Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Booliska Soomaaliyeed oo billaabay baarista dilkii Elmaas Elman+VIDEO
    Somalia

    Booliska Soomaaliyeed oo billaabay baarista dilkii Elmaas Elman+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 21, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa War kasoo saaray dilkii shalay gudaha Xerada Xalane oo saldhig u ah Dublamaasiyiinta Reer galbeedka ee ku sugan Soomaaliya loogu geystay Elmaas Elman oo mar soo noqotay Xoghayaha koowaad ee Safaarada Soomaaliya ee Kenya.

    Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa sheegay in Booliska Soomaaliya gaar ahaan laanta Dambi baarista ee CID-da laga  furay Gal-dacwadeed ku saabsan dilkaas,isla markaana ay bilaabeen baaritaanka sida dilka uu u dhacay iyo dadkii ka dambeeyey.

    Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in baaritaanka ay ka qeyb qaadanayaan Saraakiil Sar sare oo khibrad u leh dhacdooyinka noocaan oo kale ah.

    https://www.facebook.com/sntvnews/videos/535728080492919/

    Ma jirto faah-faahin dhab ah oo laga hayo dilka Elmaas Elman, waxaa wararku sheegayaan inay inay u geeryootay dhaawac kasoo gaaray Rasaas lagu furay Gaari ay saarneed.

    Almaas Elman Axmed oo ka tirsaneyd haatan Xafiiska xiriirka & Isgaarsiinta ee Midowga Yurub ayaa kamid aheyd Carruurta Elman Axmed oo caan ku ahaa ka Shaqeynta Nabada, kaas oo isna Muqdisho lagu dilay 1996-dii, waxaana ay walaalo ahaayeen gabadha Soomaaliyeed ee u tartamaysa billadda Nabadda ee Ilwaad Elman oo siweyn looga yaqaano Caalamka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.