Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Beesha Caalamka oo aqoonsatay Doorashadii Madaxweyne Axmed Madoobe & Ujeedada Safarkiisa Nairobi+XOG
    Somalia

    Beesha Caalamka oo aqoonsatay Doorashadii Madaxweyne Axmed Madoobe & Ujeedada Safarkiisa Nairobi+XOG

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 24, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Beesha Caalamka ayaa aqoonsatay Doorashadii Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), taas oo 22-dii bishii August ka dhacday Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

    Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in kulan ay xerada Xalane ku yeesheen Safiirada Beesha Caalamka Bartamihii bishan, ay isku waafaqeen in Doorashadii Kismaayo ay aheyd mid aan loo marin Hanaan daah-furan si lamid ah tii ka dhacday Magaalada Baydhabo Dabayaaqadii sanadkii hore.

    Sidoo kale, Safiirada Dalalka Mareykanka, UK, Germany, Denmark, Sweden iyo Wakiilada Qaramada Midoobay, Midowga iyo Midowga Africa, ayaa sheegay in muhiim tahay in la fara-geliyo Khilaafka Siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee Puntland iyo Jubbaland, si loo go’aamiyo inta uusan dhamaan sanadkan Nooca Doorasho ee Soomaaliya 2020-2021.

    Dhanka kale, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa saaka u amba-baxay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaas oo uu kulamo kula yeelanayo safiirada Beesha Caalamka, kuwaas oo ay ka wada-hadlayaan Xalinta Khilaafka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa inoo sheegay in Safiirada Beesha Caalamku ay waraaq u direen Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaas oo ay kala hadleen sidii loo dhameyn lahaa Khilaafka kala dhexeeya Puntland iyo Jubbaland, iyagoona sidoo kale la wadaagay digniin ku aadan Doorashada Galmudug iyo dhaq-dhaqaaqa ka socda Gobalka Gedo.

    Go,aanka Beesha Caalmaka ee ku aadan Doorashadii ka dhacday Jubbaland ayaa imaanaya, xilli bilihii ugu dambeeyay uu Madaxweynaha Puntland cadaadis ku saarayay Safiirada Caalamka ee Soomaaliya in Aqoonsiga Doorashadii Madaxweyne Axmed Madoobe iyo in go,aan laga gaaro nooca doorasho ee Soomaaliya inta uusan dhamaan sanadkan.

    Jibriil Qoobey

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.