Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Barack Obama oo Digniin u diray Musharaxiinta Isbedel doonka
    Somalia

    Barack Obama oo Digniin u diray Musharaxiinta Isbedel doonka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 17, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii hore dalka Maerykanka Barack Obama ayaa digniin u diray musharaxiinta madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga, waxa uuna uga digay siyaasadaha aan xaqiiqda ku saleysnayn.

    Mr Obama ayaa sheegay in Dimuqraadiyiinta ay khatar ugu jiraan inay lumiyaan codbixiyaasha. Madaxweynihii hore oo ka hadlayay munaasabad dhaqaale lagu uruurinayay ayaa waxa uu sheegay in codbixiyaal badan aysan doonayn in habka siyaasadeed la baabi’iyo .

    Ilaa 18 musharax oo ka socota xisbiga Dimuqraadiga ayaa u tartamaya inuu mid walba noqodo musharxii xisbiga ku matali lahaa doorashada 2020-ka ee Mareykanka.

    Musharaxiinta ugu cad-cad waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Joe Biden, Elizabeth Warren, Bernie Sanders, iyo Pete Buttigieg.

    Mr Obama ayaanan intii uu ka hadlayay munaasabadda carrabaabin musharax Khaas ah sidoo kalana ma uusan dhaleeceyn siyaasi gooni ah, taasi bedelkeedana waxa uu isticmaalay erayo uu ku boorinayo dimuqraadiyiinta oo dhan oo ay ka mid ahaayeen: ”fiiro gaar ah u yeelo cod bixiyayaasha” adigoo diiradda saaraya arrimaha la xiriira daryeelka caafimaadka iyo soogalootiga.

    Xigasho BBC 

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.