Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Baarlamaanka Carabta oo dalbaday in Cunaqabateynta Hubka laga qaado Soomaaliya.
    Somalia

    Baarlamaanka Carabta oo dalbaday in Cunaqabateynta Hubka laga qaado Soomaaliya.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 31, 2019Updated:October 31, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Magaalada Qaahira ee Xarunta dalka Masar ayaa waxaa ka furmay shirka Baarlamaanada Carabta,kaas oo looga hadlay Arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladaha dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Soomaaliya iyo wadamada Carbeed qaarkood.

    Shirka Baarlamaanka oo ay ku mideysan yihiin 22-ka dowladood ee Carabta ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya Xubno ka socda baarlamaanka Soomaaliya,kuwaas oo Baarlamaanka Carbeed hor-dhigay xaaladaha ka aloosan dalka Soomaaliya.

    Qodobada ugu muhiimsan ee shirkaasi looga hadlay ayaa waxaa kamid ah cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, faragelinta ay dowladaha Shisheeye ku haayaan iyo doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka sanadka 2021.

    Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka oo shirkaasi ka qeyb-galaya ayaa sheegay in Xubnaha Baarlamaanka Carbeed ay amaaneyn dadaalka ay dowladda ugu jirto la-dagaalanka Al-Shabaab,guulaha ay kasoo hoysay arrimaha dhaqaalaha,la-dagaalanka musuq maasuqa iyo sare u qaaadida mashaariicda lagu hormarinayo Caafimaadka iyo Waxbarashada.

    Sidoo kale waxaa uu sheegay in siweyn looga hadlay faragelinta dowladaha Shisheeye ay Soomaaliya kala kulmeyso,sidoo kalena Baarlamaanka Carbeed ay QM ka codsadeen in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee saaran si ay tayeynta Ciidamadeeda kor ugu qaado si ay u hesho ciidan ku filan ilaalinta Badeeda, Barigeeda iyo hawadeeda.

    Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Baarlamaanka Carbeed uu ugu baaqay Madaxda Dowladda federaalka iyo xoogaga siyaasada in doorashada xiligii loogu talo galay ay ku dhacdo, iyada oo la ilaalinayo Cadaaladda.

    Ugu dambeyn Kulanka ay yeesheen Baarlamaanka Carabta ayaa waxa ay uga hadleen xiisada ka dhex-aloosan qaar kamid ah dalalka Carbeed,sida Suuriya iyo Ciraaq taas oo siweyn ay ugu kala qeyb-sameen Baarlamaanka Carbeed.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.