Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Baarlamaanka Ciraaq oo dalbaday in Ciidanka Ajnabiga ah ay ka baxaan Dalkooda.
    Somalia

    Baarlamaanka Ciraaq oo dalbaday in Ciidanka Ajnabiga ah ay ka baxaan Dalkooda.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 5, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa ansixiyey qaraar ku baaqaya in ciidamada ajnabiga ah ay ka baxaan Ciraaq, xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda ka dhalatay dilkii uu Mareykanku todobaadkii hore gudaha Ciraaq ugu geystay taliyihii ciidanka Qudus ee Ilaalada Kacaanka Iran Jeneraal Qaasim Suleymaani.

    Mudanayaasha Baarlamaanka Ciraaq ayaa sidoo kale isku raacay in barriga, badda iyo hawada Ciraaq laga mamnuuco dhammaan xoogagga ajnabiga ah.

    Qaraarkan baarlamaanka ayaa ugu baaqay xukuumadda Ra’isulwasaare Caadil Cabdul-Mahdi iney xaqiijiso soo gaba gabeynta joogista dhamaan ciidamada ajnabiga ah ee ku sugan Ciraq.

    “Baarlamaanku waxa uu u codeeyey in ay xukuumaddu Ciraaq ay ballan qaaddo iney ka laabato codsigeedii ay ku dalbatay in ciidamada isbahaysiga caalamiga ah ay ka caawiyaan la dagaalanka Daacish,” ayuu yiri Afhayeenka Baarlamaanka Ciraaq Maxammed Xalbusi.

    Mareykanka ayaa waxaa Ciraaq ka jooga ciidamo gaaraya 5,200 oo askari. Lama oga xilliga ay ka bixi doonaan Ciraaq.

    Mareykanka ayaa Jimcadii la soo dhaafay dilay Jeneraal Qaasim Suleymaani oo ahaa maskaxdii ka danbeysay in Iran ay saameyn ballaaran ku yeelato dalalka Ciraaq, Suuriya iyo Lubnaan.

    Iran ayaa sheegtay in ay ka aargudan doonto Mareykanka dilkaasi ay u gaysteen Suleymaani oo lagu sheego inuu ahaa qofka labaad ee ugu saameyn badnaa Iran.

    Laakin madaxweyne Trump ayaa ka digay aargudashada dilka Suleymani, isaga oo wacad ku maray in Mareykanku uu beegsan doono 52 bartilmaameed oo Iran ku yaalla, haddii ay Iran ay far u qaaddo danaha Mareykanka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.