Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Bayaan Ka soo baxay Shirkii Culimada taageersan Dowlada Dhexe
    Somalia

    Video:-Bayaan Ka soo baxay Shirkii Culimada taageersan Dowlada Dhexe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 23, 2019Updated:April 23, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muqdisho,idil News,Shirkan oo ka socday muddo seddex maalmood ah magaalada Muqdisho,ayaa Bayaanka ka soo baxay waxay qodobadiisu ka kooban yihiin sida tan hoos ku qoran:-

    1- Waxaa la isku raacay in Shirweynaha culimada Soomaaliyeed uu noqdo shir sanadle ah.

    2- Waxay Culimadu isku raacsan yihiin in Soomaliya ay tahay Dal Muslim ah, Sunni ah, mad-habkeeda Fiqhiga ahina yahay mad-habka shaaficiga.

    3- Waxay Culimada Soomaaliyeed isku raaceen in shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdiisuba ay yihiin dad Muslimiin ah, sidaa daraaddeed kooxaha bannaystay gaalaysiinta iyo dilkoodaba ay yihiin kuwa baal marsan Diinta Islaamka, waajibna ay tahay in meel looga soo wada jeesto.

    4- Waxay sidoo kale culimadu isku raaceen in ay xaaraam tahay in la maal-geliyo, la taageero, gabbaad lasiiyo ama la gacan-siiyo ururrada/kooxaha xagjirka ah ee hubaysan.

    5-Waxaan ugu baaqaynaa Kooxaha aaminsan caqiidada gaalaysiinta dadka muslimiinta ah in ay Allah u towbad keenaan joojiyaanna gaaleysiinta ummada Soomaaliyeed.

    6-Culimadu ayagoo gudanaya dawrkooda diiniga ah waxa ay dardar galin doonaan in ay kala shaqeeyaan Ummadda Soomaaliyeed ka hortagga iyo daweynta xagjirnimada.

    7- Shirweynaha Culimada waxaa uu adkeynayaa in la hirgaliyo qorshaha Dhab u heshiinta umadda Soomaaliyeed iyo in laga shaqeeyo siyaasadeed dhab u heshiisiin oo hirgasha.

    8-Waxaan adkaynayaa in si deg deg ah loo ansixiyo Xeerka Dhismaha Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Soomaaliya, lana dhiso Golaha Sare ee Arrimah Islaamka si culumada soomaaliyeed u gutaan kaalintooda sida ugu habboon;

    9- Waxaan ku baaqaynaa in la adkeeyo midnimada iyo dhaxalka sooyaalka diimeed ee ummadda soomaliyeed ay leedahay.

    10-Waa in si deg deg ah loo dhameystiro dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka si nidaam garsoor oo huffan loo helo;

    11- Waxaan ku baaqaynaa in la xoojiyo wadajirka iyo midnimada Culimada Soomaaliyeed ayna meel ugasoo wada jeestaan wacyigelinta bulshada ee ku aadan baal marsanaanta dinnta ee kooxaha dhiiga ummadda banaystay.

    12- Waxaan adkaynaynaa in Wasaaradda awqaafta iyo Arrimaha Diinta & Culimada Soomaliyeed ay hubiyaan xeerarka iyo Dastuurka Dalka, si loo xaqiijiyo waafaqsanaanta shareecada Islaamka.

    13- Culimadu waxay ku baaqayaan in la adkeeyo ilaalinta anshaxa & aadaabta islaamka iyo ka foogaanshaha wararka been abuurka ah ee bulshada lagu marin habaabinayo.

    14- Waxaan sidoo kale si cod dheer ah ugu baaqaynaa in la dhiso hay’adda wanaag-faridda iyo xumaan reebista.

    15- Culimadu waxay adkaynayaan n la xoojiyo kaalinta Haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan Horumarinta Bulshada, nabadeynta iyo barbaarinta

    16- Culimada Soomaaliyeed waxay ugu baaqayaan beelaha Soomaliyeed ee iska hor imaadyadu ka jira in ay joojiyaan colaadaha iyo dhiigga walaal ee ay sida xaqdarrada ah isaga daadinayaan.

    17-Waxay culimada soomaaliyeed ugu baaqayaan madaxda dawlad gobolleedyada dalka in ay ka fogaadaan khilaafaadka dib u dhac ku samayn kara, ilaaliyaan midnimada dalka iyo dadka, ismaandhaafka siyaasiga ah ee jirana lagu xalliyo wadahadal, is aqbalaad iyo isu tanaasul.

    18- Waxay Culimadu soo dhawaynayaan dadaallada wacyigalineed ee ka hortagga iyo la dagaallanka argagixisada ee ay wadaan ha’adaha dawladda.

    19- Culumadu waxay ugu baaqayaan Dowladda in ay dedejiso meel marinta hindise sharciyeedka la dagaalanka xagjirnimada iyadoo lagala tashanayo culumada.

    20- Waxaan ku baaqaynaa in la meelmariyo baaqii, fatwadii iyo dardaarannadii kasoo baxay shirkii kan ka horreeyay ee magaalada Muqdisho lagu qabtay sanadkii 2013.

    21- Waxaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqaynaa tawbad keen iyo Alle u laabasho loo dhan yahay iyo in la sameeyo roob-doon dalka oo dhan ah.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://www.facebook.com/universalsomalitv/videos/443021123182447/
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.