Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Bush”Waa in la baaraa xiriirka Trump iyo Ruushka
    030114-O-0000D-001 President George W. Bush. Photo by Eric Draper, White House.
    Somalia

    Bush”Waa in la baaraa xiriirka Trump iyo Ruushka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 28, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii hore ee Maraykanka George W Bush ayaa sheegay in Ameerika ay u baahan tahay jawaabo la xiriira baaxadda ay leeyihiin xiriirrada u dhaxeeya kooxda madaxweyne Trump iyo Ruushka.

    Waraysi uu siiyey NBC ayuu ku sheegay inuusan hubin in tani ay u baahnaanayso in la magacaabo dacwad ooge gaar ah, sida ay dalabanayaan qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Dimoqaraadiga.

    Mr. Bush wuxuu kaloo difaacay saxaafadda xorta ah oo uu sheegay inay lagama maarmaan u yihiin dimoqraadiyadda.

    Madaxweyne Trump ayaa ku shabbadeeyey hay’adaha warbaahinta ee afka dheer inay yihiin “cadawga shacbiga”, wuxuuna ku adkaystay in wararka sida aan haboonayn ula xiriirinaya Ruushka inay yihiin “warar been abuur ah”.

    George Bush ayaa xayeysiinayey buug uu qoray oo la magac baxay Portraits of Courage: A Commander in Chief’s Tribute to America’s Warriors, kaasoo lacagta ka soo xaroota lagu caawin doono askartii maraykanka ee shaqaynaysay ka dib weerarradii 9/11 iyo qoysaskooda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.