Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Booliska Puntland oo xaqiijiyay in ay dileen Madaxii hawlgallada Ururka argagixisada ah Ee Daacish
    Somalia

    Booliska Puntland oo xaqiijiyay in ay dileen Madaxii hawlgallada Ururka argagixisada ah Ee Daacish

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 13, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Dawladda Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada Amniga ay dileen Madaxii howgallada kooxda argagixisada ah ee Daacish, kaas oo kasoo jeeday dalka Itoobiya.

    Sidoo kale Ciidamada,ayaa ka hortagay weerar ay Maleeshiyaadka argagixisada Daacish doonayeen in ay ka geystaan Degmada Balli-dhidhin ee Gobalka Bari.

    WAR-SAXAAFADEED

    Ciidanka Amniga Puntland ayaa ka hor tagay weerar maleeshiyadda Daacish ay ku qaadeen Degmadda Bali-dhidhin oo ka tirsan Gobolka Bari, abaare 01:00am 12.Jan.2023

    Iska hor-imaadkaas ayey Ciidanka amniga Puntland ku dileen Madaxii hawl-galada Maleeshiyada Daacish Abu-Albara Al Amani kaas oo maleeshiyaadka Daacish u magacaabeen madaxa hawl-galada Daacish illa 11kii, July 2021 xilligiis oo ladilay madaxii hore ee hawl-galada Maleeshiyada Daacish Abuu Waliid Al-muhaajir kaas oo u dhintay dhaawac kasoo gaaray Dagaalkii Daacish lagu qaaday ee ay Ciidamada Amniga Puntland ka fuliyeen agagaarka Buuraleyda Calmiskaad.

    Abu-Albara Al Amani,ayaa ka soo jeeda Gobolka Amara ee dalka Itoobiya, kaas oo itoobiyaan badan ku khasbay inay ku biiraan Maleeshiyadda Daacish.

    Hawl-galka Ciidanka amniga Puntland,ayaa ah mid guul weyn u ah guud ahaan Ummadda reer Puntland iyo kan Somaliya.

    DHAMMAAD

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.