Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Bulshada rayidka ah Ee PL oo ka hor timid Qodobadii kasoo baxay Xamar
    Somalia

    Bulshada rayidka ah Ee PL oo ka hor timid Qodobadii kasoo baxay Xamar

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 31, 2023No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    31daMay,2023- Dallada Ururrada Bulshada Rayidka Puntland (PUNSAA) iyadoo ka duulaysa Qiyamka iyo Mabaadi’da ay ku dhisantahay ee ah maamul-wanaaga iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed waxay xoojinaysaa mar walba in hannaanka dhismaha dowladnimada soomaaliyeed iyo go’aamada masiiriga ah ay noqdaan kuwa lagu gaaro qaab Wadar-ogol ah oo lagu wada qanacsan yahay.

    Bulshada Rayadka ah ee Puntland waxay u aragtaa go’aamadii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran(GWQ) kuwa aan daawo u ahayn khilaafaadka Siyaasiga ah ee dalka ragaadiyey, waxayna sii abuureen dareen ah bulshadu inay ka quusato xal u helida ismari-waaga siyaasadeed ee haatan taagan iyo mindimada ummadda soomaaliyeed guud ahaan.

    Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) waxay ahayd inuu ka duulo aragti ku dhisan Danaha guud ee dalka uuna dareen u yeesho duruufta uu dalku marayo iyo caqabadaha ku geedaaman hannaanka dib u dhiska Dowladnimada Soomaaliyeed.
    Warmurtiyeedka iyo Lifaaqa Golaha Wadatashigu uu soo saaray ayaa u muuqday mid aan loo yeelan dib u milicsi Waayaha iyo heerarka kala duwan uu soo maray dhismaha nidaamaka Federaalka kaas oo la geliyey wakhti, muruq iyo maalba ayna Soomaali oo dhammi qayb ka ahayd.

    Dallada PUNSAA waxay soo dhowaynaysaa hirgelinta nidaamka Xisbiyada badan in dalka oo dhan uu ka hirgalo iyadoo hadda doorashooyinka Dowladaha hoose ee degmooyinka Puntland laga qabtay, waxay ka markhaati kacday in lagu qaban karo dalka oo dhan haddii la helo ka go’naanshiyaha hoggaanka dalka, Shuruucda iyo abuurista xaallado ku haboon qabashadeeda.

    Bulshada Rayidka ah ee Puntland waxay ka digaysaa in lagu xadgudbo Dastuurka Dowladda Federaalka iyo kuwa Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Somalia oo wali u baahan dhamaystir ayna jiraan qodobo badan oo u baahan in laga heshiiyo. Arrrinta kordhinta muddo-xileedka Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada waxay dalka u horseedi kartaa xisilooni la’aan/darro siyaasadeed iyo cirib dambeed aan la mahadin.

    Sidoo kale Labada Aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa xil ka saaranyahay inay gutaan Waajibaadkooda dustuuriga ah ee ilaalinta Dastuurka dalka kana fogaadaan wax walba oo dhaawici kara maqaamka iyo masuuliyadda ay ummadda Soomaaliyeed u hayaan.

    Haddaba, Dalladda PUNSAA waxay soo jeedinaysaa:
    1- Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah waa inay sii wadaan wadahalka iyo xallinta khilaafka siyaasadeed iyadoo la dhaqan gelinayo Dastuurka iyo nidaamka federaaliga ah ee dalka u yaala.
    2- Waxay ugu baaqaysaa labada aqal ee Baarlamaanka in aysan ku degdegin ansixinta wax aan loo dhamayn oo haddana baalmarsan Dastuurka dalka.
    3- Nidaamka Dowladda Soomaaliyeed waa Baarlamaani, in lagu dagdago wax ka badalka nidaamkaas xilligan waxay keeni kartaa cawaaqib xumo iyo dib u dhac ku yimaada geedi-socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed.
    4- In si degdeg ah loo bilaabo howlaha dhamaystirka dastuurka lana dardargeliyo wada-xaajoodka qodobada siyaasiga ah si ku dhisan wadar-ogol iyadoo la raacayo qodobada iyo habraacyada Dastuurka ku qoran.
    5- In bulshada Rayidka laga qaybgeliyo wada-xaajoodka go’aamada masiiriga ah goob-joogna ka noqdaan shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka, si madaxda dalku ay u dhagaystaan fariimaha bulshada iyo aragtiyaha ay qabaan.
    6- Dowladda Puntland, sida Dastuurkeeda ku qeexan, waa in ay hormuud ka noqoto dhismaha dowladda Soomaaliyeed hubisaana ka qaybgalka Shirarka iyo Wadahallada looga arrinsanayo masiirka dalka iyo kaalinta Puntland kaga aadan.

    Mahadsanidiin

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee G.Mudug oo lasoo afjaray

    September 27, 2025

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    September 27, 2025

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    September 27, 2025
    Latest Posts

    Puntland Army killed more than 15 Terrorists Militant last two days

    Khilaafkii Ceelka Qabooley Ee G.Mudug oo lasoo afjaray

    Ku dhawaad Labaateenayo Xubno argagixisada ah oo lagu laayay Calmiskaad

    Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Madaxweyne Deni Ee Nayrobi?

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.