Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»C.c.Warsame Oo Ujawaabay Umal
    Somalia

    C.c.Warsame Oo Ujawaabay Umal

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 5, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaan dhegaystay hadal uu Maxamad Cabdi Umal kaga falceliyey khudbad aan horay u jeediyey. Hadalka Umal wuxuu ku soo beegay caawa fiidkii, ka dib maanta duhurkii oo aan dadwaynaha Soomaaliyeed u caddeeyay ugana cudurdaartay wixii khalad ah ee hadalkaygii hore ku jiray. Waxaanse la yaabay in Umal uu si ula kac ah oo shakhsi ah ii lafa gaaray.

    Wuxuu igu tilmaamay: “Jaahil, eey oo kala ah, gaalo raac, Nebi diid ah, Diinta ka xuubsiibtay, dumarka cod si khiyaano ah uga raadsanaya.”

    Wuxuu Umal shacabka Soomaaliyeed ku eedeyey in ay raggii soo qixiyay xukunka ku abaal mariyeen, oo ay madax ka dhigteen. Waxaa uu kaloo sheegay in kuwo aan anigu ka mid ahay ee soo socdana ay gaalo raac yihiin.

    Umal wuxuu ka gaabsaday gabood falka iyo xadgudub ka madaxda haatan talada dalka haysa. Wuxuusan juuq ka oran dhiibistii Qalbidhagax, xasuuqii Baydhabo, cunaqabataynta shacabka Kismaayo, iyo weerarkii wiilasha ilaalada ii ahaa ee xarunta Xisbigayga lagu xasuuqay.

    U hiilinta Diinta ka mid maaha miyaa ilaalinta dhiiga Muslinka, dhowrista sharafkiisa iyo xuquuqdiisa?

    Lama yaabbani Sheekh Umal, sababta oo ah, waa ninkii na gaalaysiiyey markii aan heshiiskii Jabuuti galnay; waa ninkii gaalaysiiyey C/laahi Yuusuf; waa ninka Dawladdii Xasan Sheekh irdaha u taagnaa. Isaga iyo Xasan Daahir waxaa ay ilaalashadaan dawladda uu Farmaajo hoggaamiyo, sababtuna waa ay caddahay. Waa in Fahad Yaasiin oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee Xarakada Ictisaam oo ay soo wada galeen dagaalkii Araare, Gedo iyo Boosaaso uu dawladdaan milkiile ka yahay. Waxaa dhaqan u ah gaalaysiinta Muslimka, banaynta dhiigiisa iyo ku xadgudubka cirdigiisa.

    Hadal jeedinta Umal diin difaac ma ahayn, sababtoo ah ima daba taagnaadeen anigoo wax kasta cadeeyey, waqtiga intiisa badana wuxuu ku bixiyey in uu dadka iibiyo in aanan cod la i siinin. Inta kale Xasan Daahir ayuu kala mid ahaa, laakiin wuxuu kaga duwanaa in uu olole siyaasadeed oo ba’an ku jiray, laakiin waxaan ku kalsoonahay intii dhagaysataa oo caqli, cilmi iyo garasho leh in ay fahmi doonaan halka qasadkiisu yahay iyo hawsha uu Umal heeganka ugu jiro.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.