Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Axmed Madoobe: Waxaan shaqaaleysiinaynaa dhalinyarada wax baratay si aysan ugu biirin Argagixisada (VIDEO+Sawirro)
    Somalia

    Axmed Madoobe: Waxaan shaqaaleysiinaynaa dhalinyarada wax baratay si aysan ugu biirin Argagixisada (VIDEO+Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 11, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qaybagalay munaasabada qalin jabinta dufcada tobnaad ee jaamacada Kismaayo iyadoo ay maanta ahayd qalin jabinta arday dadaalkooda waxbarasho soo waday sanadahii lasoo dhaafay.

    Tirada Ardaydan oo ahayd 97 waxaa xusid mudan in 37 kamid ah ay ahayeen Gabdho waxaana ay tani cadayn u tahay sida gabdhaha Soomaaliyeed ay uga muuqdaan doorka ay ku leeyahiin Waxbarashada iyo tacliinta dalka sida uu Madaxweynahu sheegay.

    Waxaa kale oo Madaxweynahu uu xusay in Jaamacada Kismaayo ay door muuqda ku leedahay kobaca Dowladnimo ee Jubbaland isagoo sheegay in wakhtigii la dhisayay Jubbaland ay noqotay Xarunta Jaamacada halkii Ergada iyo dadkii howsha waday ay ku shaqayanayeen oo lagu sameeyay Dastuurka iyo Calanka iyadoo markii danbana halkaas lagu doortay Madaxweynaha waxaa uu sheegay in abaal weyn ay Dowlada ku leeyahiin mark aka si kale loo dhigana ay qaateen doorkii ay lahayeen.

    Madaxweynahu waxaa uu sheegay in gudiga shaqada iyo shaqaalaha Jubbaland uu faray in xooga la saaro sidii loo shaqalaysiin lahaa ardayda wax ku bartay gudaha Jubbaland si aanay shaqo la’aantu ugu hogaamin falal noloshooda halis galinaya sida tahriibka iyo Argagixisanimada waxaa uu intaas ku daray in cabashooyinka la xiriira shaqaalaysiinta uu kala hadlay masuuliyiinta gudiga shaqada iyo shaqaalah isla markana ay hada ardayda kasoo baxday jaamacadaha gudaha ka shaqeeyaan qaybo badan oo Jubbaland kamid ah iyagoo hogaaminaya hay’adaha kala duwan ee Dowlada.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in dhibaatada nabadgalyada ee dalka ka jirta lagaga bixi karo in dhalinyaradu ay waxbarashada xooga saran sidoo kalana markii ay wax bartaan ay shaqooyin helaan taasna ay ka fogaynayso wax walba oo dhibaato ah.

    Waxaa uu Madaxweynahu Masuuliyiinta Jaamacada usoo jeediyay in ay waxyaabaha ahmiyada u leh Bulshada xooga saaran gaar ahaan Farsamada gacanta oo hada si aad ah dadweynahu ay uga baahan yihiin.

    Gaba gabadii Madaxweynaha ayaa shaahaadooyinkii ay lahayeen gudoonsiiyay Ardayda maanta ka jalin jabisay Jaamacada Kismaayo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.