Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Beesha Caalamka oo ka jaranaysa Somaliland dhaqaalihii ay ku kabi jirtay Miisaaniyada
    Somalia

    Beesha Caalamka oo ka jaranaysa Somaliland dhaqaalihii ay ku kabi jirtay Miisaaniyada

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 9, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dalalka Denmark, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ntherlands, Sweden, Britain, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa sheegay inay si qotodheer uga niyad jabeen go’aanka dib loogu dhigay doorashooyiinka Somaliland.

    Dalalkan oo si dhow ula shaqeeya Somaliland ayaa sheegay in muddada loogu daray dowladda ay ka badan tahay middii ay dalbadeen.

    “Dib u dhigidda doorashada madaxweynaha iyo midda baarlaamanka waxaa la sameeyay ayadoo aan la sababayn”, ayaa lagu yiri warka ay sida wada jirka ah u soo saareen dalalkaasi.

    Waxay sidoo kale sheegeen “Ma jiro qorshe wax looga qabanayo caqabadaha keenay muddada dheer ee loo kordhiyay baarlamaanka”.

    Waxay warka ku sheegeen in doorashada madaxweynaha laga dhigay bisha November ee 2017-ka, midda baarlamaankana iyo doorashada deegaamadana laga dhigay 2019-ka.

    “Dib u dhaca wuxuu dhaawacayaa hormarka dimuquraadiyadda ee Somaliland, wuxuuna walaac geliyay ku kalsoonaanta dowladda iyo xushmadda dhaqanka dimuquraadiyadda ee saaxibada caalamiga ah”, ayaa lagu qoray warka.

    Dowladaha saaxiibada la ah ayaa sheegay in baarlamaanka Somaliland ay xafiiska joogayaan 14 sano oo doorasho la’aan ah, haddii qorshaha hadda la raaco.

    “Waxay taasi ka badan tahay laba goor, sida uu qorayo dastuurka Somaliland”, ayey sheegeen.

    Waxay tilmaameen in Guurtida ay ku baraarujinayaan inay muujiyaan xushmadda ay u hayaan codbixiyayaasha Somaliland.

    “Dib ha u eegaan go’aankooda, hana dejiyaan waqti kama dambeys oo lagu qabanayo doorashada madaxweynaha, baarlamaanka iyo midda deegaamada, sida ugu dhaqsaha badan ee muuqata”.

    Waxay sheegeen inay meel cad ka taagan yihiin kordhinta waqtiga iyo dib u dhigidda doorashada.

    Warsaxaafadeedka waxay ku sheegeen “Ku kalsoonaanta dowladda Somaliland halis ayey ku jirtaa, waxaana la wayn doonaa maalgashiyo muhiim ah”.

    Waxay dowladaha warka soo saaray sheegeen inaysan bixindoonin qarashka ku baxaya dowladda muddada waqtiga loogu daray.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.