Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Baarlamaanka Ruushka oo ka doodaya ansixinta Ra’iisulwasaaraha cusub
    Somalia

    Baarlamaanka Ruushka oo ka doodaya ansixinta Ra’iisulwasaaraha cusub

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 16, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Baarlamaanka Ruushka ayaa maanta bilaabaya in u ka doodo ansixinta musharaxa uu madaxwaynaha dalkaas, Vladimir Putin, u magacaabay xilka raysul wasaare ee dalkaas.

    Putin ayaa madixii hore ee waaxda canshuuraha federaalka Ruushka Mikhail Mishustin xilkan u magacaabay kadib is casilaadii lama filaanka ahayd ee uu maalinnimadii Arbacada ahayd soo gudbiyay raysul wasaarihii hore ee dalkaas Dmitry Medvedev iyo golihiisa wasiirrada kadib markii uu Putin ku dhawaaqay qorshe balaadhan oo uu doonayo in uu isbadallo balaadhan ku sameeyo dastuurka dalkaas.

    Putin ayaa sheegay in uu qorshaynaya in uu dastuurka dalkan ku sameeyo is badalkii u waynaa ee lagu sameeyo tan iyo sanadii 1993 kaas oo uu sheegay in loo qaadi doono afti dad wayne si loo ansixiyo.

    Badalakn ayaa hadii la ansixiyo xoojin doona nidaamka baarlamaaniga ah ee dalkan iyada oo uu dawrka madaxwaynaha sidiisa u awood badnaan doono wuxuuna awooda soo xulida raysul wasaaraha siin doonaa xildhibaanada baarlamaanka dalkaas.

    Qorshahan uu Putin soo jeediyay ayaa dhaliyay dood ku aadan dawrka uu Putin doonayo in uu ka qaato siyaasadda dalkan marka la gaadho sanada 2024ka marka ay soo idlaato mudada uu xikaas haynaya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.