Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Britain oo si rasmi ah uga baxday Midowga Yurub
    Somalia

    Britain oo si rasmi ah uga baxday Midowga Yurub

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 1, 2020Updated:February 1, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dalka Biritan ayaa si rasmi ahaan uga baxday Midowga Yurub kadib markii dadweynaha waddankaasi ay u codeeyeen inay ka baxaan Midowga Yurub.

    Xarunta baarlamanka ee dalkaas ee magaalada London, ayaa waxa fagaaraha ku yaal ka buuxay dad badan oo taageersanaa in laga baxo midowga, waxaana ay tirinayeen ilbidhiqsiyada ka haray wakhtiga oo markii ay saacaddu 12 habeenimo gaaray damaashaad ballaaran dhigay.

    Britain ayaa Yurub ku biirtay sannadkii 1973-dii, waxaana sannadihii ugu dambeeyey aad u xoogaystay dadwyenaha reer Britain ee ka biyo-diidsan awoodda Midowga Yurub ee arrimaha gudaha ee waddamada xubnaha ka ah.

    UK waxay dalal badan oo caalamka kala hadli doontaa heshiisyo ganacsi oo ku aadan waxyaabaha laga iibsado iyo badeecadaha ay Britain ka soo iibsan doonto dalalka caalamka.

    Wixii hadda kahoreeyay looma oggoleyn Britain in ay heshiis ganacsi la gasho dalalka Mareykanka, Australia iyo dalal kale, maadaama ay ka mid ahayd Midowga Yurub.

    Dadkii taageersanaa ka bixitaanka Yurub ayaa ku doodayay in ay helin doonaa xoriyad ay dal walba kula ganacsan karaan, taasina ay sare u qaadi doonta dhaqaalaha UK.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.