Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Bangiga adduunka oo uga digay DF Soomaaliya fara-gelinta Mashruuca SUPR 2
    Somalia

    Bangiga adduunka oo uga digay DF Soomaaliya fara-gelinta Mashruuca SUPR 2

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 19, 2020Updated:January 19, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Bangiga adduunka ayaa waraaq digniin ah u soo diray Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas Og. laga siiyay Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha, waxaana uu Bangigu sheegay in laga doonayo Wasaaradda Maaliyadda Dowladda  Federaalka in sida heshiisku ahaa loo fuliyo Mashruuca SUPR 2, oo ah mid loogu talagalay Hormarinta Kaabayaasha dhaqaalaha ee Magaalooyinka istiraatiijiga ah ee Muqdisho, Garoowe, Kismaayo iyo Baydhabo.

    Qoraalka Bangiga, ayaa lagu xusay in dhaqaalaha gaaraya $112 Milyan ee dollar oo uu bangigu ansixiyay (9-12-2019), uu yahay wajiga labaad ee Mashruuca SUPR, laguna xoojinayo awooda Dowladaha Hoose ee magaalooyinkaas, balse uusan aheyn mid Siyaasadeed.

    Sidoo kale, Bangiga adduunka ayaan weli kasoo jawaabin waraaq codsi ah oo uu xalay u diray Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

    Digniinta Bangiga adduunka ayaa kusoo aadaysa xilli uu sabtidii Ra’iisulwasaaraha XFS Xasan Cali Khayre uu hakiyay Mashruucan SUPR 2, saacad kaddib markii la saxiixay, waxaana uu Kheyre sheegay in Mashruucan dib u eegis lagu sameyn doono, lagana qeyb-galin doono magaalooyinka aan ku jirin (Jowhar & Dhuusamareeb), kuwaas oo Bangigu uu sheegay in wajigoodii kowaad uu bilaaban doono.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.