Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Blinken oo booqanaya Shiinaha Laba jeer Sanadkan gudihiis
    Somalia

    Blinken oo booqanaya Shiinaha Laba jeer Sanadkan gudihiis

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 21, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghaya Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu wadaa in todobaadkan uu u safro dalka dalka Shiinaha, xilli ay xukumadaha Washington iyo Beijing isku dayayaan in ay sii wadaan xiriirkooda aanan adkeyn, inkasta oo uu jiro kala duwanaasho mug weyn oo dhinacyo badan leh.

    Labadan waddan ee uu xafiiltanka ka dhaxeeyo ayaa isku hayo dhinacyo badan, oo ay ku jiraan dagaalka Ruushka ee Ukraine, Taiwan iyo Badda Koofurta Shiinaha, Kuuriyada Waqooyi, Hong Kong, xuquuqda aadanaha iyo xariga muwaadiniinta Mareykanka.

    Mareykanka iyo Shiinaha ayaa sidoo kale ku dagaallamaya arrimaha ganacsiga, iyadoo madaxweyne Joe Biden uu asbuuci lasoo dhaafay ku dhawaaqay canshuur cusub oo la saaray biraha uu Shiinaha u soo dhoofiyo Mareykanka.

    Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay, in booqashadan oo ah tii labaad oo uu Blinken ku tago Shiinaha muddo ka yar sannad, uu Arbacada ka billaabi doono magaalada Shanghai, kaddibna uga sii gudbi doono Beijing. Wuxuu la kulmi doonaa wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi. Sidoo kale waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxweyne Xi Jinping

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.