Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»C.C.Warsame oo codkiisa ku biiriyay dhawaaqa Xoriyada Wariye Gurbiye
    Somalia

    C.C.Warsame oo codkiisa ku biiriyay dhawaaqa Xoriyada Wariye Gurbiye

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 15, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaan codkayga ku biirinayaa in xabsiga laga sii daayo, xorriyadiisa la siiyo wariye C/casiis Axmed Gurbiye oo ah agaasime ku xigeenka warbaahinta Goobjoog. Waa la filayey dawlada u hanjabtay Wariye Washignton jooga in aysan kuwa Muqdisho jooga ka baxsan doonin, laakiin la isma lahayn Madaxweynaha ayaa bilaabi doona.

    Haddii uu Madaxweynu eed shakhsi ah u haysto Wariye Gurbiye dacwad ayuu hay’adda Garsoorka ka furan karaa, laakiin awooda laanta fulinta kuma caburin karo muwaadin Soomaaliyeed. Wiil Vila Somalia jooga oo awood dawladeed looga adkaysiiyo mid ficiis ah oo dibadeeda jooga waa dulmigii horay dalkaan u dumiyey.

    Haddii uu Madaxweynuhu dhibsaday qaab dhigaalka qoraalka Wariye Gurbiye, waxay ahayd in uu dhibsado aflagaadada siyaasiyiinta, madaxda iyo maamulada dalka ee xaafiiskiisa laga maalgeliyo. Waxaa madaxweynaha haysta waa wado uu isagu jeexay iyo dhaqan uu horay u jideeyey.

    Tan kale, markii uu Karoona Fayris ku dhacay RW Ingiriiska Boris Johnson, hoygiisa No.10 waa loogu keeni karay agab caafimaad iyo dhakhaatiir daawaysa, laakiin sababta uu Cusbitaal dadwaynaha lagu daaweeyo u tegey, waa in uu naf hur muujiyo, shacabkiisana ka naf jeclaysan, wixii ay qabaana la qabo. Waa tii uu Raage Oomaar bartiisa Twitter ka kusoo qoray

    “Ina adeerkeey iyo Boris Johnson isku Isbitaal ayey caawa jiifaan”

    Ma haboona in madaxweynuhu shacabkiisa ka nafjeclaysto, mana ahayn in halkii ay doodu noqon lahayd heerka hoggaan ee madaxweynuhu ka qaatay hawsha culus Karoona Fayris, in ay doodii noqoto mashiinkii Madaxtooyadaa qaadatay iyo wariyihii sheegayna waa la xiray.

    Waxaan ugu baaqayaa ururada suxufiyiinta, bulshada rayadka ah iyo beesha caalamka, gaar ahaan dawladihii la damqaday wariye Haaruun in ay arrinkan meel kaga soo wada jeesadaan.

    C C.Warsame

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.