Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Beesha Caalamka “Saameynta Koroona Fayras waa mid aad u daran Soomaaliya”
    Somalia

    Beesha Caalamka “Saameynta Koroona Fayras waa mid aad u daran Soomaaliya”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 23, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maanta Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada kale waxay daaha ka rogeen Qorshaha UDiyaar Garowga iyo Ka falcelinta Covid-19  ee Soomaaliya si loola tacaalo saameynta bini’aadamnimo iyo midda dhaqan-dhaqaale ee uu keenay xanuunka Koroona Fayras.

    Qorshahan oo loogu talo galay in lugu howl galo lix ilaa sagaal bilood, wuxuu u fududeynayaa hay’adaha samafalka iyo kuwa horumarintaba iney dib u eegaan mashaariicdooda lana jaanqaadaan xaaladaha is bedbedalaaya iyo weliba
    iney sara u qaadaan howlaha ay hayaan si loo yareeyo saameynta xanuunka COVID-19.

    Ujeeddadu waa iney is dhameystiraan gargaarnka samalka ah, mashaariicda horumarinta iyo dhismaha nabadda. Qorshahan fulintiisa wuxuu dhameystirayaa qorshayaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed uga jawaabeyso faafitaanka xanuunka Koroona Fayras

    “Saameynta Koroona Fayras waa mid aad u daran ,Ahmiyadda koowaad waxay
    tahay in laga taxaddiro in xanuunku uu u faafo si xad dhaaf ah ayadoo loo marayo in qatarta cudurkani leeyahay dadka loo sheego, dadkana laga baaro xanuunka iyo weliba in dabaggal lagu sameeyo dadka la macaamilay qof xanuunkan lugu arkay.”” ayuu yiri Mr. Adam Abdelmoula, Ku xigeenka WakiilkaXoghayaha Guud ahna Iskudubbaridaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Soomaaliya.

    Waxaa uu intaasi kusii daray “Waxaan si dhow ula sahqeyneynaa Dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo saaxiibbada kalaba si mashaakilkan aan horay loo arkin loola tacaalo Waxaan ugu yeerayaa deeq bixiyaasha iney taageeraan qorshahan soona dedejiyaan kaalmadooda si hay’adaha samafalka ay ugu suurtagasho iney sara u qaadaan gurmadka ku aaddan xanuunka COVID-19.”

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.