Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Boosaaso: Dad loo qab-qabtay dilka Guddoomiyihii hore ee Degmada Qandala
    Somalia

    Boosaaso: Dad loo qab-qabtay dilka Guddoomiyihii hore ee Degmada Qandala

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 22, 2020Updated:January 22, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidanka Booliska Gobalka Bari, ayaa howlgallo balaaran ka wada  Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, kaddib dil xalay loogu geystay Magaaladaas Guddoomiyihii hore ee Degmada Qandala ee Gobalka Bari.

    Dilka Guddoomiye Jaamac Maxamed Quurshe, oo ka dhacay bartamaha Magaalada Boosaaso, ayaa waxaa ka dambeeyay koox hubeysan kuwaas oo goobta isaga baxsaday daqiiqado kahor inta aysan Ciidanka Boolisku soo gaarin.

    Saraakiil kamid ah laamaha ammaanka Puntland ayaa sheegay in howlgalka inta uu socday lagu soo qab-qabtay Dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen Dilka Guddoomiyihii ee Degmada Qandala, iyo falal kale oo ka dhacay Magaalada Boosaaso, kuwaas oo haatan baaris ku socoto.

    Ciidanka Booliska Gobalka Bari oo kaashanaya Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta, ayaa bilihii ugu dambeeyay howlgallo joogto ah ka waday Magaalada Boosaaso, waxaana 48 saac ee lasoo dhaafay fashilyeen Qaraxyo waa weyn oo lagu diyaarinayay guri ku yaalla mid kamid ah Xaafadaha Magaalada Boosaaso.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugan Magaalada Boosaaso, isagoona halkaas ka wada kulamo ay qeyb ka yihiin Isimada dhaqanka Gobalka Bari iyo Ganacsatada, kuwaas oo looga hadlayo  xoojinta amniga Boosaaso oo xudun u ah jiritaanka Puntland iyo sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah Argagixisada oo dhibaatooyin ka geysta Gobalka Bari.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.