Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Badbaadada Somaliya,waa Xasan oo iscasila oo utanaasula Dalka iyo Dadka.
    Somalia

    Badbaadada Somaliya,waa Xasan oo iscasila oo utanaasula Dalka iyo Dadka.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 13, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaanadan,waxay guteen waajjbkii ka saarnaa badbaadinta Somaliya.

    Soo jeedinta ah ( Madaxweynaha DFS ha iscasilo),waa aragtida ugu haboon xiligan ee wax lagu badbaadin karo.

    Dhan walba oo laga eego Somaliya,waa sii dumaysaa…

    1.Midnimadii Siyaasadeed ee Wadanka oo awalba jilicsanayd,waa burburtay.

    2.Canshuur iyo Miisaaniyad horay looguma midaysnayn haatana rajadii ahayd in lagu Midoobo,waa dhimatay.

    3.Amnigii oo aan awalba lagu midaysnayn,ayaa sii baaba’ay,waxaana lumay awoodii yarayd ee Ciidamada sheegta Milleteriga DFS iyo Maleeshiyaadkii Beelaha ee iska caabin jiray argagixisada.

    4.Hay’adihii Maamulka ee Sharcidajinta,Garsoorka iyo Fulinta,waxay noqdeen Magac uyaal,waxayna lumiyeen doorkii awalba liitay ee ay lahaayeen.

    5.Si guud rajadii ahayd in Qaran Somaliyed dib loo helo,waa sii libdhaysaa,waxaana niyad Jab ku dhacay Shacab markii hore si weyn u aaminsanaa Midnimada.

    Markii la qiimeeyo AS soo xoogaysanaya oo badalay dhaqamadoodii,jarida Maraykanka ee Dhaqaalihii taageerida iyo kala taga fogaaday ee Somalida soo wajahay,waxaa lama huraan ah in Xasan ka baxo Xaafiiska.

    Badbaadada Somaliya,waa Xasan oo iscasila oo utanaasula Dalka iyo Dadka.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.