Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Biden miyuu ka harayaa Tartanka Doorasho Ee Maraykanka?
    Somalia

    Biden miyuu ka harayaa Tartanka Doorasho Ee Maraykanka?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 4, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu baaqi ku sii ahaan doono tartanka doorashada madaxtinimada ee dalkan ka qabsoomi doonta shanta bisha Novmeber ee sannadkaan.

    Biden ayaa hadalkaasi ka shanqariyay xilli uu gelinki danbe ee Arbacadi shalay khadka telefoonka ku wacay kooxda hormuudka u ah ololihiisa doorashada.

    Arrintan ayaa u muuqata mid uu madaxweyne Biden dib ugu xaqiijinayo Dimoqraadiyiinta Aqalka Koongareeska in uu diyaar u yahay dib u doorasho, maalmo yar kaddib marki ay qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha xisbigiisa ay walwaleen bandhigiisii dood uu Khamiisti hore la galay madaxweynihi isaga ka horreeyay Donald Trump.

    Laba xubin oo magacyadooda qariyay oo og wicitaanka uu Biden wacay shalay xubnaha ololoihiisa doorashada ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay, in uu u sheegay in uusan ka tanazuleyn tartanka doorashada.

    Email uu goor danbe oo shalay ah u diray taageerayaashiisa ayuu Biden sidoo kale ku yiri “Qofna ima riixayo, mana ihi qof baxayo. Tartanka waa kusii jiri doonaa ilaa dhamaadka.”

    Madaweyne Biden wuxuu sidoo kale Arbacadi si toos ah iyo qaabka online-ka ahba ula kulmay ilaa 24 guddoomiye iyo duqa magaalada Washington, D.C. oo dhammaantood dimoqraadi ah, si uu ugu xaqiijiyo in ay ka go’antahay musharaxnimada xisbiga.

    Saddex ka mid ah guddoomiyaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa taageeray madaxweyne Biden. Hase yeeshee in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Dimoqraadiga ayaa saluugsan da’da madaxweynaha.

     

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.