Author: Jibril Qoobey

Ilo wareedyo ku dhow dhow Xerada Xalane ayaa sheegaya inuu baaqday shirkii loo balansanaa ee dhex mari lahaa Shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha muddo- xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo uu cadaadis ku saaray Saddexda Madaxweyne Dowlad Goboleed oo uu saaka kula shiray Afisyooni in aysan ka qeyb gelin shirkaas, balse uu taa bedelkeed u soo jeediyay inay is arkaan shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed oo qudha.

Read More

Cutubyo kamid ah Ciidanka Badda Puntland ee PMPF, oo loo tababaray si gaar ah ayaa maanta tababar loogu soo xiray saldhiga Ciidammadu ku lee yihiin duleedka Magaalada Boosaaso. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook Ciidanka PMPF ayaa lagu yiri “Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Puntland ee PMPF oo loo layliyey takhasusaad kala duwan ayaa maanta tababar loogu soo xiray Taliska Guud ee ciidanka PMPF Boosaaso”. Ciidanka PMPF oo ay Puntland ka taageerto Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah Ciidammada howlgalada ka dhanka ah Argagixisada, waxaana ay si gaar ah u beegsadaan Goobaha lagu tuhmayo inay Argagixisadu ku sugan yihiin iyo deegaanada…

Read More

Wafti ka socda Villa Soomaaliya oo uu horkacayo Wasiirka Amniga Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Xundubeey iyo xubno ka socda Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa kulan ku yeeshay dhowaan Magaalada Doxa ee dalka Qatar. Kulanka oo ay garwadeen ka aheyd Dowladda taageerta Argagixisada ee Qatar, ayaa Al-Shabaab iyo Xundubeey oo Wakiil ka ah Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay isku afgarteen labo qodob, kuwaas oo kala ah; 1.Alshabaab in ay ka baxaan Bu’aale. 2.Kooxda Farmaajo in ay siiso Alshabaab 5-Milyan oo dolar. Fulinta qorshahaas waxaa loo balamay Todobaadyada soo socda. Qorshaha Jananan,tagida Fahad ee Gedo iyo heshiiska Alshabaab waa wax…

Read More

Xalay,ayuu uyeeray Sadexdii Maamul ee uu lahaysta uhaystay waxuu ku yri Shirka la wado ha tagina,waxay ugu jawaabeen kama baaqsan karno waxii aan sixi karnana waa isku dayaynaa,waana kugu soo war celinaynaa. Kadib saakay,ayuu ku kalahay Afisyoone isaga iyo Rooblaha aan cidina lahayn, 3 Madaxweyne ayaana kasoo dib u dhacay illaa 4 saacadood. Sadexda Maamul waxaa saamayn ku yeeshay Beesha caalamka oo usheegtay in ay qayb ka noqdaan wax sixida. Saakay qaracan buu taagan yahay hogaamiye kooxeedka soo daahay. Jibril Qoobey.

Read More

Kulan u dhexeeya Madaxweynahaasha 5 Dowlad Gobaleed, ayna ka qeybgalayaan Wakiillada Beesha Caalamka ayaa goor-dhaw ka furmaya Teendhada Afisyooni ee Muqdisho. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa loogu gogol xaarayaa Shirka Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS, kaas oo ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka. “Shirkan wuxuu horu-dhac u yahay Shirka go’aan ka gaarista hirgalinta Doorashooyinka Dalka, waxaana Madaxda 5 Dowlad Gobaleed iyo Beesha Caalamku ku gorfeyn doonaan marxalada Dalka iyo sida ay muhiimka u tahay in Dalka laga badbaadiyo dhibaatooyin ka dhasha marxalada kala-guurka ah, maadama uu dhamaaday muddo-xileedkii Madaxweynaha iyo Hay’adaha…

Read More

Guddiga xuquuqda aadanaha Itoobiya ayaa sheegay in askar Eritrea u dhalatay ay dad rayid ah oo tiradoodu ka badan tahay boqol qof ku laayeen magaalada Aksum ee gobolka Tigray dhammaadkii November. Baaritaanka uu guddiga sameeyay ayaa salka ku hayay warar sheegaya in dhammaadkii November ay magaaladaasi qadiimiga ah ka dhaceen falal noqon kara dembiyo dagaal. Warbixinta guddiga ayaa lagu sheegay in dadka la laayay ay isugu jireen shacabka magaalada iyo dad meel kale uga yimid inay ka qeybgalaan xus diimeedka Aksum Tsion. Qof goob-joog ahaa ayaa guddiga u sheegay in ciidamada Eritrea ay guri ka wateen oday 70 jir ahaa…

Read More

Dowladda Puntland ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, inuu Bannaan-bax ka abaabulay Degmada Dhahar ee xarunta Gobalka Haylaan. Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Depraani oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in Farmaajo uu abaabulay bannaan-bax rabshado wata oo laga dhigay Dhahar, kaas oo ay fashiliyeen Ciidanka Amniga Puntland. Hoos ka Akhriso qoraalka Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland. Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Gamal Hassan waxaad u abaabusheen banaabaxa si aad fowdo uga kicisaan Dhahar, Laakiin sida rabteen ma noqon, cidna kuma dhiman cidna kuma dhaawacmin nabad ayuu ku dhammaaday Ciidamaduna amniga ayeey sugeen. Abaabulada lagu khalkhal…

Read More

Hogaamiye kooxeedka soo daahay Farmaajo waxuu ku amray Shirkadaha waa weyn ee Beesha Hawiye in ay bixiyaan Lacago uu ku sheegay garab istaaga Dowladnimada. Shirkadaha safka hore lagu qiimeeyay sida Hormuud oo kale waxuu dul dhigay hogaamiye kooxeedku lacag dhan 1-Milyan oo dolar. Shirkadaha safka labaad waxuu dul dhigay 500-kun oo dolar. Shirkadaha gacanta sadexaad waxuu dul dhigay 100-kun oo dolar. Amarkan waxuu kusoo aaday xili uu Jaamacada Carabta udiray Wakiilkiisa Arimaha dibada Wiilka ku abtirsada Kacaanka M.Cabdirisaaq si uu ubaadigoobo waxuun dhaqaale ah. Lama yaqaan in Beelaha Hawiye ganacsatadoodu bixin doonaan Ajuuradaas la dul saaray. Hogaamiye kooxeedku waxuu dareemayaa…

Read More

Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa berri kulan gaar ah ku yeelanaya Magaalada Muqdisho. Kulanka oo ay qeyb ka yihiin Wakiillada Beesha Caalamka, ayaa looga hadli doonaa marxalada Dalka, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka Dalka. Qabsoomida Shirka ayaa dhabar-jab ku ah Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS, kaas oo maalmihii ugu dambeeyay xaadirayay Xerada Afisyooni.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, iyo Safiirka Turkiga Mehmet Yelmas, ayaa kulan adag xalay ku yeeshay aalada fogaan araga ZOOM, kaas oo ay isku weydaarsadeen dood adag. “Farmaajo Sxb lama nihin ee waxaan bah wadaag la nahay Somaliya,waxaan rabnaa in aan dhisno Quwad Somaliya iyo Quwad Islaam ah”Ayuu yiri Safiirka Turkiga. “Shacab Quwad dhaqaale iyo mid aqooneed leh in la dhisaa ka muhiimsan Quwad kaligii Talye gacanta loo galiyo oo Dadka lagu caburiyo”Madaxweyne Deni,ayaa sidaa ku yiri Safiirka Turkiga. Kulankii Pl iyo Turkiga ee Zoomka ku qabsoomay waxaa laysku dhaafsaday dood adag oo Safiirkii Turkiga aamusisay kana yaabisay.…

Read More

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa qoraal ay soo saartay waxay walaac ka muujisay is afgarad la’aanta hannaanka doorashada, taasoo ay sheegeen inay curyaamineyso rajada laga qabo horumarka dalka Soomaaliya iyo gaaritaanka nabad iyo barwaaqo. Turkiga ayaa ugu baaqeen dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada inay wadajir isugu yimaadaan ayna xaliyaan muranka u dhaxeeya. Idilnews

Read More

Cutubyo kamid ah Ciidanka Daraawiish-ta Puntland oo dhowaan tababar loogu soo xiray dugsiga Gen. Giriin ee Degmada Badhan ayaa maanta loo daabulay Buuraleyda Calmadow, iyagoo ku biiri doono howlgalada ka dhanka ah Argagixisada ee ka socda Buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag. Ciidanka oo lagu magacaabo Guutada Libside ayaa gaaraya illaa 500 Askari oo si aad ah u hubeysan, waxaana ay Saldhigyo ka sameysanayaan dhulka buuraha, halkaas oo ay ka qaadi doonaan howlgalada lagu baacsanayo kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Idilnews

Read More

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, iyo INL/UNODC, ayaa kala saxiixay Heshiis wada-shaqeyneed, kaas oo la xariira sidii Puntland looga caawin lahaa barnaamijka danbi baarista (CIP). Barnaamijkan ayaa isugu jira gaadiid, qalab xafiiseed iyo tababaro joogta ah. Kulanka lagu saxiixayay heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda. Idilnews

Read More

Wasiirkii hore ee amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan iyo Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa haatan waxaa uu kulan Albaabada u xiran yihiin uga socdaa degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo. Fahad Yaasiin iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayay ayaa maanta gaaray degmada Doolow, iyagoona uga sii gudbay dhinaca Balad-xaawo oo uu tegay Cabdirashiid Janan, sida ay sheegayaan wararka la helayo. Wararka ayaa sheegaya in kulanka u socda Fahad iyo Janan uu dhameystir u yahay heshiis dhexmaray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Janan, waxaana la filayaa in C/rashiid Janan galabta la keeno Magaalada Muqdisho.

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa taageero dhaqaale ka codsaday Xoghayaha Guud ee Ururka Jamaacadda Carabta, Axmed Abu Kheyd oo uu kaga codsaday taageero dhaqaale oo deg deg ee xilligan xasaasiga u ah Soomaaliya, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia, Maxamed C/risaaq Maxamuud Abuukar oo maalmahan booqasho hawleed ku jooga Qaahira waxa uu Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta shalay u gudbiyey farriin salaan ah oo uu uga waday Madaxweyne Farmaajo. Dhambaalkaasi ayaa waxa lagu xusay inay DFS ka mahad-celinayso Tagaeerada ay Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jamaacadda…

Read More

Kenya ayaa 14 maalmood u qabatay ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR si ay ula timaaddo qorshe lagu xirayo xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma, sida lagu shaaciyay qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee wasaaradda arrimaha gudaha. Kenya waxay sidoo kale sheegtay in qorshaha xiritaanka xeryahan aanan wax wadahadal oo kale laga yeelan doonin. Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma ayaa waxaa ku sugan kumanaan qaxooti Soomaali ah, kuwaas oo ka cararay colaadaha Sokeeye ee kajiray Soomaaliya, waxaana la ogeyn qorshaha ay Kenya ka damacsan tahay arrintaan. Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaan…

Read More

Wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan Xalane ayaa xalay yeeshay kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayay xaalada cakiran ee Soomaaliya, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka. Kulanka oo ay ka qeybgaleen Safiirada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Mareykanka, UK, Jarmalka, Sweden iyo Wakiilo kale, ayaa lagu gorfeeyay talaabada lama huraanka ah ee Beesha Caalamku ka qaadayso xaalada Soomaaliya. Safiirada Beesha Caalamka ayaa isku raacay in hoggaamiyayaasha Soomaalidu aysan haatan u bisleyn heshiis ay gaaraan, ayna jiraan calaamado horseedi kara in dalku dib ugu laabto meel adag, iyadoo jirto hub aruursi ka socda qeybo kamid ah Dalka, oo ay ugu horeyso…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu, ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gaaro magaalada Muqdisho, isagoo kulamo la yeelan doona Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday. Wararka ayaa sheegaya in Mevlut Cavusoglu uu qeyb ka qaadan doono xal u raadin Arimaha cakiran ee Doorashooyinka Soomaaliya, wallow ay ka biyo diidan yihiin mucaaradku. Turkiga oo fulinaya danaha Qatar ayaa la rumeysan yahay inuu garab dadban u yahay Farmaajo, ayaa sanad Milateri siiya DFS ee muddo-xileedu dhamaaday, isagoo sidoo kale gacanta u galiyay Ciidammada uu Soomaalida u tababar, kuwaas oo haatan Villa Somalia u adeegsanayso caburinta Siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed. Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, oo wareysi siinayay Warbaahinta Hanoolaato ayaa ka hadley marxalada Dalka, iyo dhacdooyinkii dhacay 4 sanno ee lasoo dhaafay. “Dhibta taagan waxa weeye 2017 hoggaanka dalka waxa uu gacanta u galay dad aan dalka joogin 1988 ilaa 1994 , xatta Golaha wasiirada kudar waxba kama oga wixii la soo maray ,waxaan is leeyahay meesha laynaga haysto waa meesha” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid. Idilnews

Read More

Ku dhawaad 2 saac oo uu hadal qulub ah uu ka jeediyay golaha Baarlamaanka hortiisa wuxuu cadeeyay dhawr arimood oo khatar ku ah isla xukuumada uu hogaamiyo islamarkaana sii xoojin kara culayska diblimaasi ee saaran. In Ciidamada Eritrea ay siwayn uga hawl galayaan gudaha deegaanka tigreega islamarkaana ay ku joogaan rabitaanka xukuumada Eritrea itoobiyana aysan wax fasax ah waydiisan,, wuxuuna yidhi, Eritrea masiin karno damaanad amni marka inay gudaha ka hawlgasho taasaa sabab u ah, wixii xatooyo, dil iyo kufsi ah ee ay gaysteen ciidamada Eritrea waan kala hadalay in baadhitaan lagu sameeyo.Inay jiraan danbiyo dagaal, dil, dhac, kufsi iyo…

Read More

Agaasimaha hay’ada sirdoonka NISA Fahad Yaasiin, Saraakiil ciidan oo ay ku jiraan Generaal Biixi, Saadaq Joon iyo Farxaan Qaaroole ayaa bari ku wahan degmada Doollow ee gobolka Gedo, sida ay Idilnews u sheegeen saraakiil dhanka amaanka ah waxa ayna ka qayb galayaan heshiis ay wada gaareen DF iyo Wasiir Janan. Gaadiidka nuuca aan Xabadu karin ayaa maanta laga dajiyay Doollow waxaana loo diyaariyay saraakiisha ku wajahan gobolka. Maalmo ka hor degmada Doolow waxaa la geeyay boqolaal ka tirsan ciidanka Hay’adda NISA.

Read More

Qorshahoodu waxuu ahaa in 100-dhalinyaro ah laga xado Ardayda Reer Gaalkacyo,balse laamaha amaanka,ayaa ka hor tagay. 30-Wiil,ayay la tageen ka hor intaan la hawlgelin. Qorshahan,ayaa ahaa mid si qarsoodiya Baraxley looga waday. Ninka isku xiray Farmaajo iyo Dhalinyaradan,waxaa lagu magacaabaa Cumar Jaamac Cabdi…Telkiisuna waa 7116443. Waaridiintu ha digtoonaadaan oo hala socdaan Caruurtooda. Jibril Qoobey.

Read More

Midowga Yurub ayaa si adag ula hadlay hogaamiyayaasha Soomaalida, waxayna sheegeen in kuwa curiyaaminaya wadahadalada ama isku dayaya inay adeegsadaan qalalaaso ay la kulmi doonaan cawaaqibka ka dhasha tallaabada ay qaadaan. Waxaa hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed ay ugu baaqeen inay isku tanaasulaan si deg deg ah si xal loogu helo nidaamka doorashada iyo sidii awoodda loogu wareejin lahaa si nabadgelyo ah, iyadoo la dhaqangelinayo heshiiskii 17 Sebtember.

Read More

Maanta oo kale 23 March 2012 ayuu waddanka Imaaraatka ku geeriyooday madaxwaynahii Puntland & Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed AUN. Waa asaasihii Puntland iyo buddhigihii dawladnimada Soomaaliya. Wuxuu ahaa halyey waddani ah oo dalkiisa iyo dadkiisa u soo shaqeeyay. Sanadku markuu ahaa 1934-kii ayuu ku dhashay deegaanka Birta Dheer oo dhaca duleedka caasimadda Puntland ee Garowe, 77 sano jir ayuuna ku geeriyooday.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa kulan kula yeeshay aalada fogaan araga ah ee ZOOM Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz. Kulanka Madaxweyne Deni iyo Danjire Mehmet Yilmaz, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Doorashada. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka qeybgalay Shirka Madasha Babdbaado Qaran oo ka furmay Muqdisho, Madasha oo ay ku mideysanyihiin Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS ee Puntland iyo Jubaland, Midowga Musharixiinta iyo Golaha Siyaasiyiinta Somaliland, ayaa u taagan badbaadinta dalka. Guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran , Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa warbaahinta la wadaagay in kulamada Madashu sii socon doonaan inta dalka laga badaadinayo xaaladda uu marayo.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali, ayaa markii ugu horreysay qirtay in ciidamada Eritrea ay ka soo gudbeen soohdinta, oo ay ka qayb qaateen dagaalka gobolka Tigray. Abiy Ahmed oo la hadlayay Baarlamaanka Itoobiya ayaa sheegay in sababta ay ciidanka Eritrea u soo galeen ay tahay inay ka cabsi qabeen in ciidanka Tigray ay weeraraan Eritrea. Hadalkan Abiy kasoo baxay ayaa yimid kaddib muddo bilooyin ah oo labada dal Ethiopia iyo Eritrea ay beeninayeen in ciidan Eritrean ah ku lug lahaayeen dagaalka. Idilnews

Read More

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Talyaaniga Guerrini Lorenzo, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, isagoo kulan la yeelanaya Madaxda muddo-xileedkoodu dhamaaday ee DFS. Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan cadde kusoo dhaweeyey Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage. Idilnews

Read More

Golaha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Midowga Musharixiinta ayaa Shir uga furmay Hotelka Airport ee Magaalada Muqdisho. Shirka ayaa looga hadlayaa marxalada Dalka, Golaha ayaana lagu wadaa inay kulanka marka uu soo gaba-gaboobo ay kasoo saaraan war. Idilnews

Read More

Safaaradda Mareykanka ayaa ku boorisay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu xaqiijiyo shir ay u dhan yihiin Dowlad Gobaleedyada oo si buuxda looga qeyb galo, si loo dhameystiro heshiiska doorashada. Sidoo kale, Safaaradda Mareykanka ayaa ugu baaqday Madaxda dowlad Goboleedyada in si shuruud la’aan uga qeyb galaan shirka. Idilnews

Read More

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo tiro Gaadiid dagaal oo uu lee yahay ayaa isaga goostay Ciidanka Jubbaland ee ku sugan duleed degmada Baladxaawo ee Gobalka Gedo, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan iyo Ciidankiisu ay saaka kasoo ruqaansadeen saldhiga Ciidanka Jubbaland, kaddib heshiis Hoose oo uu la galay Madaxweyne Farmaajo oo ay isku beel yihiin. Wararka ayaa intaas ku daraya in Janan loo balanqaady $500 oo Kun oo dollar, iyo in laga dhigayo Guddoomiyaha Gobalka Gedo ugu magacaaban Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS. Idilnews

Read More

Maamulka cusub ee madaxweynaha Mareykanka Biden ayaa la filayaa inuu sarkaal hore oo ka tirsanaa qaramada midoobey u magacaabo ergeygiisa geeska Afrika. Jagadan cusub ayaa la sheegay in looga gol leeyahay in lagu xaliyo qalalaasaha ka jira Itoobiya iyo guud ahaan gobolka. Jeffrey Feltman, oo horay u ahaa sarkaal sare oo la taliye u ahaa xogheyaha guud ee qaramada midoobey ayaa jagadan loo bandhigay. Haddii la magacaabo, waxaa lagu wadaa Jeffrey Feltman uu wax ka qabto xasuuqa ka socda gobolka Tigeyga iyo guud ahaan dhibaatooyinka ka socda geeska Afrika.

Read More

Midowga Yurub,ayaa oo xayiraadii ugu horaysay ee dhanka Safarada ah ku soo Rogaya 11-ka mid Masuuliyiinta sar-sare ee Eritrea iyo 4 hay’adood oo isla dalkaas ah. Sidoo kale maalmaha soo socda si lamid ah Midowga Yurub waxuu xariyaad kusoo rogi doonaa 27-ka mid ah masuuliyiibta dalka Ethopia,kuwaasoo Magacyadooda la shaacin doono. Marayaykanka,ayaa asna laga filayaa ilaa beri in ay soo saaraan magacyada saraakiisha iyo shirkadaha reer Eritrea, ee uu xayiraada kusoo rogayo. Waa bilow hiil iyo garab istaag loo muujinayo Maatada Qowmiyada Tigreega ee loo geystay xasuuqa ba’an. Abdinur Abdalla.

Read More

Madaxweynayaasha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, iyo Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, oo kulan shalay la yeeshay Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Mareykanka, ayaa u gudbiyay 3 qodob oo ay ku diideen ka qeybgalka Shirka Afisyooni ay ku yeesheen Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Gobaleedyada taageersan iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir. Sida ay u sheegeen xubno kamid ah Waftiga Labada Madaxweyne Idilnews, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la wadaagay Labada Safiir in Saddex arimood ay ugu muhiimsan yihiin, kuwaas oo kala ah; 1: In aysan ku imaan Muqdisho casuumaad uga timid Farmaajo oo ay soo ajiibeen…

Read More

Hay’adda NISA ayaa Magaalada Gaalkacyo ka wada qorista dhalinyaro loo tababarayo fulinta dilalka qorsheysan, kuwaas oo loo qaadi doono Dalka Eritrea, sida ay ogaatay Idilnews. Dhalinyarada oo loo qorayo si qarsoodi ah ayaa ka kooban 100 dhalinyaro ah, waxaana 75 kamid ah laga qorayaa Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland, halka 25 kamid ah laga qorayo Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug. Qorista Dhalinyaradan oo loo sheegay inay kamid noqonayaan Ciidanka GORGOR ayna tababar u aadayaan dalka Turkiga, ayaa waxaa Fahad Yaasiin uga Wakiil ah Nin lagu magacaabo Cumar Jaamac Cabdi, kaas oo degan Koonfurta magaalada Gaalkacyo. Qaar kamid ah Waalidiinta dhalinyarada la qoray,…

Read More

Midowga Yurub ayaa cunaqabateyn saaray 11 Sarkaal oo lala xiriirinayo iney ka danbeeyeen afgambigii ka dhacay dalka Myanmar bishii Febraayo ee lasoo dhaafay. Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in tillaabo adag laga qaadi doono saraakiishii sameysay afgenbigii Myanmar sidoo kalena caburin ku sameeyay mudaaharadayaasha kasoo horjeeda xukunka ciidamada dalkaas. Midowga Yurub ayaa sheegay bilowgii bishaan Maarso inay qorsheynayaan in cunaqabateyn la saarayo hoggaamiyaasha ciidmada ee ka qeyb qaatay afgenbiga Myanmar. Ciidamada Myanmar ayaa afgembiyay dowladdii rayidka bilaawgii February ee sanadkaan, waxeyna ku dhawaaqeen hal sano oo xaalad deg deg ah, iyagoo ku eedeeyay xukuumaddii…

Read More

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa caawa wada hadal uga socdo Hotelka Chelsea Village ee ku yaalla xeyndaabka garoonka. Wada hadalkan iyo isu keenida labada Madaxweyne ayaa waxaa ka soo shaqeeyay xildhibaano ka tirsan labada Gole oo ka soo kala jeeda labada Maamul. Labada Madaxweyne Dowlad Goboleed ayaa waxaa muddooyinkan soo kala dhex galay khilaaf siyaasadeed, kaddib hadal jeedintii bishii hore ee Madaxweyne Saciid Deni oo uu ka carooday Madaxweyne Qoorqoor. Idilnews

Read More

Maanta oo Talaado ah Taariikhdana Ay tahay 23,3,2021 waxaa magaalada muqdisho imaanaaya Ciidamo Tababar ugu maqnaa Dalka Eritrea oo 32 Sano aan ka dhicin wax Doorasho Ah , Ciidamadaan oo Tiradooda tahay Shan kun iyo shan Boqol ayaa laga Soo hor mariyey Hubkooda , Hubka Ciidamadaan lasiin doono waxaa magaalada muqdisho lageeyey 26,1,2021 Hubkaasi oo ahaa 7 kunteenar waxaana magaalada muqdisho keeney markab laga leeyahay dalka jabuuti oo Hubka kasoo Qaadey magaalada Istanbul ee Dalka turkiga. By I N l

Read More

Qaramada Midoobey oo ka hadashay shirkii maanta ee madaxda qaar ayaa ku baaqday in hoggaamiyayaasha Soomaalidu yeeshaan kulamo aan toos ahayn si bay dheheen laysugu yimaaddo shir loo dhan yahay oo lagu hirgalinayo heshiiskii 17-September. Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka QM. “Qaramada Midoobay waxay ka war haysaa kulanka maanta ee horudhaca u ahaa Shirka la qorsheeyay inuu Muqdisho ku qabsoomo oo qayb ahaan ay goob jog u ahaayeen Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka” “Qaramada Midoobay ku baaqaysaa kulamo aan rasmi ahayn oo dheeraad ah, si loo xajiijiyo kasoo qaybgakii loo baahnaa oo ah mid dhamaystiran, si is afagarad looga gaaro…

Read More

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Cismaan Abuukar Dubbe, oo Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inuu maanta ka furmay Teendhada Afisyooni shir u dhexeeya DFS iyo Dowlad Gobaleedyada, kaas oo horu-dhac u ah Shirka go’aan ka gaarista Arrimaha Doorashooyinka. Wasiir Dubbe ayaa sheegay in Shirka oo aysan kasoo qeybgalin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, uu ahaa is laab xaarasho iyo Is-xogwareysi dhexmaray Madaxda ka qeybgashay. “Shirka maanta oo bilowday 9 subaxnimo, wuxuu ahaa islaab xaarasho iyo xogwareysi ay yeesheen Madaxda ka qeybgashay, waxaana ka maqnaa Madaxda Puntland iyo Jubbaland” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Read More

Madaxweynihii hore ee Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa ka hadlay xaalada Dalka, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka, doorkiisii ku aadan ka qeybgalkii Shirarkii Doorasho ee ka dhacay Garoowe, Baydhabo, Dhuusamareeb, iyo Muqdisho. Waare ayaa sheegay in intii uu joogay Xafiiska Madaxweynaha Hirshabelle uu cadaadis iyo culeys fara badan kala kulmay Villa Somalia, oo u geysatay afduub uuna waayay cid ka fujisa.

Read More

Hotelka Airport oo ku yaalla xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ka soconaya kulan u dhexeeya Madasha Badbaado Qaran ee dhowaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ah Guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran ahna Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS, Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Madaxweynayaashii hore ee Dalka iyo qaar kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha. Kulanka ayaa looga hadlayaa Shirka ka furmaya Teendhada Afisyooni iyo sidii loo xoojin lahaa go’aanka Madasha, maadama Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay qaadaceen Shirkan. Idilnews

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka 1-Aad ee dowlad gobaleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa aqalka madaxtooyada ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayo ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo ay weheliyaan xubno ka socdo Hay,adaha UNHCR, WHO, UN OCHA iyo kuwo kale oo caalami ah. Kulankaan ayaa looga hadlayaa Soo laba kaclaynta Caabuqa Covid-19 iyo wax ka qabashada Abaaraha ka jira deegaanada Jubbaland iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Read More

Kulan u dhexeeya Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS, Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Safiirada Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa goor-dhaw ka bilaabanaya Safaaradda Mareykanka ee Xalane. Kulanka ayaa looga hadlayaa sidii loo dhameyn lahaa caqabadaha hortaagan qabsoomida Shirka Madaxda Soomaalida ee Teendhada Afisyooni, oo ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka. Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa amray saaka in la hakiyay Shirka Afisyooni, illaa laga dhameynayo caqabadaha jira, xalna loo helayo dooda Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa cafis Madaxweyne u fidiyay Wariye Kilwe Aadan oo muddo bilo ah ku jiray xabsiga Garoowe, kaddib markii lagu helay dambiyo ay kusoo ogeen Xeer ilaalinta Puntland. Hoos ka Akhriso wareegtada cafiska Madaxweynaha. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.13 Maarso 22, 2021, kuna saabsan fidin Cafis Gaar ah. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadiisa 11aad Markuu arkay: Qodobka 149-aad. ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed Wuxuu xeeriyey: Waxaa cafis Madaxweyne oo gaar ah loo fidiyey Xukumane Kilwe Aadan Faarax Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa…

Read More

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland H.E Said Abdullahi Deni iyo H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa kulan la leh Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, kass oo looga hadlayo caqabadaha hor-taga inuu furmo Shirka Hoggaamiyayaasha Soomaalida ee go’aan ka gaarista Arrimaha Doorashooyinka Dalka, ayna garwadeenka ka tahay Beesha Caalamka. Sidoo kale, Safiirada Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa ku wargaliyay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo xubnaha taageersan in la hakiyay Shirka ka furmi lahaa Teendhada Afisyooni oo ay ku sugan yihiin, inta laga xalinayo tabashada Madaxda Puntland iyo Jubbaland. Idilnews

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa ku sugan Teendhada Afisyooni ee Muqdisho, iyagoona kulan gaar ah ku leh. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaa iyagu ka baaqsaday Shir la filayay inuu ka furmo Teendhada Afisyooni.

Read More

Mohamed Abdullahi Farmaajo, Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS ayaa xalay kulan kula yeeshay Villa Somalia Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle. Kulanka oo ahaa mid looga hadlayay sidii aysan saddexdan Maamul uga sii mid ahaan lahaayeen, garabka Farmaajo ayaa waxaa goobjoog ahaa Ra’iisul Wasaare Rooble, Taliyaha NISA Fahad Yaasiin iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Finish. Xubno ku dhow Madaxtooyadda ayaa sheegaya in intii kulanku uu socday ay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin walaac ka muujiyeen mowjadaha ay dul sabeynayso Rajadadii ay ka qabeen in doorasho ay hubaan inay kusoo laaban karro Madaxweyne Farmaajo wadanku aado, iyagoo sabab uga dhigay is jiidjiidka…

Read More

Dad aad u tiro badan oo Tanzanian ah ayaa iyaga oo murugaysan dhugashadii ugu dambaysay ee sagootinta ahayd la dul tagay maydka madaxweyne John Magufuli oo Arbacadii dhintay. Waxay iyaga oo safaf dhaadheer ku jira garab marayeen naxashka oo la dhigay Istaadyoonka Uhuru ee magaalada Dar es Salaam, hase yeeshee dadku ma kala fogaanayaan dad tiro yar oo ka mid ah shacabka yo ciidanka nabadgelyada ayaana xidhan af-saab arintaas oo ahhalis cudurka Covid-19 ku fidi karo. Magufuli ayaa su’aal geliyey halista cudurkani leeyahay, xukuumadiisuna wax xog ah oo ku saabsan tirada dadka uu ku dhacay ee dalka umay gudbinayn hay’ada…

Read More

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in aysan Puntland qayb ka ahayn Ajandaha shirka berri oo warbaahinta qaar ay shaaciyeen caawa. Wasiir Dhabancad oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa xusay in loo baahan yahay in Ajandaha Shirka laga wada tashado, si looga baaqsado fashil ku yimaada Shirka.

Read More

Ciidammo ka socda howlgalka Mareykanka ee Qaarada Africa (AFRICOM), ayaa caawa soo gaaray Garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyagoo saldhig ka sameystay agagaarka Xerada Xalane oo xarun u ah Dublamaasiyiinta Beesha Caalamka. Imaanshaha Ciidanka ayaa kusoo aadaysa xilli ay soo baxayeen maalmihii lasoo dhaafay digniin ku aadan in weeraro Argagixiso laga fulinayo Xayndaabka garoonka diyaaradaha Muqdisho, sidoo kalena DFS ay dhaqdhaqaaq Ciidan ka wado nawaaxiga garoonka. Idilnews

Read More