Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Booliska Puntland oo ka hadlay markabka Hubka lagù qabtay.
    Somalia

    Booliska Puntland oo ka hadlay markabka Hubka lagù qabtay.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 21, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Caluula, 21 Luulyo 2025 – Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qeybta Gobolka Raas-Caseyr, ayaa fuliyay howlgal amni oo lagu baaray markab laga shakiyay oo kusoo xirtay xeebta Degmada Bareeda. Markabkaasi ayaa si buuxda loo baaray, waxaana la xaqiijiyey in uusan wadin wax sharci-darro ah, taasoo keentay in si nabad ah loo fasaxo.

    Sidoo kale, Ciidanka Booliska waxay xaqiijinayaan in dhowaan la qabtay markab kale oo lagu helay hub sharci-darro ah. Markabkaasi wuxuu si buuxda ugu jiraa gacanta laamaha amniga, waxaana socda baaritaan rasmi ah oo qoto dheer. Ilaa baaritaanku soo dhammaado, faahfaahin dheeraad ah lagama bixin karo.

    Taliyaha Booliska Gobolka Raas-Caseyr, G/sare Mahad Cali Carcar, ayaa shacabka uga digay in ay iska ilaaliyaan wararka been-abuurka ah ee ay faafinayaan kooxo dano gaar ah leh. “Waxaa jira dad raba inay burcad abuur sameeyaan oo dadka badda u diraan, marka waa in aan si wadajir ah uga hortagnaa,” ayuu yiri Taliyuhu.

    Ciidanka Booliska Puntland ayaa sidoo kale wada hawlgallo joogto ah oo lagu xaqiijinayo amniga xeebaha Puntland oo dhan, si looga hortago dhaqdhaqaaqyada sharci-darrada ah sida tahriibka, ka ganacsiga hubka, iyo suurtagalnimada in kooxaha argagixisada ah – gaar ahaan kooxda Daacish – ay helaan marin u suura geliya taageero ama ku baxsadaan xeebaha.

    Booliska Puntland wuxuu hoosta ka xariiqayaa in aysan marnaba ogolaan doonin in xeebaha Puntland loo adeegsado ujeeddooyin khatar gelinaya amniga qaranka, ayna diyaar u yihiin wax kasta oo looga hortagayo falalka lidka ku ah nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka iyo caalamka.

    — DHAMMAAD —

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.