Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Bangiga Dhexe Ee Soomaaliya badbaado mudan yahay?
    Somalia

    Bangiga Dhexe Ee Soomaaliya badbaado mudan yahay?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 12, 2019Updated:January 12, 2019No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxyaabaha uu ku caanbaxay Madaxweyne Md. Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxaa ka mid ah halku dhigga qiimaha badan ee ah “Soomaaliya Soomaali baa leh” oo macnaheedu yahay maamulka, difaacidda, iyo kheyraadka dalka waxaa iska leh, una madaxbanaan go’aankooda, xilna uu ka saaran yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed.

    Sidey marka ku dhacday in RW Md. Xasan Cali Kheyre uu ku adkaysto in nin u dhashay dalka UK (ama bilcaan Masriyad ah) loo dhiibo hoggaanka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya? Waxaa foolxumo ah in 60 wasiir iyo wasiir ku xigeeno Soomaaliyeed ay madaxa u raariciyeen RW Kheyre oo ka ogolaadeen in la badelo Sharciga Bangiga Dhexe Lambar 130 ee 2011 (waxna laga badelay 4/4/2012), Qodobkiisa 12aad, Farqaddiisa 1aad, Xarafka (a) ee dhigaya in Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku Xigeenka, iyo 5ta xubnood oo kale ee Golaha Agaasimayaasha (Board of Directors) ay ahaadaan muwaadiniin Soomaaliyeed.

    RW Kheyre ayaa olole weyn ugu jira in uu nin saaxiibkiis ah oo la yiraahdo Mr. Nigel Roberts oo ka soo shaqeeyay hey’ado gargaar uu ka dhigo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Ee Soomaaliya waana talaabo ihaano ku ah aqoonyahanada, qurbajoogta Soomaaliyeed ee dadaal badan iyo lacag badan ku bixiyay sidii loo dooran lahaa MW Farmaajo. Waa talaabo adkeyn doonta wadashaqeynta iyo isfahamka Bangiga Dhexe iyo bangiyada ka jira Soomaaliya oo ah bangiyo islaami ah oo ku dhaqma shareecada Islaamka ee bangiyada.

    In ajnabi loo magacaabo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, waxay ku noqon doontaa MW Farmaajo dhacdo foolxun oo baal madow ka gasha taariikhdiisa siyaasadeed.

    Waxay noqon doontaa dhacdo xun oo aqoonyahanada iyo qurbajoogta Soomaaliyeed ay muddo dheer ka sheekeeyaan. Waa tan taariikhda Mr.

    Roberts: Waxaa dalbaday jagada Guddoomiyaha Bangiga Dhexe oo weliba wareysi shaqo laga qaaday aqoonyahano badan oo Soomaaliyeed oo khibrad u leh maamulka maaliyadda, bangiyada islaamiga ah iyo kuwa cilmaaniga ah. Waa xadgudub weyn in, iyada oo la heli karo Soomaali qaban karta shaqadaas, la badelo sharciga Bangiga Dhexe ee Soomaaliya si loo keeno nin la saaxiib ah RW Kheyre oo ajnabi ah oo aan weligiisna la shaqeyn bangi ku dhaqma shareecada islaamka.

    Baaq Ku Socda MW Farmaajo, RW Kheyre, Xildhibaanada Golaha Shacabka, Iyo Xisbiyada Siyaasadeed ee Dalka Qorshaha xowliga ku socda ee ah in qof ajnabi ah loo magacaabo jagada Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxay dhaawici doontaa dareenka wadaninimo ee dhalinyarada iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed.

    Waxay hoos u dhigi doontaa kalsoonida ganacsatada Soomaaliyeed iyo in ay maalgashtaan dalka. Waxay ku dhali doontaa qurbajoogta Soomaaliyeed in aysan ku soo degdegin dib ugu soo laabashada dalka. Mudane RW Kheyre, ka joog ajnabi jacaylka. Ha nooga eexan gaalka saaxiibkaa ah.

    Ma dhici doonto in aan aqbalno ajnabi Xamar noogu taliya (Mudane ma iloowday Nicholas Haysom?) ama taageerno ama la shaqeeyno ajnabi madax ka ah Bangiga Dhexe. Mudane MW Farmaajo, waxaad ku caanbaxday oo badankeen aan kugu taageernay difaaca qaranimada iyo sharafta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

    Md. Madaxweyne, fadlan ka hortag oo gaashaanka u daruur qorshaha guracan ee ah in qof ajnabi ah madax looga dhigo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo ah bangi ay bulshadu aad u qadariso (kuna caan baxay silsiladdii weyneyd) oo maamuli doona lacagta iyo suuqyada maaliyadda ee Soomaaliya. Mudane Madaxweyne, waxaa jooga rag iyo gabdha Soomaaliyeed oo si hufan uga soo bixi kara hoggaaminta Bangiga Dhexe. Mudane MW, looma baahna, kamana mid ah qodobada deyn cafinta ee SMP in aan qof ajnabi ah gacanta u galino maareeynta howlaha maaliyadda iyo dhaqaalaha dalkeena.

    Waxaa loogu baaqayaa Xildhibaanada Soomaaliyeed iyo Madaxda Xisbiyada Siyaasadeed ee sharafta leh in aysan gudbin hindisa sharciyeedka uu wato RW Kheyre ee ah in sharciga Bangiga Dhexe ee Soomaaliya wax laga badelo si uu u shaqaaleysiiyo saaxiibkiis oo ajnabi ah. Arrinkan waa ceeb wuxuuna qiil u noqon doonaa in jagooyin kale loo dhiibo ajnabi iyada oo la heli karo Soomaali qaban karta shaqada.

    Waxaa soo dhow xilli doorasho ee ha loo eexdo shaqaalaha Bangiga Dhexe, aqoonyahanada, khubarada, xirfadlayaasha, maamulayaasha bangiyada iyo culimada Soomaaliyeed oo yaan loo dhiibin hoggaanka Bangiga Dhexe shaqsi ajnabi ah oo aan weliba muslim aheyn.

    Bangiga Dhexe waa hey’ad muhiim u ah maareynta maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka waana joogaan dad Soomaaliyeed oo u qalma in ay madax ka noqdaan. Haddii aadan hureyn oo aad jeceshihiin ajnabiga, waxaad ka dhigan kartiin Lataliyayaal inta doorshada soo socota laga gaarayo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.