulka Gobolka Mudug ayaan wali ka hadlin dagaalkan

Read More

Waxay Dowlad goboleedka Jubbaland go’aansatey inaan la aqbali karin habka ay dowladda federaalku u maareynayso kheyraadka dalka. Sidaa awgeed dowlad goboleedka jubbaland waxay xaq u leedahay inay ka faaiideysato kheyraadkeeda inta laga helayo nidaam la isla ogol-yahay oo lagu wadaagayo kheyraadka Dalka, halkan ka akhriso qoraalka

Read More

Shirkii khamsiilaha ahaa ee dawlada Jubaland ee Somaliya ,ayaa maanta ka qabsoomay magaalada kismaayo. Shirkan oo ka dhacay guriga martida Kismaayo ayaa waxa shir gudoominayay madaxweyne Axmed Madoobe. Qodobada looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa amnia,maaliyada iyo kaluumaysiga.   Hadaba gunaanadkii shirka ayaa waxaa kasoo baxay warmurtiyeed,hoos ka daawo muuqaalka warmurtiyeedka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ltCVTt4vJ2A

Read More

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in madaxweyne Siilaanyo cafis ufidiyay wariye Coldoon. Coldoon oo ah wariye badanaa ka shaqeeya arimaha gargaarka dadka dhibaataysan,ayaa mudo hada laga joogo 3 bilood waxaa lagu xiray madaarka hargaysa, xili uu markaas kasoo laabtay  muqdisho iyo olalihii doorasho ee madaxweyne farmaajo. Coldoon ayaa taageero cad la garab istaagay xiligii olalaha doorashada madaxweyne farmaajo. Taasoo masuuliyiinta sl ay ka caroodeen kuna tilmaameen  khiyaamo qaran. Cafiskan maanta soo shaac baxay,ayaa ka dhigan hadii uu dhab noqdo Talaabo xaga saxda ah  loo qaaday. Idilnews Hargaysa

Read More

Wasiirka arimaha dibada dawlada fadaraalka Yuusuf Garaad Cumar oo qayb ka ahaa waftiga madaxweynaha ee booqashada ku gaaray xalay dalka Qadar,ayaa shir jaraa’id waxay sida wadajir ah uwada qabteen dhigiisa wasiirka arimaha dibada dalka Qadar ,kadib kulankii madaxweyne farmaajo iyo Amiirka Qadar Shiiikh Tamiim.   Shirka jaraa’id ee labada wasiir ayay kaga hadleen arimaha ugu muhiimsanaa ee ay kaga wada xaajoodeen kulankoodii farmaajo iyo Tamiim,sidoo kale saxaafada ayaa labada wasiir su’aalo ku waydiisay labada wasiir,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/YsroG-NtF8o

Read More

Ciidamada Philippine ayaa maanta galay magaalo la haysto oo ku taalla jasiiradda koonfureed ee Mindanao, si ay halkaas uga nadiifiyaan dagaalyahano Islaami ah oo qabsaday horraantii toddobaadkan. Laba diyaarad oo nooca qumaatiga u kaca ah ayaa dul heehaabaya magaalada ayada oo taankiyada dagaalka ay xaafadaha galeen, xilli la maqlayo rasaas iyo qaraxyo culus. In badan oo ka mid ah dadka degan magaalada Marawi oo gaaraya illaa 200,000 ayaa billaaabay inay ka qaxaan. Xasaradaha ka taagan magaalada ayaa billaabmay talaadadii markii ciidamada Philippine ay billaabeen howl ay doonayaan inay kusoo xiraan hoggaamiyaha kooxda Abu Sayyaf, Isnilon Hapilon oo la rumeysan yahay…

Read More

Maalmahan waa soo if baxaya doodo iyo muran ku saabsan maqaabka ay yeelanayso magaalada muqdisho oo horay uhaan jirtay caasimada somaliya,balse burburkii kadib lagu kala qaybsan yahay sii ahaanshaeeda caasimada dalka. Xamar xiligan waa meesha ay fadhiyaan hay’adaha fadaraaalka ee dawlada somaliya.maqaabkeedu waxa uu noqonaya waxaa si cad u qeexay dastuurka fadaraalka. Hadaba Tv-ga kaslan ayaa dood muhiim u ah ka sameeyay dooda muqdisho iyo maqaabkeeda,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/OeKqJZjPpFw

Read More

Kooxda Manchester United ayaa ku guulaysatay koobkii labaad ee xilli ciyaareedkan, waxa ayna xaqiijisay in xilli ciyaareedka dambe ay ka qeyb qaadan doonto tartanka la qadariyo ee Horyaalada Yurub ee Uefa Champions League, kaddib markii ay 2-0 uga adkaatay kooxda Ajax oo ay ku wada dheelayeen fiinaalka koobka Europa League-ga oo lagu qabtay magaalada Stockholm. Habeen ay xamaasadda kacsan tahay ayey aheyd kaddib weerrarkii lagu dilay 22-ka qof ee Isniintii ka dhacay magaalada Manchester, iyadoo taageerayaasha United loo ogolaaday inay dabaaldegaan maadaama kooxda uu layliyo Jose Mourinho ay si ay u qalanto ugu guulaysatay koobka. Kubad uu laaday Paul Pogba…

Read More