Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Boosaaso: Guddoomiyihii hore ee Qandala oo caawa la dilay
    Somalia

    Boosaaso: Guddoomiyihii hore ee Qandala oo caawa la dilay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 21, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso, ayaa sheegaya in caawa lagu dilay magaaladaas Guddoomiyihii hore ee Degmada Qandala ee Gobalka Bari.

    Dilka Masuulkan oo lagu magacaabi jiray Jaamac Maxamad Quurshe, ayaa ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn kaalinta shidaalka ee lagu magacaabo Alladii oo ku taalla Bartamaha Magaalada Boosaaso.

    Kooxda dilka geysatay ayaa ka baxsatay goobta, Ciidanka amniga Dowladda Puntland ayaana gaaray goobta uu dilku ka dhacay, iyagoona haatan wada howlgallo lagu baadi-goobayo kooxdii dilka geysatay.

    Marxuum Jaamac Maxamad Quurshe, ayaa ahaa Guddoomiyihii Degmada Qandala xilligii ay qabsatay Kooxda Daacish, sidoo kalena waxaa uu kamid ah saraakiishii hoggaaminaysa Ciidankii dib ula wareegay degmadaas.

    Dilka Guddoomiyihii hore ee Degmada Qandala caawa loogu geystay Magaalada Boosaaso, ayaa kusoo aadaysa xilli magaaladaas uu ku sugan yahay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

    Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.