Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Boqorka UK oo laga helay Xanuunka Kansarka
    Somalia

    Boqorka UK oo laga helay Xanuunka Kansarka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 6, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sida lagu sheegay bayaanka, waxaa natiijada xanuunkan laga helay boqorka ay soo baxday xilli uu horraanba qaadanayay daweyn la xiriirta xanuunada ku dhaca qanjirka loo yaqaanno ‘prostate-ka’,

    Boqorku waxa uu geli doonaa marxalad daawayn, laakiin waxa la rumaysan yahay in kansarkan laga helay uu weli kujiro marxaladdiisii hore.

    Bayaanka ay soo saartay Qasriga Boqortooyada ma aysan shaacin nooca kansarka, laakiin waxay sharraxday in boqorku uu bilaabay qaadashada “daawaynta caadiga ah” ee xanuunkan.

    Boqorka ayaa si shaqsi ah ugu wargaliyay labadiisa wiil xaaladiisa caafimaad, waxaana la sheegay in Amiir William uu xiriir joogto ah la leeyhaay aabihiis.

    Amiir Harry, oo ku nool Mareykanka, ayaa waxa uu la hadlay aabihiis wuxuuna u safri doonaa Boqortooyada Ingiriiska si uu arko isaga maalmaha soo socda.

    Boqorka ayaa ku soo laabtay London isagoo ka yimid Sandringham Norfolk subaxnimadii Isniinta, qasriga ayaa sheegay inuu bilaabay daawaynta bukaan socod ahaan.

    Qasriga Buckingham ayaa sheegay in boqorku “uu aad u wanaagsan yahay uuna rajeynayo inuu sida ugu dhaqsaha badan ugu soo laabto shaqadiisa xafiiska dadweynaha.”

    Boqorku wuxuu dib u dhigi doonaa dhammaan hawlihiisa dadweynaha, Boqorad Consort Camilla iyo Prince William ayaa waxay gacan ka geysan doonaan inay u matalaan qaar ka mid ah waajibaadkiisa inta lagu jiro muddada daaweynta.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.