Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Bangiga Ganacsiga Itoobiya oo Lacag Malaayiin ah si khaldan loogala baxay
    Somalia

    Bangiga Ganacsiga Itoobiya oo Lacag Malaayiin ah si khaldan loogala baxay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 29, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dalka Itoobiya waxaa ka socda dadaal uu dib ugu soo ceshanayo bankiga ugu weyn dalkaas lacag si khaldan ay dad ugala baxeen xisaabaadkooda, ka dib markii nidaamka bankiga ee farsamo ahaan kaligiis is maamula uu khalkhal ku yimid, waxayana taasi keentay in la xisaabin waayo caddadka lacagaha lagala baxay akoonnada oo ay dadku la baxeen lacago ka badan intii akoonnada ugu jirtay.

    Sida ay qortay wakaaladda wararka AP, bankiga ganacsiga ee Itoobiya wuxuu iminka dib u soo ceshtay in ka badan 80% lacagtii sida khaladka ah kaga luntay dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay, taasoo ay keentay cillad farsamo.

    Abe Sano oo ah guddoomiyaha bankiga ayaa u sheegay warfidiyeenka in ilaa 14 malyan oo Doollar lagala baxay bankiga ama loo wareejiyey baanan kale muddadii ay cilladaas farsamo jirtay, waxayna taas meesha ka saaraysaa wararka sheegaya in bankiga ay ka luntay 40 Malyan oo doollar.

    Wuxuu sheegay in Lacagaha sida tooska ah loola baxay ay u dhaxeeyaan 9 senti ilaa iyo 5,350 doollar, kuwaasoo ay la baxeen dad tiradooda lagu qiyaasay 15,000 oo Qof oo ka faa’iidaysanaya cilladda farsamo ee nidaamka bankiga muddadii ay socotay shaqada caadiga ah ee mar kasta laga qabto hanaanka bankiga uu ku shaqeeyo.

    Sida laga soo xigtay barta Statista, bankiga ganacsiga ee Itoobiya ayaa ah kan ugu weyn Afrikada bari marka laga hadlayo hantida uu bankigaas leeyahay ilaa 2022. Hantidiisa ayaa lagu qiyaasay ilaa 23 Bilyan oo Doollar.

    Xigasho:-BBC.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.