Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Baarlamaanka Puntland Oo ansixiyay Xeerar muhiim ah
    Somalia

    Baarlamaanka Puntland Oo ansixiyay Xeerar muhiim ah

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 8, 2019Updated:December 8, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaan maanta shir Guddoomiyey Fadhiga 21-aad ee Kalfadhiga 45-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

    Hindise xeereedka Forensic Science ka oo ka kooban 28 qodob ayaa golahu waxay Maalinimadii khamiista ahayd qodob qodob uga doodeen uguna codeeyeen 16 qodob oo ka mid ah, halka maanta ay Golahu ka doodeen uguna codeeyeen 12 qodob, sida uu dhigayo Qodobka 70-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland oo ah in xeerkasta qodob qodob looga doodo looguna codeeyo.

    Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 36 mudane ayaa Golahu waxaa uu si guud ugu codeeyey Hindise xeereedka Forensic Science ka, waxaa ogolaaday 33 mudane halka 3 mudane ay ka aamuseen cid diidayna ma aysan jirin, sidaas ayuuna xeerkaasi ansax ku noqday.

    Ugu dambeyn waxaa golaha loo qaybiyey qabyo qoraalka qorshaha istiraatiijiga ah ee 2019-2024 ee Golaha Wakiilladu ku shaqayn doonaan, Golaha ayaana soo akhrinaya, waxaana dib la isugu soo laabanayaa maalinimada birrito ah.

    ALLOW DHAWR PUNTLAND🙏

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.