Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Biden oo yaqiinsaday in uu yahay Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka
    Somalia

    Biden oo yaqiinsaday in uu yahay Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 15, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ergo codeedka Mareykanka ee loo yaqaan Electoral College ayaa Isniintii u doortay Joe Biden inuu noqdo madaxweynaha Mareykanka isaga oo helay 306 cod, halka madaxweyne Trump uu ka helay 232 cod.

    Biden ayaa si waafi ah uga sare maray tirada uu u baahnaa oo aheyd 270.

    Tirada 306-ka ah ee Biden uu helay ayaa la mid ah tii uu afar sano kahor helay madaaxweyne Donald Trump, markii uu ka adkaaday musharaxii Dimoqraadiga Hillary Clinton.

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxaa doorta ergo loo yaqaan Electoral College, kuwaasi oo shacabka ay kusoo doorteen doorashadii madaxweyne ee dhacday 3-dii November.

    Tartanka madaxtininimo ee Mareykanka ayaan dhameystirneyn illaa ay ergadan doorasho oo laga soo xulay dhammaan 50-ka gobol ee dalka ay kulmaan, si ay codkooda u dhiibtaan, taasi oo shalay dhacday.

    Codeynta shalay ayaa timid ayada madaxweyne Donald Trump uu weli sii wado in uu dafiro natiijooyinka doorashada, islamarkaana uu diidan yahay inuu aqbalo in lagha guuleystay.

    Isaga oo hadlayey kadib guushiisa ayaa Biden waxa uu yiri “Dagaalka loogu jiro ruuxda Mareykanka, dimoqraadiyadda ayaa guuleysatay.”

    Madaxweynaha la doortay ayaa isaga oo ku boorinaya dadka Mareykanka “inay midoobaan, oo ay bogsadaan,” waxa uu markii ugu horreysay si xooggan u cambaareeyey isku dayga ay madaxweyne Donald Trump iyo xulafadiisa ku doonayaan inay ka beddelaan natiijada doorashada, taasi oo uu ku macneeyey “dagaal aan horey loo arag oo lagu qaaday dimoqraadiyaddeena.”

    Xitaa ku xadgudubka awoodda ma joojin karto xukunka oo si n nabdoon loogu kala wareego, ayuu yiri Biden.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.