Hay’adaha Amniga iyagoo ka duulaya go’aamadii Golaha Wasiirada ee 11kii May 2017 waxey diyaariyeen barnaamijyadii ay ka mid ahaayeen; 1. In la xareeyey ciidankii isku-dhafka ahaa ee howlgalka xasilinta Caasimadda, oo isugu jira Boliis, XDS & Nabadsugid, kuwaas oo leh hal Talis oo leh hoggaan mideysan. 2. Maamulka Gobolka Benadir oo u diyaar garoobay iskudubaridka sidii ciidanka uga howlgali lahaayeen caasimada. 3. Gobolka Benadir oo hirgeliyey go’aankii ahaa inaan gaadiidka la dhigan karin wadada Makka Al-Mukaramma oo Gobolka iyo Ciidanka Taraafikada ay howlgalkooda bilaabeen. 4. Maamulka Gobolka oo hirgeliyey Golaha Ammaanka ee Gobolka Benadir oo waxweyn ka taraya sidii caasimada…
Author: Jibril Qoobey
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/1d1CWXk_9gM
Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Ahna sii hayaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta waxa uu safar shaqo ku tagay degmada qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, wuxuuna si rasmi ah u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland. Madaxweyne ku xigeenka waxaa safarkiisa ku wehelinaya masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda oo ay ka mid yihiin Wasiirka Waxbarashada Puntland, Wasiirka Amniga, Wasiirka Haweenka, Wasiir Xigeenka Arrimaha Gudaha, Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Wasiirka Waxbarashada Puntland Abshir Aw-yuusuf Ciise ayaa ugu horrayn tilmaamay arrimo dhowr ah oo khuseeya imtixaanaadka, wuxuuna macalimiinta iyo ardayda…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Jx8H61KA_zs
Dadka reer Iiraan ayaa mar kale xilka madaxweynenimo ee dalkaasi u doortay Xasan Ruuxaani, TV-ga dowladda ayaa sheegay in Ruuxaani uu si dhib yar kaga guuleysay ninkii ugu dhawaa ragii la tartamayay kaasoo ah Ibraahim Raysi. Xasan Ruuxaani ayaa ku guuleystay codad gaaraya 57 boqolkiiba, Raysi oo kaalinta 2aad galay ayaa helay ilaa 38%. Tirada dadka codoeynayay oo aan sidii loo qorsheeyay noqon ayaa xukuumadda Iiraan waxa ay ku qasabtay in ay kordhiso saacadihii codeynta ilaa saqdii dhexe ee xalay. Ilaa 56 milyan oo cod-bixiyayaal ah ayaa loo diyaariyay in ay codadkooda ku dhiibtaan 60kun oo goobood oo ku kala…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaaray caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyad si uu halkaasi uga bilaabo socdaalkiisii ugu horreeyay ee uu dibadda ugu baxo tan iyo markii uu madaxweynaha noqday. Madaxda Mareykanka loogama baran in ay Sacuudiga ku tagaan booqashadooda ugu horeysa ee ay dibada ugu kicitimaan, hase yeeshee Trump waxa uu safarkiisan Sacuudiga ka dhigtay jihadiisa ugu horreysa uu bannaanka ugu baxay. Arrinta layaabka leh ayaa waxa ay tahay in Donald Trump intii uu ku guda jiray ololihiisii doorashada ay hadalladiisu kamid ahaayeen inuu xanibaad kusoo rogayo Muslimiinta, waxaana taasi sii kaabay go’aankii ugu horreeyay ee uu qaatay markii…
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya mudane, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalinta beri lagu wadaa in ay ka dhoofaan magaalada Muqdisho iyaga oo kusii jeeda magaalada Riyaad ee dalka Boqortooyada Sacuudiga. Sida Wararka aan ku heleyno Madaxweynaha ayaa dalka Sacuudiga uga qeyb galidoona shir heer sare ah oo ay leeyihiin Hogaamiyaasha Wadamada Jaamacada Carabta iyo Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump. Shirka ay yeelanaaan Hogaamiyaasha Wadamada Jaamacada Carabta ku bahoobay iyo Madaxweynaha Mareykanka ayaa looga hadli doonaa arimo dhoor ah ay ku jiraan xaalada bariga dhaxe iyo la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada. Madaxwenaha…
Xarrakada Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay soo bandhigtay muuqaalka askari ka tirsanaa ciidamada Kenya oo horaantii bishii Janaayo sanadkii 2016ka lagu qabtay weerar ay ku qaadeen saldhig ciidamada ay ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo. Alfred Danyi ayaa ka codsaday shacabka Kenya inay u midoobaan sidii looga saari lahaa Al-Shabaab oo muddo sanad iyo bilooyin uu gacantooda ku jiro. “Laga soo bilaabo markii uu dhacay dagaalkii Ceelcadde ilaa hadda waxaan ku jirnaa Jeelka Al-Shabaab anagoo maxaabiis ah, welina wax war ah kama helin dowladeena, Ma aanan helin wax caawin ah, sidaas darteed waxaan shacabka Kenya ka codsaneynaa in ay…
Dowladda Sudan ayaa sheegtay in madaxweyne Omar al-Bashir uu doortay inuusan ka qeyb galin shir madaxeed ka dhacaya magaalada Riyadh, kaasi oo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka qeyb galayo. Bashir ayaa la sheegay inuusan dooneyn inuu waxyeeleeyo xiriirka Mareykanka iyo Sudan. Wasiirka warfaafinta Ahmed Bilal ayaa sheegay in Khartoum ay garowsan tahay in dacwadaha ay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada kusoo oogtay Bashir, ay adeekeenayaan inuu la kulmo Trump. Bilal ayaa sheegay in la kulanka Bashir ay dhibaato u keeni karto Trump oo la filayo inuu go’aan ka gaaro in gebi ahaan la qaado cunaqabateynta dhaqaale ee Mareykanka uu…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/QhirVhcuvJA
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/M_bjFC6ksZA
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/KMSxkpzebOQ
Ugu yaraan 60 qof oo lala xiriirinayo ciidamada milatariga ee bariga Libiya ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay weerar lagu qaaday saldhigga ciidamada cirka ee Brak El-Shati ee ku yaala koonfurta dalkaasi. Rabshado ayaa halkaasi dib uga billowday shalay oo khamiis ahayd kaddib markii garab ka tirsan garabyada halkaa isku haya ay isku dayeen in ay la wareegaan saldhiggaasi. Ciidamada dagaalamay ayaa daacad u kala ah garabyada iska soo horjeeda ee kala maamula Bariga iyo galbeedka dalkaasi. Xabad joojin aan cago badan ku taagneyn oo ka jirtay saldhiga milatari ee Bark Al-shati ayaa u muuqata mid haatan burburtay. Meeyarka…
Wasiirka arrimaha dibedda ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire ayaa BBC-da u sheegay in rajeynayo in dib loo billaabo wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya. Maanta ayay ku beegan tahay sanadguuradii 26aad ee ka soo wareegtay tan iyo markii ay Soomaaliland iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday. Wasiirka ayaa wax laga waydiiyay halka uu marayo dadaalkoodii aqoonsi raadiska,Sababta ay ku diideen in Cunaqabataynta Hubka laga qaado Dawladda Soomaaliya iyo Saamiga Itoobiya laga siiyey Dekeda Berbera,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/NpPTRykrBZ8
Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed cali Gaas oo weli ku guda jira safarkiisa uu ku marayey qaar ka mida wadamada Yurub, gaar ahaan England, Norwey, Sweden iyo Finland ayaa maanta si weyn waxaa loogu soo dhaweeyey magaalada Guthenburg oo ah magaalo ay ku badan yihiin jaaliyada Puntland ee Soomaaliya. Soo dhawaeynta Madaxweynha Dawladda Puntland iyo weftigiisa oo ahayd mid balaaran oo aysan ukala harin jaaliyada Puntland Guthenberg ee wadanka Sweden, waxaana kasoo qayb galay soo dhawaynta madaxweynaha qaybaha kala duwan ee Jaaliyadaha Puntland oo ay hor kacayeen odayaasha,dhalinyarada,haweenka,culumada iyo aqoonyahanada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/tolteKJuQGQ
Waxaa uu sheegay in go’aanka xildhibaanada uu niyad jebiyay dad badan oo filayay in xiligan ay Soomaaliya raacday wadadii hormarka iyo nabadda. Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in xukumada cusub ay kaliya jirto bil iyo dhowr maalin isla markaana aanan la gaarin xiligii go’aankaas deg deg ah la qaadan lahaa,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/CKDEeVEKfZQ
Wasaarada arimaha Gudaha iyo dowladda Hoose ee Puntland ayaa maanta garowe kusoo bandhigay xog aruurin iyo tira koob lagu sameyeey barakaacaasha dagan magaaladda Garowe ee caasimadda Puntland. In ka badan 15-kun oo barakacayaal ah ayey wasaaaradu sheegtay inay ku noolyihiin Kaamamka kuyaal magaladda Garowe ee caasimadda Puntland ,wasaarada ayaa howshan bilowday 2016-kii. Axmed Karaash Wasiirka Arimaha gudaha iyo dowladdaha hoose oo xog aruurinta ka hadlayey ayaa sheegay in arintan ay tahay mid wakhti hore laga soo shaqeeyey ,isago eedayn usoo jeediyeey shaqsiyaad u sheegay in wasaaradiisa ay ku edeeyeen wax qabad la aan,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan.…
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdulle oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Rayidka ah Mudane Mustafe Siciid Shabac, Agaasimaha Waaxda Xiriirka Goleyaasha Dawladda ee Madaxtooyada Siyaad Xusseen Mursal, Guddoomiyaha Jamaacadda Puntland State University Maxamuud Shiikh Xaamud iyo saraakiil ka socota Xafiiska Xiriirka Mashruuca Tayaynta Hay’adaha Dawladda (Puntland Capacity Injection Project-CIP) ayaa maalmahaan hawlo shaqo u jooga waddanka Kenya. Ujeedka safarka wafdiga Puntland ayaa salka ku haya sidii ay Dawladda Puntland heshiis iskaashi dhinaca tababaradda shaqalaha ah ula soo saxiixato Dawladda Kenya gaar ahaan Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Kenya (Kenya…
Agaasimaha Waaaxda imtixanaadka ee wasaarada waxbarashada Puntland Ahmed Maxamuud Warsame (Axmed saahil) Oo Warbaahinta Kula Hadlayay magaaladda Garowe, ayaa shaaciyay in maalinimada sabtida ah uu si rasmi ah u bilaabanayo Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalada 8aad iyo 12-aad ee Ay dowladdu qaado Agaasime Saahil Ayaa sheegay iney magaaladda Garowe ka amba bixiyeen Howlwadeenadii iyo Kormeerayaashii Imtixaanada, Wuxuuna xusay in imtixaankan ay ka qeybgali doonaan ku dhuwaad 13-kun oo Arday Oo Kusugan Sagaalka Gobol ee Puntland. Dhinaca kale Agaasimaha Waaaxda imtixanaadka ee wasaarada waxbarashada Puntland Ahmed Maxamuud Warsame (Axmed saahil) Ayaa ka codsaday Maamulada Degmooyinka iyo Taliyayaasha CIidamada in…
62-xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka Puntland,ayaa ugudbiyay gudoonka golaha mooshin ay kaga soo horjeedaan kordhinta baarlamaanka Puntland. Xildhibaanadan ayaa si cad uga hor yimid qorshaha madaxweyne Gaas ee kordhinta xildhibaanada baarlamaanka Puntland. Maalmo ka hor ayaa madaxweyne Gaas cadeeyay in uu codsi ugudbiyay Gudoonka baarlamaanka,kaasoo ku aadan in la furo baarlamaanka si beelaha reer Puntland ee qatan ay uhelaan qoondada ay xaqa u leeyihiin ee xildhibaanimo. Go’aanka ay ku diideen codsiga madaxweynaha ayay xildhibaanadu ku sababeeyeen inuu dhaawacayo amniga iyo xasiloonida ka jirta degaamadda Puntland,isla markaana aysan Xal u ahayn baahida taagan.. Baarlamaanka Puntland oo la…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidan gadoodsan oo ka tirsan milatariga Soomaaliya ay la wareegeen xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga. Ciidamada ayaa ah kuwa fara badan oo wata gaadiidka dagaalka ,waxayna kala xireen wadada warshadaha iyo waddooyinka soo gala xarunta wasaaradda Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale ciidankan gadoodsan ayaa diiday in la galo ama laga soo baxo xarunta wasaaradda Gaashaandhiga ,waxayna sheegeen iney ka gadoodsan yihiin mushaarkooda oo aanay helin dhowr bilood kana maqan tahay xuquuqdooda. Saraakiisha ciidamada ayaa xiligan dadaal ugu jira iney xal ka gaaraan xiisada taagan isla markaana ciidamadan gadoodsan dib loogu celiyo xeryahooda.…
Gaari ayaa dad lagu dardarsiiyay waddo mashquul badan oo ku taalla magaalada New York waxaana la sheegay inuu qof ku dhintay dhowr kalana ay ku dhaawacmeen. Booliska ayaa sheegay inay qabteen ninkii waday gaarigaasi, aaga uu weerarka ka dhacayna la geeyay boolis dheeraad ah. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku waranatay in 10 qof oo dhaawac ah lagu daweynayay goobta. Gaariga ayaa la sheegay inuu ka weecday dhabaha gawaarida oo uu abaaray dhinaca dadka lugeynaya ay maraan. Booliska ayaa sheegay inay u muuqato in falkani uu yahay mid shil ah. Waxay tuhunsan yihiin in darawalka uu ku guuldarreystay xakameynta gaariga.
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/VvinKC3Rx9w
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga, dardargelinta Qorshaha 90ka maalmood, Imtixaanada Dugisyada Sare, Shirka London, bilicda caasimada iyo arrimo kale. Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga oo sheegay in la bilaabay dhaqangelinta go’aanadii ay horey golaha wasiirada u gaareen ee Qorshaha Amniga Muqdisho oo ciidankii isku-dhafka ahaa la xareeyey, tababrna u socdo dhowaana bilaabi doonaan howlgalka sugida amniga. Sidoo kale in maamulka G/Benadir uu bilaabay amarkii inaan baabuurta la dhiganin wadada Makka…
Xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka islamarkaana dhawaan magaalada Nairobi kaga dhawaaqay Madal ay u bixiyeen horusocod ayaa sheegay in aysan ahayn mucaarad ka dhan ah dowladda Madaxweyne Farmaajo. Xildhibaannadan oo maanta kula ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan mucaarad ahayn laakiin ay u jiraan kaliya dhowr hadaf oo gaar ah. Kulanka Maanta ayaa waxaa shir guddoominayay C/rashiid Maxamed Xiddig oo la sheegay in uu hormuud u yahay Madasha Nairobi lagu dhisay ee la sheegayo in ay waddo mooshin ka dhan ah Dowladda Fedraalka ah. Kulanka ay maanta yeesheen ayey ku beeniyeen warar lagu qoray Baraha Bulshada oo sheegayay…
Laga soo bilaabo sannadkii 2004 waxa nidaamka dawladnimada Soomaaliya lagu soo kordhiyey hab-maamulka loo yaqaaanno Federaalka (federalism). Habmaamulkaasi waxa lagu qoray dastuurka dalka (qabyo-qoraalkii hore, iyo dastuurka ku meelgaadhka ah). NIdaamkaasi dad badan oo Soomaaliyeed ayaa diidmo kala hor yimid iyagoo sababao kala geddisan cuskanaya. Ha yeeshee wixii ka danbeeyey sannadkii 2012 oo ku beegnayad xilligii laga baxay ku-meelgaadhnimada, waxa bilaabantay in dalka laga hirgeliyo nidaamka Federaalka. Waxana degaannada kala geddisan u qalab qaateen siday u dhisan lahaayeen maamul-goboleedkooda si ay ula jaanqaadaan Soomaaliyada federaalka ah. Puntland/Jubaland. Hore waxa ismaamul gaara u samaysatay sannadkii 2008-maamulka Puntland oo iyadu usii weel…
Nin horay madax ugu soo noqday hay’adda dambibaarista Maraykanka ee FBI ayaa loo magacaabay in uu noqdo dambi baare khaas ah oo dusha kala socon doona baaritaannada lagu hayo in Ruushku uu farogaliyay doorashada Maraykanka iyo xiriir la sheegay in uu dhexmaray Ruushka iyo kooxdii ol’olihii doorashada ee Trump. Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud oo magacaabaya Robert Mueller ayaa sheegay in ay danta dadwaynahu tahay in la helo qof iyaga ka madax bannaan. Magacaabiddan waxaa aad u ammaanay siyaasiyiin labada xisbi ka kala tirsan. Tan iyo markii madaxweyne Trump uu shaqada ka eryay James Comey todobaadkii hore…
Dowladda Itoobiya ayaa ugu hambalyeysay Somaliland 26-guuradii ka soo wareegatay, markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, ayna tahay Jamhuuriyad madax banaan. Warqad uu qoray Qunsulka Itoobiya u fadhiya magaalada Hargeysa Gen. Berha Tesfaye ayuu si cad loogu farageliyay Qaranimada iyo madax bannaanida Soomaaliya, waxaana qoraalkaasi oo ahaa Hambalyeeyn Qunsulku u diray Maamulka Somaliland maalinta ku qoran in Somaliland ay tahay Qaran,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka akhriso hanbalyada itoobiya:- Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/esKmGfLP4tE
Kormerkan oo ay maanta ku tageen Waaxda Canshuraha Garoonka Diyaradaha Aadan Cadde Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Hanuunita Dadweynaha Eng C/raxman Cumar Cusmaaan , Wasiir ku xigenka Wasarada Maaliyada Cabdullahi Sheikh Cali Qaloocow iyo Wasiiru dowlaha Wasarada Maaliyada Maxamuud Xaayir Ibrahim ayaa aheyd u kur galida howlaha shaqo oo ay halkaas ka bilaabeen maamulka cusub ee dhawaan loo magacaabay Waaxda Canshuuraha ee Garoonka. Maamulka Cusub ee dhawaan loo magacaabay Waaxda Canshuraha ayaa ka warbixiyey howlaha shaqo ay qabteen ayagoo sheegay iney si wanagsan shaqada u wadaan ayne soo sareen faa’iido ka badan tii hore boqolkiba soddan muddo labo malmood gudahooda ah.…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/lKm1sPmkd0U
Wasaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Khamiistii sheegtay in ay aad uga walaacsantahay iskudhacyo Talaadadi ka dhacay magaalada Washington oo ay ku lug lahaayeen taageerayaasha madaxweynaha Turkiga Racep Tayep Erdogan. Qaar ka mid ah saarkiisha Mareykanka ayaa cambaaryey waxey u arkeen inay tahay arin looga soo horjeedo dibadbax si nabadgalyo leh u dhacayey, iyagoo sheegay in arrintaasi ay lid ku tahay ilaalinta xorriyatul qowlka Mareykanka. Booliska magaaladan Washington. D.C. ayaa sheegay inay baarayaan warka sheegaya in laba ruux oo laga xiray halka uu bannaanbaxu ka dhacay ay ka mid yihiin ilaalada madaxweyne Erdogan. Safaarada Turkiga ee magaalada Washington wali kama…
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo dhexgalay murankii ahaa in uu madaxweyne Donald Trump uu siiyay sir xaasaasi ah wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka markii uu kula kulmay Aqalka Cad. Putin wuxuu sheegay in aaanu Mr Trump wax sir ah fakinin, haddii loo baahdana uu kongareeska Mareykanka la wadaagi karo hadaladii la isdhaafsaday intii uu socday kulanka. Putin waxa uu sheegay in dadka buunbuuniyay hadalladan ay midkood yihiin doqmo ama dad aan daacad ahayn. Todobaadkan ayaa waxaa soo baxday in Madaxweyen Trump uu la wadaagay Ruushka maclumaad sir ahaa oo ku saabsanaa kooxda la baxda Dowladda Islaamiga, maclumaadkaasi oo Maraykanka…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/eqBkW8wxrMY
Salaadiinta iyo waxgaradka beesha Guma-soor oo kamid ah beelaha dega deegaamada Puntland ayaa soo dhoweeyey 7 xubnood oo uu madaxweynaha dowladda Puntland dalbaday in lagu kordhiyo xildhibaanada barlamaanka Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/iAqX8U5V578 Halkan ka akhriso:-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo weheliyaan qaar kamid ah Golaha Wasiirada ayaa maanta booqday dekedda Magaalada Muqdisho. waxayna kulan looga hadlayey dar-dargelinta howlaha shaqo la qaateen maamulka dekedda. Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa kala hadlay maamulka howlaha ka socda dekadda iyo sidii loo horumarin lahaa shaqada, waxuuna waydiiyay wax yaabaha loo baahan yahay ee ka dhiman dekedda Muqdisho. Isagoo la falan qeeyay geedi socodka shaqada iyo qorsha dhaw ee la rabo in wax looga badelo qaab dhismeedka dekedda,waxuuna bogaadiyey sida ay howluhu u soconayaan. Dhanka kale, wuxuu maamulka Maaliyadda gaar ahaan qeybta Furdada Xamar kala…
Wasaarada Caafimaadka Puntland oo Galkacyo ka daahfuray Mashruuca caafiimadka ispitaalada iyadoo la kaashanaysa hay,ada MSF. Wasaarada caafimaadka Puntand ayaa oo daahfurtay mashruuca caafiimaadka ispitaalada si loo daboolo baahida caafimaad ee bulshada Galkacyo iyo dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan dagmada iyadoo kaashanaysa Hay,ada dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF oo taniyo 2013 hada dib ugusoo laabatay somaliya gaaar ahaan maagaaalada Gaaalkacyo ee puntland. Fulinta Mashruucan Caafimaad oo ay iska kaashanayaan wasaarada Caafimaadka Puntland iyo Hay,ada MSF ayaa ka bilaaban doona qayb kamida ispitaalka Guud ee Galkacyo gaar ahaan qaybta quudin caruurta qaybta bukaan socodka carurta iyo qaybta gurmadka…
Bandhigan ayaa lagu falanqeyey arimo Xasaasi ah oo Soomaalida mugdi kaga jiray kuna saabsan dhaqanka siyaasadeed ee Madaxweyne Farmaajo waqtigii uu socdey shirkii london ee soomaalida loo qabtay Waxaana lagu marti qaaday aqoon-yahanka Siyaasiga ah ee Maxamed Maxamuud Nuur Caalim iyadoo la weydiyay su’aalo Xasaasi ah sida shirku u dhacay. Guusha uu sheegan karo Madaxweyne Farmaajo. Caalim ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Farmaajo Xaqiraad weyn ku sameeyey Madaxda maamul Gobaleed yagoo ee shirkaa kala Qeyb gashay. Waxaana madaxweyne Farmaajo uu diiday in uu sawir lagalo madaxda la socotey arinkaa oo ah xaqiraad siyaasadeed oo Fadeexad ah waxaa kaloo uu…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa xalay oo ay taariikhdu ahayd16/5/2017 loogu sameeyey xaflad soo dhoweyn ah magaalada Oslo ee caasimada dalka Norwey. Xafladan lagu soo dhoweynayey Madaxweynha Dawladda Puntland oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qabanqaabisay jaaliyada Puntland ee magaalada Oslo, halkaasi oo iyana ay kala soo qayb galeen dad badan oo ka yimi jaaliyada wadamada derinka la ah sida Denmark iyo Sweden. Madashii lagu qabtay xaflada soo dhoweynta ah ee lagu maamuusayey Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo waftigiisa ayaa iyana waxaa kasoo qayb galay Gudoomiyayaasha…
Waxaa maanta Galbeedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo ciidamo maleeshiyp beeleed ah halkaasi ku sugnaa. Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya oo howlgalo ka waday Xaafada Howl Wadaag ee galbeedka magaalada Baladweyne ayaa dagaal waxaa kala hor yimid ciidamo maleeshiyaad ah oo xaafadaasi ku sugnaa. Sargaal katirsan ciidanka booliiska magaalada Baladweyne ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalka uu qarxay xili ciidamada amaanka xaafada howl wadaag ka wadeen howlgalo amaanka lagu xaqiijinayay, waxa uuna sheegay in maleeshiyada hubeesan ka hor yimaadeen ciidanka dowlada. Dagaalka ka dhacay xaafada Howl Wadaag ee…
Ciidamada Booliska ayaa warbixin ay soo saareen ku faah-faahiyay qarax barqanimadii maanta ka dhacay degmada Wadajir. Jen. Maddaale, oo warfidiyeenka la hadlay, ayaa sheegay in qaraxan uu ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu rakibay oo ay ciidamadu qabteen. Ciidamada ayaa qabtay gaarigaas, ka dib markii ay israaseeyeen rag hubeysan oo gaariga la socday, waxaana -sidoo kale- gacanta lagu dhigay mid ka mida laba nin oo gaariga la socday. Saddex ka mid ah qeybta miino-baarka ee ciidamada Booliska ayaa ku dhintay qaraxa oo dhacay mar ay ciidamadu isku dayayeen in ay furfuraan miinooyinka gaariga ku xirnaa Gaarigan…
Kadib markii ay talaadadii ku kulmeen Aqalka Cad, ayaa madaxweynayaasha Mareykanka iyo Turkiga Donald Trump iyo Recep Tayyip Erdogan waxa ay ammaaneen xiriirka xooggan ee labada dal, ayaga oo aan soo hadal qaadin farqigooda ku aadan habka loola dagaalamayo kooxda Daacish. Trump iyo Erdogan ayaa labadaba ku qeexay xiriirkooda mid adag. “Waxaan leenahay xiriir aad u weyn” ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka, “Waxaana ka dhigi doonnaa mid kasii wanaagsan sida uu hadda yahay”. Labada madaxweynaba ma aysan ka hadal go’aankii uu Trump qaatay toddobaadkii tagay ee uu hubka ku siinayo kooxda Kurdish-ka ee YPG ee ka dagaalanta dalka Syria, qeybna ka…
Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo booqasho ku jooga Dalka Norway,habeenkii xalay ahaana ka qaybaglay xaflad balaaran oo ay jaaliyada Puntland ee Norway kusoo dhawaysay, ayaa uga digay xildhibaanadda labada aqal ee dowladda federaalka in shido iyo dhibaato lagu abuuro xukuumadda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre. ”Sida aad la socotaan waxaa Magaalada Nairobi ku shiray Xildhibaano ka tirsan Gollaha Shacabka Soomaaliya iyo aqalka Sare,waxaan u sheegaynaa ka yeeli mayno in dowlad 3 bilood Jirta in la shideeyo,”ayuu yiri madaxweyne Gaas. Madaxweynaha oo ka hadlay xaflad ay jaaliyadda Soomaaliyeed ku soo dhaweeynayeen,…
Wararka ku saabsan sababtii shaqada looga eryey madaxi hore ee hay’adda danbi baarista Mareykanka ee FBI-da, James Comey ayaa cirka isku sii shareerayso, ka dib markii warbaahinta qaar ka mid ah ay heleen wargelin uu qorey James Comey intii uu xilka hayey. Warbixintan oo sheegaysay in uu Madaxweyne Donald Trump ka codsadey madaxa FBI-da James Comey joojinta baaritaan uu ku wadey la taliyihii hore ee arimaha amniga ee Madaxweyne Donald Trump, Micheal Flynn,hoos ka dhagayso codka .xigasho VOA. Halkan ka dhagayso codka
Madaxweyne Donald Trump ayaa mar kale is arkay isagoo bartanka u taagan mawjado ka dib markii la sheegay in uu safiirka Ruushka la wadaagay xog sir ah oo xasaasi ah. Macluumaadkii la xiriiray laabtoobyada lagu dhex isticmaalo diyaaradaha ayaa la fahamsan yahay in uu Maraykanku ka helay dal ay xulafo yihiin oo doorbiday in uusan Ruushka la wadaagin. Xogtaas oo lagu suntay “codeword classified”, ayaa ahayd mid aad muhiim u ah. Trump ayaa hadda sheegay “in uu xaq u leeyahay” in uu Ruushka la wadaago macluumaadyada la xiriira argagixisada iyo ammaanka diyaaradaha. Haddaba maxay yihiin shuruudaha ku xeeran xogta sirta…
Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlad goboleedka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 16 May 2017 ku qaabilay qasriga madaxtooyada Garoowe wefti uu hogaaminayey Qunsulka dalka Masar u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. Tamer Safwat El-Mahdy. Waftiga uu hogaaminayey Qunsulka dalka Masar u qaabilsan Soomaaliya Mr. Tamer Safwat El-Mahdy ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan goloyaasha dawlad goboleedka Puntland, Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka DFS iyo saraakiil kale. Kulan gaar ah oo ay wada qateen Kusimaha Madaxweynaha Puntland iyo weftiga ka Socdey safaaradda Masar ee Soomaaliya ayaa waxa ay uga wada hadleen arrimo ay…
Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdi Xoosh ayaa maanta soo xiray shirka isaga oo ku tilmaamay in uu yahay tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka dhameeystirka Dastuurka iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna Wasaaradaha M/Goboleedyada ee Arrimaha Dastuurka ka ballanqaaday in uu si dhaw u la shaqeyn doono. War-murtiyeedka: KULANKA WADATASHIGA WAXAA KA SOO BAXAY QODOBADA HOOS KU XUSAN: 1) In la helo Dastuur Qaran oo dhameystirin si looga baxo Dastuurka hadda jira ee ku meel gaarka ah. 2) In la abuuro Madal ay ku mideysan yihiin Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS iyo Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada si loo…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safaro ku maraya wadamada Norwey, Sweden iyo Findland ayaa xalay ka degay magaaladda Oslo ee dalka Norway, halkaasi oo si diiran ay ugu soo dhaweeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Puntland ee dalkaasi Madaxweynaha waxaa safarka ku weheliya Wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Shire Xaaji Faarax, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdinaasir Biixi Soofe iyo saraakiil ka tirsan ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland, wuxuu garoonka Oslo hadal kooban ugu jeediyey dadweynihii soo dhaweeyey, isagooo uga mahadnaqay soo dhawaynta sharafta badan iyo sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo weftigiisa. aad…
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magacaabay Agaasime kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada, kaasoo ka mid noqonaya Agaasime kuxigeenada Madaxtooyada. Agaasime kuxigeenka xilka loo magacaabay ayaa lagu magacaabaa C/llaahi Aadan Kulane, inkastoo aan si rasmi ah u helin qeybta uu qaabilsanaan doono, hadana Madaxtooyada ayaa xilliyadii hore laheyd labo agaasime kuxigeen. Magacaabista Agaasime kuxigeenka labaad ee Madaxtooyada, ayaa ku soo aadeysa, iyadoo beryahan ay jirtay xurguf u dhaxeysay Agaasimaha Madaxtooyada Abuukar Baalle iyo Agaasime kuxigeenka C/risaaq Shoole oo ah nin awood badan ku leh Madaxtooyada. Wararka ayaa sheegaya in magacaabistan Agaasime kuxigeenka cusub ay la xiriirto in lagu…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waraysi dheer uu siyeey Tv-ga dowladda Puntland wuxuu kaga hadlay shirkii london qodobada kasoo baxay,iyo danta ugu jirta dowladda Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Hoos ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Qkx0wp_Ffeo
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya,Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah kula yeeshay Magaalada Doha ee dalka Qatar, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Norwey Børge Brende, waxayna ka wada hadleen arrimo ku aadan horumarinta xiriirka labada wadan. Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal ee soo jireenka ah. Waxaana uu si weyn uga mahad celiyey doorka suuban ee ay dawladda Norway ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya. Isagoona soo dhoweeyey sida dawladiisu ay xilligan ugu heelan tahay in ay gacan ka gaysto dadaalada lagu xasilinayo dalka iyo dhismaha dawladnimada Soomaaliya. “Xiriirka u dhexeeya…
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in hey’adaha kala duwan ee dowladda ay u badan yihiin kuwo si qaldan u maamula dakhliyada soo gala, taasoo uu ku tilmaamay inay sharci darro tahay. Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in hey’adaha dowladda looga baahan yahay in dakhliyada ay qabtaan ku shubaan Qasnada dowladda. “Wasaaraddaha dakhliga qabta, waxaa laga doonayaa in qasnada dhexe ee dowladda inay ku shubaan waa sharci darro in hey’adaha ay dakhli qabtaan inay maamulaan”ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha. Waxaa uu sheegay in 80% ay Wasaaradaha dowladda ay qabtaan dakhliyo, loogana baahan yahay in…
Marka aad maqasho ama aragto AFRICA, waxaa kugu soo dhacaya ama aad soo xasuusanaysaa, faqri, saboolnimo, is nacayb, jaahilnimo, abaar, gaajo, dagaal iyo xabad, burcad-badeed, argagixiso, tahriib, kufsi, dhac iyo afduub dumarka gaar ku ah. Intaasiba waa wax caadi ka ah Africa, waxay ka mid yihiin waxayaalaha u dhaca maalinlaha ama asbuuclaha. Maxaa yeelay ma jiro qorshe ku aadan oo lagu xallinayo, lagu yaraynayo, amaba looga hortagayo. Majirto cid wax iska weydiisa amaba isku taxalujisa sidii wax un looga qaban lahaa waxyaalaha aan kor ku soo xusay. Ayadoo ay jiraan dhamaaan dhibaatooyinkaas oo ay ka siman yihiin dhamaan…
Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland Eng C/Xakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar ayaa soo saaray Wareegto uu shaqada ka joojinayo Agaasimaha Guud ee Hay’ada Socdaalka iyo JinsiyadahaPuntland Maxamuud Faarax Askir. Halkan ka akhriso:-
Hakan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/HGgXBPvZC1k
Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyey shirar usocday xubno katirsan baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo si’ aad uga soo horjeeda xukuumadda raysal wasaare Xasan Khayre. Xildhibaanada oo tiradooda lagu sheegay 88-xubnood ayaa magaalada Nairobi uga dhawaaqay madal ay ku midaysanyihiin oo la yiraahdo Horusocod , waxaana guddoomiye looga dhigay xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ah siyaasi si weyn saamayn ugu leh baarlamaanka , xiriir dhowna la leh dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo dabada ka riixaya inaanay degin siyaasadda Soomaaliya. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ku jiray fasax muddooyinkii ugu dambeeyey waxaana kalfadhigooda uu dib u furmayaa bisha…
Hawlgal milatari ayaa ka billowday dalka Ivory Coast oo muddo saddex maalmood ay gadoodsanaayeen ciidamda milatariga, kuwaaso oo dalbanayay lacago horey loogu ballan qaaday. Dowladda Ivory Coast ayaa sheegeysa in ay dooneyso in ay kala dambeyntii dalka ku soo celiso kaddib markii ciidamo ka tirsan milatariga oo gadoodsan ay dibad-baxyo ka dhigeen guud ahaan dalka oo dhan. Fallaago hore oo haatan ka tirsan milatariga dalka Ivory coast oo u soo dagaalamay sanado badan in madaxweyne Alassane Outtara uu xilka qabto, ayaa jimcihii billaabay dibadbaxyo. Ciidamadan ayaa ka careysan muran ka dhashay heshiis dib loogu siinay mushaaraad iyo…
Madaxweyne Jamhuuriyadda Fedreraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xuska 15-ka May awgeed maanta ubax xusuus ah dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho. Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada, Islamarkaana ku beegan sannadguuradii 74-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ururkii SYL ee kaalinta weyn ka qaatey xornimadii Dalka. Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo waxaa Munaasabadda Ubax dhiga ku wehliyey xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Somalia, , mas’uuliyiinta Gobalka Banaadir iyo qaar ka mid ah Ururrada Bulshada Rayidka Dhanka kale waxaa Ilo xog-ogaal ah ay…
Madaxweynaha Dawlad goboleedka Gobolada dhexe Shiikh Axmed Shaakir,ayaa Wareegto uu soo saaray ku magacaabay Talyayaal ciidan oo hogaamin doona Ciidamada kala duwan ee Ahlu Sunna. Talyayaasha la magacaabay waxaa kamid ah Talyaha ciidanka Birmadka, Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo kuwa kale . Halkan ka kahriso wareegtada:-