Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Bangiga Adduunka waxa uu ku dhawaaqay Barnaamij cusub oo Somaliya ah
    Somalia

    Bangiga Adduunka waxa uu ku dhawaaqay Barnaamij cusub oo Somaliya ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 8, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Bangiga Adduunka waxa uu ku dhawaaqay Barnaamij cusub oo Shan sano ah oo lagu magacaabo “Country Partnership Framework (CPF)” oo loogu talagalay Soomaaliya.

    – CPF waxaa loogu talagalay in ay Soomaaliya ka caawiso dhismaha dowlad deggan, muuqata,sharci ah oo awood u leh bixinta adeegyada aasaasiga ah, kobcinta ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee loo dhan yahay, iyo dhismaha adkeysiga dowladda.

    – Barnaamijka CPF waxa uu daba socdaa horumarka Soomaaliya ay ka samaysay markii ay gaartay Heerka Dhammaystirka Barnaamijka Waddamada Saboolka ah ee Deynta Culus lagu leeyahay (HIPCs) bishii Diseembar 2023.

    – CPF waxaa loogu talagalay in lagu yareeyo faqriga iyo in sidoo kale lagu hagaajiyo nolosha dadka Soomaaliyeed iyada oo la adeegsanayo istaraatiijiyad wadajir ah oo dhex marta Bangiga Adduunka iyo Dowladda Soomaaliya.

    – CPF Waxaa la dejiyay iyadoo lala tashanayo daneeyayaasha kala duwan ee Soomaaliya waxa ayna waafaqsan tahay ujeedooyinka Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9-aad (National Depevelopment Plan – 9) ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    – Barnaamijka CPF waxa uu taageerayaa aragtida mustaqbalka Soomaaliya ee 2060, waxaana saldhig u ah falanqaynta muhiimka ah ee dalka laga sameeyay.

    – CPF waxa uu bixin doonaa taageero maaliyadeed iyo farsamo si loo taageero ajendaha horumarineed ee Soomaaliya.

    – Barnaamijka CPF waxa uu ku qotomtaa aragtida Bangiga Adduunka ee abuuritaanka dunni ka madhan saboolnimo oo lagu noolaan karo, iyadoo xoojinaysa adkeysiga dhaqaalaha Soomaaliyeed, dadkiisa, iyo deegaankaba.

    – CPF waxay xoogga saaraysaa adkeysiga dhaqaalaha, bulshada, iyo deegaanka, iyadoo ka jawaabeysa caqabadaha caalamiga ah sida isbeddelka cimilada, helitaanka tamarta nadiifka ah, dijitalaynta, iyo ilaalinta kala duwanaanshaha noolaha.

    – IFC (Internatioanl Financial Copration) waxa ay taageeri doontaa dib-u-habaynta iyo sidoo kale waxa ay soo jeedin doontaa talooyinka maalgelinta Dalka.

    – MIGA (Multilateral Investment Guarantee Agency) waxa ay raadin doontaa in ay siyaasidiso oo ay ballaariso maalgashiyada tamarta cagaaran kadib maalgashigeedii ugu horreeyay ee sanadkii 2023.

    – Inkastoo Soomaaliya ay tahay meel halis badan dhanka maal gashiga, balse Bangiga Adduunka waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray isu keenidda iyo la shaqaynta la-hawlgalayaasha horumarinta (Development Parners).

    – Portfolio-ga Soomaaliya ee Bangiga Adduunka haatan waa $2.3 bilyan oo ka kooban 22 mashruuc.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.