Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Biden oo sheegay in Danta Amniga Qaranka Maraykanka ay ku jirto Dagaallada Xamaas iyo Ukrain
    Somalia

    Biden oo sheegay in Danta Amniga Qaranka Maraykanka ay ku jirto Dagaallada Xamaas iyo Ukrain

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 21, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waa arrin muhiim u ah amniga Qaranka ee Mareykanka in Israa’iil iyo Ukraine ay ku guuleystaan dagaalladooda,sidaas waxaa sheegey Madaxweyne Joe Biden oo habeenkii Khamiista khudbad naadir ah ka jeediyey Xafiiskiisa ku yaalla Aqalka Cad ee Oval Office.

    Hadalka madaxweynaha,ayaa ka dhigan in ay sii qoto dheerayso doorka Mareykanka ee ku lug lahaanshaha ee dagaalada ka socda labadan dal.

    Biden ayaa sheegay “in haddii gardarada caalamiga ah loo ogolaado inay sii socoto, inay isku dhacyada iyo fowdadu ay ku fidi karaan qaybaha kale ee aduunka.”

    “Xamaas iyo Putin waxay matalaan halisyo kala duwan,”Ayuu yiri Biden.

    Waxuuna sii raaciyey “laakiin waxay wadaagaan, in labadooduba ay rabaan inay gebi ahaanba baabi’iyaan dimuqraadiyadda dalalka deriska la ah.”

    Biden,waxa uu sheegay in uu codsi dhaqaale oo degdeg ah u diri doono Congress-ka, kaas oo la filayo in uu noqdo ku dhawaad $100-Bilyan sanadka soo socda.

    Hindisahan, oo la soo bandhigi doono Jimcaha, ayaa waxaa ku jira lacag loogu talagalay Ukraine, Israel, Taiwan, gargaarka bini’aadantinimo iyo maareynta xuduudaha.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.