Kumanaan shacabka muslimiinta reer Falastiin ayaa bilaabay bannaan baxyo looga soo horjeedo goโaanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israel.
Jidadka magaalada Qudus waxaa lagu arkayaa dadweyne aad u farabadan kuwaasi oo ku qeylinayo ereyo ka dhan ah siyaasadda Mareykanka,sidoo kale dadkani waxaa ay dabqabadsiiyeen sawirka madaxweyne Donald Trump taasi oo muujinaysa sida ay uga soo horjeedaan in Uhuudda loo gacan geliyo magaalada Barakaysan ee Qudus.
Gabi ahaanba waxaa Albaabada u laaban goobaha ganacsi,I skuulada iyo xafiisyada shaqo, si dadku ay uga dhiidhiyaan qadiyadda magaalada Qudus,dibadbaxayaasha, ayaa wadooyinka ku gubay taayeero, sidoo kalena waxay dab qabadsiiyeen calamada Mareykanka, Israel iyo weliba sawirada Madaxweynaha Mareykanka iyo Raโiisal Wasaaraha Uhuudda,taasi oo ku dareensiinaysa heerkja ay taagan yihiin shacabka reer Falastiin.
Caalamka islaamka ayaa waxaa siweyn looga dareemayaa caro xoogan oo ka dhalatay goโaanka madaxweyne Donald Trump,uu Qudus ugu gacan gelinayo Uhuudda,waxaana la filayaa in banana baxyo ballaaran ay ka dhacaan wadamada Muslimiinta.