Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Beesha caalamka oo hakisay kaalmadii una hanjabtay Dowlada Fadaraalka
    Somalia

    Beesha caalamka oo hakisay kaalmadii una hanjabtay Dowlada Fadaraalka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 31, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Hayom ayaa warqad u qoray Wasiirka Amniga ee dawladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.

    Warqaddaas ayuu kaga hadlay saamaynta ka iman karta wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay inay ku lug lahaayeen qabashada Mukhtaar Roobow 13-kii bishan Diisambar, iyo dhimashada 15 rayid ah iyo dhaawaca laba qof oo kale oo dhaawacmay, iyo weliba qabqabashada 300 kale oo ku lug lahaa bannaanbaxyo dhacay saddexdaasi maalmood ee kala ahaa 13, 14 iyo 15-ka, dadkaasi oo 254 ka mid ah la hayey wax ka badan 48 saacood inkastoo la sii daayye muddadii u dhaxaysay 18-22-ka Diismabar.

    Nicholas Hyasom waxa uu warqadda ku sheegya in dadka la qabqabtay la sheegya inay u badnaanyeen carruur.

    Waxa uu sheegay in qaraararada Golaha Ammanaka ee Qaramada Midoobay ay adkaynayaan in kaalmada Qaramada Midoobay ay ku xidhnaanto ilaalinta xeerarka xuquuqda aadanaha. Waxa uu sheegya in Qaramada Midobay ay haatan taageero siiso ciidamada boolisika federaalka iyo ciidamada booliiska Koonfur Galbeed.

    Waxa uu Haysom warqaddaasi ku sheeegay inuu warqad ka helay Midowga Yurub, Jarmalka iyo Britain kuwaasi oo u sheegay inay hakinayaan kaalmadii ay siin jireen ciiddamada boolisika Koonfur Galbeed iyaga oo sabab uga dhigaya hab dhaqanka ciidnaka booliiska Koonfur Galbeed ee xilligii doorashada iyo hadallo uu jeeeidyey Taliyaha ciidamada Koonfur Galbeed.

    Waxa uu ku sheegay warqaddaasi in warar lagu kalsoon yahya ay u sheegeen in qabashda Mukhtara Roobow ay ka dambeeyeen ciidamada Itoobiya qaybtooda fadhigoodu yahay magaalada Baydhaba.

    Waxa uu sheegay in muddo kooban lagu hayey xarunta ciidamada 3-aad ee Amisom oo ah kuwa kuwa Itoobiya kadibna lagu wareejiyey ciidamada amniga Soomaaliya.

    Waxa uu sheegay inuu helay warqaddii ay wasaaradda amniga ka qortay xariga Roobow balse ee cuskatay inuusan kasoo wada bixiin shuruudihii dhaqan celinta iyo inuu hub iyo ciidan soo galiyey magaalada Baydhaba si uu xasilloni darro u abuuro.

    Haysom waxa uu sheegay in haddii eedahaas la xaqiijiyo ay yihiin kuwo culus,. Hase yeeshee waxa uu sheegay inaan weli Roobow la hor keenin maxkamad, isla markaana aan dambi lagu soo oogin.

    Haysom waxa uu ka dalabaday wasiirka Amniga Soomaaliya Maxmamed Abuukar Islow inuu sharraxaad ka bixiyo sharciga loo cuskadaay qabashada Roobow; ciidanka Soomaaliyeed ee hawsha fuliyey, iyo haddii ay taageero ka codsadeen ciidamada Itoobiya.

    Waxaa kale oo uu ugu baaqay inuu soo sheego tallaabooyinka la qaaday si loogu baahdo xaaladda ay ku dhinteen dadkii dhintay iyo kuwa dhaawacmay intii u dhaxaysay 13-15 kii Diisambar, ciidamada hawsha ku jiray makrii uu socdeen banaanbaxyasa Baydhaba iyo suโ€™aalo kale.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.