Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Booliska Puntland oo ka hadlay markabka Hubka lagù qabtay.
    Somalia

    Booliska Puntland oo ka hadlay markabka Hubka lagù qabtay.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 21, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Caluula, 21 Luulyo 2025 – Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qeybta Gobolka Raas-Caseyr, ayaa fuliyay howlgal amni oo lagu baaray markab laga shakiyay oo kusoo xirtay xeebta Degmada Bareeda. Markabkaasi ayaa si buuxda loo baaray, waxaana la xaqiijiyey in uusan wadin wax sharci-darro ah, taasoo keentay in si nabad ah loo fasaxo.

    Sidoo kale, Ciidanka Booliska waxay xaqiijinayaan in dhowaan la qabtay markab kale oo lagu helay hub sharci-darro ah. Markabkaasi wuxuu si buuxda ugu jiraa gacanta laamaha amniga, waxaana socda baaritaan rasmi ah oo qoto dheer. Ilaa baaritaanku soo dhammaado, faahfaahin dheeraad ah lagama bixin karo.

    Taliyaha Booliska Gobolka Raas-Caseyr, G/sare Mahad Cali Carcar, ayaa shacabka uga digay in ay iska ilaaliyaan wararka been-abuurka ah ee ay faafinayaan kooxo dano gaar ah leh. “Waxaa jira dad raba inay burcad abuur sameeyaan oo dadka badda u diraan, marka waa in aan si wadajir ah uga hortagnaa,” ayuu yiri Taliyuhu.

    Ciidanka Booliska Puntland ayaa sidoo kale wada hawlgallo joogto ah oo lagu xaqiijinayo amniga xeebaha Puntland oo dhan, si looga hortago dhaqdhaqaaqyada sharci-darrada ah sida tahriibka, ka ganacsiga hubka, iyo suurtagalnimada in kooxaha argagixisada ah – gaar ahaan kooxda Daacish – ay helaan marin u suura geliya taageero ama ku baxsadaan xeebaha.

    Booliska Puntland wuxuu hoosta ka xariiqayaa in aysan marnaba ogolaan doonin in xeebaha Puntland loo adeegsado ujeeddooyin khatar gelinaya amniga qaranka, ayna diyaar u yihiin wax kasta oo looga hortagayo falalka lidka ku ah nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka iyo caalamka.

    — DHAMMAAD —

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Waynaynta Maalinta Nabada oo Puntland laga….

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.