Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Bari: Ciidanka Puntland iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Buuraleyda Galgala
    Somalia

    Bari: Ciidanka Puntland iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Buuraleyda Galgala

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 14, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland iyo maleeshiyaadka Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa ka dhacay buuraleyda Galgala ee Gobalka Bari, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

    Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii Ciidanka Amniga Puntland ay weerareen goob ay ku dhuumaaleysanayeen xubno kamid ah Argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo qorsheynayay inay weeraraan saldhiga Balli-khadar ee Buuraleyda Galgala ay ku lee yihiin Ciidanka Badda Puntland ee PMPF-ta, waxaana weerarka lagu dilay 3 kamid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

    Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Amniga Puntland uu dagaal uga dhintay hal askari, iyadoona haatan ay Ciidanku wadaan howlgallo balaaran oo ka dhan ah Argagixisada.

    Ciidanka Amniga Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka wada guud ahaan degaanka howlgallo ka dhan ah Argagixisada, waxaana Ciidanku gudaha u galeen goobo ay ku dhuumaleysanayeen Argagixisada, iyagoona sidoo gacanta ku dhigay xubno qorsheynayay weeraro oo ku kala sugan magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.