Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Bolivia: Hoggaamiyaha mucaaradka Jeanine Anez oo sheegtay madaxweyne-nimo.
    Somalia

    Bolivia: Hoggaamiyaha mucaaradka Jeanine Anez oo sheegtay madaxweyne-nimo.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 13, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka Bolivia ayaa Talaadadi ayidday in haweeneyda la yiraahado Jeanine Anez ay noqoto madaxweynaha kumeelgaarka ah ee dalkaasi, saacado kaddib marki uu madaxweynihi hore ee Bolivia Evo Morales ka dagay dalka Mexico kuu ka helay magangalyo siyaasadeed.

    Jeanine Anez oo ka tirsan mudanayaasha xisbiga mucaaridka ugu jira golaha Senetka ee dalkaasi ayaa ku adkeystay in aysan jirin cid kaga sarreysa sharci ahaan in ay noqoto madaxweynaha kumeel-gaarka ah, kaddib marki ay horay isu casileen madaxdi ka sarreysay.

    Mudanayaasha xisbiga madaxweyne Morales ayaa qaaddacay sheegashada madaxtinimada ee Anez, iyaga oo ku sababeeyay in kooramka fadhigi baarlamaanka uu ahaa mid aanan helin tiradi loo baahnaa.

    Bolivia ayaa ku jirta xaalad siyaasadeed oo cakiran tan iyo inti uu xilka madaxtinimada iska casilay Morales. Kaddib marki uu shalay ka dagay Mexico, ayuu Evo Morales u mahadceliyay madaxweynaha Mexico Andres Manuel Lopez Obrador oo uu ku sheegay inuu yahay qof badbaadiyay noloshiisa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.