Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Axmed Madoobe oo dib ugu laabanaya Kismaayo
    Somalia

    Axmed Madoobe oo dib ugu laabanaya Kismaayo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 21, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), oo ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa lagu wadaa inuu maanta dib ugu laabto Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland,  kaddib markii ay soo gaba-gaboobeen shirar maalmihii ugu dambeeyay u socday Puntland iyo Jubbaland.

    Shirarkan oo ay garwadeen ka ahaayeen Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana looga hadlayay Iskaashiga dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, Siyaasadd iyo xaalada Guud ee Soomaaliya,  waxaana War-murtiyeed kasoo baxay Isniintii digniin adag loogu diray Dowladda Federaalka, iyadoona sidoo kale dhinacyadu ay qaadaceen Sharciyada Batroolka iyo Saxaafadda oo ay ansixiyeen Golayaasha DFS.

    Sidoo kale, Puntland iyo Jubbaland ayaa ka hor-yimid qorshaha Madaxda Dowladda Federaalka ku doonayaan inay ku qabtaan Doorasho qof iyo cod ah, waxaana ay si cad u sheegeen in aysan dalka ka dhici karin, maadama amniga Dalku faraha ka baxay, sidoo kalena aan la diyaarin jawi doorasho.

    Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Axmed Madoobe uu qaban doono shir jaraa’id marka uu ka dago Magaalada Kismaayo, isagoona ka hadli doona shirarka Boosaaso uu kula yeeshay Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo waxa kasoo baxay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.