Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Booliska Malaysia oo joojiyay hadal uu jeedin lahaa CC Warsame
    Somalia

    Booliska Malaysia oo joojiyay hadal uu jeedin lahaa CC Warsame

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 12, 2020Updated:January 12, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Booliska Malaysia ayaa joojiyay munaasabad soo dhaweyn ah oo Magaalada Kuala Lumpur, loogu sameyn lahaa Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee wadajir, sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalkaas.

    Booliska ayaa sheegay in safaaradda Soomaliya ee dalka Malaysia ay ku war-galisay in Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu dallka Jarmalka ka jeediyey khudbad uu diinta islaamka wax kaga sheegay, sidaas darteedna ay jiraan dad badan oo islaam ah oo u careysan.

    Hase-yeeshe, Siyaasi C/rixmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in munaasabadan ay u qabsoomtay kaddib markii ay la kulmeen saraakiisha Ciidanka Booliska Malaysia, ayna ku war-galiyeen in warbixin khaldan la siiyay.

    Mr. Warsame oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri “Dowladda Soomaaliya si ay u joojiso khudbad aan u jeedin lahaa ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia ayaa safaaradda Soomaaliya ee Malaysia oo ka amar qaadnaysa Villa Somalia, waxay Booliska dalka Malaysia ku wargelisay in aan ahay danbiile baaritaan dalkiisa uga socda, Islaamka u gefey, fatwana la iga soo saaray, la iina diiday in aan dalal badan oo Islaam ah hadal jeedin ka sameeyo”

    Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee wadajir, ayaa si weyn u dhaliila hab-dhaqanka Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo, taas oo horey u weerartay guriga Siyaasiga, sidoo kalena u joojisay kulamo uu ku qaban lahaa magaalada Muqdisho.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.