Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Biden oo ujeediyay Xisbigiisa Dimuqraadiga khudbadii ugu danbaysay
    Somalia

    Biden oo ujeediyay Xisbigiisa Dimuqraadiga khudbadii ugu danbaysay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 20, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden,ayaa xalay ka jeediyay furitaanka Shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga ee ka socda magaalada Chicago, khudbad qiiro laheyd oo lagu tiranayo mid ka mid ah kuwi ugu danbeeyay ee uu ku macsalaameynayo taageerayaasha dimoqraadiga.

    Biden,ayaa masraxa soo koray isaga oo ilmeynaya, kaddib marki ay Makarafoonka ku soo dhaweysay Gabadhiisa Ashley, soo dhaweyntaas oo u muuqatay mid ka ilmeysiisay madaxweynaha 81 jirka ah ee Mareykanka.

    Kumannaanka Qof ee ku sugan xarunta uu shirk aka socday,ayaa u istaagay iyaga oo u sacbinaya kaddibna, ku dhawaaqay “Mahadsanid Joe”.

    Biden oo dhinacyo badan ka hadlay,ayaa sheegay in Dimoqraadiyiinta iyo taageerayaashooda ay dagaal ugu jiraan ruuxda America,wuxuu difaacay dhaxalkiisa waxqabad ee uu uga tagayo Mareykanka,isaga oo tilmaamay in wax badan qaban doono bilaha u haray.

    Mar uu ka hadlayay bannaan-baxyada lagu taageerayo Falastiin iyo Qasa ee Mareykanka, ayuu sheegay in kuwa bannaanbaxaya ay gar u leeyihiin, maadaama buu yiri dad badan lagu dilay Qasa.

    Go’aanki uu uga haray doorashada isla markaana ku taageeray Kamala Harris,ayuu ku tilmaamay, kii ugu wanaagsanaa ee uu sameeyay.

    Wuxuu ugu baaqay Shacabka Mareykanka in ay doortaan Harris iyo Walz oo ah Murashaxiinta Xisbiga Dimoqraadiga, isaga oo taasi ku sababeeyay in ay ka dhigan tahay difaaca Dimoqraadiyadda Mareykanka.

    Waxyaabaha kale ee uu ka hadlay,ayaa waxaa ka mid ahaa,soo galootida,Dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda.

     

    Xigasho:-VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.