Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Biden oo ujeediyay Xisbigiisa Dimuqraadiga khudbadii ugu danbaysay
    Somalia

    Biden oo ujeediyay Xisbigiisa Dimuqraadiga khudbadii ugu danbaysay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 20, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden,ayaa xalay ka jeediyay furitaanka Shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga ee ka socda magaalada Chicago, khudbad qiiro laheyd oo lagu tiranayo mid ka mid ah kuwi ugu danbeeyay ee uu ku macsalaameynayo taageerayaasha dimoqraadiga.

    Biden,ayaa masraxa soo koray isaga oo ilmeynaya, kaddib marki ay Makarafoonka ku soo dhaweysay Gabadhiisa Ashley, soo dhaweyntaas oo u muuqatay mid ka ilmeysiisay madaxweynaha 81 jirka ah ee Mareykanka.

    Kumannaanka Qof ee ku sugan xarunta uu shirk aka socday,ayaa u istaagay iyaga oo u sacbinaya kaddibna, ku dhawaaqay “Mahadsanid Joe”.

    Biden oo dhinacyo badan ka hadlay,ayaa sheegay in Dimoqraadiyiinta iyo taageerayaashooda ay dagaal ugu jiraan ruuxda America,wuxuu difaacay dhaxalkiisa waxqabad ee uu uga tagayo Mareykanka,isaga oo tilmaamay in wax badan qaban doono bilaha u haray.

    Mar uu ka hadlayay bannaan-baxyada lagu taageerayo Falastiin iyo Qasa ee Mareykanka, ayuu sheegay in kuwa bannaanbaxaya ay gar u leeyihiin, maadaama buu yiri dad badan lagu dilay Qasa.

    Go’aanki uu uga haray doorashada isla markaana ku taageeray Kamala Harris,ayuu ku tilmaamay, kii ugu wanaagsanaa ee uu sameeyay.

    Wuxuu ugu baaqay Shacabka Mareykanka in ay doortaan Harris iyo Walz oo ah Murashaxiinta Xisbiga Dimoqraadiga, isaga oo taasi ku sababeeyay in ay ka dhigan tahay difaaca Dimoqraadiyadda Mareykanka.

    Waxyaabaha kale ee uu ka hadlay,ayaa waxaa ka mid ahaa,soo galootida,Dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda.

     

    Xigasho:-VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.