Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Axmed Madoobe: Waxaan shaqaaleysiinaynaa dhalinyarada wax baratay si aysan ugu biirin Argagixisada (VIDEO+Sawirro)
    Somalia

    Axmed Madoobe: Waxaan shaqaaleysiinaynaa dhalinyarada wax baratay si aysan ugu biirin Argagixisada (VIDEO+Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 11, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qaybagalay munaasabada qalin jabinta dufcada tobnaad ee jaamacada Kismaayo iyadoo ay maanta ahayd qalin jabinta arday dadaalkooda waxbarasho soo waday sanadahii lasoo dhaafay.

    Tirada Ardaydan oo ahayd 97 waxaa xusid mudan in 37 kamid ah ay ahayeen Gabdho waxaana ay tani cadayn u tahay sida gabdhaha Soomaaliyeed ay uga muuqdaan doorka ay ku leeyahiin Waxbarashada iyo tacliinta dalka sida uu Madaxweynahu sheegay.

    Waxaa kale oo Madaxweynahu uu xusay in Jaamacada Kismaayo ay door muuqda ku leedahay kobaca Dowladnimo ee Jubbaland isagoo sheegay in wakhtigii la dhisayay Jubbaland ay noqotay Xarunta Jaamacada halkii Ergada iyo dadkii howsha waday ay ku shaqayanayeen oo lagu sameeyay Dastuurka iyo Calanka iyadoo markii danbana halkaas lagu doortay Madaxweynaha waxaa uu sheegay in abaal weyn ay Dowlada ku leeyahiin mark aka si kale loo dhigana ay qaateen doorkii ay lahayeen.

    Madaxweynahu waxaa uu sheegay in gudiga shaqada iyo shaqaalaha Jubbaland uu faray in xooga la saaro sidii loo shaqalaysiin lahaa ardayda wax ku bartay gudaha Jubbaland si aanay shaqo la’aantu ugu hogaamin falal noloshooda halis galinaya sida tahriibka iyo Argagixisanimada waxaa uu intaas ku daray in cabashooyinka la xiriira shaqaalaysiinta uu kala hadlay masuuliyiinta gudiga shaqada iyo shaqaalah isla markana ay hada ardayda kasoo baxday jaamacadaha gudaha ka shaqeeyaan qaybo badan oo Jubbaland kamid ah iyagoo hogaaminaya hay’adaha kala duwan ee Dowlada.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in dhibaatada nabadgalyada ee dalka ka jirta lagaga bixi karo in dhalinyaradu ay waxbarashada xooga saran sidoo kalana markii ay wax bartaan ay shaqooyin helaan taasna ay ka fogaynayso wax walba oo dhibaato ah.

    Waxaa uu Madaxweynahu Masuuliyiinta Jaamacada usoo jeediyay in ay waxyaabaha ahmiyada u leh Bulshada xooga saaran gaar ahaan Farsamada gacanta oo hada si aad ah dadweynahu ay uga baahan yihiin.

    Gaba gabadii Madaxweynaha ayaa shaahaadooyinkii ay lahayeen gudoonsiiyay Ardayda maanta ka jalin jabisay Jaamacada Kismaayo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.