Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»BC oo loogu baaqay in ay deg-deg ubadbaadiso DFS
    Somalia

    BC oo loogu baaqay in ay deg-deg ubadbaadiso DFS

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 26, 2025No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    “Qalalaasaha Amniga Soomaaliya”

    Muqdisho, Soomaaliya – Iyadoo Soomaaliya ay sii waddo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab (Khawaarij), safaaradaha shisheeye iyo Saaxiibada caalamiga ah,ayaa lagu dhiirrigelinayaa in ay qaataan istiraatiijiyad mideysan oo Qaran oo lagula dagaallamayo argagixisada, halkii ay u eegi lahaayeen xaaladda amniga iyagoo ku salaynaya aragti qabiil.

    Weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Deegaannada Abgaal,ayaa muujinaya baahida deg-degga ah ee loo qabo dadaallo amni oo isku-xiran,taasoo xaqiijinaysa in argagixisadu tahay dhibaato Qaran oo u baahan xal mideysan.

    Xaaladda Amni ee sii Xumaanaysa?

    Al-Shabaab,waxay joogaan Gobollo badan oo ay ka mid yihiin Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Bay, Bakool, Jubbada Dhexe, iyo Jubbada Hoose, iyagoo saameyn ku leh bulshooyinka Soomaaliyeed.

    In kasta oo weerarrada ugu dambeeyay ay si gaar ah u beegsadeen deegaanada Abgaal, in qalalaasaha amni lagu eego qaab Qabiil,waxay khatar gelinaysaa dagaalka guud ee lagula jiro argagixisada.

    Safaaradaha iyo saaxiibada caalamiga ah,waxaa lagula talinayaa in ay si buuxda u taageeraan hay’adaha amniga ee heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed,iyagoo ku salaynaya aragti guud oo Qaran, taasoo diiradda saaraysa xoojinta awoodda la-dagaallanka argagixisada iyadoon lagu milmin arrimaha Qabiilka.

    Doorka Hoggaanka iyo Xasilloonida Siyaasadeed?

    Beesha Abgaal, oo ka tirsan Qoyska Hawiye, waxay door muhiim ah ka qaadataa siyaasadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya. Iyadoo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu ka soo jeedo jilibka Waceysle ee Abgaal, dowladda waxaa la saaraya cadaadis xoogan oo ku aaddan xaqiijinta amniga iyo xasilinta dalka.

    Si kastaba ha ahaatee, guusha howlgalka la-dagaallanka argagixisada waxay ku xiran tahay iskaashi qaran iyo taageero caalami ah oo mideysan halkii laga eegi lahaa xagal Qabiil.

    Xiriirka Dibadda iyo Talooyin?

    Iyada oo xaaladda amni ay is-bedbedelayso,safaaradaha iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa la gudboon in ay…..

    1. Xoojiyaan Taageerada Ciidamada Amniga Soomaaliya (SNA & Ciidamada Dowlad Goboleedyada) oo kor loo qaado awooddooda hawlgal,wadaagista sirdoonka, iyo taageerada xeel-dheer ee Milateri.

    2. Hormariyaan Midnimada Qaranka ee La-dagaallanka Argagixisada: In dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada lagu dhiirrigeliyo inay qaataan istiraatiijiyad mideysan oo lagu xoojinayo iskaashiga amni.

    3. La Dagaallamaan Wararka Qaldan iyo Aragtiyaha Qabyaaladeed: In la xaqiijiyo in dadaallada la-dagaallanka argagixisada loo eego sida arrin qaran ah halkii laga dhigi lahaa mid qabiil gaar ah khuseeya.

    4. Horumariyaan Maamul Wanaagga iyo Xasilloonida Dhaqaale: In la taageero barnaamijyada xasilinta deegaannada laga xoreeyay argagixisada si looga hortago soo noqoshadooda.

    Gunaanad:-

    Dagaalka Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab wuxuu u baahan yahay taageero joogto ah oo caalami ah oo ku dhisan istiraatiijiyad mideysan oo qaran. Safaaradaha iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa la farayaa inay dadaalkooda la jaanqaadiyaan xoojinta hay’adaha amniga ee Soomaaliya, horumarinta xasilloonida siyaasadeed, iyo dhisidda maamul hufan oo loo dhan yahay si loo xaqiijiyo nabad iyo horumar waara.

    Xigasho:-IL Qarsoon.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.