Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Beesha Caalamka oo si Wadajir ah ubogaadisay Doorashada Puntland
    Somalia

    Beesha Caalamka oo si Wadajir ah ubogaadisay Doorashada Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 9, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay soo dhoweynayaan gabagabada doorashada madaxtinimada Puntland ee 8da Janaayo 2024. Waxaan ku bogaadinaynaa shacabka Dowlad Goboleedka Federaalka Puntland sida nabadda ah ee ay hanaanka u qabteen.

    Waxaan ammaanaynaa dadaalka dhammaan daneeyayaasha siyaasadda iyo doorashada lagu xaqiijiyay hannaan nabadeed laguna dhiirigeliyay dhammaan dhinacyada inay ilaashadaan jawi nabdoon. Khilaaf kasta oo la xiriira doorashada waa in lagu xalliyaa si nabad ah iyadoo loo marayo habab sharci oo ku habboon.

    Saaxiibada beesha caalamku waxay si xooggan u dhiirigeliyaan ka-qaybgalka weyn iyo ka-qaybgelinta macnaha leh ee haweenka iyo dhallinyarada ee geeddi-socodka  mustaqbalka. Waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay inaan sii wadno taageerada dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan maamulka dimuqraadiga ah iyo in horumar laga sameeyo si loo gaaro doorasho cadaalad ah, daahfuran, oo toos ah.

    *Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Boqortooyada Sacuudi Carabiya (KSA), Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.